Saamaynta Taban ee Deeqaha Waxbarasho ee Itoobiya.


Dadka Soomaaliyeed waa kuwo dareen fog oo sheki ah ka qaba dhammaan dhaqdhaqaaqyada Itoobiya. Iyagu Itoobiya waxay u arkaan cadowga koobaad ee Soomaaliya. Nacaybka Itoobiyadu kama dhalan dagaalladii hore oo keliya, se waa natiijo ka dhalatay gardarrada joogtada ah, qabsadshada [dhuleed], iyo fara-gelinteeda siyaasadeed ee Soomaaliya. Dadka Soomaaliyeed waxay dareemaan in dalkoodii ay soo degtay Itoobiyada xiran —Landlocked Ethiopia. Danta daganaanshahanina uu yahay in ay la wareegto dhulka Soomaaliya, ayna hesho xiriir badda ah.

Tallaabo walba oo ay Itoobiya qaaddo dhib kuma jabna sida fiican ee ay u muuqato, [balse] waxaa lagu eegayaa indho shakiyaysan, waxaana lagu tiimbarayn shirqool xun [ahaan]. Si-kastaba, dad yar oo Soomaaliyeed ayaa ku wargashnaa awoodda jilicsan ee ay Itoobiya dhaqangelinaysay si ay saamayn ugu yeelato dhaqanka, siyaasadaha Soomaalida iyo xataa dareenka dadka Soomaaliyeed ee iyada ku jahaysan.

Maqaalkan yar waxaan ku xusi doonaa mid kamida awoodaha jilicsan ee ay itoobiya u adeegsato agab ahaan si ay u bedesho qaabka aynu iyada u aragno iyo sidoo kale natiijooyinka suuragalka ah [ee ka dhalan kara].

Awoodda jilicsan waa liddiga awoodda adag ee ah adeegsiga awoodda millateri ama muquunin, si loo beddelo hab-dhaqanka dowladeed. Ereyga awoodda jilicsan waxaa 1990-kii allifay aragtiyahanka siyaasadeed ee Jaamacadda Harvard, Joseph Nye. Isagu waxa uu awoodda jilicsan ku qeexay: “In aad hesho waxa aad rabtid, adiga oo u duurxulaya soo-jiidasho, beddelka jujuubidda”. Marka loo fiiriyo aragtidaan, waa awoodda uu maamul ku saameeyo maamullo kale, si ay ugu dhaqmaan hababka aadka ugu habboon masaalixdeeda, muquunin la’aan. Si lamid ah jidkaan, dowlado badan baa u weecday istaraatiijiyaddaan oo waxbarashada ugu isticmaalay agab ay ku gaaraan ajendayaashooda siyaasad dibadeed; Itoobiyana mid kamida [dowladahaa] ayey noqotay.

Sanadihii u dambeeyay ba, Itoobiya waxay adayday Soomaaliyeed siinaysay tiro aad u badan oo deeqo-waxbarasho ah. Tusaale ahaan, 2018-kii Itoobiya waxay Soomaalilaan tiro 306 oo arday ah u siisay deeqo waxbarasho. 200 oo kamid ahi waxay ahaayeen heerka koobaad (Bachelor Degree), 100 heerka labaad ah (Master Degree) iyo 6 heerka sare ah (Ph.D). Tiro intaa le’eg ayaa iyana tabtaas oo kale ugaga soo baxay Muqdisho. Taas oo ka dhigan sanadkaas oo quraata 700 oo arday ayaa lagu abaalmariyey deeqaha waxbarasho ee Itoobiya. In-kastoo deeqahaa waxbarasho ayan ugub ahayn, [misana] waxay biirayeen tan iyo 2014-kii; waana ay sii kordhayaan inta socoto waxa loogu yeero ‘Is-dhexgalka Bariga Afrika’.

