Masar maxay u dhisanaysaa webi dad-samey ah midka u weyn dunida
Masar waxa ay horumarinaysaa qorshaheeda ay ku dhisanayso webi dad-samey ah midka u weyn caalamka, si ay u kordhiso badqabka khayraadkeeda una tirtirto calan-u-sidnimada soo dhoofsashada qamadiga. Mashruuca cusub ee Delta oo ku kacaya $5.25 bilyan dhererka dhismihiisu wuxuu gaari doonaa 114km, taas oo ka dhigaysa webi dad-samey ah midka u dheer dunida, iyo mashruucii u weynaa ee Masar laga fuliyo. Webigu wuxuu mari doonaa marinka Rod El Farag-El Dabaa, isaga oo biyaha ka qaadaya xeebta waqooyi, kana gudbaya saxaraha galbeed oo dhan ilaa uu ka gaaro aagga beeraha ee New Delta. Wuxuuna mari doonaa dhowr gegi-dayuuradeed iyo dhowr dekedood.
New Delta waa mashruuc isku raran ah oo ay hoggaaminayaan wasaaradaha khayraadka biyaha, waraabka, beeraha iyo khayraadka dhulka oo garab ka helaya madaxwayne Cabdifataax As-siisi iyo raysalwasaare Mustafa Madbuuli. Markii farta laga jaro, New Delta waxay tabar u yeelanaysaa ciid-rogga 9,200km oo saxaraha galbeed ka mid ah, si loo badiyo dhulalka u bacriman beerashada, si gaar ah qamadiga. Inkasta oo ugu horreyn looga golleeyahay kordhinta khayraadka biyaha, waraabka iyo horumarinta wax-soo-saarka beeraha; misana waxay soo noolayn dhul dhintay, waxay kor u qaadi dhaqaalaha qaranka Masar, waxaana laga filayaa inay shaqo abuur u sameeyo 10,000 oo qof. Warbaahinta dowladda ayaa mareegteeda ku sheegtay in mashruucani u socdo “soo-saarista dalag beereed heer sare ah oo lagu iibinayo qiime macquul ku ah jeebka muwaadiniinta iyo in dheeriga dibadda loo dhoofiyo; taas oo yaraynaysa la soo degidda, kaydinaysa lacagta adag, iyo in laga guul gaaro Yoolasha Horumarka Waara [ee Qaramada Midoobay]
Masar waxay la tacaalaysay xasaraddo is biirsaday oo ahaa biyo iyo cunto yaraan. Markii loo fiiriyo Qaramada Midoobay, [Masar] waxaa kajira mid kamid ah biyo-yaraanta u daran Afrika, iyadoo biyaha la isticmaali karaa ay dhammaan karaan 2025. Si loo xalliyo dhibaatadan, waxaa la tebiyay in dowladdu dalka ay u qaybinayso biyaha, oo macaanineyso biyaha badda & kuwa harada, iyo in ay maalgelinayso habka waraabka casriga ah.
Masar waa dalka u weyn dunida xagga la soo degidda qamadiga, wuxuuna rajeyn in webiga cusub uu awoodsiiyo dhul badan oo sarreenku ka baxo. [Mashruuca] webiga waxaa ka mida 92km oo dhabbooyin furan ah, wuxuuna u baahan doonaa 22km oo tubooyinka hoos mara ah -si loo maareeyo biyaha hoose, marshin-biyooddada iyo biyaha kore. Tan waxaa lagu farsamayn doonaa Al-Hammam (wasakh nadiifiyaha biyaha beeraha) si loo soo saaro 10m³ oo biyo ah. Ilaa hadda, 65% oo webiga furan ah ayaa la dhammaystiray, oo ay raacansan tahay 35% oo shaqada biyo-gudbinta ah.