Ma yahay dhiganaha “Aabbe Hodan ah iyo Aabbe Sabool ah” mid hodantinnimo horseedi kara?
“Waxaan akhrinay buug ka dhigan Cambar fikir iyo hal’abuur ganacsiyeed waana buugga “Aabbe Hodan ah iyo Aabbe Sabool ah” uuna leeyahay qoraaga Maraykan ee Robert Kiyoosaki. Si kasta oo aan u sharaxno marna fahan dhamaystiran idin kama siin karno ilaa aad akhridaan buugga qiimaha badan, oo aan akhrinay, weelaynay, aanuna daraasaynay afkaartiisa muddadi aan fasaxa ahayn ee dhannayd afartanka maalmood. Waxaanu aadnay in aan raadsano shaqo aan ka helno Lafihii aan ku bilaabi lahayn hal abuurkayaga ganacsi. Waxaan rabnaa lacagtu in ay anaga noo shaqayso, ma rabno in aanu u shaqayno helidda lacag, sida caqliyada shaqaalaha oo ay soo saaraan dugsiyada waxbarashadu”.
Weerahan afatahnimada iyo farshaxanku ka muuqdaan, waxa ay billow u ahayd dhambaal dheer oo ay qoreen laba kuray oo 16 jiro ah una dhashay Urdun oo la kala yiraahdo Ayham Cumri iyo Raashid Subxi. Labada arday waxa ay ka dhigtaan Fasalka tobnaad dugsi loogu tala galay arday tayada sare oo ku yaalla waqooyiga Urdun. Fariintaa waxaa u dhiibay waalidkood wiil ay isku fasal ahaayeaan, ka dib markii lawaysanaa oo muddo badan ka soo wargeetay saacaddi la soo fasaxay.
Arrintu way cakirantay, labo maalmood dabadeedna, Ayham abihii (Al-Cumri) ayaa u gudbiyo Booliska maqnaashaha wiilkiisa iyo saaxiibkiisi dugsiga. Waxaa la guda galay baadi-goobka labada wiil, labada wiil ma ahayn kaliya kurayo sal fudud, balse waxa ay dhigan jireen dugsi loogu tala galay ardada maskax ahaan saraysa ama waxbarashada aadka ugu wanaagsan; waxa ay lahaayeen akhlaaq wanaagsan, waxa ayna si joogta u samayn jireen jimicsiga, una gudan jireen cibaadada.
Waxa uu xusay Cumri in wiilkiisa Ayham uu ugu waanagsanaa waxbarashada, balse uu labadaan bilood ee ugu dambaysay bilaabay in uu ka caago loox-jiidashadii, taasuna ay keentay wax aan lagu aqoon oo ah in uu darajooyin hoose keeno imtixaanada.
Imtixaankii ugu dambeeyey ee sanad dugsiyeedka, wuxuu keenay Ayham darajooyin hoose, wuxuuna u sheegay aabihii in uu doonaayo in uu halkaa ku joojiyo waxbarashada nidaamiga ah, uuna baadigoobo hanti aan ku xidhnayn waxbarashadaas soojireenka ah. Waxa uu raaciyey in darajooyinkaan imtixaanka la kenaa tahay uun tirooyin warqad lagu qoray, heerka ugu sareeya oo qofku ka garaayo darajooyinkaana ay tahay in uu noqdo “shaqaale faqriga loogu rakibay guriga raartiisa”
Aabbuhu wuxuu u qaatay hab dhaqankaa mid iska caadiya, oo laga fili karo ilmo da’daa jira oo joogtaynta waxbarashada ka caajisay ilaa galabtii Axadda uu aabihii ugu soo galay qolka oo dhunkaday, waaberigii Isniintana baxay oo uu dugsiga aaday sidii caadada ahayd, balse ma soo noqon. Ka dib waxaa la ogaaday in ay isla maqanyihiin saaxiibkii Raashid, waxayna fariin ku reebeen mid saaxiibkood ah si uu waaliidkood u gaarsiiyo, balse ay shardi uga dhigeen in uu marka ay baxaan kadib uu farriinta u dhiibo.
Markii ay dansadeen Taleefanadoodi, ayna xirteen kootooyinkii ay ku lahayeen Baraha bulshada, ayaa loo gudbiyey Booliska. Dabadeedna xogta ayaa u dustay Warbaahinta oo aad u dardar galisay baadi-goobka labadaa kuray ee ka tagay fariinta dhalisay dood xambaarsan kun su’aalood oo ku saabsan waxa keenay hayaankood/guuritaankooda.
*
Waxaan Soo laabanaynaa anaga oo hodmannay!
“Waxaan go’aansanay in aanu horey ugu socono nolosha, anaga oo wadana fikir cusub oo wax badan ka badalaya qaabka ay dadkeenu u fakaraan.”
Maalmo kooban ka dib, waxay ay Booliska dambiyada ee hoos tagta taliska Booliska Urdun ka heleen labadii kuray deegaanka Bayadaar ee caasimadda Cammaan.
In la helo waxaa keentay ka dib markii Boolisku heleen xogta laba kuray oo laga shakisanyahay, ka dib markii imaam ay ku tukadeen Masjidkiisi uu la soo xiriiray amniga, una sheegay in xaafadda laba dhalinyaro ah ku soo siyaadeen.
Doodooda waxa ay ku cadeyeen in ka dib markii ay akhriyeen buugga “Aabaha hodanka ah iyo aabaha saboolka ah” ay ogaadeen in waxbarashada ay dhiganayaan tahay mid aan Raandhiis lahayn ayna u diyaarinayso uun in ay noqdaan laba shaqaale oo sabool ah una halgama uun sidii ay hanti u heli lahaayeen, halkii ay hantida ka dhigi lahaayeen mid iyaga u shaqaysa.
Waxay ay dooda ku sii dareen “in nidaamka waxbarasho ee cusub uusan bareen dhalinyarada mabaad’ida hantida, ganacsiga iyo maal-galinta, kaliya uu beel daraynaayo awoodda dhalinyarad, ayna taasu keenayso in ay ka bartaan arrimaha goobo ka baxsan dugsiyada. Sidaa darteedna ay lix sano ka hor go’aan qaateen ay ku raadinayaan hanti, maal-galin iyo shaqo xor ah oo ka fog dugsiga iyo guriga, ayna u laaban doonaan reerayowgoodi ayaga oo hodmay.
Labada kurey markii ay go’aansanayeen in ay ka tagaan waxbarashada iyo gurigoodaba, waxay dagsadeen yoolal ay rabeen in ay gaaraan oo ay ka midyihiin xifdinta Quraanka, barashada luuqadda Ingiriisiga, helidda xogaa lafo ah ay ku bilabaan ganacsigooda.
Dabeebtooda waxa ay ku soo af-jareen: Walaahay baanan geedigaan u joojinayn haddii ay qoraxda saaraan gacantayada midig, Dayaxana saaraan taayada bidix illaa Alle na guuleeyo ama aan ka geeriyoonayno; hawshaan waanuu go’aansanay, oo guda galnay. Waxaanu balan qaadaynaa in aanu dib u soo laaban doono intii ay doontaba ha noqotee, yaan kolka la isku hawlin raadintayada. Waanu soo noqon doonaa, anagoo u dayaafadin doona geerarka libinta oo hoga tusaale u noqon doona bulshadayada, waxaan Eebbe ka naawilaynaa in uu nagu galado, nagu tooro, naguna garab galo gaarsiinta dhambaalkaya”
Hubashii dhacdadaasu waxa ay ka mid ahayd dhacdooyinka ugu saamaynta badnaa reer Urdun ee si tolmoon iyo si kaftan ahba loo faaleeyey; waxa ay noqotay sheeko ay qadaa dhigaan xeel-dheerayaasha Cilmiga Nafsiga si gaara “nafsiyadda kurayda ku saamooba caanimada iyo baraha bulshada iyo hab fikirka jiilka cusub ee ku gadoodsan nidaamka waxbarasho, ayaga oo raadinaya habab si degdeg ah loogu samayn karo magac iyo maalba.
*
Aabaha Saboolka ah iyo Aabaha Hodanka ah
Haddii aynu gees iska dhigno shaacsanahaa bulsheed ee uu tusaale u yahay jiilka Ayham iyo Raashid, waxaynu Tooshka ku qabanaynaa xoogaa dhiganaha ku riixay kurayda in ay ka baxsadaan guryahooda ayaga oo hanti raadinaya.
Buugga (Aabbe hodan ah iyo Aabe sabool ah) waa dhigane uu soo aaray nin Maraykana asal ahaana ka soo jeeda Jabaan oo la dhaho Rebort Kyasaki sanaddii 1997. Buugga waxaa lagu tiriyaa buugta ugu caansan uguna roon dhamaadkii sagashamaadkii iyo horraanti labadii kun buugtii soo baxday; waa dhigane ka hadlaya “aqoonta maaliyadeed”, cutubyadiisa qayba ka mid ah wuxuu uga hadlaya maal-galinta iyo sidii qofku ku noqon lahaa hodon.
Qiimaynta ay samayso New-york times ee ah buuggu ugu iibsiga badnaa ayuu dhiganuhu ka galay kaalinta kowaad muddo lix sano ah. Inta xabbo ee laga iibsaday buugga ayaa noqotay 32 milyan, halka qiimayn uu sameeyey qoraaga buuggu sheegay in tirada la iibsaday ay madaxa kala baxday 40 milyan sanadii 2017 oo ahayd 20 sano guuradii ka soo wareegtay markii buugga dabcadiisi koowaad la soo saaray.
Buugga waxaa loo turjumay 50 luuqadood, halka nuskhadiisa asalka ah laga qaybiyey 109 waddan, waxaana loo malaynayaa in dabacadaha la xaday ee minguurinta ahi ay madaxa kala baxayaan malaayiin xabbo.
Sagaalka cutub ee buuggu ka koobanyahay, waxa ay ka hadlayaan mawduucyo kala duwan oo la xiriira sidii qofku maaliyad ahaan u noqon lahaa xor. Isaga oo maal-gashanaaya waxyaabaha Raasu-maalka ah, iskana yaraynaaya in uu hantidiisa gasho waxyaabaha Dhaldhalaalka ah.
Raasumaalku waa wax yaabaha uu qiimahoodu kor u kaco markasta oo muddo sii joogaan sida guryaha iyo saamiyada shirkadaha, halka Dhaldhalaalku yahay waxyaabaha uu hoos u dhaco qiimahoodu haddii ay sanado badan joogaan sida Taleefanada, gawaarida iyo agaybada kale ee la adeegsado. Kolkaa qoraagu wuxuu qof kasta oo raba in uu hodon noqdo ku boorinaya in uu aruuriyo xoolo uu ku maal gashto Raasu-maal oo keenaysa hanti iyo hodannimo.
Bogaga hore ayuu qoraagu ku sheegay in ujeedooyinkaan buugga ee faahfaahintooda oo ku tiiq tiiqsaday ee waanooyinka iyo khibradaha ah uu aruuriyey ka dib markuu u dhugyeeshay kala duwanashihii u dhaxeyey Aabihii “aqooyahan Macalin jaamacadeed ah oo faqiira” iyo Aabaha saaxibkii Maik “Nin hodana oo waxba baran oo dugsiga kaga tagay fasalka sideedaad, oo muddo kooban ku sameeyey hanti badan” Halkaan wuxuu ku sheegaya qoraagu hadal cad oo ah: Waxbarashada nidaamiga ah in aad gasho, oo darajooyin sare keento ma aha waddo lagu helo xoolo; ee hodanimadu waxa ay ku timadaa ayada oo qofku suuqa shaqada galo ee ma aha qaababkii hidaha aha ama horey loo yaqaanay.
*
Mid laga marmaan ah ma yahay dhiganuhu?
In kasta oo uu labaatankii sano ee ugu damaysay uu caan ahaa; in kasta uu bastadaha maktabadaha ka muuqanayey isagoo dhamaan afafka dunida ku qoran, hadana caanimadiisa ma keenayn kaliya in uu yahay dhigane ku sifaysan mid si iskii ah qofka u garab qabanayee, ee waxaa qayb ka ahayd caanimadiisa in si daran loo dhaliilay.
Wariyaha iyo qoraaga reer Maraykan ee Rob Woker ayaa maqaal uu ku qoray Warsidaha “Slate” ku sheegay in lagu gingimay dhiganaha harawsi badan, oo kaliya loo qoray in qoraagu isku xayasiiyo iskuna iib-geeyo in uu yahay la taliye maaliyadeed iyo ruug-caddaa lagu kalsoonaan karo. Dadabeedna loogu yeerto in uu sameeyo tababaro, qabtana maxaadarooyin.
Waxaa isna dhaliilay maal-gashadah dhismaha iyo ganacsadaha weyn, qorayna kutub badan John T. Riedl, oo ka qoray maqaalo taxane ah ayuu kaga hadlaay dhiganaha “Aabaha hodanka ah iyo aabah saboolka ah”, isaga oo leh wuxuu bixinayaa wanooyin qaldan, daw-dhaaf ah” wuxuuna si cad uu yiri: “waa dhiganihii ugu doqonimada badnaa uu akhriyo”, wuxuuna ka koobanyahay qaladaad halis ah iyo fikrado khuseeya arrimaha dhaqaalaha oo aan waaqaca la jaanqaadaynin.
