Soomaalidu Waxay Beddeleen Wajigii Lacag-Dirista Adduunka
Hannaanka suuqa lacag-diridda ee Soomaaliya waa mid ka mid ah kuwa ugu horumarsan dunida, kaas oo ay astaan u tahay qurbajoog badan oo balaayiin doollar sanad walba dalka u soo dira iyo dadweynaha gudaha jooga oo kaashka ka doorbida lacagta taleefanka [la isugu diro].
Xogihii ugu danbeeyay ee Bangiga Adduunka ee 2017 waxa ay tibaaxayeen in 73% dadka ka weyn da’da 16 jir ay adeegsadaan adeegyada lacagta moobilka –taas oo Soomaaliya ka dhigaysa mid ka mid ah suuqyada ugu dhaqdhaqaaqa badan Afrika iyo adduunkaba.
In kasta oo la bartay uun 10 sano hortood, in ka badan 3 meeloodow 2 meel oo ka mid ah ee dhammaan lacag bixinta Soomaaliya waxa ay ku tiirsan tahay adeegyada lacagaha moobilka.
Walow ay Hormuud, shirkadda ugu weyn ee bixisa [adeegga] lacagaha moobilka ee Soomaaliya, ay heshay bishii Maarso ruqsadda lacagaha moobilka ee GSMA, oo ah halbeeg caalamiga ah ee isgaarsiinta hagaagsan, tobannaan sano kadib waddanku wuxuu beddelay wejigii lacag dirista ee adduunka.
Sababaha ugu waaweyn ee ka dambeeya hal’abuurka dalka ee lacag xawilidda waa xaaladaha adag ee lagu howlgalo, hannaanka bangiyada oo liita, hirgalinta siyaasad [lacageed] oo aan jirin, iyo quus laga gaaray dowladda iyo lacagta dalka.
Ikhtiraacaadku waxa ay ugu horrayntii ka soo bilaameen la qabsiga hannaanka xawaaladaha ilaa ay soo if baxeen shirkado lacagaha dira oo caalami ah oo ay Soomaali leedahay, sida World Remit iyo Dahabshiil.
“Qof walba oo moobil haysta wuxuu haystaa adeegga lacagaha moobilka,” ayuu yiri Cabdullaahi Raage, falanqeeye cilmibaariseed oo fadhigiisu yahay Muqdisho, kana tirsan [machadka] African Center for Strategic Progress, US think tank.
“Mushkiladda Soomaaliya ka jirta waa in ay xogtu yar tahay –way adag tahay in la ogaado tirada rasmiga ah. Laakiin waxaan oran lahaa Soomaaliya 10kii qofba 9 ka mid ah way adeegsadaan lacagaha moobilka.”
Suuqa kakan ee Soomaaliya waxa uu dhaliyay xaalad hal’abuurnimo
—
Muddo dheer suuqaqa Soomaaliya waxaa haystay caqabado iyada oo ay [jiraan] kala qaybsanaan dowladda ah oo ay mararka qaarkood dhacaan iskudhacyo hubaysan iyo qaybo ka mid ah dalka oo uu haysto ururka argagixisada ah ee Alshabaab. Laakiin dhibaatooyinkaasi waxa ay abuureen xanuun keenay hal’abuurro xal ah, gaar ahaan dhinacyada khuseeya tiknoolajiga dhaqaalaha.
“Waa dhaqanka bulshadeenna in aan halisaha u bareerno. Caqabaduhu marka ay jiraan, waxaan hal’abuurnaa fikrado cusub,” waxaa yiri Axmed Maxamed Yuusuf, maamulaha iyo guddoomiyaha Hormuud, shirkadda isgaarsiineed ee ugu weyn Soomaaliya, taas oo adeeg siisa 4 milyan iyo bar.
Hal’abuurkii koowaad wuxuu ahaa laqabsiga hannaanka lacag dirista ee xawaaladaha, kaas oo asalkiisu u noqonayo qarnigii 8aad iyo Hindiya, kuna soo fiday Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. Hannaankaasi waxa uu macaamiisha u oggolaanayaa in ay lacag diraan ama helaan iyaga oo kala jooga dalal kala duwan, wuxuuna adeegsanayay shabakad aan rasmi ahayn iyo dallaaliin, iyada oo aysan jirin lacago xuduudaha ka gudbaya.
Habkaani Soomaaliya caan ayuu ka ahaa ka hor [inta aysan soo bixin] adeegyada lacagaha moobilka ee maanta socda, iyada oo xawaaladleyda badankood ay u wareegeen shirkadaha isgaarsiinta ee rasmiga ah. Yuusuf wuxuu sheegay, in 45% wakiillada xawaaladaha ee Soomaaliya, kuwaas oo fududeeya badanaa lacagaha ka yimaada US iyo UK, waxa ay adeegsadaan oo ku ganacsadaan adeegga Hormuud (EVC Plus) ee moobilka lacagta.
Maamulaha shirkadda [Hormuud] wuxuu intaas ku daray in qiimaha sarreeya, gaabiska iyo caqabadaha qaabdhismeed ee hareeyay hannaanka bangiyeed ee Soomaaliya ay markii hore dadka ku riixday adeegsiga xawaaladaha iyo lacagta moobillada ee haatanba.
Suuq aan noociisu meel kale ka jirin
—
Soomaaliya waxay leedahay suuq baratankiisu furan yahay oo lacagaha moobilka ah, kaas oo shirkado badan oo yaryari ay ka hawlgalaan, markii loo fiiriyo suuqyada Afrika ooy shirkado waaweyn oo kooban ka hawlgalaan. Markii loo barbardhigo suuqyada dariska sida Kenya, oo hoy u ah Mpese-da Safaricom, oo ah mid ka mid ah adeegyada moobillada lacagta ee Afrika ugu caansan, kaashka waxaa la isugu diraa doollar ahaan, iyada oo shirkadaha badankood aysan wax khidmad ah saarin lacag-dirista.
Markii ay Hormuud soo saartay EVC Plus sanadkii 2011, Yuusuf wuxuu sheegay in ay adeegga ka dhigeen bilaash, si ay Soomaalida ugu dhiirrigeliyaan laqabsiga tiknolojiyadda maaliyadeed. Halkii ay shirkaddu dakhli ka raadin lahayd isticmaalka macaamiisha ee EVC Plus, waxa ay adeeggaa u adeegsatay in ay macaamiisha ugu soo jiidato adeegyadeeda kale, sida internet-ka iyo kuhadalka.
Yeelkadeed e, qaybta xawaaladda ee EVC Plus waa adeeg khidmad leh. Yuusuf wuxuu sheegay in qaybtaas ay mararka qaarkood adeegsadaan hay’adaha gargaarka, si ay deeq usoo gaarsiiyaan Soomaaliya. In ka badan 200 oo milyan oo doollar ayaa Soomaaliya loo soo diray bilihii ugu dambeeyay iyada oo la adeegsanayo adeeggaan [EVC Plus], maadaama uu dalku la daalaadhacayo abaartii ugu darnayd muddo tobannaan sano ah, ayna macaluul halis ugu jiraan dad ka badan 4 malyan.
Dhab ahaantii Soomaalidu waxa ay leedahay dhaqdhaqaaq lacag-isu-diris oo weyn, iyada oo in ka badan 2 milyan oo muwaadin ay ku nool yihiin dalal ka baxsan Bariga Afrika. Qaramada Midoobay Barnaamijkeeda Horumarintu waxa uu ku qiyaasay in Soomaaliya loo soo diro 1.6 bilyan oo doollar sanad walba –taas oo ku dhow saddex meelood meel wax-soo-saarka waddanka oo 2021-kii ahaa $5.42 bilyan.
Mid ka mid ah shirkadaha ugu caansan ee Soomaaliya dunida inteeda kale ku xiray waa World Remit, shirkad lacagaha la isugu diro oo uu 2009 asaasay ganacsade reer Soomaalilaan ah, kaas oo ku dhibtooday fursadaha lacag-dirista markii uu UK tegay isaga oo qaxooti ah.
Sidoo kale Soomaalidu lacagaha ay akoonada moobillada isugu diraan waa doollar, iyada oo shilin Soomaaligu aanu sal adag lahayn, isla markaana ay IMF tiri ku dhawaad 98% lacagta dadka ku dhex wareegta ay faalso tahay. Kalsoonidarrada lagu qabo lacagta kaashka ah ayaa iyana ah sababaha ay lacagaha moobilku u guulaysteen Soomaaliya, heer ay gobollada qaarkood gebi ahaanba beddeshay booskii shilin Soomaaliga.
Cilmibaaris ayaa sheegaysa in Soomaaliya ay bishii ka dhacaan 155 milyan oo lacag isu-diris, kuwaa oo u dhexeeya dadweyne dhan qiyaastii 17 milyan. Dadka badankiis ayaa lacagtooda ku kaydsada qaab casriya oo danabaysan beddelka baanka caadiga ah.
Walaaca korjoogtayn-la’aanta
—
Mid ka mid ah dhibaatooyinka maxalliga ah ee suuqa dalku inkasta oo uu yahay la’aanta xeerar xakameeya lacagaha moobilka. Mu’asasaadka dowliga ah oo curdan ah iyo halista siyaasadaha suuraafka ah waxa ay dib u dhigeen sharciyo adag oo lagu xakamayn karo shirkadaha lacagaha moobilka si loo hubiyo waxtarka ay adeegyadaasi u leeyihiin macaamiisheeda iyo dalkaba.
Taasi waxa ay kicisay shakiyo laga qabo in lacagaha moobilka loo adeegsado in si sharcidarro ah loogu taageero Alshabaab.
“Waa caqabad in la xakameeyo qulqulka lacagaha ee dalka soo galaya ama ka baxaya” ayuu yiri falanqeeye Raage. “Laakiin shirkadaha gaarka loo leeyahay intii tabartooda ah waxay iskudayaan inay sameeyaan kojoogteyn.”
Waxaa tusaale wanaagsan ah Hormuud, oo noqotay shirkaddii ugu horraysay ee heshay shahaadaha GSMA Mobile Money bishii Maarso. Shahaadada oo ay ka heshay ururka warshadaha ee hormuudka ah waa guul u soo hoyatay isgaarsiinta Soomaaliya, waxayna Hormuud ka dhigaysaa mid ka mid ah shirkadaha u sarreeya ee si la nabdoon oo amni ah u bixiya adeegga moobillada ee Afrika.
Maamuluhu waxa uu u sheegay [warbaahinta] Quartz in shirkadda laga rabay in ay buuxiso 350 shuruudood oo kala jaad ah iyo aqoonsashada macaamiisheeda, [shuruudahaas] oo ahaa kuwo adkaa in la buuxiyo.
“Ma haysanno aqoonsi qaran [national identity] oo jira, sidaa daraaddeedna aqoonsashada macaamiishu yar caqabad bay ahayd,” ayuu yiri. “Laakiin waxaa jira siyaalo kale, tusaale ahaa aqoonsiyo ay bixiyaan maamullada maxalliga ah”.
Mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa waxa ay ahayd in la xaqiiyo in halbeegyada ad’adag ee looga baahan yahay GSMA aysan waxba u dhimin dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee Soomaalida, kuwaas oo aan heli karin aqoonsiyo rasmi ah. Xalku waxa uu noqday in la yareeyo xaddiga ugu badan ee macaamiisha aan la aqoonsan ay ku haysan karaan moobillada ugu badnaan $300, taas oo yaraysay suuragalnimada in loo adeegsado maalgelinno sharcidarro ah.
Walow ay maqan tahay awood sharci oo xoog leh, Yuusuf wuxuu sheegay in dhawaanahan dhinacaas laga sameeyay xoogaa horumar ah. Bangiga Dhexe e Soomaaliya waxa uu Hormuud guddoonsiiyay shatiga lacagaha moobillada, markii ugu horreysay 2017 –taas oo ah summad tusinaysa maalgashadayaasha in suuqa maxalliga ah [ee dalku] uu korayo. Sidoo kale waxaa bishii Ogos la ansixiyay hannaanka lacag-isu-diridda dhexe, kaas oo u oggolaanaya in lacagaha danabaysan ay isu diri karaan bangiyada Soomaaliya, iyada oo lacag dirirdda ka dhigaysa mid u fudud dadka ku nool daafaha waddanka oo dhan.
Geeddiga Soomaaliya casri loogu rarayo
—
Caqabadda ugu weyn ee shirkadaha isgaarsiina Soomaaliya haysta waa ka guuritaanka laynlaynka looga guurayo taleefannada beersalaaxa ah. Bangiga Adduunku waxa uu ogaaday in 49% dadku ay wataan moobillo, laakiin moobillada badankoodu ay yihiin kuwii hore oo ay dadku u wataan in ay helaan adeegga lacagta moobillada.
“Ma aha [moobilladu] kuwo casri ah, ma aha kuwo khad intarneet leh” ayuu yiri Raage. “Xaddiga moobil-sidashada dalku aad bay sarraysaa kolka loo eego xaddiga hooseeya ee intarneet adeegsiga.”
Taasi waxa ay caqabad ku tahay shirkadaha isgaarsiinta ee aadka u doonaya in ay internet-ka ka dhigtaan il dhaqaale ka soo xaroodo. Maamulaha Hormuud waxa uu sheegay in ay hadda maalgalin xoog leh gelinayaan fiber optic, si loo xaqiiyo in “qoys walba in uu khad intarneet helo”.
“Taleefan-ku-hadalkii waa laga sii gudbayaa. Waxyaabo la mid ah WhatsApp-ka iyo barnaamijyo kale ayaa soo baxay, sidaa darteed diiraddeenu hadda waa baahinta iyo lacagaynta adeegayada intarneetka,” ayuu yiri.
W/Q: Tom Collins
W/T: Madasha Hoobaan