Waa kuwama hoggaamiyeyaasha ugu caansan ee kooxda Xamaas ?

Tan iyo markii ay Xamaas, Yuhuudda ku qaadday duullaankii ay muddada ku taamaysay, weydiimo badan ayaa ka dhashay maskaxdii ka dambeysay weerarkii dhimashada badnaa, In badan oo kamid ah ragga caynaanka u haya ee kooxda Qasa gacanta ku haysa ayaa ah kuwo aanan aad loo aqoon, halka qaarkood ay waqti badan oo cimrigooda ah ku qaateen ka-baxsashada iskuday-dil ooy Israa’iil ku layso.

Kuwani waa hoggaamiyayaasha ugu caansan ee Xamaas:

1. Ismaaciil Haniya

Ismaaciil Haniya, waxaa loo garan-ogyahay hoggaamiyaha guud ee Xamaas, Haniya, waa xubin caan ah oo dhaqdhaqaaqa katirsan tan iyo 1980aadkii, kaas oo 1989-kii ay Israa’iil sheelada dhigtay muddo saddex sano iyadoo kaga jawaabaysa kacdoonkii koowaad ee Falastiiniyiinta. Dabadeed waxaa 1992dii loo tarxiilay meel waaqlo ah oo u dhexeysa Israa’iil iyo Lubnaan, isaga iyo tiro hoggaanka Xamaas kamid ah.

Kadib sannad uu dibadwareeg ahaa, Qasa ayuu ku laabtay. 1997-dii ayaa loo doortay hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Xamaas. 2006dii madaxwayne Maxamuud Cabbaas ayaa Ismaaciil Haniya u magacaabay raysalwasaaraha Falastiin kadib markii ay Xamaas guulihii u badnaa ka gaadhay doorashayooyinkii qaran ee qabsoomay. Balse sanad kadib xilkii waa laga xayuubshey kadib markii ay qulqulatooyin dhimasho badnaa oo isbuuc socotay ay kooxdu xisbigii Maxamuud Cabbaas (Fatax) ka saartay marinka Qasa.

Haniya wuu iska diiday xil-ka-qaadistii lagu sameeyay isagoo sharcidarro ku tilmaamay, carrabkana ku adkeeyay in dowladdiisu “aanay sinnaba uga tegayn masuuliyadaha qaran ee ay u hayaan shacabka reer Falastiin” iyo inay sii wadayaan maamulidda Qasa, 2017kii ayaa loo doortay madaxa guud ee xafiiska siyaasadda Xamaas. 2018diina, dowladda Maraykanka ayaa ku tirsatay inuu argagixiye yahay, isaga oo Qadar ku noolaa sannadihii u dambeeyay ee ina weydaartay.


2. Yaxye Sinwaar

Sinwaar saddex jeer ayaa la xiray, markii u dambeysayna waxay ahayd 1988dii, isaga oo lagu xukumay afar xabsi daa’in. Si kastaba, wuxuu kamid ahaa 1,027 qof oo maxaabiis Falastiiniyiin iyo Carabta Israa’iil dagta ah ooy Israa’iil sii deysay iyada oo ku beddelanaysa askar Yuhuud ah ooy Xamaas haysatay muddo shan sano ah.

Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Xamaas ee marinka Qasa, Yaxye Sinwaar, wuxuu dhashay 1962dii, Waa asaasaha kooxda adeegga nabadgelyada Xamaas ee Majdi, taas oo maamusha arrimaha nabadgelyada gudaha, baaritaan ku sameysaa wariifiinta laga shakiyo inay Israa’iil u shaqeeyaan, islamarkaana waa kooxda kabaha la illata sirdoonka Israa’iil iyo saraakiishooda adeegyada amniga.

Yaxye Siwaar booskiisii ayuu ku laabtay isaga oo ah hoggaamiye Xamaas oo aad u caan-baxay, waxaana 2017kii loo xushay madaxa xafiiska siyaasadda kooxda ee marinka Qasa. 2015kiina, dowladda Maraykanka ayaa ku darsatay liiskeeda argagixiyaasha caalamiga ah.


3. Maxamad Dayf

Wuxuu calanka u sidaa guutada Cisu-diin al-Qasaam oo ah millateriga dhaqdhaqaaqa Xamaas. Waa nin badan oo Falastiiniyiintu u yaqaaniin inuu yahay nin dhako badan, halka ay Yuhuuddu u taqaan bisadda sagaalka nafood leh.

Maamulka Yuhuuddu 1989kii ayey sheelada dhigeen, kadib markii uu sameeyay guutada al-Qasaam, iyadoo looga golleeyahay qaqabashada ciidanka Yuhuudda, Siideyntiisii kadib, wuxuu injineerrada kaalmeeyay dhismaha dhuun-dhuleedyada dagaallamayaasha kooxda Xamaas u saamaxay inay Israa’iil gudaheeda galaan.

Dayf, waa mid kamid ah ragga ay Israa’iil ugu raadin badan tahay, iyada oo u haysata qorsheynta iyo korjoogteynta qarax bas oo 1996dii ay ku nafwaayeen tobanaan Israa’iiliyiin ah; iyo kaalintii uu bartamaha 1990aadkii ku lahaa qafaalashada iyo dilka saddex askari oo Yuhuud ah, Israa’iil 2000 ayey xidhay, balse ilbiriqsiyadii koowaad ee kacdoonkii Falastiniyiinta ayuu baxsaday.

Ilaa xilligaa, raad yar buu reebay, waxaa jira saddex sawir oo qura oo laga hayo. Mid waa taariikhaysan yahay, midna waa afdaboolan yahay, midka saddexaadna waa harkiisa. Iskudaygii shirqool ee noloshiisa ugu halista badnaa wuxuu dhacay 2002. Dayf wuu ka badbaaday balse wuxuu ku waayay ishiisa. Yuhuuddu se waxay tiri cag iyo gacan buu sidoo kale ku waayay, hadalkuna dhib buu ku yahay.

Xoogagga amniga Israa’iil markale ayay ku fashilmeen inay dilaan Dayf, waana 2014kii duullaankii ay marinka Qasa ku qaadeen, asii waxay dileen xaaskiisii iyo labo carruurtiisa kamid ah.


4. Marwaan Ciise

Lataliyaha amniga qaranka Maraykanka Jake Sulivan ayaa sheegay in Marwaan ay dileen ciidanka Israa’iil, kadibna warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay inuu ku dhintay duqayn ka dhacday dhuun-dhuleed ku hoos taal kaamka qaxootiga ee Nusayraat.

Taliyahaa sare waxaa sidoo kale loo yaqaan ninka harka ah [ee aanan la arag] ayaa loo arkaa gacanta midig ee Maxamad Dayf. Kahor wararka dhimashadiisa, wuxuu kamid ahaa dadka ay Israaiil oo raadin badan tahay, wuxuuna ku dhaawacmay jeer 2006dii ah oo ay Israa’iil isku dayday inay disho.

Ciidamada Israa’iil ayaa qabtay oo 5 sano xiray intii uu socday kacdoonkii koowaad ee Falastiiniyiinta -doorkii uu hawlaha Xamaas ku lahaa darteed. Maamulka Falastiin ayaa 1997dii xiray, asii kacdoonkii labaad ee 2000 ayaa la sii daayay. Diyaaradaha Israa’iil ayaa gurigiisa labo goor burburiyey intii ay wadeen duullaankoodii Qasa ee 2014 iyo 2021, iyagoo dilay walaalkii la dhashay.

Lama aqoon siduu u ekaa tan iyo 2011, markaa oo uu ka soo muuqday sawir kooxeed la qaaday amin la soo dhaweynayey maxaabiis la isweydaartay. Waxaa loo malaynayaa inuu door shariif ah ka qaatay qorsheynta weerar Israa’iil lagu qaaday, ooy kujiraan weeraradii u dambeeyay.


5. Khaalid Mashcal

Khaalid Mashcal oo 1956dii ku dhashay Daanta Galbeed ayaa lagu tiriyaa asaasayaasha Xamaas. Iyadoo la raacayo awaamiir toos ah oo ka timi RW Yuhuudda ee Natanyaahu ayaa sirdoonkoodu ay 1997dii iskudayeen inay dilaan Khaalid Mashcal oo ku noolaa Joordan.

Wakiillo Mosad ka tirsan ayaa Jordan galay iyagoo sita baasaboorro Kanadiyaan oo bug ah, Khaalid Mashcalna waxay ku dureen sun isaga oo dhabbo maraya. Dowladda Joordan ayaa daaha ka feyday iskudayga dil, waxayna xidhay labo kamid ah xubnihii Mosad. Boqor Xuseenkii dhintay ee Joordan ayaa weydiiyay RW Israa’iil dawada suntan Khaalid Mashcal lagu turqay. Isaga oo cadaadis kala kulmaya MW-hii Maraykanka ee Bill Clinton, RW Netanyaahu wuxuu bixiyey dawadii boqorku weydiiyay ee uu markii hore diiday. Khaalid Mashcal oo ku nool Qadar wuxuu markii u horreysay booqday marinka Qasa 2012dii. Waxaa qaabilay masuuliintii Falastiin iyo shacab si ay usoo dhaweeyaan.

Xamaas 2017kii ayay hoggaanka xafiiska siyaasadda u dooratay Ismaaciil Haniya inuu beddelo Khaalid Mashcal, sidaas ayuuna Khaalid Mashcal ku noqday madaxa hoggaanka siyaasadda dibadda ee kooxda.


6. Maxamuud Sihaar

1945tii ayaa aabbe Falastiini ah iyo hooyo Masaari ah ku dhaleen Qasa. Waxaa lagu tiriyaa hoggaamiyayaasha ugu caansan ee kooxda Xamaas iyo xubin kamid ah hoggaamiyaha siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa. Dugsiga wuxuu ku bartay Qasa, jaamacaddana Qaahira; dabadeed wuxuu takhtarnimo kaga shaqeeyay Qasa iyo Khaan Yoonis ilaa ciidamada Israa’iil ay shaqada uga eryeen mawaaqiftiisa siyaasadeed dartood.

Maxamuud Sahaar 1988dii ayaa lagu xiray xabsiyada Israa’iil, bilo kadib markii la asaasay Xamaas. Wuxuu kamid ahaa raggii ay Israa’iil 1992dii u daabushay lama dagaan cidlo ah, halkaa oo uu sannad ku qaatay. Guulihii ay Xamaas ka gaadhay doorashooyinkii Falastiin ee 2006dii, Maxamuud Sahaar ayaa noqday wasiirkii arrimha dibedda ee xukuumaddii Ismaaciil Haniya intaanan xilka laga qaadin.

Israa’iil waxay isku dayday 2003-dii inay disho Maxamuud Sahaar, markii ay diyaaradi ku soo tuurtay bambo gurigiisa Qasa kuyaal. Duqayntu waxay u geysatay dhaawac yar, balse waxaa ku nafwaayay wiilkiisii u weynaa ee Khaalid. Wiilkiisii labaad ee Xosaam, oo kamid ahaa guutada al-Qasaam waxa uu ku dhintay duqayn diyaaradeed ooy Israa’iil ka geysatay Qasa 2008dii.

W/Q: Lina Alshawabkeh

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *