Faca Sharma-boy/Jiilka-Z (Tiktokrs)

Faca “Z” waa kuwo tiknoolajidda casriga ah la jaanqaaday oo ruux ahaan is-gedgeddin badan; waa kuwo ka aqoon badan dunidana uga furfuran facii ka horreeyey; sidoo kale waa jiil ka walwal iyo walbahaar badan islamarkaana ka nugul facii ka horreeyey.

La iskuma raacsana magacyada loo bixinaayo jiilasha qarniyadii 20aad iyo 21aad, sidoo kalana la iskuma waafaqsana jiil kasta sannadka uu ka bilaabmayo iyo sanadda uu dhammanayo. Balse haddii aynu raacno culamada Diimoogaraafiyada waxa ay u arkaan in Jiilka “X” uu yahay jiilka dhashay intii u dhexaysay “1965-1980”. Jiilkan waxa uu la gaaryahay in uu isu-dheellitiro anshaxa shaqo iyo degganaanta nafeed, waana jiilka inta badan waalidka u ah jiilka “Z”. Waalidiintaan ka tirsan jiilka “X” qaarkood ayaa lagu tilmaami karaa Helikobter.

Jiilka “Y” waa fac dhashay intii u dhexaysay “1981-1996” waa jiil ku fiican adeegsiga tiknoolajiyadda iyo baraha bulshadaba. Halka jiilka Sharma-boy ama “Z” uu yahay jiilka dhashay (1997-2012), waa jiil aad xariif ugu ah adeegsiga Tiknoolajiyadda oo dhashay xilli koboca tiknoolajiyaddu uu xargaha goostay.

Jiilka “Z” Muwaadiniinta Dhijitaalka

Waxaa aad u muuqda kala duwanaanshiyaha u dhexeeya jiilka “Z” iyo jiilashii ka horreeyay. Iyagu waa kuwo neceb qar-iska-tuurka; aad u dhiifoon; aadna u welwela, oo waxaa sidaa u qaabeeyay dhacdooyinka iyo khibradaha nololeed.

Jiilka “Z” waxa ay aad u daneeyaan in qof kasta naftiisa uun ka tarjumo oo uu fikirkiisa cabbiro heer aysan xitaa oggolayn kala guridda iyaga iyo qarkoodba. Waxa ay ka walwalaan deggnaan la’aanta dhaqaalaha iyo mustaqbalkooda maaliyadeed, oo waa jiil ku soo koray nolol adag oo dagaallo, kacdoonno iyo xanuunno safmar ahi daashadeen.

Jiilka “Z” waa mid aad uga shakiya ilaha laga tixraaco xogaha, waxaa kale oo ay shaki ka qabaan madaxda iyo siyaasiyiinta. Waxa ay aad ugu tiirsan yihiin xariifnamadooda casriga ah si ay u cabbiraan aragtidooda iyaga oo adeegsanaya tixraacyada Internetka.

Faca “Z” marka uu adeegsanayaan Internetka, waa kuwo aad u jecel xorriyaddooda gaarka ah, marka loo eego jiilkii ka horreeyey. Judha ay dugsiga sare dhammeeyaanba toos ayey suuqa shaqada u galaan, oo dhanka xoogsiga way kaga firfircoon yihiin facii ka horreeyay. Shaqada oo isugu fariisata iyo dakhli fiican oo ay helaan ayaa mudnaanta koowaad u leh. Hase yeeshee, facan iyo kii ka horreeyayba aad uma qaddariyaan fikradda ah “u hagar bax, daacad u ahow” shirkadda aad u shaqayso, laakiin waxa ay rabaan mulkiilayaasha ay u shaqeeyaan in ay iyaga maalgashadaan. Faca “Y” oo kan ka horreeyay wuxuu daneeyaa in koox loo wada shaqeeyo halka faca “Z” ay ka go’antahay goonni-socodka iyo baratanka.

Faca “Z” wuxuu xiiseeyaa baraha bulshada qaybtooda xawaare ahaan sarraysa, isla markaana muuqaalka ah sida Instagram, Tiktok, Whatsapp, Snapchat iyo Youtube, wuxuuna aad u adeegsadaa tiknoolajiyadda si uu muuqaal u sameeyo ulana wadaago dadka.

Facan waxa uu haystaa wadiiqooyin uu naftiisa wax ku bari karo kuna hagaajinayo noloshiisa, waana fac aad u neceb labo wajiileynta, waxayna daneeyaan in ay arkaan caddaynta kahor inta aysan wax aqbalin. Sidoo kale waxa ay aad u xiiseeyaan xiriirrada iyo aqbalaaddooda. Taasi waxa ay la macne tahay in caadifaddoodu kala sarrayso akhlaaqda. Qaarkood ayaaba u arka in akhlaaqda iyo xaqiiqadu yihiin wax nisbi ah.

