Ka guul gaaridda dagaalka aragtiyaha

Xagjirnimada waxaa saldhig u ah qalloocashada fahamka qaybo kamid ah waaqaca, ama shareecada, ama tubta loo marayo wax hagaajinta ama dhammaantood oo isku sidkan. Qalloocashada fahamka la xiriirta waxaa soo raaca habowga ku dhaca dareenka iyo caadifadda, taas ayaana keentay inay abuurmaan xiriirro iyo hab-dhaqanno ku salaysan gacan-ka-hadal iyo xagjirnimo. Sidaas darteed, sixitaanka aragtiyahan ay qalad fahmeen xagjiriintu waxay ka dhigan tahay bar-bilowga daawaynta shaacsanaha xagjirnimada, halkaanna waxaan si kooban ugaga hadli doonnaa arrimahaas:

Qeexidda hab-fekerka dhammaystiran

Shaki kuma jiro in Islaamku yahay diin la socota nolosha aadanaha lagasoo bilaabo dhalashadiisa ilaa dhimashadiisa, kolkaa waa diinta nolosha iyo geeridaba. Waa marag-ma-doonto in diintani ay ku habboon tahay jihaynta iyo hagaajinta nolosha dadka xilli walba iyo xaalad kasta. Taasina waa arrin ay lama huraan tahay in aan ka samayno feejignaan marka aan ka hadlayno hab-fekerka dhammayska ah.

Hab-fekerka dhammayska ah waxaan ula jeednaa hab-fekerka ku dhisan geed-ka-go’annimada sooyaaleed, isla markaana aaminsan in taariikhdu hal dhinac u socoto oo xeerar surma-seegto ah lagu hago. Sidaas darteedna, dhammaan oraahyada, xikmadaha, tijaabooyinka iyo waayo’aragnimooyinka taariikheed waa kuwo ku habboon hirgelintoodu meel kasta iyo waqti walba.

Balse xagjirku waxay qabaan in dhammaan dagaalladii ay qaadeen salafkeennu ay ku guulaysteen xeeldheeridii hoggaanka, ikhlaaskii askariga, naf-hurnimadii mar-la-aragga ahayd ee safafka ciidamada, sidaa darteed, waxay qabaan haddii la helo maanta intaas oo kale in ay guushu tahay mid dammanad qaadan oo la hubo. Inkasta oo dhammaan tilmaamahaas guusha horseedi kara ee la xusay ay sax yihiin, oo ay leeyihiin qiimo gaar ah, se casrigaani si buuxda ayuu uga geddisan yahay marka loo eego kahor shan boqol oo sano, dagaalkuna maanta waa dagaal ku dhisan qalab, hal-abuurnimo, dhaqaale iyo cudud. Dhanka kale, waxaa jira ciidammo badan oo xaqiijiyay yoolashoodii dagaal, iyaga oo aan haddana haysan hoggaamiyayaal u dhigma Khaalid Binu Waliid iyo Salaaxuddiin, bal’e aan wadan hal qof oo xiran kara suunka naf-huridda, sababtuna waa in dagaalku maanta ku taagan yahay aqoon iyo tignoolojiyad horumarsan, balse uusan ku dhisnayn halyeynimo, geesinnimo iyo naf-hurid.

Ka qiyaas qaadashada meel maran, waa dabinka weyn ee inta badan xagjiriintu ay ku dhacaan!

“Hab-fekerka dhammayska ahi wuxuu kusoo ururaa sababaha loollanka, noocyadiisa iyo tiirarkiisa hal ama laba sababood!”

Fasiraadda noocaas ah waxay leedahay soojiidasho aad u xooggan, gaar ahaan dadka maskaxda wahabku kaga habsaday. Tani waa astaanta sida ay u badan tahay caqliyadda dadweynuhu, sidaas darteed ayaa Naaziyiintii hab-fekerkooda dhammaystiran wuxuu go’aamiyay in sooyaalka oo idil uu yahay loollan ku salaysan isir ama qowmiyad, halka hab-fekerkii Hantiwadaaggu uu kusoo ururay in taariikhdu tahay gebigeedaba tartan ka dhexeeya dabaqadaha bulshada, Xagjirkuna waxay aaminsan yihiin in sooyaalku ka turjumayo baratan u dhexeeya caqiidooyin kala duwan; dhammaan arrimahaasina ma aha kuwo sax ah. Aragtida Calmaaniyadda ee dunida maanta ka talisa; iyo dagaallo badani waxay ku dhisan yihiin sidii loo heli lahaa walxo ceeriin oo jaban iyo suurtagelinta suuqyo furan, ama waxay ku taagan yihiin ismaandhaaf la xiriira jaangoynta soohdimaha u dhexeeya dalalka.

Dadka leh hab-fekerka buuxaa waxay doonayaan in ay hirgeliyaan afkaartooda meeshii ay joogaanba, iyada oo aan la eegin waaqaca, taasina waxay keenaysaa iskudhac muuqda oo ku aaddan lamataabtaan muhiim ah oo ku jira fiqiga dib-u-habaynta iyo kan isbeddelka iyo fagaarayaasha isriixriixa xadaaradeed, lamataabtaankaas waxaa ka mid ah isu-dheellitirka masaalixda iyo mafaasidda, iyo ka shaqaynta sidii loo xaqiijin lahaa labada wanaag midka sii wacan, loogana gaashaaman lahaa labada shar midka sii xun. Sidoo kale, waxaan haysannaa wax lagu magacaabo fiqiga lama-huraannimada, fiqiga gumaynta oo dhinac socda fiqiga karaanka, iyo fiqiga suurtagalnimada, dhammaan arrimahaasina waa kuwo aysan muhiimad siin xagjiriintu, sidaas darteed waxay (xagjiriintu) noqdeen kuwo ku xeel-dheer burburinta dalalka Muslimiinta, cadowgna ugu yeera.

Caddaynta naxariista Shareecada

Naxariista Shareecada iyo fududaanteeda waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee la rabo in la cuskado si loola dagaallamo xagjirnimada, waxaana cad in xagjirnimadu ay tahay mid toos u baalmarsan ruuxda shareecada iyo dabeecadda tacaaliimteeda iyo xukunnadeeda, waayo xagjiriintu waxay ku waajibiyaan dadka kale wax aysan qaadi karin oo ka sarraysa awooddooda, taas oo Alle ku reebay diintiisa kolkii uu lahaa: {.. mana yeelin Eebbe diinta dhib}.

Suuradda Al-Xajj, aayadda 78-aad. Eebbe SW waxa uu inaga doonayaa wax fudud, halka uu innaga dulqaaday culayskii, iyo takaaliiftii, isaga oo leh: {.. Eebbe wuxuu idinla doonayaa fudayd ee idin lama rabo culays}. Suuradda Al-Baqara, aayadda 185aad. Sidoo kale wuxuu yiri: {.. kana dejiyay culayskii iyo xargihii korkooda ahaa}. ~ Suuradda Al-Acraaf, aayadda 157-aad.

Ma doonayo halkaan inaan kaga hadlo tilmaamaha waajibaadka ku jira xayndaabka karaanka, iyo dhammaanba tilmaamaha naxariista iyo fududaynta ee shareecadeenna fudud ay xambaarsan tahay, taasi waxay leedahay faahfaahin tira badan, balse waxaan jeclahay inaan tilmaamo shey manhaji ah oo ay ka maran yihiin xagjiriintu, kaas oo ay ka habaabeen oo ka fogaadeen, kaasina waa sifada aqbalidda kala-duwaanshaha iyo furitaanka dhianaca ijtihaadka. Balse waxaa jira axkaam badan oo khilaaf ku jiro, oo siinaysa qofka muslimka ah inuu kala doorto hadallada culimada iyo fatwooyinka, taasina waxay hoos u dhigaysaa cadaadiska kaga imanayay qofka joogtaynta takliifka/ waajibaadka, waana dhibrin iyo fududayn xagga Alle uga timid addoomadiisa, halka xagjriintu aysan tixgelin hadallada fuqahada, oo aysan muhiimadba siinayn iskhilaafkooda, taas liddigeedana ay mar walba u noqonayaan nusuusta oo ay kasoo qaadanayaan inta ay doonayaan, isla jeerkaana ay u qaabaynayaan una hawlgelinayaan sida ay rabaan iyagu. Haddiiba ay – xagjiriintu – cuskanayaan faqiihna waxay abbaaraan inta badan kuwa aan la garanayn ee aqoon-ruugga ka mid ah, kolkaana waxay ugu daydaan si indha la’aan ah.

“Si kastaba ha ahaatee, aqoonyahanka ay ku kalsoon yihiin xagjiriintu waa dad aad u tira yar, waayo (xagjiriintu) waa hawo-raac, mana aqbalaan, waxna kama qaataan cid aan ahayn inta ku raacda rabitaankooda iyo hawadooda, iyo qofkii ku habboon badweynta xagjirnimo ee ay ku dhex jiraan.”

Xaaladdan oo kale waxaa muhiim ah in la tilmaamo waxa loogu yeero (kala-duwanaanshaha fiqiyeed / التعددية الفقهية), taas oo u muuqanaysa qofkii eega nusuusta Quraanka iyo Sunnada oo badankood ah daliillo ujeedkoodu maldahan yahay, haddii Alle doono se wuu xukmin lahaa, oo wuxuu ka yeeli lahaa kuwo jaango’an, balse u dhibrinta addoomihiisa iyo xikmaddiisa sarreysa ayuu ku gooyay taas. Waayo kolka nusuustu tahay mid daliilkeedu maldahan tahay waxaa u furan fuqahada in iyaga oo taxadaraya ay ku dadaalaan sidii ay u go’aamin lahaayeen ujeedka naskaas. Waxaana dabiici ah in dedaalkaas uu garab socdo iskhilaaf iyo kala aragti duwanaan, taas oo qofka muslimka ah kala doorad siinaysa hadalka mid ka mid ah kuwaas dedaalka bixinaya, taasina waa mid Alle dadka ugu roonaaday iyo naxariis uu u fidiyay, waxaana jirtay dhacdo ka turjumaysa taas oo dhacday xilligii nebiga NNKH, suubanaha naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – ayaa ugu u sheegay saxaabadiisa maalintii uu ka baxay dagaalkii Al-Axzaab in uusan qofna tukan karin salaadda duhur ilaa laga gaarayo Banii Quraydah, saxaabadii – qaybtood – ayaa ka baqay in salaaddu waqtigeeda dhaafto, kolkaasey tukadeen iyada oo aan la gaarin Banii Quraydah, halka qaarkii kale ay dhaheen: ma tukanayno ilaa aan gaarno meeshii uu na amray rasuulka Alle NNKH, salaadda waqtigeeduba hana dhaafee, labada kooxoodna midna laguma colaadin arrintaas.

Saxaabada, Eebbe haka raalli noqdee – qaybtood duxdii ma abbaarine waxay qaateen dushii sare ee nusuusta, mana aysan tukan ilaa Banii Quraydah, halka qaarkii kale ay ku tukadeen jidka, oo ay fuliyeen nuxurkii nusuusta, waayo waxay fahmeen in ku boorrintii nebiga NNKH ee ahaa in salaadda aan la tukan ilaa Banii Quraydah ay ahayd codsi uu uga dan lahaa in la dedejiyo socodka, iyaguna ay dheereeyeen isla markaana ay rumeeyeen dalabkiisii, balse amarka salaadda oo waqtigeeda la tukado ay keentay in ay iskudhafaan in ay waajib ku tahay in ay salaadda ku oogaan waqtigeeda iyo in ay ka miro-dhaliyaan muraadkii rasuulka NNKH, natiijadiina waxay noqotay in suubanuhu SCW uusan labada kooxood midna u qaban fasiraaddoodii, waayo codsigiisu wuxuu ahaa mid macne maldahan, oo khilaaf aqbali kara.

Culimada-fiqiga ee ay ummaddu ku qanacsan tahay, ma jiro mid ka mid ah oo si kas ah ugu khilaafay rasuulka NNKH arrin qarsoon ama muuqata, dhammaantood waxay isku raacsan yihiin waajibnimada raacistiisa. Balse faqiihu haddii uu ka tago shey laga weriyay ama laga sheegay nebiga SCW, taasi waxay ka dhigan tahay in uu aaminsan yahay; in uusan nebigu oran, ama aysan ka sugnaan, ama wuxuu rumaysan yahay in ujeedka ay u fahmeen fuqahadu naskaas uusan ahayn midkii suubanuhu NNKH uu ula jeeday, ama wuxuu qabaa in naskaaasi uu ka hor imanayo mid ka awood badan, ama ba la nasakhay…

Sidaas darteed, ayay culimadu u adkeeyeen lama-huraannimada in qofka cilmi-doonka ah loo sheego, uuna dheegto wixii ku saabsan khilaafka u dhexeeya fuqahada marka uu masalooyinka baranayo, waxaana ka mid ah hadalladooda: (Qofkii aan garanayn khilaafka culimada, ma aha caalin, qofkii aan garanayn kala-duwanaanshaha fuqahadana, ma uusan urin carafta fiqiga).

In badan oo ka mid ah xagjiriintu dib ayay ugu laaban lahaayeen masalooyin iyo mawaaqif badan haddii ay naftooda ku carbin lahaayeen raacashada aragtiyaha ay ka qabaan culimadu, waxayna garwaaqsan lahaayeen in aysan u socon wax aan ka ahayn oraah ka mid ah oraahyada ama aragti ka mid ah aragtiyaha oo sida ugu wanaagsan loo cabbiro ama loo sheego, sidoo kale waxay garowsan lahaayeen in kala-duwanaanshaha shey uun ee culimada ummaddu ay tahay naxariis Eebbe u fidiyay addoomihiisa.

Dhaqannada sunniga ah:

Dhibaatada ugu weyn ee ay la noolyihiin xagjiriintu waa aqoondarrada/ jahliga ka haysta sunnooyinka Alle ee ku aaddan uumanaha/khalqiga.

Habsami-u-socodka ummadaha iyo ilbaxnimooyinka Ilaahay wuxuu u dejiyay xeerar haga, waana kuwo tagto iyo taaganba leh, waa kuwo u eg xeerarka iyo sunnooyinka uu Alle u dhigay habsami-u-socodka qorraxda, dayaxa iyo xiddigaha socda, sidaas darteed ayuu waynuhu (kor ahaaye) leeyahay: {.. Miyaad sugaysaan waxaan waddadii kuwii hore ahayn, mana helaysid sunnada Eebbe wax beddela; ma heleysid sunnada Alle wax wareejiya} ~Suuradda Faadir, aayadda 43aad.

Sidoo kalena yiri: {Saasina waa waddadii Eebbe ee u horreysay ummadihii, wax beddeli karana ma jirto} ~Suuradda Al-Fatx, aayadda 23aad.

Sunnooyinka rabbaaniga ah waxay inoo jaangoynayaan isbeddellada guud, waliba aad bay faa’iido u leeyihiin kolka macluumaadku yar yahay. Sababtoo ah, qofku wuxuu waayi karaa aragtida istaraatiijiga ah haddii uusan fahmin sunnooyinka iyo dabeecadaha walxaha, xogta badanina mararka qaar waxay maskaxda ku abuurtaa jahawareer weyn.

Ka arradnaanta xagjiriinta ee garashada sunnooyinka rabbaaniga ah waxay ku abuurtay dhibaato kale oo ah ka-fogaanshaha ba’an ee ku aaddan casrigeenna iyo waayaheenna, jirtoo waqti kastaa wuxuu leeyahay ruuxdiisa gaarka ah, in aad moogganaato ruuxdaas ama aad iska indhatirtaana waxay keentaa musiibooyin waaweyn, waa tan maanta gaarsiisay xagjiriintii heer isu arkaan in ay dagaal dhammaystiran oo furan kula jiraan dunida oo idil, waana tabtaas waaqacu maanta, waana nasiibdarro!

______________________________

Tixraaca:

Buugga: تفكيـك ثقافــة الغلــوّ, Dr. Cabdulkariim Bakaar. Bogagga: 88 ilaa 93

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *