SHANTA LUUQADOOD EE JACAYLKA

1) Erayo dhiirrigelin leh:

Luuqadaani waxay adeegsataa erayo si ay u dhiirrigaliso shakhsiga lagu odhanayo. “Waan kaaga mahadcelin inaad gaarigii dhaqday. Waa qurux hadda.” “ku mahadsanid inaad soo daadiso qashinka. Waxaad tahay qof wax loo dhigo aysan jirin.” “Dharkaa aad sidato waad ku soo baxday.” “Dhabtii waxaan jeclahay inaad tahay qof si wanaagsan wax u arka.” “Waxaan u riyaaqay sida hooyadaa aad u caawisay.” “Dhoollacadayntaadu waa mid dadka farxad galisa. Ma u jeeday sida uu qof kasta u farxay markii aad qolka soo gashay?” Dhammaan kuwaani waa erayo dhiirrigelin ah. Erayada aad adeegsanayso waxaa laga yaabaa inay diiradda saaraan shaqsiyada qofka kale ama aad eegto abaal uu qofku adiga ama cid kale u galay. Si aad ugu hadasho luuqadaan, waxaad eegtaa waxa ku soo jiitay ama ku cajabiyey ee qofka ku saabsan, ka dib cajabintaas erayo ku cabir oo dheh. Haddii qofka luuqaddiisa koowaad ee jacaylku ay tahay maqlida erayo dhiirrigelin ah, erayadaadu waxay uga dhignaan doonaan tabtii aaran ku hooray dhul abaar ah. Ma jiro wax aad si qoto dheer ugu qeexi karto jacaylkaaga oo aan ahayn erayo dhiirrigelin ah.

2) Qabashada howlo khidmayn ah:

Dadkaan [luuqaddaan jacaylkoodu yahay] ficilka ayaa kala muhiimsan erayada la dhaho. Haddii qof luuqadiisa koowaad [ee jacaylka] ay tan tahay aad kula hadasho erayo dhiirrigelin ah sida “waan kuu riyaaqaa, waan kuu mahadcelin, waan ku jeclahay,” waxaa suurogal ah inay intay fekeraan ay dhahaan: “haddii aad i jeceshahay, maxay kaaga muuqan wayday oo aad iiga caawin wayday howlaha guriga?” Haddii luuqadooda koowaad ay tahay khidmaynta, markaas dhaqista gaariga, ka jarista cawska [ee deyrka], ka caawinta howlaha guriga, iyo in ilmaha xafaayadda laga badalo ayaa dhabtii ah waxa dareensiin in la jecel yahay. Furaha jacayl ee dadkaasi waa inaad ogaato waxyaabaha ay jeclaan lahaayeen inaad qabato. Intaa ka dib samee oo joogtee [caawintaas].

3) Helista hadiyadaha:

Dadka qaar waxa dareensiiya in la jecel yahay waa in loo keeno hadiyad. Hadiyadda ayaa gudbin farriin ah, ” wuu iga fekerayaa,” “fiiri waxa uu ii keenay.” Hadiyadaha ugu wanaagsan waa kuwa aad ogtahay in qofku ka heli doono. Haddii aad u hadyeyso shabaag iyadoon kalluumaysiga jeclayn maaha mid gudbinaysa farriin ah inaad aad jeceshahay. Sidee ku ogaan waxa qofka kale jecel yahay in hadiyad ahaan loogu keeno? Su’aalo weydii sidoo kale, indho-indhayn samee. Waxaad u fiirsataa faallooyinka uu ka bixiyo marka qof kale oo qoyska ka tirsan hadiyad u keeno. Si taxadar leh u dhegayso ka dib waad ogaan nooca hadiyadaha ee ay aad uga helaan. Sidoo kale dhegayso faallada ay ka bixiyaan marka ay eegaan warqadda liiska alaabaha iibka ah ee dukaamada iyo marka ay daawan alaab laga xayeysiin QVC. Haddii ay dhahaan “waxaan jeclaan lahaa alaabahaa midkood,” meel ku qoro. Sidoo kale iyagoon ku dareemin ayaad weydiin kartaa oo oran kartaa: “Haddii aan hadiyad kuu keeni lahaa, tax alaabta aad jeclaan lahayd inaan kuugu keeno hadiyad ahaan.” Waxaa wanaagsan inaad u keento hadiyad ay codsadeen meeshaad uga keeni lahayd hadiyad kadiso oo aysan rabin. Hadiyadaha oo dhammi uma baahna inay qaali noqdaan. Ubax, nacnac, kaar yar oo wax lagu qoray , buug… mid uun oo kuwaan ka mid ah ayaa u gudbin kara farriin jacayl oo qotodheer qofka luuqadiisa jacayl ay tahay helista hadiyadaha.

4) Wakhti la qaadasho:

La qaadashada wakhtigu waa inaad qofka dareenkaaga oo dhan siiso adigoo waxba ku mashquulayn. Maaha inaad qol wada fariisataan oo TV daawataan. Cid kale ayaa dareenkiina haysata oo idin mashquulin. Waa inaad hal qol wada fariisataan oo damisaan TVga, aydan akhrin joornaallada miiska saaran, inaad is hor fariisataan oo hadashaan isna dhegaysataan. Waxay kale oo noqon kartaa inaad wada lugaysaan iyada oo ujeedku yahay inaad wakhti wada qaadataan ee uusan ahayn, inaad jimicsataan. Lamaanayaasha intay maqaaxi isu raacaan aan wada sheekaysan marna kuma aysan hadlin luuqadda jacayl ee wakhti wada qaadashada. Waxay dabooleen oo kaliya baahidii gaajada haysay. Wakhti wada qaadashada waxa ay ka dhigan tahay, “waxaan arrinkaan u samayn si aan adi wakhti kuula qaato”. Ama ha ahaato inaad dhir ku wada beeraysaan deyrka ama ha ahaato inaad safartaan oo meel cidla’ ah aad teendho ka dhisataan, ujeedka kama dambaysta ahi waa in wakhti la wada qaato. Dadka qaar ma jiraan wax dareensiiya in la jecel yahay oo aan ahayn in wakhti lala qaato.

5) Taabashada jirka:

Muddo dheer ayaan ogayn awoodda dareen ee taabashada. Cilmi baaris ayaa muujinaysa in ilmaha yar ee la taabto, gacanta ama dhabta lagu qabto in dareenkooda jacayl uu ka badan yahay kuwo aan muddo dheer far la saarin. Dhaqan kasta waxuu leeyahay taabasho aan bannaanayn iyo mid bannaan marka la eegayo xubnaha jinsigoodu kala duwan yahay. Taabashada bannaani waa jacayl. Tan aan bannaanayn waa tixgelin la’aan iyo ku xadgudub sharafta qofka.

Qofka luuqadiisa jacayl ay tahay in jirkiisa la taabto, ma jiro wax jacaylka loo qabo si qoto dheer ugu qeexaya oo aan ahayn taabasho habboon.

W/T: Madasha Tarjumaadda Hoobaan

Xigasho: Buugga: Things I Wish I had Known Before We Got Married, Gary Chapman (boggaga 20-21)

Faallada Hoobaan: Qormadaani waa tarjumaad kooban oo ah buugga la dhaho “The 5 Love Languages: The Secret to Love That Lasts” ee qoray Gary Chapman, taas oo uu ku soo koobay buuggiisa kale ee “Things I Wish I had Known Before We Got Married”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *