Islaamka: Diinta Ugu Weynaan Doonta Adduunka 2075; Daraasad
Tirada dhallaanka ee Muslimiinta ayaa la filayaa inay dhaafi doonaan kuwa ay dhalaan Masiixiyiinta muddo labaatan sano gudahood ah, taasoo ka dhigeysa Islaamka diinta ugu weyn adduunka marka la gaaro 2075, sida lagu sheegay falanqeyn cusub oo ay sameysay Xarunta Cilmi-baarista Pew.
Dadka aan diinna raacsanayn ayaa lagu wadaa inay hoos u dhacaan saamiga dadka adduunka taas oo ay sabab u tahay dhalashadooda oo sii yaraanaysa iyo tirada Muslimiinta iyo Masiixiyiinta oo sii kordhaysa.
Falanqayntu waxay tilmaamaysaa isbeddel dadweyne oo aan la saadaalin karin, balse baaxad leh oo ku dhici doona dadka diimaha haysta tobonnaanka sano ee soo socda, halka dadka ku nool koonfurta adduunka ay si xawli ah u korayaan iyada oo dadka masiixiga ah ee reer Yurub ay gaboobayaan oo geeriyoonayaan!
Intii u dhaxeysay 2010 iyo 2015, qiyaastii 31% dhallaanka adduunka ku dhashay waxay waalidiintood ahaayeen Muslimiin, taasoo aad uga badan 24% oo ah saamiga dadka Muslimiinta ee bulshada adduunka. Isla muddadaa, 33% dhallaanka adduunka ku dhashay waxaa dhalay Masiixiyiin, tiradaas oo wax yar uun ka badan saamiga ah 31% ee Masiixiyiinu ku leeyihiin bulshada adduunka.
Taas ayaa lagu wadaa in ay is beddesho, iyada oo ay ugu wacan tahay da’yarta dadka Muslimka ah iyo heerka dhalmadooda oo aad u badan. Inta u dhaxaysa 2030 iyo 2035, Muslimiintu waxa ay dhali doonaan carruur wax yar ka badan (225 milyan) kuwa ay dhali doonaan Masiixiyiinta (224 milyan). Inta u dhaxaysa 2055 iyo 2060, farqiga ayaa la filayaa inuu ka bato 6 milyan –232 milyan ayaa u dhalan doonta Muslimiinta, halka ay 226 milyan ay Masiixiyiintu heli doonaan.
Dhanka kale, dhimashada ku dhacaysa dadka Masiixiyiinta ah ee ku nool Yurub ayaa aad uga badan dhalmadooda. Dalka Jarmalka, intii u dhaxaysay 2010 iyo 2015, waxaa lagu qiyaasay 1.4 milyan in ay dhimashadu ka badnayd dhalashada dadka Masiixiyiinta ah. Pew waxay sheegtay in qaabkan la filayo inuu ka sii socdo inta badan Yurub tobonnaanka sano ee soo socda.
In kasta oo dad tiro yar oo koraya oo Kirishtaan ahi ku nool yihiin waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, haddana Masiixiyiintu waxay noqonayeen 37% dhimashadii adduunka ee sannadihii ugu danbeeyay.
“Marka la barbardhigo ee la eego kororka ubadka muslimiinta, dadka aan diinna haysani waxay la kulmayaan isbeddel aad uga duwan midkaas” ayey tiri Pew. Dadka aan diinna raacsanayn waxay ka yihiin 16% dadka adduunka, laakiin kaliya waxay soo saaraan 10% dhallaanka adduunka.
“Dhallaanyaridaas haysata kuwa aan diinna raacsanayn (oo ay ka mid yihiin mulxidiinta, Alle-koodyada iyo kuwa aan diin gaar ah ka tirsanayn) waxa ay qeexaysaa oo saadaalinaysaa in ay hoos u dhici doonto tirada ay ka yihiin bulshada adduunka tobonnaanka sano ee soo socda”
Markay tahay 2055-2060, 9% oo ka mid ah dhammaan dhallaanka adduunka waxay u dhalan doonaan haween aan diinna raacsanayn, halka in ka badan 70% ay u dhalan doonaan labada Muslim (36%) ama Masiixiyiinta (35%), ayey tiri Pew.
Dadka aan diinna raacsanayn ayaa “badankoodu waxa ay ku dhex nool yihiin bulshooyinka gaboobaya ee dhalmada ku yar tahay, sida Shiinaha, Japan, Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Taas bedelkeeda, diimaha dadka badani haystaan ee ka jira waddamada soo koraya [ee dhalmadu badan tahay, saqiir-dhimashada caruurtuna hoos u dhacay] ayay u badan tahay in ay xowli ku koraan. Inta badan koboca dunida Islaamka iyo Masiixiyadda, tusaale ahaan, waxaa la filayaa inay ka dhacdo Afrikada ka hooseysa Saxaraha, ”ayey tiri Pew.
Sannadkii 2015-kii, dadka dunida ee 7.3bn, Masiixiyiintu waxay ahaayeen kooxda diimeed ee ugu weyn, oo ah 31%. Muslimiinta ayaa kaalinta labaad ku jiray 24%, waxaa ku xigay “diin laawayaasha” (16%), Hindus (15%) iyo Buddhist (7%). Yuhuudda, kuwa raacsan diimaha dadyowga (caqiidooyinka la xiriira koox gaar ah oo dad, isir ama qabiil), iyo kuwa raacsan diimaha kale ayaa ka kooban saamiyo yar oo ka mid ah dadka adduunka!!!.
Saadaashu uma malaynayso in ubadka dhalandoona oo dhami ay haysan doonaan diimaha waalidkood, laakiin waxay isku dayeen inay tixgeliyaan beddelaad diimeed, inkasta oo “qaababka [diin] beddelaaddu ay yihiin kuwo adag oo kala duwan”, ayey tidhi Pew
W/Q: Harriet Sherwood Religion correspondent, 5 Apr 2017
W/T: Maxamed Xuseen Ceynte, 17 July 2021
Waxaa tafaftiray oo isku soo dubbariday Madasha Hoobaan