Marka uu aqoonyahanku is marjiyo
Waxaa jira laba nooc oo is-dil ah, mid dareen ah iyo ku muuqde ah, labaduba waxay u baahan yihiin go’aan, sababta oo ah qofka jir ahaan isu dila, oo qudha iska qaada, wuxuu go’aansaday tagid, waayo nolosha ayuu ka daalay, daalkaasi wuxuu noqon karaa mid dhab ah iyo ku dhalanteed ah, midka dambe wuxuu la xiriiraa guul-darro iyo aqoonyahanka oo farriinta uu xambaarsan yahay garowsan waaya, kolkaa ayuu aqoonyahanku geeri goostaa, kana huleelaa saaxada saamaynta.
Aqoonyahanku nolosha ayuu ka huleelaa, waayo wuxuu lumiyay tiirarkii jiritaanka, qalinkii ayaa ka fara-baxsaday, oo qof kale u gacan-galay, isaguse wuxuu ku biiray kuwa dowladda u durbaan tuma, wanaag ma faro, xumaanna ma reebo, ma awoodo inuu qoro qormo dhaliil ah, toosin ah ama gol-daloolo goobid ah, waxaan arkay aqoonyahanno tagtada wax ka qora,se ka baqa ka sheekaynta taaganta, taagantu waa qodxo miiran, isagu maadaama uu yahay aqoonyahan ka baxsan saaxada saamaynta ma rabo inuu qodxaha ka hadlo, kolkaa ayuu go’aansadaa huleelid isaga oo aan xilligiisii la gaarin.
Is-dilku waa mowqif, se waa mowqif taban, waa ka cararidda iska hor-imaadka, dib uga gurasho nolosha ah iyo sooyaalka oo aad si kama dambays ah uga baxdo, iswaydiintuse waxa ay tahay sidee ayuu aqoonyahanku isu marjiyaa?!.
Aqoonyahanku waxa uu is marjiyaa marka uu ka cabsado iska hor-imaadka, oo uu waaqica isu dhiibo, kolkaa oo kaliya ayuu samaynta sooyaalka ka ban-baxaa, wax soosaarkana joojiyaa, wuxuu ku meeraystaa qolyaha maamulka, sidaa ayuu aqoonyahanku isku marjiyaa.
Aqoonyahanku waxa uu is marjiyaa marka uu sacabba tunka shacabkadaba galo, oo sida ay doonayaan uun uu u hadlo, aqoonyahanka dhabta ahi xaaladaha taagan ayuu dhaliilaa, wax buu toosiyaa, isagu ma aha siyaasi, bal’e waa aqoonyahan, labadooduna waa kaaf iyo kala dheeri, siyaasigu wuxuu u rucleeyaa awood helid, oo iyada ayaa yool u ah, taasina waa mashruuc, aqoonyahankuse wuxuu daba-galaa sixidda xaaladaha siyaasadeed ee qalloocan, taasina waa doonid, oo waa lagama maarmaan, waayo mashruuc la’aan horumar lama gaari karo, inta mashaariicda abuurtana waxaa ugu mudan aqoonyahanka, haddii uu aqoonyahanku maamulka u durbaan tumo, ama uu rabitaanka shacabka daba galo, markaa wax aaya-tiin ah ma leh, oo wuxuu cagta saaray dhabbihii is del-delidda.
Aqoonyahanku waxa uu is marjiyaa marka uu calanka aqoonta gumaystaha u gacan geliyo, gumaystahaasu dowlad ha ahaado ama urur, xilligan gumaystaha ugu xun waa waxa loogu yeero “bulshada rayidka ah”, oo u adeega dano Reer Galbeed ama kuwo Carbeed mararka qaar.
Aqoonyahanku ma aha midka mudnaanta siiya aragtiyaha dibadda ka yimaada, oo had iyo jeer gudniinka fircooniga ah uun ka hadla, sidii iyada oo arimihii dumarka oo idil lagu soo ururshay cawradooda, aqoonyahanku ma aha midka mudnaanta siiya dimuquraadinaynta bulshada sida ay reer galbeedku u arkaan.
Aqoonyahanka qorshayaashiisa loo qoondeeyo waa mid is marjiyay, wuu ku daayay, wax kaalin ahna uma harin, aqoonyahan ma aha midka koox gaar ah qol ugu xiran, oo wax ka baxsan aan u jeedin, isagu waa aqoonyahan urur se ma aha aqoonyahan ummadeed, marka waxa uu go’aansaday inuu sooyaalka ka ban-baxo, wuxuu cagta saaray dhabbihii is del-dellida.
Aqoonyahanku waxa uu is marjiyaa marka uu qalinka xorta ah xooro, qalinkuna wuxuu dhintaa marka uu hanuun la’aan noqdo, badanaa aqoonyahan qalin-xoor ah, qalinkiisiina u gacan geliyay keligii-taliye, badanaa aqoonyahan joojiyey wax soosaarkii, oo uu waqtigu ka tagay, isagu intaa wax buu qoraa, se wuxuu wax ku qoraa af aan ahayn kan aqoonta ama fac tagay ayuu wax u qoraa,wuxuu noolyahay xilli kale, oo wuxuu goostay inuu qudha iska gooyo.
Aqoonyahanku waxa uu is-marjiyaa marka uu naftiisa la heshiin waayo, isagu waxa uu aaminaa in seeftu iyo dantuba ay hogaamiyaha la jirto, se xaqqu uu la jiro kuwa laga adkaaday, kolkaa ayuu qoraa wax uusan dhab ahaantooda rumaysnayn, ama ka hor-imaanaya aragtiyahiisa, markaa ayuu qalinku si dhab ah uga fara-baxsadaa, aqoonyahankuna hub la’aan noqdaa, waqtigiisuna dhammaadaa, ma jiro qof wixiisa akhriya, kolkaa ayuu jaanta saaraa jidka is deldelidda.
Waxaa jira aqoonyahan jeelka ku dhex dhinta, ama loo xiro amarada maamulka oo uu diiday awgeed, waxaa kaloo jira aqoonyahan madaxtooyada ku geeriyooda ama maktabadaha isku dhex dila, waayo qalinkiisii ayaa xor noqon waayey, waxaa isna jira aqoonyahan aan juuq oran in uu siyaasigu u idmo mooyaane, isagu wuxuu qaayibay qayb adoonnimada ka mid ah, waxaa kaloo jira aqoonyahan codkiisa kor u qaada, oo aan marnaba gaban, kan hore waa mid aqoon ahaan isu deldelay, kan dambase waxaa suura-gal ah in uu dhinto, se wuu waarayaa oo wuxuu ahaanayaa shumac ifaya waayo kulaylkiisa ayaa dadka gubaya.
Leo Tolstoy, wuxuu dhintay isaga oo cayr ah, se isma uu marjin, Malek Bennabi isna cayrnimo ayuu ku dhintay, se marnaba kama laba-labayn samaynta aragtiyaha, Ibnu Taymiya jeel ayuu ku dhintay, se geeridiisii ka gadaal wuxuu noqday xiddig caan baxay, Sayid Qudub waa la deldelay, se aragtiyihiisii waxay gaareen bari iyo galbeed, wariye Jamaal Khaashuqji miinshaar ayaa lagu jarjaray, se kuwii dilay ayuu hoog iyo halaag ku noqday, Alija Izetbigović, wuu kasoo baxay jeelkii uu muddada dheer ku jiray, wuxuu qoray buugta kuwa ugu milgaha-culus, wuxuu noqday hogaamiye kulansaday aqoon iyo siyaasadba, halka ay jiraan boqqolaal aqoonyahan oo xilli ahaa xiddigo lagu daydo se is-marjiyay markii ay farriin la’aan noqdeen, maantana ma arkaysid cid hadal haysa.
Marka uu aqoonyahanku joojiyo wax soosaarka geeri ayuu guddoomay, markase uu wax sooraaro, se uu dalab uun uu ku shaqeeyo, wuxuu u jihaystay dhanka is marjinta, marka uu iska hor-imaadka ka cabsado, aqoonyahan ahaan wuu ku daayey, waa jir aan ruux lahayn, marka uu jeebka ka hadlana, wuxuu ku biiray kuwo aayahada ilaahay dhowrka shilin siista, markaa ayuu dadka indhahooda ka dhacay, dadku waa indho dheeryihiin, waxayna leeyihiin awood gaar ah oo ku aaddan kala saaridda samaha iyo xumaanta,awooddani waa mid abuur ah oo Eebe uu ku galladay.
Aqoonyahanku waxa uu is-marjiyaa marka uu bini-aadanimada ka tanaasulo, aqoon uma sugnaan ruux aan bini-aadamnimo lahayn, waxaaba amakaag leh in qayb MUTADAYINIINTA ka mid ahi ay dhagaxyada qiimeeyaan iyaga oo illaawaya ama is-illowsiinaya bini-aadamka, dhagaxu waa dhagax muqdasba ha ahaadee, se dadka ayaa lama huraan ah, iyaga ayaa ugu mudan uga karaamo badan uunka Eebbe wayne.
Aqoonyahanku waxa uu is-marjiyaa marka uu hadba gees u gadgaddoomo, maanta kandoonka ayuu la jiraa, barri se waa kasoo hor-jeedaa, aqoonyahannada caynkaa ahi waa bilaa bareeg, oo horay ayay u sarma seegeen, sidaa darteed ayay qabaan aragtiyo is-burinaya.
Aqoonyahanka dhabta ahi waxa uu u noolyahay sidii uu ummaddiisa uga dhigi lahaa mid nool, wuxuu wax u baaraa sidii ay ummaddu u liibaani lahayd, fikirkiisa waxa uu dhaxalsiiyaa faca ka dambeeya si ay iftiin u helaan, isagu ma aha qof maanta u nool, bal’e wuxuuba isku dayaa had iyo jeer inuu ku xirnaado tagtada fog, sidoo kale uu joogitaan qumman ugu yeelan lahaa taaganta adag, wuxuuna isu diyaariyaa timaadada iyo kadisyadeeda, kolkaa isagu wuxuu wajahaa ciidamada is-deldelka, alla maxaa ka badan!.
Aragtiyuhu waa labo jaad, mid nool iyo tu dhimatay, aragtiyaha nool waxa ay isugu jiraan kuwo wax nooleeya iyo qaar wax dila, xilli hore ayuu Malek Bennabi sidaa qoray,oo si xanuun badan uga warramay, se cidna dheg jalaq uma siin, sidaa ayuu Malek ku huleelay iyadoo ay dadku dhagaha ka furaysteen dhawaaqiisii, sidaa awgeed ayaanu maanta aragnaa inay ku dhaceen dabinnadii uu uga digay, fikir la’aantii horumar ma jiro, fikirkuse wuxuu u baahan yahay samayn, samayntuna waxay rabtaa dhiirranaan, xilligu waa xilligii dhiiranaanta, haddii taa la waayo waxaa lagu baratami golaha is-marjinta.
Xilli sii horreeyay, ayuu Renē Descartes yiri: marba haddii aan fekarayo waa aan joogaa, se qaacidadan falsafadda ahi kuwa is marjiya waxa ay u rogeen; marba haddii aan fekarayo, waxaan ahay mid la dilay, sidaa darteed ayaan doortay in aanan fekarin, kolkaa ayuu guddoomay inuu ka baxo aadaminimada, se isagu laba gooraba waxa uu ahaanayaa dad, muuqaal ahaaan, se uur ahaan wuxuu guddoonsaday is-marjin.
W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir
W/Q: Madasha HOOBAAN