QULQULKA ADDUUNKA EE AFRIKA & QORSHE LA’AANTA SOOMAALIYA
Sanado badan Afrika fiiro gaar ah laguma bixin, qaar ayaaba ugu yeeray qaaradda la ilaaway. Marka loo fiiriyo caalami ahaan istaraatiijiyadda bulsho iyo midda deegaan siyaasadeed ee ay sidato; qaaraddu waxay noqotay mid hoos u dhac weyn samaysay. Magaceedu na waxa uu noqday mid lagu halmaalo macaluul, fowdo siyaasadeed, dagaallo sokeeye, musuq iyo dib u noqosho.
Markii maalgashadayaasha iyo hal-abuurrada ganacsi oo caalamiga ahi ay ka wada hadleen mashaariicda maalgelinta kuwooda dhow iyo kuwooda dhaadheer ee la xiriira tamarta, is-gaarsiinta iyo waaxaha socdaallada ama ba xaddiga heerkiisu aadka u weyn yahay ee isticmaalka [qaybahaas] ee gudaha Koonfur-bari Aasiya, [qaaradda] Afrika waxay noqonaysaa mid loo tixgeliyo goob aanan wax fursad ah lahayn.
Si-kasta ba, arrimahaas oo iyagu haatan isbeddelay, qaaradda na ka-dhigay mid kamida bar-go’yada maalgashi ee ugu haboon ee ay dhoofiyeyaal badan oo caalami ahi u dan-leeyihiin sidii ay suuqeeda u geli lahaayeen, iyaga oo weliba noqonaya maalgashadayaal madani ah.
Xagaagii u dambeeyey qaaraddu waxay aad ugu mashquulsanayd samaynta suuqaq iyo soo-dhaweynta qaar kamida madaxda dowladaha ugu awoodda badan dunida. [Tusaale ahaan]…Dhamaadka bishii Agoosto, qaaradda waxaa soo gaaray hoggaamiyayaasha Shiinaha, Baraasiil, Turkiya, Hindiya, Arjantiina, Boqotrooyada Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Koonru Kuuriya iyo Raashiya.
[Sidoo kale] Bartamihii Maarso ee sanadkaan madaxwaynaha Faransiiska ayaa noqday madaxwaynihii u horreeyay ee dalkaas ee booqda Keenya, halkaas oo uu ku saxiixay heshiisyo [maalgashi oo] ku kacaya in ka-badan $2 bilyan oo doollar.
Hoggaamiyayaashaasi waxay safreen xilliyo kala duwan, waxay na u kala safreen ujeeddooyin kala duwan oo ay kamid tahay: ka qayb-gelidda shirar wejiyo badan, furidda safaarado cusub, iyo xarig-jarka maalgashiyo cusub oo waaweyn.
Tusaale ahaan, RW-ha Hindiya, Narendra Modi ayaa booqday Yugaandha, isaga oo ku dhawaaqay furitaanka 18 safaaradood oo qaaradda ku baahsan; halka isla-bishaas [uu] MW-ha Turkiga iyo midka Arjantiina ay ka qayb-galeen kulankii Koonfur Afrika ee BRICKS (Brazil, Russia, India, China, South Korea, South Africa). Si-kastaba, dhamaan hoggaamiyayaashaasi waxay wadaageen hal yool oo ah horumarinta isku-xir dhow oo lala sameeyo Afrika —si aanan loo lumin fursadaha dihin ee qaaradda. Inta badan hoggaamiyayaasha dunidu na waxay arkeen in barwaaqadooda iyo horumarka mustaqbalkoodu na uu ku xiran-yahay [hadba sida looga faa’iidaysto] Afrika.
Tan iyo 2000-kii, markii uu Shiinuhu sida rasmiga ah u shaaciyey xiriirkiisa ganacsi ee tooska ah ee Afrika, Danaynta qaaraddu way sii koraysay. Korriimadanina tan iyo 2010-kii waxay [qaaradda u keentay] danaynta caalamiga ah. In-kastoo Shiinuhu uu yahay dalka helay manaafacada u weyn [sida ay ka dhawaajiyeen] ka-faalloodayaasha warbaahinta, siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamiga ah. Dalal kale oo kamida saaxiibada qaraamiga ah iyo tartamayaal cusub ayaa kordhiyey joogitaankooda qaaradda.
Intii u dhexeysey 2010-kii ilaa 2017-kii, 65 dal ayaa ballaariyey ganacsiga ay la-leeyihiin Afrikada saxaraha ka hoosaysa. Dalalka Aasiyada-bari sida Thailand iyo Indonesia, marka lagu daro Shiinaha, ayaa iyagu si xad-dhaaf ah u kordhiyey ganacsigooda [kala dhexeeya] qaaradda [Afrika].
Tusaale ahaan, Raashiya, si lamid ah dhowr ka tirsan dalalka Yurubta-bari oo ay ku jiraan Bulgaariya iyo Seerbiya ayaa laba-jibaaray ganacsiga ay la-leeyihiin gobolka; halka Hindiya ay 2016-kii noqotay saaxiibka labaad ee u weyn ee qaaradda Afrika la-leh xiriirka ganacsi.
Marka intaa lagu sii daro, ganacsiga sii badanaya, iyo guntanka diblomaasiyadeed waxaa la arkay koror degdeg badan. Tan iyo 2010-kii, in ka-badan 150 safaaradood ayaa laga furay dalalka saxaraha ka hooseeya. Turkiga iyo Qadar ayaa hoggaaminaya tartanka, iyaga oo furtay 16 iyo 12 safaaradood oo cusub, siday u kala horreeyaan. Intaa waxa sii dheer, dowlado dhowr ah in ay daahfureen siyaasado cusub oo gobolka ka dhan ah, isla-markaa na ay kulanno joogta ah la sameeyeen hoggaamiyayaasha qaaradda.
Tusaale ahaan, Hungary waxay 2015-kii asaastay siyaasaddeeda “Koonfur u furanka”. halka Poland ay 2013-kii shaacisay siyaasaddeeda “Aad Afrika”. Indonesia waxay bishii Abriil ee sanadkii hore ay shir la qaadatay [dowladaha] Afrika, shirkaas oo ay kasoo qayb-galeen 500 oo wefdiyo ah oo iyagu ka kala socday 46 dal oo Afrikaan ah, jaalka horumarinta iyo ururro caalami ah. Dhanka Indonesia waxaa uga qayb-galay 200 oo matalayaal ah oo isugu jira saraakiil dowladeed iyo laamo madani ah. Si lamid ah, Kuwait ayaa iyana 2013-kii qabatay fadhigii 3-aad ee Carabta iyo Afrika; halka ay Jabaan dabayaaqadii Agoostadii hadda dhaaftay qabatay kulankii 7-aad ee iyada iyo Afrika u dhexeeya.
[…Qodobka u weyn ee] Soo-jiidashada Afrika maahan oo keliya soo-saarista macaadinteeda, se aayatiinkeedu waxa uu ku xiran yahay kobaceeda dhaqaale, kororkeeda bulsho ahaaneed iyo dalabka macaamiileed ee aanan horay loo arag. Dhaqaalaha Afrika waxa uu u korayey si xawli ah. Lix kamida tobanka dal ee dunida ugu korriimada badan [dhaqaale ahaan] waa dalal Afrikaan ah.Dhaqaalaha dalalka saxaraha ka hooseeyaa waxa uu 2016-kii kordhay celcelis dhan 3.5%. Isaga o noqday lambarka labaad, markii laga tago Aasiya.
Haayadda IMF-tu na waxay saadaalisay in uu sanadka 2020-ka naaxi doono 4.3%. Intaas waxaa ku sii darsamin kororka bulsho oo isna aad u dhakhsiya badan. 2050-ka na dadka deggan waxaa lagu qiyaasi 2 bilyan oo qof. Halka ay dhamaadka qarnigaan ka gaari doonaan 4 bilyan oo qof. 62% oo dadkaan kamid ahi waxay ka yar-yihiin da’da 25 sano jir. Sidoo kale, 2034-ta waxaa lagu qiyaasay in ay yeelan doonto xoogga dadka shaqeeya ee dunida ugu badan, kuwaas oo gaaraya 1.1 bilyan oo qof. Dadkaa sida degdegta badan u badanayaa waxay u baahan yihiin in la quudiyo, dhar loo xiro, la socdaaliyo, la daweeyo oo weliba wax la baro. Taas oo la macne ah isticmaalku na aad buu u bullaalinayaa.
Marka loo fiiriyo xarunta McKinsey Global Institute, isticmaalka Afrika waxa uu kor u kacayay celcelis gaaraya 5%. Sanadkii 2015-kii na waxa uu ba kor u dhaafay dunida inteeda kale. Korriimada isbeddelladanna waxaa la saadaaliyey in ay sii socdaan, ilaa ay 2025-ka garaaci doonaan $4 tiriliyan oo doollar.
Xaqiiqo ahaan, kolkii la dhowro korriimada dhaqaale ee dalalkaa, kharashaadka quutayaashu dalalka saxaraha ka hooseeya waxa uu u taagan-yahay 50-60%. Sida ku cad Bangiga Horumarinta Afrika.
Kororka isticmaalkan waxaa shidaalinaya sare-u-kaca dabaqadda dhexe ee bulshada qaaradda, kuwaas oo sanadkii 2018-kii lagu qiyaasay in ay gaaraan $330 milyan oo doollar, sanadka 2060-ka na lagu wado in ay gaadho 1.1 bilyan (42% oo tirada dadweynaha ah). Tani waxay bulaalisay dareenka sharikaadka dalalka isaga tallaaba iyo sahmiyayaasha dhaqameed ee suuqa gobolka. Tusaale ahaan, suuqa Maraykan ee Wal-Mart oo ah noociisa midka u weyn dunida oo iibiya badeecadaha tafaariiqda ah ayaa suuqa Massmart ee Koonfur Afrika ku maalgashaday $2.5 bilyan oo doollar. Taasi keliya Wal-Mart kama dhigayso mid Afrika ku xira shabakadda dhaqaale ee u weyn [dunida], balse marka loo dhowro falanqaynta, waxay kaloo boos adag dhaxalsiin doontaa 13 dal oo saxaraha ka hooseeya.
Ayaandarro, si-walboo ay dhamaan dalalka saxaraha ka hooseeyaa u wadaagaan dabeecado isku mid ah oo fiirada dunida kusoo jiiday, misana dhammaantood kama faa’iidi doonaan fursadaha soo-aaddan, Soomaaliya na waxay noqon doontaa midda u horreysa ee laga tegi doono. Intaa marka lagu sii daro, nabad-darrida, xasillooni la’aanta ay weheliyaan kaabayaashii bilowga ahaa ee dhaqaalaha, dowlad-xumo iyo xasillooni-darro siyaasadeed oo maalgashadayaasha dalka ka weeciyay. Soomaaliya waxay wajahaysaa hurgumooyin kale oo ka yareeya fursadaha ay maalgashiyada kusoo jiidan-karto.
Mid kamida hurgumooyinkani waa xirfad yarida baahsan ee dalka ka jirta, in-kastoo ay jaamicaadkiisu na sii badanayaan. 70% dadweynaha Soomaaliyeed waxay ka hooseeyaan da’da 30 sano jir. Saddex meelood laba dalool na waa shaqo la’aan. Xirfad la’aantu waa qayb-weyn oo shaqo la’aanta dhallinyarada kamid ah, hannaanka waxbarashadu na maahan mid arrimahaas buuxinaya.
Jaamacadaha Soomaaliya waxay soo-saaraan qalanjebiyayaal naaqus ah, kuwaas oo isu-haysta aqoonyahanno, aananna doonayn in ay qabtaan shaqooyinka caadiga ah. Dhan-kale na aanan diyaarin karin warqad-yar. Ujeeddada jaamacaduhu waa in ay badiyaan dad cusub, iyaga oo aanan dan ka-lahayn tayadooda. Sanad-walba 50,000 oo arday ayaa ku biira jaamacadaha, 30,000 oo arday ayaa na iskuulaadka ka qalanjebiya. Taasi waxay ka dhigan-tahay toban-kumaad arday ah oo aanan dugsiga sare dhamaysan ayaa sanad-walba ku biira jaamacadaha. Tani waxay si waalli ah u wiiqaysaa tayada waxbarashada, isla-markaa na ay si taban u saamaynaysaa kalsoonida ay loo-shaqeeyayaashu u hayaan ardayda soo-qalanjebisa.
Intaa waxaa sii dheer, waxaa jira is-qaadan-waa ba’an oo u dhexeeya xirfadaha loo baahan yahay e dalka iyo waxa ay jaamacaduhu hayaan. Tani waxay ku qasabtaa in qolyo badan oo loo shaqeeyaa ay xirfadlayaal diyaarsan ka soo daabushaan dalalka deriska ah. Tusaale ahaan, shirkadaha dhismaha, oo iyagu ah qaybta ugu korriimada dheeraysa gudaha Soomaaliya, waxay keensadaan Injineerrada madaniga ah, sahmiyeyaal tayo wacan iyo xirfadlayaasha farsameeya agabka dhismaha ayey iyagu ka keensadaan Keenya, Bangaaladish, iyo Hindiya. Sababtoo ah dadka xirfadahaan lihi gudaha Soomaaliya aad bay ugu yar-yihiin.
Gunaanadkii, dalalka dunida oo dhami waxay u tartamayaan sidii ay saami uga heli lahaayeen fursadahan sii xoogaysanaya ee Afrika, halka dal-kasta oo saxaraha ka hooseeyaa uu ku dadaalayo sidii uu u samayn lahaa fursadahan kuwooda ugu badan. Dalalka qaar, sida: Itoobiya iyo Nayjeeriya, iyagu si fiican bay yeeleen si ay usoo jiitaan maalgashayaasha shisheeye ee waaweyn. Se dalalka qaar ayaa laga tagay, waxaa na u sabab ah [oo la haray] nabadgelyo la’aan iyo sidoo kale la’aanta kaabayaasha dhaqaale —kuwooda seeska ah.
Si-kasta ba, suququrka xirfadaha iyo la’aanta xoogga shaqaalaha ee diyaarsan ayaa ah hurgumada u weyn ee horumarka aayaha Soomaaliya. Maadaama soo-saarista khayraadku ayan sinna ba ku ahayn kobciyeyaasha dhaqaalaha Afrika; [se] khayraadka dadka ayaa ah nuxurka ugu quruxda badan ee waaxyaha horumarka.
Sidaas awgeed, si loo soo jiito maalgashadayaal, oo loo yareeyo shaqo la’aanta dhallinyarada, loona dhiirrigeliyo kuwa shaqeeya; dedaallo [horumarineed] dhinacyada dhan walba khuseeya ayaa muhim ah [ina la sameeyo]. Dowladdu waa in ayan keli ku ekaan waxbarashada heerka sare ah, ee waa in ay samaysaa dib-u-qaabayn muhiimaddeeda leh, isla-markaana ay horumarisaa siyaasadda waxbarashada sare, taas oo la saf ah istaraatiijiyadda horumarineed ee dalka iyo dalabka suuqa ba.
W/Q: Ibrahim Aden Shire
W/T: Madasha Hoobaan