Saamaynta Nova (Nova Effect): Waa maxay musiibada nasiibka wanaagsan?
Ma ku soo mareen waxyaabo wanagsan oo noloshaada ka dhacaya kadibna si lama filaan ah ma u joogsadeen? Waxaa kugu hadhay jahawareerka dareemmo isku qasan, adiga oo ka fekeraya sidii ay noloshu ahaan jirtay, waxaad na gaadhay heer aad rajaynayso in aadan weligaa helin nasiibkaas wanaagsan. Waxay u ekaan kartaa calool-xumo, laakiin saamayntani waa sababta ay dad badan ula kulmaan niyad-jab iyo walaac xad-dhaaf ah. Taasi waa Saamaynta Nova.
Dhab ahaan, waa maxay saamaynta Nova (Nova Effect)?
Waa erey saykooloji ah oo ay curiyeen Richard Wiseman iyo Daniel Gilbert. Waxaa loo isticmaalaa in lagu qeexo kororka si aan sahlanayn iyo hoos u dhaca farxadda nolosha qofka kadib markii uu la kulmo nasiib wacan.
Dadku waxa ay inta badan ku faraxaan safarka ay geli doonaan. Waxa ay qorsheystaan wakhtigooda. Waxa ay sameeyan qabanqaabo, dukaameysi, iyo isbeddello badan oo dareen ah, muddadaas. Waxa ay aadaan safar aad u xiiso badan, laakiin marka ay maalmahaa dhammaadku soo dhawaadaan, dadku waxa ay ku dhacaan god murugo leh. Waxa ay bilaabaan in ay si qotodheer uga fikiraan sidii ay noloshu ahaan jirtey. Waxa ay garwaaqsadaan in xamaasaddaas oo dhammi ay meesha ka bixi doonto oo ay tahay in ay la qabsadaan nolosha dhabta ah mar kale. Tani waa dhab ahaan waxa saamaynta Nova ay tahay.
Hoos u dhacan degdegga ah ee fayoobaanta waxaa keena sababta ah dadka oo la qabsaday heer sare oo waayo wacan ah dabadeed ay ku adkaato in ay la qabsadaan marka uu nasiibkoodu isbeddello. Si kale haddii loo dhigo, dadku waxa ay dhibbanayaal u noqdaan musiibada ka dhalata nasiibka wacan.
Musiibada ka dhalata nasiibka wacan?
Waxa ay u muuqataa qosol, laakiin haa. Inta ay dadku higsanayaan inay helaan nasiib wanaagsan, waxaa sidoo kale jira darxumo hareer socota. Marka hore, qofka waxa uu wajahayaa keliya waayaha waxan ee nolosha, balse helitaanka nasiibka wanaagsan waxa ay keentaa dulqaad yari xagga isbeddelka ah. Waxa ay yeelan doonaan rajo aad u sarreysa oo nololeed, sababta oo ah waxba ma qancin doonaan. Hadafka ugu horreeya waxa uu noqon doonaa in ay helaan shaqo mushahar sare leh, laakiin kuma qancaan ee waxa ay higsadaan dallacaad degdeg ah.
Dadka noocan oo kale ah kuma helaan farxad in ay ku farxaan guulaha [ay gaaraan] laakiin waxa ay sii fuulaan oo keliya jaranjarada.
Musiibada ka dhalata nasiibka wacani waxa ay dhacdaa marka dadku awoodi waayaan in ay la qabsadaan isbeddelka xaaladahooda. Tani waxa ay ku dhici kartaa qof kasta oo la kulma isbeddel lamafilaan ah oo jaanis ah, sida ku guulaysiga bakhtiyaanasiibka ama helitaanka dalacsiinta shaqada. Marka hore, dadku way ku farxaan nasiibkooda wacan waxa ayna dareemayaan in noloshoodu ay u beddeshay si ka wanaagsan.
Si kastaba ha ahaato e, muddo kadib, waxa ay la qabsadaan heerka cusub ee hantidooda ama guusha oo ay u qaataan sidii wax dammaanad leh.
Marka uu jaaniskoodu is beddello, sida in ay waayaan shaqadooda ama ay la kulmaan dib u dhac dhaqaale oo weyn, waxa ay la halgamaan la qabsiga duruufahooda cusub waxa ayna la kulmaan hoosudhac weyn oo xagga fayoobida ah.
Mid ka mid ah sababaha ay dadka hantida badan tabcada ay halis weyn ugu jiraan in ay la kulmaan masiibada ka dhalata nasiib-wanaagga waa in ay ka soocmaan dadka kale. Maalku wuxuu inta badan horseedaa maqaam bulsheed oo weyn wuxuuna xayndaab dhex dhigaa dadka [hantida leh] iyo dadka asaagooda ah. Tani waxay ku adkeyn kartaa shakhsiyaadka inay sameystaan xidhiidho macno leh oo ay ku helaan farxad noloshooda gaarka ah [ka dib hanti-beelka]. Intaa waxaa dheer, dadka hantida badan tabcada waxaa laga yaabaa inay qabatimaan sarraynta guushu la timaaddo, oo ay ku adkaato inay la qabsadaan marka uu nasiibkoodu isbeddello.
Waa maxay tahay sababta ay inoo khusayso dunida maanta?
Weligaa ma maqashay ‘Stoic Mentality’ ama ‘In ka yar ayaa ka badan’? Xigashooyinkan oo kale maaha kuwo qurux ahaan lagu farxo laakiin waxa ay leeyihiin muhiimad weyn oo la xidhiidha xaaladda hadda jirta. Mooddooyinka maskaxeed ee noocan oo kale ah waxa ay u dhaqmaan sidii darbi weyn oo liddi ku ah saamaynta Nova. Sababtoo ah marka aad ku qanacsan tahay waxa aad haysato oo aadan ku degdegin sunta, ma xiisayn doontid nasiib wacan oo sarreeya. Markaad dhisto stoic-maskaxeed, kuma saamaynayso hoos u dhaca sare taas oo kuu horseedaysa inaad hesho hab wax ku ool ah.
Adduunyada maanta, shakhsiyaad badan ayaa ku dadaala in ay guul gaadhaan oo hanti urursadaan, iyaga oo aaminsan inay taasi u keenayso farxad iyo bedqab. Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baadhistu waxa ay muujisay in marka la daboolo baahiyaha aasaasiga ah, sida cuntada, hoyga, iyo badbaadada, hantida dheeraadka ah aysan qasab ahayn in ay keento farxad ama fayoobaan. Dhab ahaantii, shakhsiyaadka aad diiradda u saara guusha maaddiga ah ee urursada hanti la taaban karo waxa ay halis weyn ugu jiraan in ay la kulmaan musiibada nasiib wacan.
Hantida badan ayaa la timaadda mas’uuliyado waaweyn. Taasi waa sababta marka qofku soo ururiyo lacagtaas oo dhan, ay u muuqdaan in ay lumiyaan dareenkooda ujeedada. Marka ay dadku aad diiradda u saaraan guusha maaddiga ah, waxaa laga yaabaa in ay dayacaan dhinacyada kale ee noloshooda, sida xidhiidhkooda gaarka ah ama caadooyinkooda. Tani waxa ay keeni kartaa dareen faaruq ah iyo ujeedo la’aan, taas oo gacan ka geysan karta hoos u dhaca fayoobaanta.
Sideen uga baxsan karaa tan?
Waxaa jira hal dariiq oo kaliya – in diiradda la saaro khibradaha halkii aad ka saari lahayd hantida. Cilmi baaris ayaa muujisay in shakhsiyaadka ku bixiya lacagta khibradaha, sida safarka ama hawlaha dibadda, ay ka farxad badan yihiin kuwa lacagta ku bixiya hantidooda. Waayo-aragnimadu waxa ay siisaa shakhsiyaadka leh dareen macne iyo ujeeddo waxa ayna kobcin karaan xidhiidhadooda bulsheed.
Dhis-cilaaqaad shaqsiyeed iyo xidhiidh bulsho. Dadka ula dhaqan si qoto dheer oo ha go’doomin naftaada. Dadka ku nool fooqyada sarsare ayaa ugu cidlo badan. Xidhiidh bulsheed wuxuu dadka siiyaa taageero niyadeed iyo dareenka kamid-ahaanshaha.
Intaa waxaa dheer, waxaa muhiim ah in dadku ay ilaaliyaan dareenka dhugashada iyo mahadnaqa. Halkii ay u qaadan lahaayeen nasiibkooda wanaagsan mid dammaanad leh, dadku waa in ay hoos u dhugtaan waxa ay haystaan oo ay ka mahadnaqaan doorka nasiibku ka qaatay noloshooda. Tani waxa ay ka caawin kartaa dadka in ay joogteeyaan dareenka is-dhul-dhigga oo ay ka ilaaliso in ay aad ugu dhegaan hantidooda ama guusha.
Gebogebadii, saamaynta nova waxa ay muujineysaa musiibada ka dhalata nasiib wacan – ifafaalaha dadku la kulmaan hoos u dhaca fayoobaanta ka dib muddo nasiib wanaag ah. Tani waxaa sababa dadka qabsaday heer sare oo waayo wacan ah dabadeed ay ku adkaato waayo-aragnimadooda sare ee wanaagsan oo ay ku adkaato in ay la qabsadaan marka nasiibkoodu isbeddelo.
Masiibada ka dhalata nasiibka wacan waxa ay si gaar ah u khusaysaa adduunka maanta, xilligaan oo guusha inta badan lagu qiimeeyo hantida maaddiga ah iyo mansabka. Si looga fogaado masiibada ka dhalata nasiib-wanaagga, dadku waa in ay diiradda saaraan waayo’aragnimada hantida maaddiga ah.
W/Q: Smoul
W/T: Cabbaas Baaruud
W/Tf: Madasha Hoobaan