Dhaliilahaas ka soo burqanaya xeel-dheerayaasha maaliyadeed, waxa ay daaha ka rogtay aragtiyo dood galinaysa qoraaga, shakina galinaysa sheegashada uu soo gudbiyey ee caanka ku noqday. Waxaa dabka sii huriyey sanado yar ka dib soo saarista buugga in shirkaddii qoraagu kacday sanadii 2012. Waxayna dad badan u arkeen calaamad digniin ah oo muujinaysa beenta nin intaa ku faanaya khibradiisa maaliyadeeda iyo aqoontuu u leeyahay tubaha loo maro lacag samaynta iyo sidii lacagtaada aad uga ilaalin lahayd loofaridda, dabadeedna isagii uu wadadii uu sheegay ku kufaayo. Ninkan waxaa loogu maah maahi karaa: “kabaha ninkaad ka tolanayso, kuwiisa ayaa la egaa”.
Sida muuqata, waxaa dhiganaha caan ka dhigay qaacido la raaci karo oo qoraagu xusay, waana in uu yiri: waxaan idin la wadagayaa talooyin cilmiyeysan oo qoto-dheer oo anigu aan u soo joogay noloshaydi shaqo. Wuxuu cadeeyey oo dhiganahiisa ku sheegay sida khibradaasu uga dhigtay Milyaneer iyo nin maal gashta dhismaha iyo ganacsiga.
Laakiin waxaa soo baxay laba mushkiladood oo waaweyn. Tan koowaad: waa in tan iyo markii buugga la daabacay 1997 uusan jirin dukuminti caddaynaya hantida qoraaga iyo in uu Milyaneer yahay, iskaba daa sida uu ku sameeyay e. Waxaa laga soo xigtay arrintaa maqaal lagu baahiyey bogga Forbes ee caalamiga ah kuna takhasusay arrimaha maaliyadeed.
Mushkiladda labaad ayaa ah in sheekada dhiganuhu ka warramayo, uuna ka dhigaayo dhacdo dhab ah oo u qoraagu soo maray ee ku salaysan Aabbe hodan ah iyo Aabbe sabool ah ay tahay mid aan jirin oo la ma awaalay, ugu yaraan inta ku salaysan Aabaha hodanka ah, waana qofka muhiimka ah ee sheekada buuggu ku wareegayso- qof aan wax aan baran oo hanti samaynaya, haddana noqonaya hodan-. Mar dambe uu ka jawaabay arrintaa qoraagu, wuxuu ku sheegay in uu la mid yahay “Haari Buutar”, oo aysan qasab ahayn in uu noqdo qof jira si uu saamayn u yeesho.
Hawlaha qoraagu intaa kuma eka, oo qoraagu wuxuu soo saaray buugaag badan uu ku kabaayo buuggiisa hore. Dhammaan dhiganayaashu, waxa ay ku boorinayaan akhristayaasha in ay ka qayb galaan tababarada iyo fadhiyada aqooneed ee qoraagu qabanaayo si khibradiisa looga faa’iidaysto. Arrintaa dad badan ayaa u arkay in ay tahay dhac, oo qoraagu uu ka faa’iidaysanaayo caanimada dhiganayaashiisa, ee uusan meesha ku hayn khibrad uu dadka la wadaago.
Dad badan oo ka qayb galay tababaradaa, waxa la kulmeen in sicirka tababarada aad kor loogu qaaday. Dadku bilowga, waxa ay helayaan talooyin aan macne badan lahayn oo bilaash ah, dabadeedna kuwo sicirkoodu gaarsiisanyahay 500$. Dabadeedna waxaa ku sii xiga tababarada xulka ah oo sicirkoodu garaayo $30,000!
Dabcan ma oran karno dhiganaha Aabe hodan ah iyo Aabbe sabool ah, waa bilaa faa’iido gabi ahaantiisba, ama gabi ahaantiisba waa dhigane harawsi ah. Bal’e wuxuu ka koobanyahay sheekooyin, qawaacid maaliyadeed oo habboon in looga faa’iideysto meertada nolosha. Haseyeshee ma aha dhigane qar la isaga tuuro inta xogtiisa lagu dhaqmo oo qofku waxbarashadiisa iyo shaqadiisa uga tago, qaacidooyinka uu bixinayaa waa kuwo ku habboon Maraykan ayna ka muuqato sal-fudayd badan.
Gabagabadii waxaa habboon in qofkii heli karaa uu maal-gashto dhismyaasha, waxna ku darsado shirkadaha oo saamiyo gato, waana xeer-maaliyadeed caan ah oo waligeed soo jirtay. Hase yeshee ma aha arrin ku habboon qaybo badan oo bulshada ka mid ah si gaara dhalinta Soomaaliyeed ee dhibtuba ka haysato in wax iibsadaan ama kiraystaan guri ay ku guursadaan, isakabaa daa in ay ka tagaan waxbarashada oo galaan suuq ay haraysay baagamuundadu ayna yaryihiin fursadaha lacag lagu samayn karaa.
W/Q: Cammaad Abul-FAtuux
W/T: Madasha Hoobaan