Kafaala-qaadidda waxbarista sare ee shakhsiyaadku waa qaali, halka ay dowladuhu tobanaan kun oo dollar ku bixiyaan kafaala-qaadidda halkii arday. Tusaale ahaan, Shiinuhu waxa uu 2018-kii ku dhawaaqay in uu deeqaha ardayda ajnebiga ah u qorsheeyay $469 milyan oo doollar.Wadartani waxay isugu jirtaa lacagtii waxbarashada, jeeb-geliska billaha ah, safarrada billaha ah iyo alaabtooda. Si-kasta ba, muhiimadda midka kharajka ardayga kafaala-qaadayaa waa isaga oo ardayga ka helaya jaalnimo qiimo leh, [ardaydaas] oo la rumaysan yahay in ay hanti u yihiin dalka kafaala-qaadaya.

Siinta deeqaha waxbarasho ee dowladaha ajnebiga ah dowladuhu waxay ka leeyihiin ujeeddooyin dhowr ah, oo ay kamid tahay soo-jiidashada ardayga kartida badan, kaas oo qalanjebintiisa kadib wax ku biirin doona horumarka dalka isaga kafaala-qaaday, si lamid ah caalamiyeynta hannaankooda waxbarasho. Asii ujeeddada ugu muhiimsan iyo dhufsane yaraha guud ee dhammaan dowladaha deeqaha bixiyaa ay wadaagaan waa in uu horumariyo muuqaalkooda caalamiga ah iyo in uu dhiso xiriir hoose oo ka dhan ah dalalka loogu tala-galay. Sababtaan aawadeed, in badan oo kamida dowladaha horumarka suubinaya sida Shiinaha, Baraasiil iyo Turkigu, sanadahaan dambe waxay fiiro gaar ah ku bixiyeen caalamiyeynta hannaankooda waxbarasho iyagoo u maraya deeqaha waxbarashada.

Tusaale ahaan, Turkigu waxa uu qaatay istaraatiijiyaddaan waxa uuna si xooggan u maalgashtay kafaala-qaadidda [waxbarista] ardayda ajnebiga ah. Waana uu ku guuleystay yoolashiisii asaasiga ahaa. Bulent Aras & Zulkarnain Mohammed oo 2018-kii qiimeeyay guulaha barnaamijyada deeqaha waxbarasho ee Turkiga ayaa qoray “Is-dhaafsiga waxbarasho waxa uu door muhim ah ka cayaaraa baahinta qaaya-sooraadka dhaqan ee dalka iyo horumarinta indheergarad ay dowladdu ku kalsoon tahay (xaddi uun), una adeegsato dhisidda iyo xoojinta xiriirrada dowladaha adduunka”. Waxay carrabka ku adkeeyeen in badi ardaydu ay kusoo warrameen in ay ku qanacsanaayeen hannaanka waxbarista Turkiga , sidaas na kuwa kale ugu taliyey in ay Turkiga wax ku bartaan.

Qayb kamida barnaamijyada deeqaha waxbarasho waxaa loo nashqadeeyay tababaridda hoggaamiyayaasha aayaha dambe ee dowladaha kale iyadoo la carbinayo keliya kuwa lagu arkay tayo sare oo xirfadda iyo kartida hoggaamineed. Tusaale ahaan, fursadaha deeqaha waxbarasho ee uu bixiyo xafiiska arrimaha dibadda ee Ingiriisku waxa weeye: “In lagu taageero muhiimadaha siyaasadda arrimaha dibadda, iyo in lagu guuleysto ujeeddooyinkii FCO iyadoo xiriirro togan lala samaynayo hoggaamiyayaasha, saameeyayaasha iyo go’aan sameeyayaasha aayaha dambe. Dalal kale oo galbeedka ah ayaa sameeyay barnaamijyo lamid ah kuwaas oo iyagu mirahoodii hadda guranaya. 2018-kii, 155 oo madaxweynayaasha shaqaynaya, raysalwasaareyaal iyo boqortooyo oo caalamka ah ayaa 58 kamid ah wax lagu baray Maraykanka, 58 kale na Ingiriiska, 40-ka soo harayna Faransiiska. Intaas waxaa dheer, in ka badan 95% oo abaalmarinnada ah waa laamaha Taariikhda, Falsafadda iyo Cilmiga Barashada Dadka iyo Dhaqamadooda. Maaddooyinkan waxaa lagu diyaariyay kaaha danaha dowladda hawsha wadata.

