GEESKA AFRIKA IYO GEESKA CARABTA
Eray-bixinnada deegaan-siyaasadeedka ee uu curiyey aqoonyahankii waynaa ee Dr Cali Masruuci (1933-2014),waxaa ka mid ah erayga “Afrabia” oo ah eray af-ingiriisi ah oo ka kooban labo eray oo la isa saaray; bilowga eragayga “Africa” iyo dhamaadka “Arabia”.
Mascuuri eray-bixintaan wuxuu uga gol-lahaa inuu ku muujiyo isku-milanka deegaan,sooyaal iyo dhaqan ee guunka ah ee ka dhexeeya qaaradda Afrika iyo Jasiiradda Carbeed. Eray-bixinnta “Afrabia” waxay la mid tahay eray-bixinta “Eurasia” ee iyadu u taagan isa-saarka labada eray ee “Europe” iyo “Asia”.
Dr. Cali Masruuci wuxuu ku dhashay magaalada Mambaasa-keenya,wuxuu kasoo jeedaa qoys sal iyo baar islaam ah,asal ahaanna kasoo jeeda saldanadda Cummaan. Aabihii Amiin Masruuci wuxuu ahaa faqiiha iyo garsooraha guud ee muslimiinta Keenya. Isagu wuxuu wax ku bartay jaamacado reer galbeed oo guun ah sida jaamacadda Mancheaster,Colombia,Ox-ford,deedna wuxuu bare-sare ka noqday jaamacadda Makreeri-Uganda iyo jaamacado dhowr ah oo maraykan ah,wuxuu qoray 26 buug,qormooyin fara-badan oo ku saabsan dhaqanka afrikaanka iyo islaamkaba,wuxuuse aad ugu caan-baxay barnaamij ducumentary ah magaciisuna ahaa “Afrikaanka” oo uu u diyaariyey BBC-da.
Eray-bixinta Afrabia ee uu dejiyey Cali Masruuci;waxaan u arkay mid mudnaan gaar ah leh,taas oo muujinaysa is-dhex-galka istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika iyo waxa aan ugu yeeri doonno “Geeska Carbeed”. Daraasadaha la xiriira deegaan-siyaasadeedka ee casriga waxay in muddo ah adeegsanayeen eray-bixinta “Geeska Afrika”,iyaga oo ula jeeday deegaanka dhaca koonfur-bari Qaarradda Afrika,kaas oo si saddex-xagal ah ugu fidsan bar-kulanka saddex badood;badda Cas,badda Carabta iyo Bad-waynta Hindiya.
Aqoonyahannada cilmiga deegaan-siyaasadeedka waxay eray-bixinta Geeska Afrika u adeegsadaan labo ujeedo,midda hore waa tu urursan oo kulminaysa afar dowladdood: Soomaaliya, Jabuuti, Ereteriya iyo Itoobiya. Tan dambe waa mid ballaaran oo waxaa kusoo biiraya xeebaha koonfureed ee Keenya iyo xeebaha waqooyi ee Suudaan. Qeexiddan dambe ee ballaaran waxay dowladaha Geeska Afrika ka dhigaysaa lix dowladood,waana sida ay sheegayso qeexidda caanka ah. Annaguse waxaan qoraalkan diiradda ku saaraynaa qeexidda urursan ee Geeska Afrika.
Waxaan qormadan uga gol-leenahay muujinta isu-ekaanta iyo xiriirka qotada-dheer ee ka dhexeeya Geeska Afrika iyo Geeska Carabta,in-kasta oo uu xiriirkan muhiimad gaar ah u leeyahay dadka labada Gees,gobolka iyo dunida oo idil ba,haddana baarayaashu wax mudnaan ah ma ay siin. Eray-bixinta “Geeska Carabta” waxay iyaduna la mid tahay uun tii hore oo waxay xambaarsantahay labo ujeeddo,mid urursan oo ku kooban dalka Yaman oo qura,iyo tu ballaaran oo kulminaysa dowladaha Yaman,Sacuudiga iyo Cummaan. Haddii aynu ujeedadaa ballaaran adeegsanno waxaa inoo soo baxaya laba gees oo Carbeed: geeska Jasiiradda Carbeed kaga beegan dhanka koonfur-bari,kaas oo ku teedsan biyo-mareenka Hurmus kuna xira saldannadda Cummaan,iyo gees kale oo Jasiiradda Carbeed ka xiga koonfur-galbeed,isagu wuxuu ku teedsanyahay biyo-mareenka Baabul-mandab dhanka Yaman. Waxaanna qoraalkan xoogga ku saari doonnaa xiriirka ka dhexeeya Geeska Afrika iyo Geeska Carbeed ee dhaca koonfur-galbeed jasiiradda Carbeed kaas oo hareeya Baabul-mandabka.
Ka hor inta aynu guda-gelin muuqaalada isku milanka labada Gees,iyo caddaynta baratanka goboleed iyo kan caalamiga ah ee loogu jiro,aynu akhristaha u qeexno hab-dhismeedka Geeska Afrika, mudnaantiisa istiraatiijiyadeed,iyo fursadaha deegaan-siyaasadeed ee ay ayaanka u heleen afarta dowladood ee Geeska Afrika iyo turunturrooyinka ay ka tilaabsan la’yihiin.
- Soomaaliya: iyadu waa bu’da Geeska istiraatiiji ahaan,waayo waxay leedahay xeebta ugu dheer qaarradda Afrika,taas oo u suurta gelinaysa inay mustaqbalka kaalin adag ciyaarto,balse dhibaatooyinka sanadihii dambe ragaadiyey ayaa ka hor-joogsanaya gudashada kaalintaa aadka u muhiimka ah.
- Jabuuti: waa tan bed ahaan ugu yar dowladaha geeska,haddana waa mida ugu mudan xakumidda Baabul-mandab,waayo isaga ayay si toos ah ugu beegantahay.
- Ereteriya: iyadu waxay leedahay xeeb dheer oo ku teedsan Geeska Afrika,balse waxay -ilaa muddo dhow- xurguf dabo-dheeraatay kala dhexaysay Itoobiya,taas oo mugdi gelisay kaalinteedii istiraatiijiyadeed ee Geeska.
- Itoobiya: iyadu waa tan ugu ballaaran bed ahaan,uguna xooggan ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan ba dowladaha Geeska,se xeeb la’aanta -illaa intii ay Ereteriya ka goosatay- ayaa ka xannibaysa inay baaxaddeeda iyo xooggeeda wax ku dheefto.
Meelaha ay iskaga egyihiin Geeska Afrika iyo Geeska Carbeed waxaa lagu soo uruurin karaa afar arrimood:
- Labadooduba waxay ku dherersanyihiin biyo-xireenka Baabul-mandab,oo isagu ah marin hal-bowle u ah isu-socodka tamarta iyo ganacsiga dunida,arrintaasi waxay labada gees ka yeelaysaa kuwo qiimo wayn ugu fadhiya beesha caalamka iyo ganacsiga caalamiga ah ee badaha isaga gudba.
- Labada geesba waxaa laga helaa dowlado leh xeebo iyo dowlad baaxad leh oo aan lahayn bad ku dherersan biyo-xireenka Baabul-mandab (Itoobiya oo u taagan Geeska Afrika iyo Sacuudiga oo matalaya Geeska Carabta).
- Waxaa labada geesba ka jira dhibaato siyaasadeed, mid amni darro iyo burbur dowladnimo (Soomaaliyo iyo Yaman), waxayna dhabbaha u xaareen kooxo xag-jiriin ah oo caalami ah,burcad badeed iyo arga-gixiso halis gelinaya qulqulka tamarta.
- Waxaa guud ahaan gobolka is feer socda kacdoon xor ah iyo mid liddi ku ah,kaas oo xambaarsan is-jiidjiid gudaha ah,baratan gobolka ah iyo loollan caalami oo loogu jiro hanashada labada gees.
Dowladda Imaaraadka ayaa ah tan ugu galaan-galka badan Geeska Afrrika marka la eego dhanka saamaynta taban. Iyadu waxay sanadihii dambe isku howshay sidii ay ugu gacan sarrayn lahayd xeebaha labada gees si siman,dabadeedna waxay saldhigyo ciidan ka samaysaysatay labada geesba:
1. Dhanka Geeska Carabta,waxay saldhigyo milateri ku yeelatay xeebaha Yaman sida; Cadan,Mukula,Jasiiradda Maymuun,duu-baab Mukhaa iyo Jasiiradda Suuqadara oo siyaasad ahaan raacsan Geeska Carabta waayo waxay ka tirsantahay dalka Yaman se deegaan ahaan u dhow Geeska Afrika.
2. Dhanka Geeska Afrika,Imaaradku waxay labo saldhig ku yeelatay Barbara iyo Boosaaso,oo Soomaaliya ah,iyo Casab oo Ereteriya ah.
Joogitaanka Imaaraadka ee Geeska Afrika wuxuu u muuqdaa mid danahooda uun u adeegaya,kuna dedaalaya sidii uu u isugu-koobi lahaa maamulidda xeebaha iyo furdooyinka,quwadaha waawayna uu isugu tusi lahaa inuu isagu yahay midka kaliya ee ka masuulka ah nabadgelyada xeebaha iyo ilaalinta maraakiibta ganacsi ee caalamiga ah ee ku goosha. Imaaraadku dulsaar la dhibsaday ayuu labada geesba ku noqday arrintaa oo adkaynaysa kusii negaanshihiisa mustaqbalka fog.
Dhanka kale Turkigu wuxuu Soomaaliya ka dhistay saldhig ciidan kaas oo ah midka ugu wayn saldhigyada uu dalkiisa dibadiisa ku leeyahay,Turkiga iyo Qadar si xoog leh ayay Soomaaliya u maal-gashadeen,waxay kaloo ka qayb qaateen u gurmashada dadka tabaalaysay kuwaas oo abaaruhu iyo colaaduhu ay ragaadiyeen,sidaas ayay labadan dowladood ku kasbadeen kalsoonida in badan oo bulshada soomaaliyeed ah iyo hal-doorka ku howlan dhisidda dalkooda iyo dhayidda boogaha bulshadooda.
Maal-gashiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee Turkiga iyo Qadar waa mid salka ku haya is-qaadasho iyo is-kaashi,taas oo cid walba dan u ah,sidoo kale waxay tix-gelin u hayaan rabitaanka bulshada labada gees iyo dedaalada nabadaynta iyo dimiquraadiyaynta.
Mar kale haddii aynu dhuganno Geeska Afrika ee ballaaran,Turkigu wuxuu dedaal dheer geliyay sidii uu uga muuqan lahaa saaxadda Suudaan,isagoo mashaariic ka fuliyey jasiiradda Sawaakin ee dalka Suudaan,inkasta oo qolyaha diidan kacdoonka Carbeed ee ay Sacuudiga,Imaaraadka iyo Masar ugu tunka wayn yihiin ay Suudaan caasha saareen kadib dhiciddii Al-bashiir, bal’e waxaaba la oran karaa saamaynta uu Turkigu Suudaan ku yeeshay ayaa sabab u ah in ay dhabarka u jeediyaan Al-bashiir oo ay muddo dheer xulufo ahaayeen,oo ay taageeraan qolyihii xukunka ka tuuray.
Joogitaanka dowlada gobolka ee labada gees waxaan ku soo uruurin karraa sidan soo socota:
1. Imaaraadka: waa midda ugu tunka wayn dowladahan,waana mid jar iska tuur ah,oo dhammaan dhinacayada halis u horseedi karta.
2. Sacuudiga: wuxuu joogitaan wayn ku leeyahay dagaalka Yaman,kaalin adag ayuuna ku leeyahay Geeska Afrika,balse joogitaankiisa labada gees waxaa daboolay Imaaraadka.
3. Turkiga-Qadar: laduba waxay saamayn xoogan ku leeyahy Soomaaliya,Suudaanna mid aan badnayn,balse aragtidoodu waxay lid ku tahay tan Imaaraadka-Sacuudiga.
4. Iiraan: joogitaan qayb ah ayay ku leedahay Yaman oo waxay xulufo la tahay Xuutiyiinta,waxay kaloo u hanqal-taagaysa wiiqidda Baabul-manka,sidoo kale jasiiradaha Geeska Afrika ayay u adeegsataa tababaridda Xuutiyiinta iyo hubayntooda.
Xurgufta dowladaha Khaliijka waxay saamaysay labada geesba,waxay kala furfurtay is-haysigii carbeed ee Geeska Carabta,Yaman ayay goob dagaal u rogtay,waxay culays ku noqotay dowladaha Geeska Afrika,halkii ay awal hooy u ahayd qaxootiga Soomaaliyeed oo iyagu nafis iyo nagaansho ka helay.
Xurgufta dowladaha Khaliijka waxay keentay in lagu kala aragti duwanaado arrimaha labada gees,Sacuudiga,Imaaraadka,Masar iyo Israaiil ayaa isku dhinac ah,Turkiga,Qadar,Soomaaliya iyo (itoobiya in ka yar) iyaguna waa isku dhinac. Quwadaha caalamiga ahna dan iyo heelo kama laha dejinta xiisadda labada gees inay sii huriyaan mooyaane.
Baratankan loogu jiro labadan gees,waxaa feer socda loollan caalami oo aan wali gaarin heer is-kaashi,isku-dhacna aan keenin.dowlado waawayn ayaa saldhigyo ciidan ku leh Geeska Afrika sida: Maraykan, Faransiis, Jayne, Jabbaan, Ruush iyo Taliyaani. Dowladahan waxay deegaamaysanayaan Geeska Afrika iyaga oo ilaashanaya danahooda ku salaysan qulqulka gacansiga iyo shidaalka ee mara Baabul-mandab, iyo la-dagaallanka burcad-badeeda. Ma jiro wax is-kaashi ah oo ka dhexeeya dowladahaan.
Isku soo duuboo,is-dhex-galka labada gees maalinba maalinta ka dambaysa wuu sii xoogaysanaya,waxaana quudinaya isku milan diimeed,bulsheed,dhaqan,sooyaal oo guun ah,waxaana isku sii xoojinaya xuduudda deegaaneed ee aan rabitaanka siyaasadeed dhagna jalaq u siinayn. Dhibaatooyinka labada gees waxaa uun xal u ah is-garabsiga dadka labada gees,iyo taageeridda beesha caalamka,taas oo ay cid walba danteeda ka dhex arkayso.
Arrinta ugu mudan in xal laga gaaro waa joojinta dagaalka Yaman ka oogan, inta aysan dowladnimadu si buuxda u guul-darraysan, arrintaasi oo keeni karta raadad halis ah, sidii Soomaaliya horay uga dhacday. Waxaa sidoo kale meesha ku jira xallinta xurgufta dowladaha Khaliijka, si geeska Carbeed uu midnimadiisii usoo ceshado uuna, door maan-gal ahna uga ciyaaro la-falgalka Geeska Afrika.
Geeka Afrika iyo Geeska Carbeedba waxay maanta u hamuuman yihiin helidda aragti istiraatiijiyeed, taas oo garowsan inaysan sinnaba u kala maarmi karin.
W/Q: Dr. Maxamed Mukhtaar Al-shanqiidi
W/T: Madasha Hoobaan