SOONKA: Falsafadda gaajada iyo harraadka
Alla yaa inoo ka baahi badan inaan dugsiga soonka dhex maquurano, si uu inoo kaga jawaabo weydiin had iyo jeer na wareerisa oo ah; maxaan u gaajoonnaa oo u harraadnaa?!
Dhuuxid dheer kadib, waxa inoo soo baxaysa dhab ahaan in soonku uusan ahayn barkulan gaajo iyo harraad, qofkii xagashaa ciriiryoon ka dhugtaana wuu ku hungoobi, judha uu bilowdaba wuu jeclaan inuu idlaado, soonkiisana waxa uu ku dhammaysan buuq maalinle ah iyo dagaal uu addoomaha Alle la galo, wax aan macno lahaynna waa uu ka dudaa.
Balse qofkii dhaada in gaajada iyo harraadku ay yihiin agab lagu maquuninayo nafta wixii ay jamata jecel in ay hesho, waxaad arki isaga oo soonka ku raaxaysanaya; waayo maalin walba guul dhab ah ayuu gaaraa, soonkiisuna waxa uu noqon dagaal uu naftiisa kula jiro si u carbiyo, u daahiriyo, caynaanka ugu qabto, sharkeeda iyo shallow-ka-boodkeedana uu u wiiqo, kadib sannad gadood iyo dhalaal raac ah.
Haddii aad gunta sii quustid, waxaad dareemi in arrinka soonku uusan intaa ku ekayn; marka nafta la qabjabiyo ee hoggaanka loo qabto waxaa bilaabmi marxalad tii hore ka kacan; waa in la kadeedo iyada oo khayrka iyo daacaadka lagu dedaalayo, rakcadaha iyo sujuudda la badinayo, iyo in lagu hufo sadaqo; si ay inta calanka cad u taagto ay saaxiibkeed isugu dhiibto, muggeeda dhabta ahna ayan u dhaafin. Marxaladdan, mar kasta oo uu qofku la dedaalo naftiisa, waxaa kordha awooddiisa iyo firfircoonidiisa, waxaa bata dedaalka uu ugu darban yahay raalligelinta rabbigiis, waxaana yaraada iska caabbinta nafta.
Si kooban, falsafaddani waa midda horseedda in isbeddel istaraatiijiyadeed uu waaqaca ka dhasho; dadka oo dhan oo nafahooda ka adkaadana waxa ay ka dhigan tahay in guushii loo dhawaaday, libinta dhabta ahna shaki la’aan waa la hanan doonaa. Awoodda nafta oo loo jabaana waa farriin waaqaca loo dirayo oo saadinaysa qaxar, dulmi, gumayn iyo kelitalis; farriimahani falalkeennii ayey ka dhasheen, waa naftii oo la dulmiyey, kolkii wixii ay muhatayba la mahiibsiiyey.
Ujeedka gaajada iyo harraadka laga leeyahay waa loodinta iyo laylinta nafta, markii facii hore ay ujeedkan fahmeen, xigmaddanna ay Soonka kala dhex baxeen, harkeedana ay sannad walba ku hoos noolaadeen, awooddoodii ayaa siyaadday, markaa ayay noqdeen kuwo aan lagaga dabadhufan oo awoodo xad-ka-bax ah leh, oo nin keli ah baa kun ruux u dhigmay. Waxay ahaayeen kuwo bisha soonqaad nafahooda xakameeya, xayndaabka xaaraantana ka dheeraada. In aan facaa la heer noqonno waxa innaga xiga uun waa in aynu ka libkeenno dagaalka gaajada iyo harraadka, libintaana aan sanadka oo dhan ilaalinno oo aan joogtayno, nafteenna aan gacanta qabanno si aynu hadhow cadowgeenna u garab qabanno.