Marka lagu daro luuqadda, ardayda waxaa la baraa dhaqannada dowladda [iyaga] kafaala-qaadday, waxaa kale oo la horumariyaa daacadnimadooda iyo jacayl qoto-dheer oo ka dhan ah dalkaa. Marmarka qaar ardayda waxaa lagu furaa aydiyoolojiyado gaar ah ama ba loo baraa qaab laga baaraan-dagay. Tusaale ahaan, da’yarta Soomaaliyeed ee loo diray dalalka Bariga iyo kuwa Galbeedka ee ay weheliyaan aydiyoolojiyadahooda Hanti-wadaagga iyo Hanti-goosadka ah oo iyagu ka horyimi aydiyoolojiyadahoodii [hore]. Si lamid ah, 1970-aadkii, Sacuudiga iyo Masar kuwa haysta fursadaha ay kusii wataan waxbarashadooda waxay ka koobnaayeen laba caqiido & dugsi Islaam is-diiddan.

Sidaa darteed, marka ay guryahooda kula soo laabtaan aqoontii ay soo qaateen iyo xiriirradooda shakhsiga ah, waxay bilaabeen gudbinta luuqaddii iyo dhaqanka dalkii ay wax kusoo barteen. Waxay dhiseen kooxo iyo kooxo-hooseedyo arday hore oo qalanjebisay ah iyadoo laga duulayo waxa ay wadaagaan{takhasuusaadka}. Iyaga oo kaalmo ka ka helaya dalalka ay wax kusoo barteen, koox welibaa waxay horumarisay aydiyoolojiyaddii cusbayd ee la qaadsiiyay, marmarka qaarna waxay miciinsadaan ciidan si ay u gaaraan ujeeddooyinkooda sida ku dhacday kuwa wax lagu soo baray dalalka carbeed oo ay saamayntoodu weli ina ku sii daba-dheeraatay.

Waxba kuma jabna in dalalka shisheeye wax lagu barto. Ardayda marka lagu daro aqoonta ay soo qaateen, waxay helaan raasumaal bulsho kuwaas oo ay dib ugu soo ceshadaan, isla-markaana kolka ay dal kale wax ku bartaan ku daraan wax-ku-darsi qiima leh oo ka dhan ah horumarinta dalka. Sidoo kale, maahan arrin xun tusaale ahaan in dalalku ay adeegsadaan awoodda jilicsan si ay u raadiyaan wada-shaqayn hoose xiriirro adag oo kuwa kale ah. Xaqiiqo ahaan taasi waa waxa dalkeenu u baahan yahay manta, wayna dhici kartaa in ay dalkeenna ka dhigi lahayd duni nabdoon oo lagu noolaan karo. Si-kastaba, waxaa jira canaasiir halis ah iyo kuwa qarsoon oo ku lammaan deeqahaan waxbarasho ee bilaashka ah. Dowladaha marka loo geeyo ku shubashada aynu kor kusoo xusnay; wakiillada sirdoonka ee jaamicaduhu waxay carbiyaan ardayda shisheeye ee dalalkooda wax ku baranaya.

Dhaqangelintani waa mid da’ ah oo aad looga yaqaan aqoonyahannada, jaamacadaha iyo adeegyada sirta ah. Wakiillada qarsooni inta badan waxay beegsadaan da’yarta aanan waaya-aragnimada hore lahayn; isla-markaana iyagoo qaadsiinaya aragtiyahooda.
“Dadku way jilicsan yihiin sanadahooda hore ilaa iyo bilowga da’da labaatanaad —marka ay yaryarka iyo waayo-aragnima li’ida yihiin. Way fududdahay qof loo tababaray xirfadda dad wax ku shubashadu in uu u kaxaysto [ardaydaa] jiho ay markoodii hore u qallooceen. Ama ba in uu ku caawiyo in uu qanciyaa waa waxa loogu talagalay” waxaa yiri Chris Simmons oo ah sirdoon hore oo difaaca Maraykanka ahaa. Intaa wuxuu ku daray “Inta u badan maahan in dhammaan adeegyada sirdoonka in jaamacaduhu ay u muuqdaan bilowga carbinta”.

Su’aal kama taagna Itoobiya in ay isku deyi doonto in ay adeegayaal sirdoon ahaan u carbisato ardaydaa qayb kamid ah. Xataa waxay ka kaalmayn kartaa in ay shaqooyin ka helaan xarumaha dowliga ah ee difaaca & kuwa maaliyadda iyo kuwa kaloo muhim ah, si ay xiriir fiican uga helaan xarumo waaweyn oo Soomaaliya ah, kadib na ay saamayn ugu yeelan lahaayeen siyaasadahooda iyo weliba xiriirradooda dalalka kale.

Aragtida ah in adeegayaal sirdoon oo Itoobiya ahi ay ka shaqeeyaan xarumo dowladeed oo Soomaaliya ahi waa ka caan Soomaalida dhexdeeda. Waxaaba lagu eedeeyaa in saraakiil sar-sare oo dowladda Soomaaliya ay yihiin shaqaale Itoobiyaan ah. In-kasto aanan la caddayn [balse] dadkaani waa kuwo la arko oo xiriirkooda Itoobiyada la yaqaanay kahor inta aanay dowladda ku biirin. Se way ka duwanaan lahayd marka kumaanaan arday soo-qalanjebisay ah oo dhammaantood wax kusoo bartay Itoobiya, [isla-markaa] kuna hadla Af-Amxaarigu ay guryahooda kusoo laabtaan, dabadeed na ay xarumaheena ka shaqo bilaabaan sanad-walba.

Suurayso haddii labaaanka sano ee soo socda ay sanad walba dalka yimaadaan kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay Itoobiya wax soo bartay! Dhaqan sidee ah bay dib ula imaan? Aragtidooda Itoobiya sidee bay noqon? Ugu yaraan jiilka soo kacaya ayey ku faafin dhaqanka iyo afka Itoobiya, iyaga oo Itoobiya ka siinaya muuqaal togan. Xaqiiqdii na soo-saaraya jiil dhiigga iyo muuqaalka Soomaali ka ah, balse tijaabo ahaan, aragti ahaan iyo caqli ahaan ba Itoobiyaan ah. Tani waxay yarayn doontaa cabsida iyo shekiga ay Soomaalidu ka qabaan shisheeyaha, guud ahaan iyo Itoobiya gaar ahaan. Taas oo u ogolaatay in ay soohdimaheeda ka ilaashato Soomaaliya, isla-jeerkaas na ay ka fushato istaraatiijiyaddeeda is-fidineed. Ugu yaraan, qaar ayaa loo carbin doonaa wakiillo iyo shaqaale ka shaqeeya danaha Itoobiya, hoos na marin doona dedaallada Soomaaliya ee tiigsiga yoolasheeda.

Ujeeddadaydu maahan in ay u ololeeyo joojinta ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada sare u doonanaysa Itoobiya. Soomaaliya waxay si daran ugu baahan tahay xoogag leh xirfad iyo aqoon. Waxaa jira faraq weyn oo xirfadeed oo dhan walba ah. Dalkuna ma lahan awood uu wax ku baro, kuna tababaro dadka uu u baahan yahay. Sidaa darteed, taageero kasta oo dal walba ah waa la bogaadin. Si-kastaba, dowladda iyo qolyaha jooga boosaska shaqada ka soo dhajiya meelaha gaarka ahi waa in ay ka taxadaraan halista ay ardayda waxbaratay u soo bandhigaan. Intaa marka lagu daro, dowladdu waxay fahmaysaa cadowgeedu si uu ugu guuleysto lubbiyadooda iyo garaaddahooda in uu ku shaqeeyo istaraatiijiyado kala duwan.

Ogsoonow, deeqaha waxbarasho ee Itoobiya waxaa loo arki doonaa istaraatiijiyad kale oo ay Itoobiya u adeegsanayso sidii ay u maamuli lahayd Soomaaliya, ay na ugu guuleysan lahayd damaceeda isballaarineed.

W/Q: Ibraahin Aadan Shire

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *