FURFURIDDA FIKIRKA MAALIK IBNU NEBI

Waxaa la isku raacsanyahay in dawladaha carabeedi ay dhan walba ka dib-dhaceen. Maalik Ibnu Nebi Alle ha u naxariistee ayaa is waydiiyay sababta ay carabtu u dib-dhaceen. Xiligii uu Maalik noolaa oo ahayd intii u dhaxaysay soddomeeyadii ilaa todobaatameeyadii qarnigii tegey, waxaa dunida carbeed ka jiray laba dhaqdhaqaaq horumarineed oo waawayn oo iyaguna is waydiiyay sababta ay dawladaha carbeedi u dib-dhaceen; labadaas midkood waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq reer-galbeedaysiin (Westernization) ah oo aad ula dhacsan habka reer galbeedka. Diinta iyo dhaqankeeda oo lagu dhaganaado ayaa ay dib-dhaca u arkayeen, waxayna qabeen in diintu ay tahay gidaarka umadaha carbeed kaga gudban horumarka.

Tusaale ahaan, oraahdan uu Daaha Xusseen leeyahay: “Waa in aan ku joognaa raadka reer galbeedka shar iyo khayrba, oo aan ka dhannaa kharaar iyo macaanba galaankii ilbaxnimada ee ay iyagu ka cabbeen” ayaa laga arki karaa sida ay ula dhacsanaayeen habka reer galbeedka; sababtoo ah waxa ay aaminsanaayeen in reer galbeedku aysan ilbaxnimada iyo horumarka gaarin ilaa ay kala geeyeen (urur-diimeedka, dhaqan-diimeedka, nolosha ruuxiga ah) iyo (nolosha madaniga ah, midda bulsho, siyaasadda, fanka, aqoonta iyo suugaanta) taasaa ku jihaysay horumarka iyo ilbaxnimada; waa sidaas nuxurka falsafadda dhaqdhaqaaqa reer galbeedaysiintu.

Dhaqdhaqaaqa labaadi waa dhaqdhaqaaq asal-diimeed-raac ah, oo ay hor boodayaan culimada diinta iyo ururo diimeed oo ay kamid yihiin Azhar, culimadooda iyo koox-diimeedyo xilligaa jirey. Dhaqdhaqaaqani waxa uu sababta dibjirnimada dawladaha carbeed u arkayay faragelinta reer galbeedku ay ku fuliyeen gumaystaha iyo weeraradii macatabka. Si kooban, macnuhu waa dhagar; waa in ummadda carbeed ee islaamka ah lala helay weerar iyo dhagar reer galbeed iyo mid macatabeed; si ay u galaan xaalad burbur iyo dib u-dhac ah. Dhaqdhaqaaqan islaamiga ahi waxa uu xalka u arkayay in ummadda carbeed ee islaamka ahi ku mintidaan diintooda oo ay u noqdaan asalkeeda, iyo in ummaddan dambe uusan hagaajin karin wax aanan ahayn wixii markeedii hore hagaajiyay, in la khilaafo reer galbeedka iyo dunida reer galbeedka oo dhanna waa dhabbaha ay umaddu ugu laabanayso sharafteedii iyo ilbaxnimadeedii.

Maalik Ibnu Nebi dhexdhexaad ayaa uu ka ahaa labadan dhaqdhaqaaq ee loollamaya ee uu la noolaa, labadoodaba waa uu naqdiyay. Naqdinta koowaad ee uu u jeediyay qolyaha Carabta galbeedaysiinaya waxay ahayd; in aysan macquul ahayn in diintu ay tahay sababta dib-u-dhaca muslimiinta keentay; waayo diintani waxa ay samaysay ilbaxnimadii ugu waynayd abid taariikhda iinsaanka, waana ilbaxnimada islaamka. caalamka reer galbeedka iyo ilbaxnimadiisa ee ay qolyaha galbeedaysiinta wadaa ku fitmoobeen waxa ay ilbaxnimada islaamka kaga daydeen waxyaabo tiro badan, tanaa keentay sababta horumarka iyo shumaca ilbaxnimada ay reer galbeedku ka qaateen gacanta aqoonyahankii muslimiinta. Sidaa darteed midkaa keliya ayaa naqdinaya dhammaan nuxurka falsafaddii qolyaha galbeedaysiinayay carabta.

Naqdinta labaad oo uu u jeediyay qolyaha asal-raaca ah waxay ahayd: haddii sababta ka dambaysa dib-u-dhaca carabtu ay tahay gumaystaha iyo dhagarta reer galbeedka, waxay ahayd in dawladda Yemani ay noqoto dawladda ugu horumarsan dawladaha carabta, waayo Yemani waa dawladda carbeed ee keliya ee aan gumayste reer galbeed ah arkin. Taa cagsigeeda waxa ay kamid tahay dawladaha ugu di-dhacsan carabta. Sidaa darteed naqdintaas Maalik uu u jeediyay qolyaha asal-raaca ah waa mid shaki galinaysa falsafadda dhaqdhaqaaqaas.

Si kooban, Maalik Ibnu Nebi waxa uu u arkayay in gumaystuhu uusan ahayn sababta ka dambaysa dib-u-dhaca, bal e uu yahay natiijo ka dhalatay dib-u-dhaca. Dib-u-dhacu waa sababta dhalisay gumaystaha ee sidaa lidkeed ma aha. Haddaba, dib-u-dhaco sida uu Maalik qabo waa natiijada burbur muddo dheer ku dhacayay dunida afkaarta iyo dhaqanka, marxaladdan dheer ee dib u-dhaca ahna waxa uu Maalik u bixiyay “Marxaladda wixii ka dambeeyay Muwaxiddiinta*”

_____________________________________________________________________________

*Muwaxidiinta= (Almohad Caliphate) waa dawlad islaami ah oo muddadii u dhaxaysay 1121 ilaa 1269 ka talinaysay dhulalka Maqrib la isku oran jirey (Maqrib, Jasaa’ir, Tuunis iyo Liibiya) iyo Andulus.

W/Q: Mabruuk Maqaawisi.

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *