Maalik Bin Nabi iyo Waxtarka Aragatiyaha ee Horumarinta Bulshada
Maalik Bin Nabi, aragtidiisa ku aaddan dhismaha bulshada, waxa uu diiradda ku saarayaa kaalinta libaax iyo istiraatiijiyadeed ee aragtiyuhu ka qaataan dhismaha ilbaxnimada bulshooyinka. Halkaan waxaan xoogga ku saaraynaa aragtiyaha dhiirrigelinaya dhaqdhaqaaqa, shaqada iyo cusboonaysiinta. Quraanka Kariimka ahi waxa uu kusoo degay deegaan bulsho ahaan, aqoon ahaan iyo anshax ahaan ba diginta ah, isaga oo ula yimid aragtiyo iyo qiyam nool kuwaas oo isbedel gundheer ku sameeyay nafihii, dabeecadihii, qanaacaadkii iyo hab-dhaqankii xumaa. Wuxuu dhaliyey kacdoon aragtiyeed, kaas oo bulshadii aqoonta darrayd ka xoreeyay aragtihii dilaaga ahaa iyo kuwii abaaday (dhintay) ee ay rumaysnaayeen; una rogay bulsho-hawleed farriin xambaarsan.
Marka halkaa la joogo, Maalik aragtiyaha xanniba dhaqdhaqaaqa bulshada waxa uu u qaybinayaa labo qaybood:
1. Aragtiyo dilaa ah iyo
2. Aragtiyo abaaday (dhintay).
Aragtiyaha dilaaga ahi waa kuwa qofka ka dila dhaqdhaqaaqa iyo dhiiranaanta, waa aragtiyo boorrinaya caga-jiidka iyo wahsiga, qofkana ka horjoogsanaya doonitaanka. Waxay kiciyaan dareenka nacaybka, cuqdadda iyo gabood-falka. Waxay keenaan isku dhac ugu dambaynta sababa dagaal faraha looga gubto iyo kala qoqobnaan.
Aragtiyaha abaaday iyagu waa kuwa qofka maankiisa ku meeraysta oo haba yaraatee aan wax wax-tar ah lahayn; sida khuraafaadka, sixirka iyo qaayibidda gumeystaha, markaa ayuu Maalik oranayaa: ” bulsho kasta iyada ayaa abuurta aragtiyaha dili doona, se dhaxalkood bulsho ahaaneedna way ku waaraysaa iyada oo ah ‘aragtiyo abaaday’. Waxayna ka halis badan yihiin ‘aragtiyaha dilaaga’ ah. Tan hore waxay ku milmaysaa hab-dhaqanka bulshada, oo gudaha ayey wax ka qarbudayaan, waa sida jeermiska oo kale -isaga oo dhagraya awoodda difaaca jirka ayuu gudaha ka gumaadaa”.
Maalik waxa uu isla xiriiriyey falsafadda ilbaxnimada iyo waxtarka aragtiyaha. Dheelli-kasta oo bulshada ku yimaada waxa uu xiriir la leeyahay aragtida bulshadaas, kolkaa ayuu oranayaa: “mar-kasta oo aan is dul-taagno mid ka mid ah muuqaallada waxtar-xumida bulshada Islaamka waxaan ku khasbannahay inaan ku xirno “caalamka aragtiyaheenna” waayo, isla caalamkaas ayey jirrooyinkeennu ku qarsoonyihiin”.
Tusaalaha ugu habboon ee muujinaya kaalinta aragtiyuhu ku leeyihiin dhismaha ilbaxnimada bulshooyinka iyo askumidda kaabayaasheeda, Maalik waxa uu u arkaa sababta uu Jarmalku la horumaray isaga oo dagaalkii labaad ee dunidu uu awooddiisii dhaqaale oo idil wiiqay, misana Jarmalku wuxuu awood u yeeshay kaydka aragtiyaha nool ee firfircoon oo uu haystay awgeed inuu kasoo kabto khasaarihii gaaray bal’e dheeraad ayuu helay. Kolkaa ayuu yiri: “waxaan oran karaa, bal’e nagu waajib ah inaan niraahno: bini-adamku ugu dambaynta isaga ayaa xaddidi kara qiimaha bulsheed ee qaacidadan(dad+carro+waqti= ilbaxnimo) waayo carrada iyo waqtigu iskood wax isbedel bulsho ah uma samayn karaan”.
Haddaba, haddii aan isweydiino: maxaa qofka Jarmalka ah u suura-galiyey in uu jabkii gaaray dalkiisa kasoo kabto qarnigii tegey? Hal jawaab ayaa noo soo baxaysa taas oo ah aragtiyihiisa oo keliya ayaa u suura-geliyay in uu gaaro horumar. Arrintaasina waa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah, waayo dagaalkii labaad oo socday intii u dhaxaysay sanadihii 1939-1945 waxa uu khasaare muuqda gaarsiiyay Jarmalka, oo waxaa ku burburay wixii warshado, qalab, kayd, shaybaarro iyo bangiyo ahaa oo uu lahaa. Jarmalku sanadkii 1945 wax “walax” ah ma uusan haysan “aragtiyo” uun baa u haray, aragtiyahaa ayaa dib u kabay wixii ka lumay iyaga oo kaashanaya “nidaamka hanti-goosadka” deedna waxay dib uga mid noqdeen quwadaha caalamka ugu tunka waaweyn. Tijaabadoodu [Jarmalka] annaga aad bay muhiim noogu tahay, oo waxay fursad noo siinaysaa in aan si cilmi ah uga soo dhiraandhirinno qaacidadan: “qiimaha ay bulsho leedahay xilli xilliyada ka mid ah in aysan ku xirnayn wadarta “walxaha” ee uu haysto, se ay ku xirantahay wadarta aragtiyaha uu aaminsan yahay”.
Maqnaanshaha firfircoonida fikirka ayey bulshada Islaamku dabinka gumeystaha ugu dhacday, eelkii uu ku reebayna ilaa maanta ula il-darantahay. Iyagu waxay awoodda saareen “walxaha” halkii ay diirradda saari lahaayeen “aragtiyaha”, waxaana shardi ah in aragtiyuhu yihiin kuwo dhiirigelinaya nolosha, dhismaha, dhaqdhaqaaqa iyo horumarka. Maalik isaga oo arrintaa ka hadlaya ayuu yiri: “bulshada Islaamka dhexdeeda aragtiyuhu iskood qiimo gaar ah uma laha, waxay inoogu muuqdaan sidii in ay yihiin tan ugu sarraysa awoodaha bulshada, iyo quwad saldhig u ah habaynta iyo jihaynta awoodda sooyaalka, sidaa ayayna uga ilaalinayaan dhammaan noocyada guul-darrada”.
Sidaan si ka for ayuu ku tagayaa Maalik, marka uu soo bandhigayo fikradda aargoosiga aragtiyaha ay hagradeen kuwii lahaa, oo waxa uu caddeeyay in aragtiyaha firfircoon ee waxtarka leh haddii aysan kuwa rumaysani ka helin koolkoolin iyo fulin ay si xun uga aargoosanayaan iyaga oo sidii hore liddigeed isu rogaya, markaa ayuu yiri: “waxaanu oran karraa in dunida Islaamku ay maanta marayso ciqaabta cuquubo ay Islaamka ka galabsadeen, iyaga oo ka jeestay Islaamka, arrintuna ma aha inay Islaamka qabsadeen sida ay qabaan qaar dhoohanayaal ah”. “Bulshada Islaamku waxay maanta bixinaysaa canshuurta khiyaanadii ay u geysatay qiyamkii Islaamka ee sarreeyay, aragtiyuhu -xataa kuwa aan soo dhoofsanno- waa ay kusoo rogaal celiyaan ciddii dhagarta oo way ka aargoostaan”. Halkaa waxaa nooga soo baxaya in aragtiyaha dilaaga ah, kuwa abaaday iyo kuwa firfircoon ee la hagraday ay keenaan dib u dhac, iyo hoobashada xaaladda bulsho, naf iyo anshax ahaaneed ee ummadda.
Maalikk Bin Nabi, wuxuu si aan caad lahayn u caddeeyay in aragtiyuhu canaasiirta waxtarka leh ee ka kooban yihiin awgeed ay yihiin saldhigga dhismaha ilbaxnimada bulsho walba, waxay dhagax-dhig u ahayd ilbaxnimadii u horreysay ee bulshadii Islaamka, iyaga oon “caalamka walxaha” waxba ka haysan, se xambaarsanaa aragtiyo wax-tar leh oo u suura-geliyay in ay muddo yar ku amaamudaan ilbaxnimo farriin xambaarsan, taas oo dunida daafaheeda ku fidday.
Dr. Dayib Burquus ayaa yiri: “in wax-soo-saarka Maalikk uu soo galay saaxada aqoonta Islaamka ee casriga ah, waxa ay kasbasho istiraatiijiyadeed oo weyn u tahay dhaqdhaqaaqa dhismaha ilbaxnimada cusub ee ummadda, wuxuu kaloo wax ku ool u yahay heerka weelaynta farriimeed, ama heerka wax-tarka miraha ilbaxnimada, ama heerka fahamka istishraaqa iyo difaaca ilbaxnimada, xeerarka guud ee gundhigga ah ee uu hindisay Maalik iyo bisaylka aragtiyeed ee uu muujiyay waxaa ka shidaal qaadanaya ilbaxnimada cusub ee Islaamka”.
W/Q: Xirzulaah Muxamed
W/T: Madasha Hoobaan