KALKAALISO ILAA MILYANEERAD

“Labo sano ka hor, markii ay Faadumo Cali sheegtay in ay shaqadeeda kalkaalisanimo ka tagayso oo gacansi u gaar ah bilaabayso, dadku waxa ay ku lahaayeen waad waalan tahay. Hadda shirkaddeeda Hoiwa, waxaa soo gala malaayiin Yuuro.

Faaduma Cali shirkaddeeda, [oo lagu magacaabo] Hoiwa, waa shirkad xarumaha daryeelka iyo goobaha caafimaadka siisa kalkaaliyeyaal, isla markaana qorshaysa hagaajinta heerka adeeg ee daryeel-xaafadeedka. Xafiiska shirkadda oo la furay sannadkii 2020, waxaa ka shaqeeya 10 qof, waxaana yaalla liiska illaa 2500 oo xirfadlayaal caafimaad ah.

Sannadkii 2020, dakhliga shirkaddu waxuu ahaa nus malyuun Yuuro, sannad maaliyadeedkeedii xigayna waxuu noqday 4.2 malyan.

“Waxaan abaal u hayaa Finland, dalkii aan imid 32 sano ka hor, aniga oo gabar yar ah. Dalkaani waxuu i siiyey fursado aad u wanaagsan, anna waxaan isku dayay in aan uga faa’iidaysto sida ugu wanaagsan,” ayay Faadumo Cali tiri, mar ay hadal jeedinaysay, kolkaas oo lagu abaalmariyay biladda sanadlaha ah ee Ganacsatada Espoo.

Ganacsatada [entrepreneurs] Espoo ee u doortay Faadumo in ay siiyaan abaalmarinta ayaa sheegay in [shirkaddeeda] Hoiwa ay ku doorteen in ay shaqaalaysiisay qaxooti badan, kuwaas oo ku dhibbanaa in ay shaqo helaan. Sabab kale oo ay abaalmarinta u siiyeen ayaa ahayd in shirkaddu ay awoodday in ay shaqaalaheeda siiso in ka badan mushaharka badanaa la qaato, iyo duruufahooda shaqo oo aad u wanaagsan.

“Aqoonsigani waxuu muujinayaa in xitaa carruurta qoxootiga ah ay fursad ka heli karaan Finland, kuwaas oo dabadeed u abuuri kara dadyow kale oo badan” ayay khudbaddeedii ku tiri Faadumo Cali.

Sidoo kale, waxa ay sheegtay in ay doonayso in ay isbeddel u samayso, si ay u caddayso in aysan muhiim ahayn meesha aad ka timid [si aad macno ugu yeelatid] Finland.

“Sidaa darteed, qof kasta wuxuu haystaa fursad uu wax ku sawirto, uu ganacsi ku abuurto oo ku guulaysto. Sidaa darteed ayay dadka inta ugu badani u dareemi karaan in shaqada adagi abaalgud leedahay”.

Hadda, Hoiwa waxa uu hadafkeedu yahay inay howlaheeda ay ku fidiso dunida oo dhan oo ay bixiso saamiyo.

BILOW ADAG

Bilaabista ganacsi aad mulkiile ka tahay ma ay fududayn, siday doontaba. Kolkii ay bilaabaysay, Faadumo waxa ay ahayd hooyo kaligeed korsata afar carruur ah, isla markaana bilowday kooras kalkaalisinimo oo cudurka kaadi-sonkorka ah.

“Jadwalaynta howluhu waa caqabad, laakiin geeso lo’aad kulaylkaa lagu gooyaa. Hadda ganacsigaygu waxa uu marayaa bilow fiican,’’ ayay Faadumo ku tiri waraysi ay 2020 siisay Suomen yrittajat.

Shirkaddeedu bilowgiiba waxay heshay fursad dalabaad oo habboon, maaddaama oo ay jirtay baahi xooggan oo kalkaaliyeyaal gugii 2020 xilligii Covid. Baahidaasi waxay hoos u dhacday xagaagii, [jirtoo] kalkaalisooyinkuna waxay shaqo-xagaa u raadsadeen meelo kale. Xilligii dayrta waxa ay ahayd in shirkaddu howlihii dib boorka uga jafto. Maaddaama oo ay shirkaddu yarayd, way adkayd in ay hesho fursadda qandaraasqaate-xigeen (subcontractor) la aqoonsan yahay.

Sidoo kale, mid ka mid ah qandaraas-xigeennadii ay Hoiwa qaadatay bilowgiiba wuxuu ahaa mid xun.

Ma ahaan karin shirkad loo soo doonto shaqaale jaban. Waxaan aaday macaamiishayda waxaanna la yeeshay wadaxaajood toos ah, si dhammaan shuruudahaygu ay uga muuqdaan heshiiska.’’

Faaduma oo ku noolayd Finland ilaa carruurnimadeedii, ayaa u sheegtay Yrittajat sannadkii 2020 in ay la kulantay iskanicis. Iyada oo aan ka guul gaarin inay shirkaddeeda akoon ganacsi uga furto bangigii ugu horreeyey ee ay la kulanto. Way la hadashay bal se uma aysan sheegin sababta aysan ugu habboonayn inay macmiil la noqoto bangiga.

Xirfaddeeda luuqadeed ayaa sidoo kale la tijaabiyey.

“Waxay macaamiishu isku dayayeen inay arkaan inaan oran karo, fahmina karo wax kasta. Malaha ah in aanan ku hadlin Fiinish iyo in aanan difaacan karin waxaan rabo meesha ayey ka baxdaa markaan shaqsiyan ula kulmo macaamiisha, ayna i bartaan. Waxaan ahay qof shaqsiyad adag leh oo toos u abbaara waxa uu rabo.”

Maqaalkaani waxuu isticmaalay qoraal laga soo xigtay warraysi ay saxaafadda Suoman Yrittajat la yeelatay Faaduma Cali 2020.

W/Q: Yrittajat

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *