QALINYAHOW MINDI IYO II NOQO MADDANE.
Jirkii ayaa dareen beelay, aragtiyiihii waa ay gaagaxeen, qalinkiina wuu miyir-doorsoomay; jirro awgeed ayuu sariirta la dul yaallaa oo afkii ayaa juuqda gabay; ma aha mid dhintay oo laga samray, mana aha ku nool oo loo han-waynyahay. Waa qalinkaas; hal-abuurkii hagayey uu gadooday; oo codsigiisii dhagaha ka furaystay, balliyadii ayaa biyo yareeyay, ceelashiina way soo…