Islaamku waa Seefta Xagjirka iyo Gaashaan la isaga Dhigo Xagjirnimada, Labadaba
Daraasad ay leedahay UNDP oo la daabacay 7dii September [2017], ayaa lagu sheegay in diintu, gaar ahaan midda Islaamku, ay tahay sabab muhiim u ah ku biirista xagjirnimada gacan-ka-hadalka ah ee Afrika. Warbixinta oo cinwaan looga dhigay Jidka Xagjirnimada ee Afrika, ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray Alshabaab iyo Boko Xaram oo [ka kala hawl gala] Bariga iyo Galbeedka Afrika, sida ay u kala horreeyaan. [Daraasaddu] waxa ay daaha ka qaadday in ka badan kala badhka 495 [qof oo] la waraystayaal ah oo ku biiray kooxo argagixiso oo dhiig daadis ah, in aragti diimeed oo ay iskood u aqoonsadeen ama aaminaadda ay ku qabeen hoggaamiye diimeed uu yahay qodobka sababay go’aankooda ku biirista [Argagixisada]. Intii soo hadhay [la-waraystayaashu] waxa ay tibaaxeen [ugu yaraan] mid ka mid ah 11 sababood oo kale, oo u dhexeeya duruufo qoyseed, arrimo dhaqaale illaa dawladnimo iyo muwaadinnimo.
Daahfurkan waxa uu meesha ka saarayaa soo jeedinta kuwa ku adkaysanaya in Alshabaab, Boko Xaram, iyo kooxaha kale ee Jihaadiga ah dhammaantood aysan “Wax shuqul ah ku lahayn Islaamka.” Gabagabadani ma aha mid faa’iido leh; sababta oo ah: waxa ay dooddiiba soo xidhaysaa inta aysan billaabannin ka hor. Haddii uusan Jihaadku wax xidhiidh ah la lahayn diinta, taasi waxay ka dhigan tahay in diintu aysan waxba ku soo kordhinaynin ka hortagga xagjirnimada, xalkana ay khasab tahay in meel kale loo raadiyo.
Sida ay daraasadda UNDP sheegtay, arrimaha dhaqaale sida saboolnimada iyo shaqo la’aanta, iyo duruufaha qoyska sida dayaca waalidka iyo carruurnimo bilaa farxad ah, waxa ay noqon karaan sababo muhiim u ah naaxinta xagjirnimada. Laakiin, kuwaas oo kali ah ma abuuri karaan xagjirnimo gacan-ka-hadal leh; dadku waxay u baahan yihiin aydhiyoolajiyad ay ku saleeyaan tabashadooda. Kooxaha Jihaad-doonka ah waxay uga faa’iidaystaan Islaamka in ay sidaas yeelaan. Qaamuuska dunida ugu wayn ee jihaad-doonku waa Islaamka – ama si ka habboon, jihaad-doonka noociisa gurracan ee Islaamka. Fikirka diimeed waxa uu xagjirka uga dhigan yahay waxa uu wadnuhu jidhka uga dhigan yahay. Iska indhotirka doorka diintu waa halis wayn oo la qaato.
Iyada oo si qoto dheer ugu dhaadhacday, daraasaddu waxa ay sheegtay in 57% la-waraystayaasha sida iskood ah ugu biiray kooxda xagjirka ah aysan awoodin in ay akhriyaan qoraallada Islaamka ama aysan awood u lahayn in ay fahmaan waxay akhriyeen. Tani waxay ina tusinaysaa in caqiidada iyo laqmaynta indhaha la’ ay yihiin kuwa horseeda ku biirista xagjirnimada gacan-ka-hadalka leh ee aysan ahayn ku xeeldheeraanshaha aqoonta diimeed. Kol kasta oo qofku si xeel dheer u akhrin karo una fahmi karo Qur’aanka iyo tafsiirkiisa, waxaa sii bata awooddiisa difaac ee uu isaga caabin karo ku biirista kuwa xagjiray.
Natiijadan ayaa ka soo horjeedda [aragtida] kuwa Islaamka iyo Muslimiinta oo idil ku dhaleeceeya falalka kooxaha rabshad wadashayaasha ah. Waxay ka soo horjeeddaa hadallada odhanaya in Islaamku neceb yahay reer Galbeedka iyo in xalku yahay “guud ahaan iyo gabi ahaanba ka takhallusidda Muslimiinta” sida uu soo jeediyay musharrixii madaxwaynenimada Maraykanka ee xilligaas Donald Trump. Sidoo kale, waxay ka hor imanaysaa soo jeedinta ah in mamnuucista Qur’aanka, xijaabka Muslimiinta iyo xidhista Masaajidda iyo dugsiyada Islaamku ay yihiin jawaabo ku habboon [la dagaallanka xagjirnimada]. Soo jeedimaha noocan ahi ma aha kuwo iska fudud oo kali ah, ee waa kuwo xoojinaya xagjiriinta iyaga oo shacni u yeelaya sheekooyinkooda [ku saabsan] cadaawad u dhaxaysa Islaamka iyo Galbeedka.
Habka ugu waxtarsan ayaa ah in ugu horrayn la aqbalo in argagixisadu – ama ugu yaraan qaar ka mid ah – ay ka dab qaateen fahankooda Islaamka si ay argagaxooda u fuliyaan. Kolkaas, xagjirnimada gacan-ka-hadalka ah waxay ku lug yeelan [kartaa] Islaamka. Markaas kadib ayay tahay in qofku ku sii dheeraado oo isweydiiyo sida ay xagjiriintu uga faa’iidaysan karaan diinta ay aqlabiyadda ugu badan ee raacsani aaminsan yihiin in ay tahay mid nabad ah. Sidaas ayey u dhignayd warbixinta UNDP.
Daraasaddu waxay ku soo gunaanadday in dhibtu aysan ahayn Islaamka ee ay tahay aqoondarro lagaga sugan yahay. Xalku kolkaa ma aha aqoon diimeed oo yar [oo lagaga sii sugnaado Islaamka] ee waa [in la helo] aqoon tayo sare leh. Tani waxay dhisaysaa adkaysi bulsho, waxayna mujtamaca ku hubaynaysaa in ay si naqdin leh su’aal uga keenaan waxyaaba la barayo, iyo in wax laga qabto soo jiidashada nafsiga ah iyo qiirada sheekooyinka xagjiriinta. Aqoonta tayada leh waxay sidoo kale wax ka qaban kartaa saboolnimada iyo shaqo la’aanta, waxayna dadka ku beertaa anshaxa ula tacaallidda cabashooyinka si nabdoon oo madani ah, halkii qaab gacan-ka-hadal ah [loo wajihi lahaa].
Islaamku wuxuu noqon karaa seef ku jirta gacanta argagixisada, ama waxa uu noqon karaa gaashaanka muslimiinta iyo dunidaba. Halkii Qur’aanka la mamnuuci lahaa, sida ay soo jeediyeen siyaasiyiinta qaar, dawladaha iyo ururrada bulshada ee madaniga ah waa in ay sii xoojiyaan culimada Muslimku in ay u fasiraan una baraan kitaabka [Qur’aanka] qaab kor u qaadaya nabadda iyo wada noolaanshaha. Khubarada iyo sharci-dajiyayaashu waa in ay taageeraan Masaajidda iyo dugsiyada Islaamka iyaga oo ka caawinaya in ay horumariyaan oo ay gudbiyaan waxyaabo tayo leh, halkii ay mamnuuci lahaayeen. Beesha Caalamkuna waa in ay awood u siisaa dadka ay diintu samaha ku hagtay in ay ka guulaystaan kuwa magaca diinta ku samaynaya xumaanta.
Si loo hirgaliyo tan, waa in Muslimiinta dunida ee kor u dhaafay halka Bilyan lagu taageero sidii ay diintooda uga soo ceshan lahaayeen xagjiriinta. Laakiin, taa lama gaadhi karo iyada oo la iska indho tirayo amaba la buunbuuninayo doorka Islaamku [ku yeelan karo] xagjirnimada gacan-ka-hadalka ah. Doorka dhabta ah ee diinta waa in la wajaho lana fahmo.
W/Q: Audu Bulama Bukarti
W/T: Madasha Hoobaan