Halista uu fikirka Abiy Axmed ku hayo xasilloonida Geeska Afrika

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxa uu meesha ka saaray rejadii nabadda iyo barwaaqada ee ay naawilayeen bulshooyinka Geeska Afrika. Kadib intii uu caan ku noqday nabadoonnimo, isla markaana ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize, waxa uu huriyey colaado uu la galay qowmiyadaha Axmraada, Tigrayga, iyo Oromada, isaga oo dhinaca kalena muujiyey doonistiisa ah guluf uu ku ekeeyo Eriteriya. Waxa uu muddo lix bilood ah si joogta ah u caddaynayay in Itoobiya u baahan tahay in ay marin ka hesho biyaha badda, taas oo xoog ama xeelad loo marayo. Fagaare hadalkiisa waxa uu ku buunbuuniyay shacbiyadiisa, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in dekadaha istaraatiijiga ah ee Badda Cas uu ku qabsan doono si walba oo suurogal ah. Waxaa xusid mudan, hadallada uu Raysalwasaaruhu ku celcelinayo, isla markaana janaraalladiisu kaga dhawaajiyeen iyaga oo leh “Waxaan isku diyaarinaynaa dagaal cusub”, in ay muujinayso dedaal ujeeddo leh oo taliska Abiy Axmed uu shacabkiisa ugu diyaarinayo colaad soo fool leh oo ka dhacda gobolka Geeska Afrika. Hadalladiisan ayaa xambaarsan aydiyoolajiyad halis ah oo ku qancisay in ka guuleysiga Soomaaliya, Eriteriya iyo qowmiyadaha kale ee Itoobiya ay suurtagal tahay, ayna muhiim u tahay xallinta qalalaasaha siyaasadeed ee cakiray Itoobiya.

Sida uu sheegay Bare-sare Maxamed Xasan, xaaladda dhaqan-dhaqaale iyo midda siyaasadeed ee Itoobiya waxaa saaran cadaadis weyn. Tusaale ahaan, 70% gobollada Axmaarada iyo Oromada gacan ugama jiraan, dhaqaaluhu waa jahwareeray, shaqo la’aanta iyo saboolnimadu sare ayey u kaceen, xasaraddii Tigreygana weli lama xallinin. Waxaa muuqata taliska Abiy Axmed in uu lama huraan u arko iska-hor-imaad millateri. Abiy wuxuu sii anbaqaaday siyaasaddii ahayd fogeynta iyo muquuninta [kolba] hal qowmiyad, taas oo ah dhaqan-siyaasadeed ka jira Itoobiya oo marar badan fashilmay. Ma aaminsana Itoobiya dimuquraadi ah, sidaa darteed waxa ay u dhawdahay aydiyoolajiyadda Abiy ee “Oromannimada” oo ku dhisan in Oromadu ka taliso Itoobiya iyo Geeska Afrika ay ku dambayn doonto isla guuldarradaas.

Sida ku cad Istataatiijiyaddiisa weyn, Abiy Axmed waxa uu markii hore diiradda saaray dekadda istaraatiijiga ah ee Casab, taas oo ah dekad muhiimad taariikheed u leh Itoobiya kahor intii aysan Ereteriya xornimadeeda qaadan 1993. Ha yeeshee, cududda millateri ee Ereteriya ayaa u diidday in uu ku khamaaro guluf cusub oo uu la galo Ereteriya, wuxuuna bilaabay in uu raadiyo baddel kale oo uga fudud. Wuxuu ismoodsiiyay in liidnaanta iyo kala qoqobnaanta Soomaalida ay u sahli karto rumeynta riyadiisa, isaga oo heshiis is-afgarad ah la saxeexanaya Muuse Biixi oo ah madaxweynaha gooni-goosatada Soomaalilaan, kaas oo quus ka taagnaa aqoonsi uu helo. Dhab ahaanse, waxa uu si khaldan u qiimeeyay awoodda bulshada Soomaaliyeed iyo xamaasaddooda qarannimo. Riyada Abiy ee la xidhiidha qorshaha Itoobiya ku doonayso in ay isku ballaadhiso marinka isku xidha Saylac iyo Lughaya, waxa uu buunka ku yeedhiyay Muqdisho. Dhulkan oo aan la cayimin, ayaa la sheegayaa in ay u dhowdahay magaalada Saylac oo ah magaalo-taariikheed ku taalla gobolka Awdal, lana deris ah Jabuuti. Waana isku xidhka ugu dhow ee Itoobiya la wadaagto [xeebaha] Soomaalilaan, taas oo dherarkiisu u dhaxeeya 60 ilaa 80 km. Gobolkanna waxaa deggan beelaha Gadabuursi iyo Ciise oo ku teedsan xuduudka Itoobiya iyo maamulka Soomaalilaan.

Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ayaa kala saxiixday is-afgarad u oggolaanaya Itoobiya in 20km oo Badda Cas ah ay ka dhisato dekad ganacsi iyo saldhig ay yeelanayaan ciidamadeeda badda. Taas baddelkeedna, Itoobiya waxa ay Soomaalilaan ka taageeri doontaa sidii ay u heli lahayd aqoonsi iyo saami ay hesho shirkadda diyaaradaha Itoobiya. Taasi waxa ay keentay in la aamusiiyo mucaaradkii labada nidaam ama lagu qasbo in ay taageeraan ooy ula jaanqaadaan taageerada shacab. Is-afgardkan ayaa noqday xuddunta xiisadda gobolka, taas oo walaac ku abuurtay dalalka ku teedsan Badda Cas sida Ereteriya, Jabuuti, Suudaan, Masar, Sacuudiga iyo Yeman. Saamaynta degaan-siyaasadeed ee arrintan ayaa ah mid ka baxsan xuudadaha dhow, iyada oo xuduudaha dunida oo idil ku soo celin karta saamaynta xun ee kala dhantaalanka xuduudaha. Xeebaha Geeska Afrika waa marin-biyood isku xidha Badweynta Hindiya, Badda Cas iyo Badda Mediterranean-ka oo sii marta wadiiqa Suweys, waana xuddunta ganacsiga dunidu ku goosho.

Warbaahinta dunida ayaa qaada-dhigtay saamaynta halista leh ee hawshan, iyaga oo ka digay colaadda ka soo fool leh gobolka iyo saamaynta ay ku yeelan karto dhaqalaaha dunida. Is-afgaradkan waxa uu dhaliyay doodo iyo muranno baahsan, taas oo sii shidaalisay hubanti la’aanta sii kordhaysa ee Geeska Afrika oo ah gobol ku fadhiya ahmiyad istaraatiijiyadeed iyo dooxada Badda Cas.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka jawaabaya is-afgardka ayaa meel mariyay xeer uu saxiixay MW Xasan Sheekh, kaas oo lagu laalay is-afgardka. Waxaa hubaal ah, in Abiy Axmed uu lumiyay niyad wanaaggii Soomaalida iyo filashooyinkii xoogganaa ee laga qabay nabadda gobolka iyo iskaashiga Itoobiya, iyo weliba isku soo dhawaanshihii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo Itoobiya tan iyo markii uu Abiy qabtay xilka 2018. Tallaabadan waxa ay ka turjumaysaa go’aanka hagar la’aanta ah ee ay DFS ka qaadatay arrimaha midnimada qaranka. Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Geeska Afrika iyo qurbajoogta ayaa cambaareeyay is-afgaradkan, iyaga oo caddeeyay in DFS ay ku garab-taagan yihiin arrintan muhiimka ah.

Diidmada xooggan ee is-afgardka ayaa lagu soo bandhigay qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin: bannaanbaxyo, kulanno dadweyne, doodo, muujin midnimo iyo cambaareynta is-afgardkaba. Waxaa intaa dheer, DFS waxa ay qaadday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay taageeo kaga raadinayso jilayaasha caalamiga ah sida Maraykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Masar, Sucuudiga, Talyaaniga, Eriteriya iyo Jabuuti. Habka firfircoon ee ay qaadatay DFS waxa ujeedadiisu tahay in ay xoojiso mowqifkeeda caalamiga ah si midnimadeeda dhuleed uga ilaaliso gabood-fallada kaga soo wajahan taliska Abiy Axmed.

Dedaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya waxa ay gaadhsiisan yihiin hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah oo ay ku jiraan urur-goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka, Qaramada Midoobay, iyo goleyaasha kale ee caalamiga ah. Hay’adahan ayaa soo bandhigay taageeradooda madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taas oo hoosta ka xarriiqday muhiimadda taageerada caalamiga ahi u leedahay mowqifka qaranka ee arrintan muhiimka ah.

Abiy Amed waxa uu khadka ka saaray xiisihii ay dadku u qabeen nabadda, waxa uuna noqday mid u ololeeya [hurinta] colaadda Geeska Afrika.

Halkii uu midnimo ka dhalin lahaa, falalkiisu waxay horseedeen colaado gudaha ah, taas oo xiisad ka dhex aloostay qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya. Waxaa xusid mudan, in diyaargarowga ciidan ee uu ugu jiro isku-dhaca uu la geli karo Eriteriya uu si weyn uga hor imanayo aqoonsigii lagu siiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka, taas oo uu ku mutay xallintii colaadda Itoobiya iyo Eriteriya.

Is-afgaradka uu dhawaan la saxiixday Madaxweynaha aan shacbiyadda lahayn ee Muuse Biixi ayaa xaaladda uga sii daray. Waxaa lama huraan ah in la ogaado in Muuse Biixi oo ah mid ku dhex anbaday hardanka siyaasadeed ee gudaha ka haysta, isla markaana ku soo jabay Laascaanood uu arrintan ugu khamaarayo si uu dib iskugu doorto, isaga oo dadkiisa ku maaweelinaya aqoonsi aan suuroobaynin. Is-afgaradkan ma soo noolaynin cadaawadii taariikhiga ahayd ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo keliya, ee waxuuba kiciyay cadho waddaniyadeed oo ku baahday Soomaalida ku nool Geeska Afrika iyo guud ahaan dunidaba. Waxa ay sidoo kale arrintani jawi cuddoon u abuurtay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab oo ciidanka qaranka ee Soomaaliya kala kulmayay cadaadis xoogan.

Al-Shabaab waxay ku dhawaaqday in is-afgaradka ay u adeegsan doonto abaabulka askaraynta iyo ballaadhinta hawlgalkeeda, oo ay ku dari doonto Soomaalilaan oo ahaan jirtay degaan nabad ah. Sida Al-Shabaab ay sheegtay, Soomaalilaan waxa ay bartilmaameed u noqon doontaa jihaadka ka dhanka ah is-ballaadhinta Abiy Axmed.

Waa kuma Abiy Axmed?

Si aan u fahanno fikirka halista ah ee Abiy Axmed oo ah mid u baahan in si wadajir ah wax uga qabtaan dadka nabadda jecel ee Geeska Afrika iyo kuwa kaleba, waxa aan si kooban u soo bandhigaynaa aydiyoolajiyaddiisa.

Abiy Axmed waa nin si qotodheer ugu xididaystay caqiidadiisa Beendeega (Pentecostal Christian), waxaana iska dhalay aabbe Muslim ah iyo hooyo Kiristan ah. Beendeegu (Pentecostalism) waa mad’hab Kiristan ah oo muujinaysa la kulanka tooska ah [ee shakhsigu ka kulmo] Eebbe iyada oo loo marayo Baabtiiska Ruuxul-Qudduska. Baabtiiskan ruuxiga ah waxaa lagu helaa [marka la gaadho] heerka “Mowhibada”, taas oo ah mowhibo mucjiso ah oo uu bixiyo Ruuxul-Quddusku, kuna timaadda sida hadal toos ah, ilhaamin, iyo bogsiin ba. Ku toosnaanta iyo suganaanshaha Abiy Axmed ee caqiidada Beendeega Kiristanka ah waxa ay ka muuqataa ka qaybgalka qoyskiisa ee hawlaha kaniisadda.

Abiy Axmed waxa uu ka qaybqaadan jiray hawlaha kaniisadda, waxa uuna ku kordhiyay aqoontiisa Injiilka isaga oo wacdi iyo waxbarid ka samayn jiray kaniisadda rumeystayaasha Injiilka buuxa ee Itoobiya (Ethiopian Full Gospel Believers’ Church). Sida ku cad caqiidadiisa, waxa uu aaminsan yahay in Eebbe u wakiishay in uu qowmiyadda Oromada ka badbaabdiyo dulmiga iyo faquuqa taariikhiga ah ay kala kulmeen Kiristanka Ortodokiska (Orthodox Christians) ah ee Axmaarda iyo Tigreega. Sidaa darteed, Abiy waxa uu u hoggaansan yahay aydiyoolajiyadda Oromannimada (Oromumma), si uu uga dhabeeyo ilhaamintaas. Yoolka ugu dambeeya ee aydiyoolajiyaddan waa abuuridda Jamhuuriyadda Kushitg ah ama Oromiyada weyn, taas oo wajigeeda koowaad lagu gaadhi karo yaraynta saamaynta Axmaarada, Tigreega iyo Eriteriyaanka. Yoolkan weyn waxa uu laasiminayaa in dagaallo laga dhex huriyo qowmiyadahaas, si nidaamsanna loo wiiqo kaniisadda Ortodokiska, iyada oo kala qaybsanaan gudaha ah lagu beerayo, taas oo ah mad’habta asalka ah ee Axmaarada iyo Tigreega.

Sidoo kale, istaraatiijiyaddu waxa ay faahfaahin ka bixinaysaa sharraxaadaha lagu xaqiiniayo awoodda Oromiya ee gudaha ciidanka Itoobiya, iyada oo udub dhexaad looga dhigay gelidda Badda Cas.

Wajiga labaad ee istaraatiijiyaddan, waa midaynta Oromada Itoobiya, Keenya, bulshooyinka Kushitiga ee Soomaalida, Canfarta iyo kuwa kaleba ka mid yihiin. Taas kama dhigna in bulshada Oromadu ku taageersan tahay arrintan, bal’e qaar ka mid ah madaxdooda ayuu ku guray xabsiyada. Ururka Xoraynta Oromada OLF/OLA ayaa ku dhawaaqay in ay si buuxda u taageersan yihiin midnimada dhuleed ee Soomaaliya. sida ku cad dukumentiyada qarsoodiga ah, Abiy wuu ka duwan yahay badi dadka Oromada ah ee daneeya arrimaha aayo-ka-tashigooda, sida Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA). Wuxuu aaminsan yahay caqabadda aasaasiga ah ee Oromadu wajahayaan in yihiin Axmaarada iyo Tigreega.

Aragtida istaraatiijiyadeed ee Abiy Axmed, waxa ay Soomaalida u aragtaa kuwo muhiim u ah samaynta jamhuuriyadda weyn ee Kushitiga. Is-afgardka uu la saxeexday maamulka Soomaalilaanna waxa ay qayb ka tahay hirgelinta istaraatiijiyaddaas ballaadhan. Isaga oo Soomaalida ka qaybgelinaya aragtidan, Abiy waxa uu hiigsnaayaa in uu isbahaysi xoogan ka dhex abuuro bulshooyinka Kushitiga. Qanaacadiisa ah in la kobciyo iskaashiga iyo is-caawinta gobollo gaar ah iyada oo la hubinayo [helidda] goob istaartiiji ah oo ku taal Badda Cas ayaa ka turjumaysa sida ay muhiim ugu tahay barwaaqada iyo guusha kama dambaysta ah ee Oromiya. Sidaa darteed, saxeexa is-afgardku waxa ay ka dhigan tahay tallaabo la darsay oo lagu gaarayo istaraatiijiyaddan dhammayska tiran.

Iyada oo ay jirto aydiyoolajiyaddan halista ah isla markaana murugsan ee Abiy Axmed, waa in waxgaradka Geeska Afrika, nabadoonada, ururrada bulshada rayidka ah iyo jaaliyadaha qurbuhu ay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen cawaaqib xumada ka dhalan karta istaraatiijiyadda iyo siyaasadaha Abiy Axmed.

Xeeladaha hurinta colaad u dhaxeysa qowmiyadaha kala duwan waxay quus ku abuuraysaa bulshooyinkeenna. Si looga hortago caqabaddan, waa in si xoogan oo horleh kor loogu qaado codka wadajirka ah ee indheergaradka iyo madaxda Geeska Afrika. Hadda, waxaa si aad ah loogu baahan yahay mowqif midaysan oo u ololeeya nabadda, barwaaqada, iyo walaalaynta dhammaan isirrada kala duwan ee gobolka. Garwaaqsiga mugga xaaladda iyo u hawlgelidda sidii awood isku xidhan oo lgaga hortagayo musiibada soo ifbaxday ee ay hurinayaan siyaasadaha Abiy Axmed ayaa ah arrin lama huraan ah. in laga aamuso musiiibadan soo fool leh ayaana ah wax aan la aqbali karin. Haatanba, indheergaradka, haldoorka fikir iyo dadka saamaynta leh ee Geeska Afrika waxay si firfircoon uga hadlayaan falalkan iyo siyaasadaha Khalkhal gelinaya xasiloonida gobolka. Iyada oo hal meel looga soo wada jeedsanayo, indheergaradka iyo madaxdu waxay gacan weyn ka geysan karaan yaraynta saamaynta siyaasadahan iyo abuurista jawi ku habboon nabadda, iskaashiga, iyo barwaaqo ay is-dhaafsadaan bulshooyinka kala duwan ee qowmiyadaha Geeska Afrika.

Dhinaca kale, xaaladda cakiran ee Geeska Afrika oo ah mid aan deganayn, iyo is-ballaadhinta taliska Abiy Axmed ba, waxay u baahan yihiin farogelin degdeg ah oo kaga timaadda urur-goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika. Tallaabo-qaad degdeg ah ayaa muhiim ah, sababo la xidhiidha falalka collaytanka ah ee Abiy Axmed ugu raadjoogo in si rasmi ah dhulkiisa ugu darsado qaybo ka mid ah Soomaaliya, isaga oo isku gabbinaya heshiis qarsoon oo lagu sheegay kiro oo 50 sano ah; kaas oo dowladda Soomaaliyana ay si cad u diidday.

Sidoo kale, beesha caalamku waa in ay si firfircoon uga qayb qaadatay dedaallada diblomaasiyadeed ee lagu horumarinayo wada-hadallada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Soomaalilaan, lagana hortagayo in Itoobiya faragelin ku samayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, lagana shaqeeyo sidii loo heli lahaa xal nabadeed oo ixtiraamaya madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan dalalka Geeska Afrika.

W/Q: Dr. Cabdirraxman Baadiyow

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *