Sharcinimada is-afgaradka Itoobiya iyo maamulka Somaliland marka xeerarka caalamiga ah loo eego

Is-afgaradka ay Itoobiya la gashay maamulka Soomaalilaan waxa uu huriyay xiisad diblomaasiyeed oo Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhex aloosantay, waxa kale oo uu abuuray doodo siyaasadeed iyo kuwa sharci oo ballaaran, isla markaana wuxuu walaac ku furay xasilloonida Geeska Afrika, iyo nabadgelyada marin-biyoodka aad muhiimka u ah ee Baabul-Mandab.

Is-afgaradka waxaa lagu xusay in Itoobiya laga kireeyey 20km² oo bad ah, muddo konton sano ah, ujeedkuna waa in ay ganacsi ahaan iyo millatari ahaanba u dheefsato, waxaana looga baddashay labo qodob oo kala ah in shirkadda duulimaadyada Itoobiya ay saami ka hesho iyo in Itoobiya ay Soomaalilaan dowlad rasmi ah u aqoonsato. Sidaas ayuu heshiisku u rumaynayaa damaca Itoobiya ee ah inay galaangal ganacsi iyo mid millatariba ku yeelato Badda Cas, wuxuu u oggolaanayaa in ay dekedda Berbera u adeegsato ganacsi ahaan, saldhig ciiddana ay ku yeelato, taasi oo ka dhigan in ciidamaddii badda ee Itoobiya dib loo yagleelo iyo saldhig ciidan oo ay agagaarka dekadda ku yeeshaan.

Waxaa laga digayaa in is-afgaradku uu raad halis ah ku reebi doono darafyada uu tooska u taabanayo iyo kuwa dadban, siiba marinka Baabul-mandab ee Kanaalka Suweys, iyo geeska Afrika, sidoo kale waxa ay saamayn toosa oo masiiri ah ku yeelanaysaa Soomaaliya iyo Masar.

Ilaa jeerkii ay Itoobiya is-afgaradka ku dhawaaqday; xiisadda ayaa cirka isku shareertay, waxaa dhashay loollan dhinacyo badan ah, kaas oo baasiin ku bilbilay dabkii mandiqadda ka qamxayey, tani waxa ay innagu riixaysaa wax iska weydiinta sharciyadda is-afgaradkan markii xeerarka dunida loo eego. Qormadan waxa ay daarrantahay tiirarka sharciyeed ee doodaha darafyada uu heshiisku tooska u taabanayo.

𝗞𝗼𝘄: mawqifka Itoobiya iyo xeerka caalamiga ah

Halgan dheer oo dhiig ku daatay kadib, Eretariya waxa ay madaxbannaanideedii ka qaadatay gumeysataha Itoobiya 1993, kolkaa ayey Itoobiya bilaa bad noqotay, waxayna lumisay saamayntii ay Badda Cas ku lahayd marka laga reebo dekedaha dowladaha deriska ah oo ay wax kala soo degaan. Ilaa xilligaa Itoobiya waxa ay ku riyoonaysay sidii ay mar uun baddacas rug uga heli lahayd. Dhawaan, Itoobiya oo dhiiqo lugaha kula jirta (waxaa guuldarraystay wadahadalladii biyaha ee Masar kala dhexeeyey, hardan gudeed oo dhowr furimood ah, iyo dhibaato dhaqaale) ayuu Abiy Axmed buuqan siraatay. Hadal uu ka horjeediyey baarlamaanka Itoobiya 13-kii Oktoobar, 2023, wuxuu carrabka ku adkeeyey in ay Itoobiya u leedahay xaq dabeecadeed, mid sharciyeed, mid sooyaaleed iyo mid dimugaraafiba in ay Baddacas bogcad ka hesho, waxa uuna sheegay in Itoobiya ay ahayd quwad badeed ilaa ay Ereteriya ka goosatay, isaga oo helitaanka badda iyo marinkeedaba ka dhigay arrin ku lifaaqan jiritaanka Itoobiya. Dooddani buuq badan ayey xilligeedi dhalisay, dowladaha badaha leh ee la deriska ah si adag ayey uga falceliyeen.

Dhacdooyinkani waxa ay goor dambe iftiimiyeen in hadalka hore uu gogoldhig u ahaa wada-hadallada Itoobiya iyo Soomaalilaan ee daaha gadaashiisa lagu karkarinayey, dhanka kale bulshada Itoobiya ayaa indhahooda laga jeedinayey guuldarrooyinka isdabajoogga ah ee xukuumadda Itoobiya, kadib kolkii uu Abiy dhumiyey in badan oo sharciyaddiisii iyo shacbiyaddiisii ah. Ku darsoo, waxa uu ka faa’iidaystay dunida oo ku fooggan dagaalka Ruushka iyo Yukrayn, kan Falastiin iyo Yuhuudda, iyo taagdarrada dowladda Soomaaliya oo qudheedu ku mashquulsan dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Qodobka ugu mudan ee uu Abiy cuskanayo waa xuquuqda uu siinayo heeshiiska Qaramada madoobay ee xeerarka badaha dunida 1982dii, gaar ahaan xuquuqda dowladaha aan badda lahayn loo siiyey inay galaabixi karaan badaha, si xorriyad leh ay ugu gooshi karaan.

Markii aan u fiirsanno (qodobbada 124, 125, 126) ee Xeerka Badaha, waxa aan ogaanaynaa in uu xusayo xaqa ay dowladaha go’doonsan u leeyihiin inay badaha ‘galaabaxaan’, iyaga oo raacaya marinnada dowladaha badaha leh, lagana duulayo heshiis labo-geesood gaar ah ooy labada dhinac isla oggol-yihiin. Xeerka baduhu ma sheegayo in xuquuqdaas sandulle iyo jajuub lagu helo, taas oo lid ku ah waxa uu Abiy Axmed ku andacooday markii uu baarlamaankiisa la hadlayey, xeerarka caalamiga ahi sinnaba uma oggola damac lahaanshiyo oo joogto ah ama kumeelgaar ah ee marrinada badaha.

Xagal kale haddii laga eego damaca Itoobiya waxa uu lid ku yahay mabaadi’da Qarramada Midoobay, oo ay ugu horreyso tixgelinta madaxbannaanida Soomaaliya, in aan arrimaheeda gudeed la faragashan, iyo midnimada dhulkeeda, sidoo kale waxa ay ka hor imaanaysaa mabaadi’ida lagu asasaay Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ah in aan la taaban xudduudihii gumeystaha, iyo in aan la faragalin arrimaha gudeed ee dowlad xubin ka ah.

𝗟𝗮𝗯𝗼: mawqifka Soomaalilaan iyo Xeerka caalamiga ah

Soomaalilaan waa maamul iskii gooni isutaag ugu dhawaaqay 1991-dii welina aan helin aqoonsi rasmi ah. Goosashadooda waxa ay u cuskanayaan xaqa aaya-ka-tashiga ee uu tilmaamayo xeer caalamiga ee la xiriira xuquuqda madaniga ah iyo kuwa siyaasiga ah ee 1966-dii, xeerka caalamiga ah ee xuquuqda dhaqaale, bulsho iyo dhaqan ee la dejiyey 1966-dii, iyo xeerka Afrika ee xuquuqda aadanaha iyo bulshooyinka ee 1982-dii, hase ahaatee waxaa damaca Soomaalilaan hal bacaad lagu lisay ka dhigay in ay ka tirsan yihiim dowlad xor ah oo madaxbannaani leh, sinnana aysan u ahayn gobol gumeyste ku hoos nool. Dhan labaad, waxaa burinaya mabada’a ah in dowlad walba madaxbannaanideeda la tixgeliyo arrimaheeda gudeedna aan la faragelin.

Dhinac saddexaad, waxa aysan buuxin karin qodobka xuquuqeed ee soo baxay 1992-dii, kaas oo sheegaya in ay goosasho ku dhawaaqaan dadyowga loogaga tirada badan yahay dhalasho ahaan, diin ahaan ama af ahaan. Mar afraad, bulshada Soomaalilaan haddii xeerka caalamiga ah loo eego ma aha qolo laga tirobadan yahay, waayo dadka Soomaaliya dega oo ay kuwa Soomaalilaan xitaa ku jiraan waa dad isir, af iyo diinba wadaaga. Doc shanaad, dastuurka Soomaaliya cid bulshada ka mid ah uma oggola xaq aaya-ka-tashi, ku darsoo dowladda dhexe marna maamulkaa wax aqoonsi ah ma ayan siin.

Kolkii Soomaalilaan ay ku guuldarraysatay in ay aqoonsi caalami ah hesho, waxa ay maciinsadeed afti shacab taas lagu dejiyey dastuur u oggolaanaya inay goostaan, waxaase dastuurka waxba-kama-jiraan kasoo qaadaya in dowladda dhexe iyo kuwa dunidaba ayan ka helin wax aqoonsi ah.

𝗦𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅: mowqifka Soomaaliya iyo xeerka caalamiga ah

Dowladda Soomaaliya waxa ay gaashaanka u daruurtay gooni isutaagga Soomaalilaan tan iyo markii ay SNM ku dhawaaqeen, ilaa iyo hadda. Waxa kale oo ay qaaddacday hab kasta oo aqoonsi u fudaynaya goosatada sharciga baalmarsan, is-afgaradka Soomaalilaan iyo Itoobiyana waxa lagu tilmaami karaa faragelintii ugu ba’nayd ee abid loo geysto madaxbannaanida Soomaaliya. Waana tan keentay in mid kamid ah la lataliyaasha Madaxweynaha Soomaaliya uu sheego in ay dagaal ka xigaan aqoonsiga Itoobiya ee Soomaalilaan iyo in ay deked teed ah mulkilado ama ay saldhig ciidan ka samaysato.

Dowladda Soomaaliya waxa ay raacday dhabbo nabadeed; oo ay ugu mudan yihiin in ay heshiiska gebi ahaanba diidday, safiirkeedii Addis Ababa oo ay u yeertay, xeer is-afgaradka laalaya oo ay soo saartay, labada gole ee barlamaanka oo meelmariyey xeer caddaynaya in is-afgaradku uu baalmarsanyahay xeerarka caalamiga ah, kuwa Qarramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, iyo Jaamacadda Carabta. Madaxweynuhu waxa uu la shiray saraakiisha ciidamada si loo dejiyo xeelad xadgudubka Itoobiya la isaga caabbinayo. Wuxuu booqday Eretariya si ay wax isula meel dhigaan, sidoo kale waxaa Muqdisho lagu soo dhaweeyey wafdi sare oo Masar ka yimid, wafdigu waxay sideen farriin ah in Masar ay tixgelinayso madaxbannaanida iyo midnimada dhulka Soomaaliya.

Is-afgaradku waxa uu la kulmay diidmo weyn oo caalamiya; Qaramada Midoobay, Maraykan, Shiinaha, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Ururrada dowliga ah iyo kuwa goboleed, intuba waxa ay caddeeyeen in ay garab taagan yihiin xaqa ay Soomaaliya u leedahay in ay madaxbannaanideeda iyo midnimadeedaba ilaashato.

Docda kale, is-afgaradku waa mid aan sharciyad haysan, marka laga duulo axdigii Fiyeenna ee xeerarka heshiisyada, kaas oo loo yaqaan “xeerkii xeerarka” oo ay Qaramada Midoobay soo saartay Maayo, 1969-kii, lana fuliyey Janaayo, 1980-kii. Waxaa xusid mudan in Itoobiya iyo Soomaaliya ay axdigaa saxiixeen. Qodobka koowaad ee axdigan waxa uu sheegayaa in heshiishyada caalamiga ah ay kala saxiixan karaan uun dowladaha. Qodobka siddeedaad waxaa ku cad in heshiis kasta oo ayan gelin dad dowlad metela uu yahay hal bacaad lagu lisay, qodobka toddobaad waxa uu metelayaasha dowladda ku koobayaa madaxweynayaasha, raysulwasaarayaasha, iyo wasiirrada arrimaha dibedda. Maadama ayan is-afgaradka saxiixin metelayaasha rasmiga ah ee Soomaaliya, Soomaalilaanna ay iyada ka tirsan tahay, heshiiskanu waa mid xeerarka dunida aan waafaqsanayn, tixgelinna ma laha.

Qodobka 53aad ee axdiga Fiyeenna ayaa heshiiskan burinaya, qodobkan waxa uu waxba kama jiraan kasoo qaadayaa heshiis kasta oo ku tumanaya mabaadi’da xeerarka caalamiga ah, mabaadi’daas waxaa ka mid ah mudnaansiinta madaxbannaanida dowladaha, soohdimahooda, iyo in aan arrimahooda gudeed la faragashan. Tan waxaa loo yaqaannaa “saddexlayda Watisfaaliya”. Qodobbada 69-72 waxa ay habeeyeen ciribxumada ka dhalan karta burinta heshiisyada.

Ugu dambayn, Itoobiya iyo Soomaalilaan midkoodna isafgaradkan ma geyn karaan golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waayo qodobadda 76 iyo 77 ee axdiga Fiyeenna ayuu khilaafsan yahay. Innaga oo ku salaynayna fallanqeynta kore, waxaynu xaqiijin karnaa sharci-darrada is-afgaradka ay Itoobiya la gashay Soomaalilaan, marka loo eego qodobada xeerarka caalamiga ah sida: axdiga Qaramada Midoobay, axdiga lagu aasaasay Midowga Afrika, axdiga QM ee badaha, axdiga Fiyeenna ee xeerka heshiisyada “xeerka xeerarka”. Waxaa kale oo aynu xaqiijin karnaa in maamulka Soomaalilaan uu sinnaba xaq ugu lahayn in uu galo heshiisyo caalami ah oo dhaqan-gal ah, maadaama aan la aqoonsanayn.

W/Q: Dr. Saciid Nadaara

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *