Garsoorka Alle kii ku raali ahaada, Eebbana qaddartiisuu ku raali gashaa.

Ujeedooyin dahsoon iyo xaqiiqooyin sarsare ayaa ku sugan xikmadaha rabbaaniga ah, in lagu raalli ahaado garsoorka Eebbe iyo qaddartiisaba waa albaabka ugu wayn ee Eebbe, jannada adduunka iyo raaxada kuwa sabra, qoraalkii waa qalalay, kutubtiina waa la laabay, garsoorkii Eebbana waa dhacay, wixiii nagu dhacay marna nama ay seegeen, wixii na seegayna marna nama ay…

Read More

Maalik Bin Nabi iyo Waxtarka Aragatiyaha ee Horumarinta Bulshada

Maalik Bin Nabi, aragtidiisa ku aaddan dhismaha bulshada, waxa uu diiradda ku saarayaa kaalinta libaax iyo istiraatiijiyadeed ee aragtiyuhu ka qaataan dhismaha ilbaxnimada bulshooyinka. Halkaan waxaan xoogga ku saaraynaa aragtiyaha dhiirrigelinaya dhaqdhaqaaqa, shaqada iyo cusboonaysiinta. Quraanka Kariimka ahi waxa uu kusoo degay deegaan bulsho ahaan, aqoon ahaan iyo anshax ahaan ba diginta ah, isaga oo…

Read More

CAQABADAHA CUSUB EE GEESKA AFRIKA. “Geeska Afrika iyo Badda Cas”

Geeska Afrika taariikhda weligeed looma qeexin gobol ahaan. Wuu kala duwan yahay muuqaal ahaan, dad ahaan & juqraafi ahaan; kala-duwanaanshiye aan caadi ahayn oo dhanka afafka ah, iyo tiro is-le’eg oo Muslim & Kiristan ah. Dadkiisu waxay xiriir la leeyihiin Afrika, Bariga Dhexe iyo Badwaynta Hindiya—in badanna dhawaanahan Yurub iyo Ameerika. Laakiin dadkiisu Geeska ahaan…

Read More

Saamaynta Taban ee Deeqaha Waxbarasho ee Itoobiya.

Dadka Soomaaliyeed waa kuwo dareen fog oo sheki ah ka qaba dhammaan dhaqdhaqaaqyada Itoobiya. Iyagu Itoobiya waxay u arkaan cadowga koobaad ee Soomaaliya. Nacaybka Itoobiyadu kama dhalan dagaalladii hore oo keliya, se waa natiijo ka dhalatay gardarrada joogtada ah, qabsadshada [dhuleed], iyo fara-gelinteeda siyaasadeed ee Soomaaliya. Dadka Soomaaliyeed waxay dareemaan in dalkoodii ay soo degtay…

Read More

Sidee Daarwiiniyaddu (Darwinism) u jidaysay in la xasuuqo Aadanaha? …Naasiyaddii (Nazism) tusaale ahaan

“Aadanuhu ma aha mid ku qeexan siduu Darwin qabay, si lamida duniduna ma aha mid ku qeexan siduu Newton qabay” – Alija Izetbegović. Gugii 1945-kii, subax ay bisha Abriil soddonka buuxisay ayaa dawladihii is bahaysiga iyo kuwii ku midaysnaa dhidibku “Axis” ku waabariisteen is qur-goynta ninkii 6 sano ka hor shiday dubaaladdii dagaalkooda, dagaalkaas oo…

Read More

GEESKA AFRIKA IYO GEESKA CARABTA

Eray-bixinnada deegaan-siyaasadeedka ee uu curiyey aqoonyahankii waynaa ee Dr Cali Masruuci (1933-2014),waxaa ka mid ah erayga “Afrabia” oo ah eray af-ingiriisi ah oo ka kooban labo eray oo la isa saaray; bilowga eragayga “Africa” iyo dhamaadka “Arabia”.Mascuuri eray-bixintaan wuxuu uga gol-lahaa inuu ku muujiyo isku-milanka deegaan,sooyaal iyo dhaqan ee guunka ah ee ka dhexeeya qaaradda…

Read More

AADAMIGU MA KA MAARMAA DIINTA ?

Haddii aad sawirato fahanka guud ee ereyga {Diin}, waxaad ogaaneysaa in uusan bini’aadanku ka maarmin diinta. Sababtuna waa macnaha ereyga {Diin} wuxuu kulansaday seddex arrimood oo mug weyn oo kala ah: [Waa kaas macnaha Diintu]. Haddaba suurtagal ma tahay in qofku ka maarmo ama inkiro aragtidaas kulansanaysa jiritaanka oo dhan, kadibna adduunkaan uu ku noqdo…

Read More