Garsoorka Alle kii ku raali ahaada, Eebbana qaddartiisuu ku raali gashaa.

Ujeedooyin dahsoon iyo xaqiiqooyin sarsare ayaa ku sugan xikmadaha rabbaaniga ah, in lagu raalli ahaado garsoorka Eebbe iyo qaddartiisaba waa albaabka ugu wayn ee Eebbe, jannada adduunka iyo raaxada kuwa sabra, qoraalkii waa qalalay, kutubtiina waa la laabay, garsoorkii Eebbana waa dhacay, wixiii nagu dhacay marna nama ay seegeen, wixii na seegayna marna nama ay heleen, Eebbe wayne kor ahaayee waxa uu suuradda Alxaddiid aayaddeeda 22aad ku leeyahay “مَا أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٍ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي أَنفُسِكُمْ إِلَّا فِي كِتَابٍ مِّن قَبْلِ أَن نَّبْرَأَهَا”. “Wixii dhib ah oo dhulka ka dhaca ama naftiina ku dhaca wuxuu ku sugnaaday kitaab abuuriddiisa ka hor…”

Xakamaha arrimaha uunka iyo maqooridda qoraalkooda waxa ay ku jirtaa gacanta Eebbaha cadaaladda badan, isaga ayaa khayrka baxsha isaga ayaana qabta, cidduu doono ayuu quudiyaa, cidda uu doonana waa uu seejaa, haddii uu wax ku siiyo hodon ayuu kaa dhigayaa, haddii uusan ku siinna waa uu ku raali galinayaa, xaqiiqada ku raali ahaanshiyaha garsoorka Eebbe waxa ay ku jirtaa meelaha ad-adag, haddii qofku ku raali noqdo garsoorka Eebe oo culays iyo adeeg ah, waxa uu Eebbe ka furdaamiyaa masiibadiisa iyo murugtiisa, shallaytankana waa uu ka kaxeeyaa naftiisa, Eebbe waxa uu kitaabkiisa wanaagga badan ku yiri, suuradda Alxaj aayaddeeda 34aad “وَبَشِّرِ الْمُخْبِتِينَ” “Una bishaaree kuwa xasiloon…” yacni kuwa deggan ee qaddarta iyo garsoorka Eebbe ku raalli noqday, iskuna dhiibay ammarkiisa, balse kii laabtiisa ka gubta, caro uu garsoorka Rabbi ka qaadayna la qarxa, waxa uu Eebbe huwiyaa quus iyo murug, in la bar-diido qaddarta iyo garsoorka Rabbi kama mid aha tilmaamaha mu’minka, in la bar-diidaa waa in aad garsoorkiisa ogolaato marka aad baraaraha ku jirtid, marka ay balaayo ku haleeshana ka carootid, waxa uu Eebbe quraankiisa ku leeyahay suuradda Alxaj aayaddeeda 11aad “فَإِنْ أَصَابَهُ خَيْرٌ اطْمَأَنَّ بِهِ وَإِنْ أَصَابَتْهُ فِتْنَةٌ انقَلَبَ عَلَىٰ وَجْهِهِ خَسِرَ الدُّنْيَا وَالْآخِرَةَ” “ “waxaa kamid ah dadka mid Eebbe u caabuda dhinac, hadduu soo gaaro khayr wuu xasili, hadduu soo gaaro imtixaanna wuxuu u gaddoomaa wajigiisa, wuxuu khasaariyay adduun iyo aakhiraba…” Raalli ahaanshuhu waa baab diini ah oo islaami ah, waana isha xasilloonida iyo deganaanshiyaha.

Midka garsoorka Eebbe ku raallida ahi waxa uu garawsanyahay in hadalka Eebbe aan la beddeli karin, xukunkiisana aan la kala dooran Karin, iyo In wixii uu doonaaball ay ahaanayaan, waxaanu dooninna aysan ahaanayn, in lagu qanco garsoorka Eebe waa mid kamid ah waxyaabaha farxadda dhaliya, halka in laga caroodo qaddarta Eebe ay qofka u keento murug, waxa uu rasuulku NNKH yidhi xaddiis uu macnihiisu ahaa “farxadda aadanaha waxaa kamid ah in uu Ilaahay istikhaaraysto, iyo in uu ku raali ahaado wixii uu Eebbe qaddaray, murugada aadanahana waxaa kamid ah in uu ka caroodo wixii uu eebbe qoray”, in Eebbe doonistiisa lagu raali ahaado ee aan doonista nafta lagu raali noqon waa baabka Eebe talo-saarashada.

Iimaanka halkiisa u sarreeysa waxaad ugu tagaysaa afar arrimood: In lagu sabro xukunka Alle, in lagu qanco qaddarkiisa, in loo gaar yeelo lagana run sheego talo-saarashadiisa, iyo in si buuxda la isugu dhiibo Eebbe. Qofku in uu rumaysnaado in uu ku dhaq-dhaqaaqayo doonista Eebbe waxa ay siinaysaa in uu dareemo raaxo iyo xasillooni, waxayna nafsaddiisa huwinaysaa deggenaan, dareenkaas uu qofku qabo ee ah in Eebbe dhan walba ka joogo, waxa uu qofka siinayaa in ay isu dheeli-tirnaadaan falalkiisa xilliyada farxadda iyo murugadaba, waxa uu qaddarta Eebbe kaga gudbayaa jacayl iyo daacadnimo.

Haddii uu Eebbe qof jeclaado waa uu imtixaamaa, haddii uu ku sabro waa uu doortaa, xag Allana garaadadiisu waa ay sare maraan, nolosha qofka mu’minka ahina waxa ay ka dhaxaysaa in uu ku sabro ibtilooyinka iyo in uu ku mahad naqo nimcooyinkiisa, ilaa uu ka gaarayo darajada Abraarta iyo Siddiiqiinta, rasuulku waxa uu yiri (أشدُّ النَاس بلاءً الأنبياء ثمَّ الأمثَل فالأمثَل، فيُبتلى الرجلُ عَلى حَسب دينهِ، فإن كانَ في دينهِ صَلابة اشتدَّ بَلاؤه، وإن كانَ في دينهِ رِقَّة ابتُلي عَلى قدرِ دينهِ، فما يَبرح البَلاء الإنسَان حتَّى يتركه يمشِي عَلى الأرض ومَا عَليه خطيئَة) “dadka waxaa ugu imtixaan daran anbiyada, dabadeedna midba midka uu ka fadli badanyahay, waxaa qofka loo imtixaamaa hadba diintiisu sida ay tahay, haddii uu diintiisa ku ad-adagyahay imtixaankana waa lagu adkeeyaa, haddii ay diintiisu jilicsantahayna imtixaankiisu diintiisa ayaa uu la heer noqonayaa, imtixaanka lagama qaado qofka ilaa uu dhulka dul socda isaga oo aan midh danbi ahi dul saarnayn”.

Caqiidada xagga sare laga soo dejay ee ah rumaynta qaddarta iyo garsoorka Eebbe khayrkiisa iyo sharkiisaba waxa uu qofka ka caawiyaa in uu garto in Eebbe yahay mid aad u naxariis badan, awood badan oo cafis badan, in uu Eebbe kuwa sabra ku abaal mariyo sabarkooda, waxa uu Eebbe quraankiisa ku yidhi, suuradda Zumur aayadda 10aad “إِنَّمَا يُوَفَّى الصَّابِرُونَ أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍ” “waxa uun la oofiyaa kuwa sabra ajirkooda xisaab la’aan”. Qofkii la siiyo raalli ahaansho, Allana talo-saarsada waa lagu filnaaday.

Dabarka ruuxiga ah ee ka dhexeeya iinsaanka iyo Eebbihiis, waxa uu qaataa qalbiga muslimka, cidlo iyo keli ahaansho ma dareemo isaga oo fakaraya, quusna ma dareemo isaga oo qaati taagan, bal’e waxa uu ahaadaa mid ka mahadnaqa waafajinta Eebbe marka uu nimcada ku jiro, sidoo kale waxa uu ahaadaa mid dulqaata oo isku dhiiba garsoorka Eebbihiis marka uu dhibta ku jiro, isaga oo gacmaha u taagaya Rabbiga sarreeya, kana dalbanaya : “ilaahoow igu raali geli garsoorkaaga, qaddartaadana iigu barakee”. Cumar Ibnu Khaddaab waxa uu oran jirey: “ma daneeyo xaaladda aan ku waa-beriisto in ay xun tahay iyo in ay wanaagsantahay midna, sababtoo ah ma garanayo khayrku mid uu ku jiro, midda aan jeclahay iyo midda aan necbahayba”. Ilaahayna waxa uu yaqiinta iyo farajkaba galiyey raalli ahaanshaha, walwalka iyo walbahaarkana waxa uu gashay carada, ha baqin marka ay arrimuhu gacntaada ka baxaan, waa inaad ku raali ahaataa waxa uu eebbe kuu qaddaray, qofkii qalbigiisa ka dhaansha raali ahaansho, waxa uu Eebbana ku raalli gashaa qaddartiisa quruxda badan, ruuxdiisana waxa uu ka buuxshaa hodantinnimo, qofkiise carooda waxa uu leeyahay nolol ciriiryoon.

W/Q: Riim Mash-huur Jawaabira.

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *