Nagu Saabsan

Haybta Madasha Hoobaan

Madasha Hoobaan waa madal kulmisay dhallinyaro Soomaaliyeed oo joogsaday turjumidda dhiganeyaasha, iyo nooc walba oo qormooyinka aqooneed ah ee afafka qalaad ku qoran.

Farriinta Madasha hoobaan

Farriinta madashu waa soo afnaqidda dhiganeyaasha iyo qormooyinka ku dabaacan afafka qalaad, si bulshadu ay aqoontaas ula falgasho, dabadeedna loo soo saaro aqoon cusub oo ogaal badan xambaarsan. Iyada oo taas laga duulayo madashu waxa ay turjuntay in ka badan 250 oo maqaal iyo hal buug (Gundhigga Guddoonka Islaamka), haddana waxay u taagan tahay ka shaqaynta mashaariicda tarjumaadda qoraaleed iyo kuwa muuqaaleed.

Sidoo kale, waxa ay si sanadle ah u soo saartaa joornaal aqooneed la daabaco, oo lala degi karo (PDF). Waxaa intaa hareer socda abaabulidda iyo qabashada kulan-aqooneedyo, doodo iyo barnaamijyo dadweyne oo wacyi-dhis ah.

258309286_996325784258389_5707614609795707783_n (1)

Hiraalka madashu waa in AfSoomaaligu gaadho heer isaga wax laga turjunto.

Aragtida Haldoorka ee ku aaddan Madasha

Sida aan ku arkay, filashadayda mustaqbalkuna ay tahay, Madasha Hoobaan waxay baaldahab ah kaga jirtaa, kagana sii jiri doontaa qaaraanka aqooneed ee ay aqoonyahanku ummaddooda ku kaalayaan, jahligana ugaga gargaarayaan. Jira oo jooga, dedaalkiinna laba jibbaara-Alle idankii.
Maxammed Gaanni
Qoraa / Tarjumaa
Madasha Hoobaan waxay inta aan aqaanayba wax weyn ku darsatay sidii ay Soomaalida wax akhrida ugu soo duwi lahayd gacanno macluumaadka iyo ogaalka ummadaha kale u soo shuba. Nuxurka xogta ay soo turjumayeen labadaa sano waa la falanqayn doonaa, lagana doodi doonaa sida ay wax ugu darsan karaan beerta aynu falayno ee ilbaxnimada Soomaalida. Waan bogaadinayaa, waanan ku boorrinayaa in ay sii wadaan.
Aw Guudcadde
Qoraa, Tarjume
Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madasha Hoobaan, munaasibadda sannadguuradii labad ee aasaaskeeda, Bahda Hoobaan, maqaallada ay baahiyeen, majaladda iyo buugaagta ay gacanta ku hayaan ba, waa kuwo wax ka beddeli doona wacyiga Soomaalida, Hore u wada geeddiga, oo ha ka daalina hayaanka qalinka iyo turjumaadda.arista oo dalkeenna ka fadhiya.
Cali Ileeye
Qoraa , Abwaan
Turjumaaddu waa hab waligeedba ummaduhu isugu gudbiyaan aqoonta iyo ilbaxnimada. Waa hab fududeeya xiriirka ummadaha, iyada oo tarjamaddu isbarto, isna fahansiiso ummadaha. Maanta dadka Soomaaliyeed waxay baahi wayn u qabaan dhaqdhaqaaq turjumaadeed oo aqoonta afafka kale ku qoran u rogta afkooda hooyo si dad badan ugu fufudaato in ay aqoonta ku akhriyaan afkooda hooyo. Hoobaan waxay ka jawaabaysaa baahidaas u baahan in la haqab tiro, si loo dhaqaajiyo tareenka aqoonta iyo cilmi baarista oo dalkeenna ka fadhiya.
Saalim Saciid Saalim
Bare , Cilmibaare

Nagala Soo Xidhiidh

Wixii Faahfaahin Inala soo xidhiidh waxaan kuugu soo jawaabi doonnaa sida ugu dhakhsiyaha badan 

Adresses

Garowe, Puntland, Somalia 

Wixii xog dheereeda fadlan farriin noo reeb adiga oo adeegsanaya emailkaaga , waxaan kuugu soo jawaabi doonnaa sida ugu dhakhsiyaha badan.