Fahan, Dabadeed Qayb

Wuxuu yiri:

Maalin ayaan masaajidka aaday si aan salaadda Casar ugu soo tukado. Kolkii aan tukaday ayaan tiirarka masaajidka midkood ag fariistay.

Taleefanka ayaan la soo baxay, waxaanna bilaabay akhrinta wardiga (adkaar) galabtii. Ishaydu waxay qabatay kuray toban jir ah oo albaabka masaajidka kasoo gelaya, hadbana gar daymoonaaya. Inta ii yimid buu isaga oo naxsan igu yiri: sheekhii ma yimid? Sheekhee? Sheekhii ciyaalka Quraanka qaybsiinayey. Anigu macallinkaas uu shaagayo warba kama hayn. Intaan u dhoollacadeeyey, si bakadku uga baxo, ayaan si hoose ugu iri: may, weli ma iman ee garabkayga soo fariiso; wuu soo fariistay wuxuuna billaabay inuu musxafka hadba baal rogo, waxaan ku hammiyey inaan dhaho suuraddee ayaad rabtaa inaad xifdisid?

Cod cabsi darteed la shigshigaya ayaase weydiintaydii igu celiyey. Wuxuu yiri: “adeer, mar iyo labo suuraddan ma ii marin kartaa si aan qummaati ugu qaybo? Aabbahay fahan xumadayda ayuu ka quustay markastana wuu ka cabtaa oo wuxuu i gayeysiiyey in aan ka xishoodo inaan dhaho quraanka ii akhri. Marka aan sheekhayga u tago een aayadda gefo, caro ayuu igala dul dhacaa, anigu higgaadda kuma fiicni oo erayada qaar ayaa igu adkaada.” Yarkii waan u dhoollacadeeyey, kitaabkii ayaan ka qaaday, soo dhawow baana ku iri… waan u mariyey asna wuu iga dabo qaadayey, rubuc saaco kadib waxaan ka codsaday inuu kaligii akhriyo wuuse kari waayey.

Waxaan soo xasuustay hadal uu sheekhaygii ii sheegay: haddii xifdigu kugu adkaado, marka hore macnaha aayadaha fahan kadib na qayb; xifdinta aayaduhu waa sidii albaab qafilan oo adiga iyo Jannada idiin dhexeeya, ha isdhiibin hadba fure ku day intii karaankaaga ahna dedaal mar uun buu kuu furmiye.

Kuraygii ayaan mar kale dhugtay mise qajilaad darteed buu farihiisii ku mashquulsan yahay, intaan u dhoollobiray ayaan ku iri: maandhe xifdiga u kaadi e macnaha aayadahan ma garanaysaa? Wiilkii baan aayadihii u fasiray, laba jeer baan u mariyey asna wuu iga daba akhriyey dabeeto waxaan ka codsaday inuu ka baxo.

Aayadihii qaar buu saxay, markii ay ku istaagtaba wuxuu dhahaa qisadeeda ma kuu sheegaa, dhowr isku day kadib sidii faataxadi buu dusha ka qaybay [casharkii oo dhan].

Macallinkii Quraanka baa yimid, ardaydiina way kusoo urureen, kolkaas buu yarkii iga codsaday inuu tago, waxaan ku iri maandhow hal talo maku siiyaa? Inta uu dhoollacaddeeyey buu yiri haa. Gacanta intaan soo qabtay oo dhunkaday baan ku iri: “Maalin baa iman doonta lagu oron doono kaalay hebelow akhri Quraanka, Eebbe iyo malaa’igtiisana ay ku dhegaysanayaan.

Miyaadan u hilowsanayn inaad Alle hortiisa Quraanka ka akhridid oo uu ku dhaho “suurad heblo ka bax”. Ka dibna waxaan dhegta ugu sheegay oraah aan jeclaan lahaa in yaraantaydii cidi i tiraahdo: adigu waxaad hadda isu diyaarinaysaa sidii aad Ilaahay hortiis Quraanka uga dareerin la hayd, ha noogin oo ha wahsan hana quusan, xeelad yaridaada haka cabanin waayo buuni kasta oo Quraanka daaya waa Jaahil. Waxaan kuugu hambalyaynayaa dhallinyarnimadaada aad ku bixisay barashada kitaabka Alle. Madaxa ayaa ka shumiyey waxaanna ku iri: orod macallinkaaga u tag Quraankana dareeri sidii adiga oo carshiga harsanaya Eebbana uu ku dhegaysanayo. Waan ku kalsoonahay inaad kasoo dhalaali kartid.

Maalin kasta masjidka ayaan kula kulmi jirey, inta uu macallinkiisa ka imaanayo ayaan Quraanka sii qaybsiin jiray, laba bilood kadib waan sagootiyey, waayo meel kale ayaan u guuray. Maalinkaa ka gadaal isma aanan arag, waxaan kaloo ogaaday in macallinkiisii uu masaajid kale u wareegay.

Toddoba sano ka dib, aniga oo shaqadii kasoo baxay ayaan masaajid istaagnay si aan salaadda Maqrib ugu tukanno, waan soo galay, waxaan la kowsaday nin dhallinyar ood mooddo gabal dayaxa ka mid ah oo dadka ku leh” safka sima”. Wiilka wejigiisu waa iigu yaallay laakiin waan soo dhufan waayey… [salaadda markii uu galay] codkiisu wuxuu ahaa mid raxmadeed oo aad u macaan.

Haddii aanan salaad ku jirin waxaan ka codsan lahaa inuu qirada dheereeyo waayo laxankiisu laabtayda ayuu daweeyey, waxaanse ku kaaftoomay inaan sujuudda ugu duceeyo aniga oo leh “Eebbow barakee”.

Markii salaaddii aan oognay ayaan koone fariistay si aan adkaarta salaadda u akhristo. Waxaan ka war helay wiil i dul taagan oo madaxayga dhunkanaya asaga oo igu leh: waxaan Qiyaamaha hor Ilaahay kaaga maragkici sida aan ahay inaad adigu sababteeda leedahay. Waxaan damcay in aan dhaho waa kuma? Hadalkiisii ayuuse sii watay oo igu yiro: “adeer, mar iyo ka badan ma ii akhrin kartaa si aan suuradda u xifdiyo… aabbahay famhad xumadayda ayuu ka quustay markastana wuu ka cabtaa…” Asaga oo indhihiisa ay illin ka dareerayso ayuu igu yiri: hadda ma i xasuusatay? Hab buu i siiyey oo yiri: Quraankii waan dhammeeyey, ijaaso ayaanna qaatay, hadda aniga ayaa macallin ah… hambalyo adeer taajkii karaamada guddoon.

Si kalgacal leh ayaad iila dhaqantay, qalbi xaarnaantaada ayaa i deeqday, Quraanka ayaad iiga dhigtay waxa aan dunida ugu jeclahay adiga oo aan dareensanayn. Aniga oo ay igu cakiran tahay baan ku soo ciirsan jiray adna waad i caawin jirtay. Hambalyo, Guulle haku guddoonsiiyo ajarka intaan anigu xifdisanahay iyo intaadaba. Mahadsanid, waayo markii cid walba iga rejo dhigtay baad adigu igu kalsoonaatay.”

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *