Falsafadda Nabad-ku-wada-noolaanshaha ee Islaamka
Islaamka dhexdiisa, xidhiidhka aadamuhu waxa uu salka ku hayaa aragti falsafadeed oo ku salaysan tixgelinta kala duwanaanshaha diimeed iyo midda fikradeed, iyo sidoo kale is aqoonsi togan oo la is dhaafsanayo, iyada oo looga golleeyahay in la dhiso ilbaxnimo bulsheed oo ka shaqaysa wanaagga aadamaha. Xidhiidhkan dhexmaraya aadamaha kala diimaha ah waxaa saldhig u ah dhowr tiir oo kala ah:
(1) Sunnaha Kala-duwanaanshaha
Kala jaad gedisnaanta iyo kala duwanaanshuhu waa sunne ka mid ah sunnooyinka Eebbe, Sarree oo Korreeye (Sok), waxa uuna Quraanka ku yidhi: “Haddii uu doono Rabbigaa, waxa uu dadka ka yeeli lahaa hal ummad oo kali ah; kama se tagayaan in ay ahaadaan kuwo is khilaafsan (118). Cid Eebbahaa u naxariistay mooyee, sidaasuuna Eebbe ku abuuray; wayna taam noqotay kalmaddii Eebbahaa [ee ahayd] waan ka buuxin Jahannama jin iyo insiba dhammaantood (119).” Suuradda Huud, Aayadaha 118 illaa 119.
Mufasiriinta qaar sida ay qabaanna: Eebbe waxa uu u abuuray kala duwanaansha awgii.
(2) Qirista ku kala duwanaanshaha diimeed
Maadaama oo kala duwanaanshuhu uu yahay sunne ka mid ah sunnayaasha dunidan, waxaan suurtogal ahayn in aadamaha dhammaantii diin iska daaye uu isku raaco afkaarta iyo aragtiyaha. Sida la ogsoon yahay, Islaamku waxa uu ku dhisan yahay in qofka kale [aan diinta Islaamka haysan] si togan loo aqoonsado, loona ogolaado qirashada aaminaaddiisa iyo diintiisa. Eebbe waxa uu Qur’aanka ku yidhi: “[Dheh] Idinna diintiinnaad leedihiin, anna diintaydaan leeyahay.” Suuradda Al-kaafiruun, Aayadda 6.
(3) Hanuuninta iyo xisaabintaba Eebbaa u xaq leh
Qofka Muslimka ahi waxa uu aaminsan yahay in uusan awood u lahayn in uu hanuuniyo cid kale, sababta oo ah middaas Eebbe oo kali ah ayay gacantiisa ku jirtaa. Eebbe wayne waxa uu leeyahay: “Adiga [Nabiyoow] kuma saarra hanuunintoodu, laakiin Eebbaa hanuuniya cidda uu doono…” Suuradda Al-Baqarah, Aayadda 272.
Qofka Muslimka ah waxaa kali ah oo la faray in uu gaadhsiiyo [qofka kale] yabooha Eebbe. Waxa uu Alle Sarreeye yidhi: “Haddii ay jeedsadaanna, ma aannaan adiga kuu dirin in aad ilaaliso iyaga, adiga [Nabiyoow] waxaa kali ah oo ku saaran in aad gaadhsiiso…” Suuradda Ash-Shura, Aayadda 48.
Iyada oo middaas lagu salaynayo, waa inuusan qofka Muslimka ahi xisaabinin cidda aan aqbalin yabooha Islaamka, waayo xisaabta waxaa u xaq leh Eebbaha doonista buuxda kaligii iska leh maalinka qiyaamaha. Waxa uu Eebbe wayne yidhi: “Haddii ay kula doodaan, waxaad dhahdaa: Eebbaa u xog ogaalsan waxa aad falaysaan (68). Eebbaa xugmin dhexdiinna maalinta qiyaamaha wixii aad isku khilaafsanaydeen (69).” Suuradda Al-Xaj, Aayadaha 68 illaa 69.
Balse maxay Muslimiin badani ugu fashilmeen in ay fahmaan saldhigyadaas? Oo ay ugu maleeyeen in ay masuul ka yihiin Muslimiinta iyo gaaladaba, markaasna ay xukun aan meella haysan ugu rideen dadka iyagoo u kala qaybinaya Muumin, Kaafir, Munaafaq iyo mid diinta ka baxay; intaas oo kali ahna aysan ku dhaafin e, ay u bannaysteen dhiigooda, taasoo ummadda Islaamka ah ku noqotay aafo wayn oo khatar badan.
Ma saboolnimaa sababtay mise xasillooni darro siyaasadeed? Jawaabtu waa: Maya. Ciddii u kuur gasha xaqiiqada dawlad ama magaalo kasta oo wajahaysa qalalaaso siyaasadeed ama xaalad dhaqaale oo adagi waxaa laga yaabaa in ay ugu muuqato in dhacdooyinkaasi keenaan dagaal iyo is qabqabsi gudaha ah ama ugu yaraan is bililiqaysi, laakiin taasi ma aha lama dhaafaanka ugu dambeeya ee xaqiiqadaas sii khadhaadhaanaysa. Tusaale ahaan, kol kasta oo ay sii korodho qallafsanaanta xaaladda siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee maagaalada Quddus, waxaa sii bata xidhiidhka, awoodda iyo isu garabsiga ku aaddan danta guud ee ka dhexeeya Muslimiinta iyo Masiixiyiinta.
Laakiin, sidee bay Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ugu suuro gashay in ku wada noolaadaan Qudusta la haysto iyaga oo ku jira xaalad siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo aan sal dhiganaynin? Falastiin ma aysan ka jirin wax xasillooni siyaasadeed ahi sannadihii ay gumaysigeeda isaga dambeeyeen Ingiriiska iyo Israaiil, taas oo ka dhalatay ficillada xadgudubka ah ee ka dhanka ah meelaha lama taabtaanka u ah Islaamka iyo Masiixiyadda, siyaasadda boobka dhulka Carabta oo lagu daray dilka iyo xidhayga joogtada ah ee Carabta iyo dadka kaleba lagu hayay, amaba mid ka timid siyaasadda dhaqaale ee gumaysiga oo ay ka mid ahaayeen: in dadka Carabta ah loo diido in ay helaan shaqooyin, in la xaddido ganacsiyadooda gaarka ah iyo in lagu soo rogo canshuur xadka ka baxsan.
Waxaan qabaa in wada noolaanshaha Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ee Qudus ay tahay doorasho istaraatiiji ah oo u dhaxaysa bulshada rayidka ah iyo indheergaradka taas oo aan laga tagi karin ama la iska indho tiri karin, sababta oo ah waa waxsoosaarka ugu sarreeya hiddaha ilbaxnimada Carabta ee laga soo dheegtay Quraanka Kariimka ah, Sunnada Nabiga iyo Kitaab Quduuska.
Aniga aragtidayda, waa go’aan masiiri ah, caqabad iyo khatar kasta oo ay Qudus la noolaanayso. Maxaa yeelay, taas beddelkeedu waa in la aqbalo rabitaanka gumaysiga Israaiil, oo la micno ah isku dhac iyo khilaaf, tabardarri, jabka mashruuca Carabta ee Quddus iyo guusha mashruuca Sahyuuniyadda.
Haddaba, fashilka ay waddammada Carabta qaar wajahayaan ee ku aaddan in ay walaaltinnmo iyo wada noolaansho ka dhex abuuraan qaybaha kala duwan ee bulshada, Muslimiinta iyo diimaha kale ee la qayrka ah, iyo xataa marar badan Muslimiinta dhexdooda, ma aha mid ka yimid cidhiidhi/cadaadis siyaasadeed in la eg inta uu yahay rabitaan lagu doonayo faa’iidooyin siyaasadeed oo lagu duudsiinayo qaybaha kale ee bulshada; sidoo kale saboolnimada iyo xaaladda dhaqaale ee sii xumaanaysa sabab uma ay aha, ee xaqiiqdii waa hunguri xumo ninkeeda ku xambaaraysa in uu runta diido, si uu u xaqiijiyo faa’iidooyin dhaqaale; sidaa si la mid ah waxay ka imanaysaa fahan qalloocan oo ay ururrada Islaamiyiinta qaar ka qabaan Islaamka iyo dabeecaddiisa ku aaddan xidhiidhka uu la yeelanayo diimaha iyo aragtiyaha kale.
Isu dulqaadashadu waa midhaha iyo natiijada ka dhalata nabad-ku-wada-noolaanshaha, lamana gaadhi karo illaa dad kala aragti ah, kala diin geddisan oo dhaqamo kala duwan ku dhaqma ay nolol wadaagaan; waa qiimo heer sare ah oo aan ka suuroobaynin arwaax aan barakaysnayn. Badanaa inta bulsho baahi ba’an u qabta! Si ay meesha uga saaraan dhibaatooyin badan oo ku habsan lahaa; halka ay Quddus ku dhex xididaysatay Muslimiinta iyo Masiixiyiinta dhexdooda.
Isu dulqaadashada diimeed waxa ay saamayn togan ku yeelanaysaa shaqsiga iyo bulshadaba; intaa wixii dheerna waxaa ku dhismaya ilbaxnimo micnaheedu yahay billoowga qaab dhismeed aadame oo aqoonsan wixii ka aragti duwan, kaasoo saamooba isna uu saamayn karo, taasina waxay keenaysaa ilbaxnimo mug wayn oo awood leh, oo aan u burburin is beddellada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale.
Sidaa darteed, waa isla’eg heer sare ah. Nabad ku wada noolaanshuhu waxa uu dadka ugu baaqaa isu dulqaadasho iyo walaaltinimo; haddii ay xaqiijiyaanna, bulshooyinkeenna Islaamka ah iyo waliba dawladaha caalamka oo idil waxaa u suurogalaysa in ay naqshadeeyaan astaamaha ilbaxnimo aadame oo ku dhisan xuquuq iyo waajibaad. Taasina waa u jeeddada Qur’aanka, marka uu Eebbe wayne leeyahay: “Xus goortii uu Eebbahaa malaa’igta ku yidhi: waxaan u yeeli dhulka cid isaga dambaysa, ee ay dheheen [Malaa’igtii] ma waxaad yeeli [Dhulka] dhexdiisa cid fasahaadisa oo dhiig ku daadisa annaga oo kuu tasbiixsanayna oo ku waynaynayna, ee uu Eebbe yidhi: anigu waxaan ogahay wax aydaan ogayn.” Suuradda Al-Baqarah, Aayadda 30.
W/Q: Ibraahim Saqar As-Saciim
W/T: Madasha Hoobaan