QALINYAHOW MINDI IYO II NOQO MADDANE.
Jirkii ayaa dareen beelay, aragtiyiihii waa ay gaagaxeen, qalinkiina wuu miyir-doorsoomay; jirro awgeed ayuu sariirta la dul yaallaa oo afkii ayaa juuqda gabay; ma aha mid dhintay oo laga samray, mana aha ku nool oo loo han-waynyahay.
Waa qalinkaas; hal-abuurkii hagayey uu gadooday; oo codsigiisii dhagaha ka furaystay, balliyadii ayaa biyo yareeyay, ceelashiina way soo maaxan waayeen, biyahoodiina waa gureen, haddii sida uu doonayo ay wax ku socon lahaayeen; noloshaba geeri ayuu ka door bidi lahaa, waayo noloshiisuba dareen ayay ku dhisnayd, isagiina mar ay caro jiirtay ayuu ka jeesaday, oo sidee buu dareen la’aan u noolaan karaa; dareenka ayaaba wax walba u ah qalin iyo hal-abuurba.
Qoraalku waa shaqo aan shaqooyinka kale la mid ahayn, waa maan, wadne, iyo dareen wada socda oo lagu dul diyaariyey xeero erayo ah, waase erayadee?!. Waa erayo aan la jaad ahayn kuwii alif-beetada ee aan naqaannay, waa erayo jaanta isla-helay, wadajir u heesaya, gacmaha is-dhaafsanaya iyaga oo durbaan tumanaya, kaasoo dhawaqiisaa dhaguhu ku raaxaystaan; laxankiisaa la dhadhansadaa, diryankiisaa dhul fog laga dareemaa, oo laba-dhaciisaa lala ashqaraaraa.
Qoraalku waa maskax lagu dhalaaliyey kulaylka fekerka, lagu dul fidiyey xaashi; si geedka hal-abuurku u cagaarto, laamihiisu u magoolaan, deedna uu tan alle ku mira-dhalo, waa howl murugsan, muuqeedu waa isla-fal-galka qalinka, gacanta iyo xaashida, se kolkii shishay loo sii dhugto waxaa ka gadaaleeya duul dareen, maskaxo, iyo wadanayaal midoobay ah, si ay u qaabeeyaan wax maan-gal ah oo ka gadmi kara akhristayaasha iyo lafa-gurayaashaba..
Qoraalku waa hawl layaab iyo amakaag miiran ah; mar ayuun bay laabtaadu furfurantaa maankaaguna daarmaa, ood soo maaxataa wixii uurkaaga muddo ka guuxayey, deedna muddo kadib ayaad ogaataa in aadan sinnaba u cabiri karin; oraah ahaan, maan ahaan iyo aragti ahaanba.
Waxa ay yiraahdaan suugaantu jajuub kuma timaaddo, waa halkii uu Gaarriye -AHUN- ka kalaa:
“Waxaruhu sidaan qabo,
weligoodba qoor-qabad
biyo kuma qurquriyaan,
anna qiiro mooyee
qasab kuma balwayn.”
Sidoo kale waa habkii uu nagu barbaariyey barahaygii Sakariye Maxamuud Ciise -AHUN-, anigana waayaha ayaa iiga marag-kacay dhabnimada hadalkiisa, sida aan hordhacaba ku xusay; jirkii ayaa dareen beelay, kamana war-celiyo gurmad-doonka qalinka, qaylo-dhaanta xaashiyaha, iyo habar-wacashada dareenka.
Haka yaabin in qalinkaagu miyirsado oo uu gadoodka joojiyo; inta uusan helin duruufo ku habboon hal-abuurka, isagu waa siyaasi ruug-caddaa ah waxa uu si fiican u garanayaa habka uu go’aamadiisa u gorfaynayo deedna ugu dhawaaqayo, sidoo kale waxa uu qummaati u yaqaan xilliga uu dib-u-guranayo, waa looga caalwaayey inuu kusoo loodsamo isku dayada quusta ah iyo bootada ciidanka, kolka bandow lasoo rogo isagu uma joojiyo, oo roondadu waxba kama qaban karaan, siduu doono ayuu u meeraystaa oo isaga uun ayay ka go’daa joojinta iyo ogolaanshaha meeraysiga.
Muddo bil ah, ayuu qalinkii iga qaatay galaddii qoraalka, malaga yaabaa in uu joojiyo gadoodkan bilaha jirsaday? Anigu ma garanayo se dhambaal degdeg ah ayaan u dirayaa:
Dhambaal degdega ah oo ku socda qalinka:
____________________________________________
Waxa ay mahadi u sugnaatay Eebe waynaha qalinka wax baray, dadkana baray wax aysan aqoon, naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaato suubanihii, barihii basharka, mudanihii abuurka iyo horseedkii inta hanuuntay ee alle uun ka cabsata, kaas oo Eebbihii horay u waydiistay in uu aqoonta u kordhiyo.
Qalinyahow, waxa aan kuu soo dirayaa salaan midda ugu diirran uguna runsan, adiga ayaan magantaada ahay; si aad u joojiso gadoodka codsiyadaydana u ogolaato, saaxiibtinimadeedana – ilaa yaraantiiina- aad sare u qaaddo.
Qalinyahow, si dhab ayaan kaaga baryay in aad xaaladda u dejiso, naftaydana uga turtid geediga dheer ee rafaadka badan, waxaa i dilaya kulayka xagaaga iyo qabowga dayrta, ii ahow mid dhibrin badan oo dabacsan, anigu gabannimadaydii iyo waynaantaydiiba jaal adiga kaa fiican lamaan saaxiibin.
Qalinyahow, aynu dib u heshiinno, kala qoqobnaanta ka baxno, inta kala irdhowdayna isu soo uruurinno, bulshadana go’doominta ka dul qaad, adiga ayaa il-baxnimada tiir u ah ay ku taagantahay, xuquuqda dhowra, samaha faafiya, saaxiibka u gargaara, cadowgana gabawara, adiga ayaa wanaag kasta oo la fool-xumeeyo lana daboolo difaaca, been-abuurkana ka bari-yeela.
Qalinyahow, racfaankani racfaan ma sii ahaanayo, adiguba waad ogsoontahay in gacanta wixii aad farto aysan ka laba-labaynayn, waxaan kaa doonayaa in aad codsigayga ogolaato, waxaan kugu abhinayaa Eebihii uunka ka hor kugu yiri qalinyahow qor, markaad tiri maxaan qoraana, kuugu warceliyey: maqaadiirta uunka qor.
Qalinyahow, hurdadu adiga kuuma sama, gadoodkana haku laaban maanta ka gadaal, fadhiga ka kac oo sida u habboon u halgan.
Qalinyahow, ummaddayada muddo dheerba waxaa ka maqnaa caaraddii waranka, walalacdii seefta iyo baalkii leebka, adiguse sidee ayaad u maqnaan kartaa, sidee bay caaraddu kaaga jabi karaysaa, sidee buu gurmadku kaaga istaagi karaa, sidee bayse afmiishaarnimadu kuu dhagraysaa, sara-joogso, oo maqal dhawaaqa gabyaageenna:
“Gabay-yahaw i maqal;
Madax-yahaw rimmani
Jiiftada madiix;
Masafooy gadood;
Maax-yahay ha gudhin.
Qalin-yahaw mindiyo
Ii noqo maddane;
Ku marriimo dhiig;
Kuna maydho ciin.
Khadkan hoo murka ah;
Kii macallinka ah
Ee midab-caska ah.” Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye.
Taasina waa dooddayda iyo baahida aan kuu qabo, sidaa darteed; qalinyahow codsigayga oggolow ama sidii dhaqanka kuu ahayd dhuumo.
W/Q: Bare Maxamed Nadiif Showkaani.
W/T: Madasha Hoobaan