Sidee waalidiintu ula dhaqmayaan faca “Z”?

Waalidku iyaga oo madaxa ku haya in facaani ay abuur ahaan yihiin kuwo furfuran, waa in sida ay yihiin ku soo dhaweeyaan; waa in loo turo lana fahmo waxyaabaha dabada ka riixaya; waa in laga saaraa waxyaabaha ku furaya welwelka iyo baqdinta ay ka qabaan mustaqbalka.

Iyada oo aan meesha laga saarayn dadaalka iyo in loo shaqaysto maalmaha adag ee soo aaddan, waa in lagu qanciyaa in ay ku kalsoonadaan waxyaabaha ay haystaan ee soor iyo caafimaad ah kuna dareemaan dhammaystirnaan; waxaa habboon in la gala sheekaysto waxyaabaha mashquulinaya nafsad ahaan iyo laab ahaanba, oo aan wax kama jiraan laga soo qaadin waxyaabaha ay dareemayaan. Haddii ay jiraan waxyaabo ay samaynayaan oo aadan ku qanacsanayn, haddana yeysan kuu diidin in aad dareensiisid jacaylka iyo qaddarinta aad u hayso.

Waxaa habboon in waalidiintu waddo kasta u maraan in ay ilmaha baraan hab la dhaqanka bulshada, qaababka iyo sida toolmoon ee dadka loola dhaqmo (dadka waaweyn, dariska, caruurta, macalimiinta…iwm). Facakan maadaama uusan ku dhaqmin wax aan ahayn i tus oo taabsii, waxaa habboon in waalidku uu noqdo tusaale ay ku daydaan. Hoga-tusaalayntaas ayaa ku yeelanaysa saamayn ballaaran oo qotodheer una noqonaysaa sawir ay laabta ku haystaan oo ka dhigaya kuwo aan u liicin is badbadalka nolosha.

Waa in facan loo sameeyaa dalxiis ama ceel-jaallayaal iyaga oo aan wadan Taleefanno ama Internetka laga jaro, si loo baro habdhaqanka iyo sida uu xiriir u samayn lahaa Internet la’aan. Waa lagama maarmaan in facan lagu baraarujiyo saamaynta taban ay leedahay Tiknoolajiyaddu, laguna waaniyo in uu Internetka ka muddo ka maqnaado.

Ha noqon waalidiinta HELIKOBTARTA ah!

Waalidiinta Helikobtarta: waa labada waalid ama midkood oo si xad ka baxa ilmaha u ilaaliya ama u daryeela, oo waalidku ugu dul wareego ilmaha sida Helikobtarta. Laga soo bilaabo carruurnimadiisa ilaa uu qaangaaro waalidku ilmaha ilaaliyo uuna kor joogteeyo hawlihiisa, markastana gacanta kula jiro arrimihiisa.

Waxaa la aaminsanyahay in waalidiinta ka soo jeeda jiilka “X” ee dhashay (1980-1965) in badankood ay yihiin waalidiinta Helikobtarta, waxa ka dambeeya arrintaana ay tahay waalidka oo u baqaya badqabka ilmihiisa, in uu jecelyahay waardiyeyntooda iyo in uu ku dadalaayo in ay helaan nolol wanaagsan.

Wax kasta oo ay noqotaba, waalidku wuxuu ka qayb qaadanaya nolosha ilmihiisa, haddii arrintaasu u dhacdo si qaldan, facaan mushkilad weyn ayey ku keeni kartaa.

Waxaa jira arrimo ay habboontahay in loo dhug-yeesho marka jiilka “Z” lala dhaqmaayo. Waxaa macquul ah in aabbuhu uusan Taleefanka si toosa ugu la xiriiri karin, kolkaa waxaa habboon in uu farriin qoraal ah ugu diro Whatsappka ama Massengerka, oo ah mid kalgacal ku dheehan yahay, una furfuran doodwadaag, iyada oo la ilaalinayo in aan dhaawac loogu geysan fagaarayaasha bulshadu isugu timaaddo ama baraha bulshada.

Waa in lagu ammaanaa waxyaabaha toolmoon ee ay sameeyaan, loona sameeyaa bogaadin iyo abaalmarinno looga dhigayo dhiirrigelin, islamarkaa waa in loo muujiyo kalgacal iyo qaddarin.

W/Q: Bassam Shadat

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *