William Ruto: Digaag Gade ilaa Madaxwaynaha dooran ee Kiiniya
Madaxwaynaha dooran, Willium Ruto, waxa uu ka mid yahay ragga ugu qanisan Kiiniya, laakiin muddo dheer waxa uu isu arkayey – kabiirka garab-raratada “iyo qofka matala saboolka iyo inta dulman.
Diidmada eedaymihii musuqmaasuqa ahaa ilaa sanaddo hore, waxa uu 55 jirka hanka leh u jihaystay barta talada xukuumaddu taal isaga oo u maraya caqiidadiisa diimeed iyo dabacsanida bilowgiisii ka-ganacsiga digaaga ee uu ku iibin jirey hareeraha waddada. Halgankiisii kala dhexeeyey ra’iisulwasaarihii hore ee Raila Odinga, ee doorashadii 9kii Ogosto, ayaa waxa uu ahaa wax uu ku sawiray ereyo iska fudud. Waxa uu yidhi, waxa ay ahayd halgan u dhexeeya garab-raratada caadiga ah oo u halgamaya sidii ay dheefta u keeni lahaayeen miiska iyo xukun-qoyseedka Kenyatta iyo Odinga kuwaas oo siyaasadda Kiiniyaanka maamulayay tobaneeyo sanno.
Ruto waxa uu yidhi “Waxa aan doonaynaa in uu qof walba ka war qabo hodannimada waddankan. Ma ahan uun kaliya in ay ka warqabaan in yar oo dabaqadda sare ah. ”Siduu ku sheegay qorshihiisa horumarineed ee dhaqaalaha waddanka.
Ganacsadaha hore-u-taajirka ah ayaa si saamayn leh u tartamay [isaga oo la loollamayay Uhuru], kadib markii ay si badheedh ah isugu dhaceen madaxwaynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta, oo isagu dhisayay Odinga la rabay si uu qabto jagada ugu sarreysa . In kasta oo uu tartanku sumcad-dil miidhan ahaa, haddana, ka dib guushiisii, waxa uu Ruto u fidiyey gogol wada-heshiiseed, waxa uuna ballan qaaday in uu la shaqayn doono dhammaan madaxda, ka dib natiijadii kala jabisay komishanka doorashada oo shiday cabsi rabshado ah.
“Ma jirto meel lagu kala aarguto” ayuu yidhi Ruto, isaga oo raaciyey: “waxa aan si waafi ah uga warqabaa in uu waddankeennu taagan yahay xaalad aynu u baahannahay in aynu gacmaha is wada qabsanno.”
‘Istiraatijiyad wax ku ool ah’
Ruto waxa uu soo qabtay jagada madaxwayne ku xigeenka ee xilligii Kenyatta, ilaa 2013, isaga oo taageeray [Kenyatta] laba xilli doorasho jeeruu isna u ballanqaaday in uu ku taageeri doono booskiisa, xilli doorasheedka sannadkan. Waxa ay ahayd heshiis siyaasadeed oo aad ugu dhow mid la been-abuuray, ka dib rabshadihii halista badnaa ee ka dhashay doorashadii 2007—2008 oo si baalaadhan isaga hor keentay Kikuyaha –oo ah qabiilka Kenyatta iyo –Kalenjinka oo ah qowmiyadda Ruto.
Labada nin ayaa la hor keenay maxkamadda dambiyada caalamiha ah (ICC), iyaga oo lagu eedeeye in ay kiciyeen qalalaasaha qowmiyadeed. Ugu dambayn se, maxkamaddu kiiskii waa ay iska laashay, iyada oo ay xeer-ilaalintu ka cabanaysay ololaha aan kala go’a lahayn ee u cagojuglaynta markhaatiga. Laakiin, Ruto ayaa bannaanka loo tuuray ka dib markii uu Kenyatta gacan qaaday Odinga oo siyaasaddii ay muddada dheer colka ku ahaayeen isu geddisay isbaahaysiga siyaasadeed 2018.
Waxa uu dib ula soo laabtay ololihii uu maamulayay inta badan Kenyata si lamid ah ninka kula tartamaya sanduuqa codbixinta, isaga oo xukuumadda ku eedaynaya dhaqaale darrada soo waajahday Kiiniya, oo xataa madaxwayanahana ku eedeeyey in uu u hanjabay isaga iyo qoyskiisaba.
Nic Cheeseman, oo saynisyahan siyaasadeed ka ah jaamacadda Birmingham ee Britain, ayaa waxa uu yidhi wax yar ka hor codaynta “Ruto waxa ay dad badani u arkayaan in uu ka mid yahay qorsheyahannada ugu muhiimsan siyaasadda Kiiniya.”
‘Gufaacadii u wacnayd’
Midabka Jaallaha ifaya ee ku xardhan astaanta xisbigiisa UDA, ee ay summadiisuna tahay gaadhi-gacanka, ayaa uu Ruto isku dayayaa in uu ku hawlgalo oo uu kula xidhiidho dadka la ildaran nolosha masiibadii dhaqaale ee uu Covid-19ku sababay ee uu dagaalka Ukraine-na uga sii daray.
Nerima Wako-Ojiwa, oo ah falanqeeye siyaasaddeed ayaa tidhi doorashada ka hor, Ruto “waxa uu doortay gufaacadii u wacnayd” Goobjoogayaasha ayaa ku qeexay Ruto in uu u halgamay sidii uu u hanan lahaa wax kasta oo uu ka gaadhay nolosha ilaa bilowgiisii hoose harada Rift Valley ee Kiiniya, oo ah meesha dhulka qawmiyadda Kalenjin. Mar baa waxa uu yidhi “waxa aan ku gadi jiray digaag, waddada tareenka oo u dhow gurigayga aniga oo caruur ah… anigaa walaalahay ka bixin jiray lacagta iskuulka.”
“Ilaahay waa ii roonaa dedaal iyo go’aan qaadashaba, waxbaan haystaa markaa.” Hantidiisa ayaa hadda la sheegay in ay gaadhayso malaayiin dollar oo ay ka mid tahay lacago ku jira hudheello, hantida ma-guurtada ah, caymisyo iyo waliba beer wayn oo digaaga lagu dhaqo. Aabbaha lix caruur ah oo aan cabbin khamrida, kaas oo isku qeexa Masiixi dib-u-dhalad ah, Ruto way yartahay isaga oo hadal jeedinaya oo aan mahadin Ilaahiisa ama aan Bible-ka soo xigan.
Markii ugu horraysay ee uu cagta saaray sallaanka siyaasadda –ee kuwa yasaana ku dacaayadeeyaan –in uu helay kharash –waxa ay ahayd 1992. Kadib markii uu dhammaystay daraasaddii culuumta dhirta, waxa uu madax ka noqday ururka dhaqdhaqaaqa dhallinyarada YK’92 (YK’92 youth movement) oo shaqo looga dhigay in ay durbaanka taageerada u tumaan madaxwaynihii hore ee Daniel Arap Moi, oo isaguna ka soo jeeday qawmiyadda Kalenjin.
1997dii, markii uu isku dayay in uu bilaabo xirfaddiisa baarlamaanka isaga oo ku tartamaya kursi yaallay deegaan-doorasheedkiisa, Eldorent North, ayaa uu Moi u sheegay in uu yahay wiil aan sumcad lahayn oo aad sabool u ah. Isagoo dhiirran, ayaa uu Ruto u hayaamay si uu usoo helo kursiga, kaas oo uu doorashooyin xigayna sii fadhiyey. Kuwii yasi jirayna waxa ay sheegaan in uu lacag yar ka xaday mashruucii YK’92, lacagtaana uu u isticmaalay in uu ku galo ganacsi, ilaa iyo haddana waxaa dul hoganaya eedaymo musuqmaasuq iyo dhul boobis. Laakiin in badan ayaa uu diidanaa dacwaddaas, isagoo mar u sheegay warbaahinta maxalliga ah “waan xisaabin karaa shilinkasta oo aan haysto.”
W/Q: France24
W/T: Madasha Hoobaan