Dhalanteedka wax-soo-saarka
Tan iyo intii aynnu barannay qoraalka, waxaynnu diwaangalinnay sida aynnu u nahay sooc-gooni, iyo sida aynnu uga duwannahay xayawaanka kale. Male-awaalka, anshaxa iyo dhaqanku waa sifooyin loo arko in aadamaha un laga helo—ama ugu yaraan uu ka gaadhay horumar darajadiisu sarrayso. Arrin kale oo u muuqata in uu la gaar yahay aadamuhu ayaa ah: baahida uu u qabo in uu is mashquuliyo. Xayawaanka intiisa badan, waa ay ku farxi lahaayeen haddii baahidooda aasaasiga ah, sida: cunto, hooy iyo meel uu ku nasto, loo sameeyo. Taas caksigeeda, haddaynnu aadame nahay, ma jeclin in aynnu iska joogno camal la’aan; xataa haddii ay taasi ka dhigantahay in aynnu ku dhacno dhalanteedka wax-soo-saarka
Cilmibaadhis ku saabsan mashquulka iyo camal la’aanta oo la sameeyay, ayay saynisyahanno waydiiyeen ka qaybgalayaashii in ay kala doortaan labo meelood midkood, si ay xog uruurin uga soo sameeyaan. Doorashada koobaad waxay ahayd goob dhow, taasoo u sahlaya ka qaybqaatayaasha in ay shaqada si dhakhso ah u soo dhammaystiraan, kadibna ay xarunta cilmibaadhista ku soo moqdaan, markaasna ay iska sugaan [natiijada] iyagoo aan waxba qabanaynin. Tan kale, waxaa xogta laga soo uruurinayay goob dheer, taasoo qaadanaysay wakhti badan, marka laga soo gaddoomana aan wakhti badan la sugaynin.
Dadkii midkee bay doorbideen? Waxaa soo baxday in ay ku xidhantahay wax yar oo kali ah: taasoo ah in ay sabab u haystaan iyo in kale—xataa haddii uu sababku yahay mid madmadoow ku jiro—si ay ay doortaan doorashada labaad. Ka qaybqaatayaasha waxaa loo sheegay in ay abaalmarin ahaan u helayaan hal xabo oo “Chocolate” ah. Haddii loo sheegi lahaa in “Chocolate-ku” hal nooc un yahay iyadoo aan doorashada loo eegin, 32% oo dadka kamid ah waxay doorteen meeshii fogayd. Haddii se loo sheegi lahaa in “Chocolate” caano laga sameeyay la siinayo haddii ay doorashooyinka midkood doortaan, halka la siinayo “Chocolate” madoow haddii ay doortaan doorashada kale [iyadoo aan la kala caddaynin], 59% oo kamid ah dadku waxay doorteen doorashada labaad (midda ismashquulinta ah ee meesha fog la tagayo).
Billowga hore uma muuqato wax sii ridan, laakiin saamayntu waa mid qotodheer: aadame ahaan, waxaan samaynaynaa wax walba oo ay inagu qaadanayso iyo in aan adeegsanno sabab kasta si aan isu mashquulinno, xataa haddii iska micnodarro tahay. Sida ay saynisyahannada daraasaddan iska leh yidhaahdeen: “Cilmibaadhistannadu waxay soo jeedinaysaa in hadafyo badan oo dadku sheegtaan in ay hiigsadaan laga yaabo in ay yihiin kali ah sabab ay isku mashquuliyaan.”
_Mashquulka iyo dhalanteedka wax-soo-saarka
Dr. Brene Brown, baresare iyo cilmibaadhe ka tirsan Jaamcadda ‘Houston’ ayaa buug ay leedahay oo la yidhaahdo ‘Daring Greatly’ ku qeexaysa in wax ay ugu yeedhay “crazy bussy/mashquulka xad ka baxa ah” ay tahay xeelad is suuxin ah oo aynnu kaga fogaanayno in aan wajahno xaqiiqada nolosheenna. “Waxaan badanaa idhaahdaa marka ay billaaban in kulamo isdabajoog ah la yeeshaan kuwa ismashquulinta badan, waxay u baahan doonaan in ay kiraystaan garoomada kubadda cagta [tiro badni awgeed].” Waxay sharraxysaa (qoraagu) in aynnu doorbidno u in aynnu waktigeenna wax uun ku bixinno—noocuu dooni ha ahaadee— intii aan qaadan lahayn khatarta la kali noqoshada fikradaha inaga guuxaya. Bulshadeennuna waa ay dhiirrigalisaa hab-dhaqankan: in qofku iska joogo, ama in wakhti badan oo firaaqo ah waxaa loo arkaa in ay calaamad u tahay caajisloownimo.
Intaa waxaa dheer, in lagu jiro “mashquul xad ka bax ah” waxay caddaynaysaa isla markaana xoojinaysaa in loo noolado si bilaa qorshe ah. Halkii aynnu daqiiqado kooban joogsan lahayn si aan isu waydiinno sababta ka dambaysa waxa aynnu qabanayno, waxaynnu si baraad la’aan ah isaga wadannaa shaqadan joogtada ah ee aan la hubin in ay inagu hogaamiso hadaf aynu danaynayno. Sidoo kale, waa mid kamid ah marmarsiyaha kali ah ee bulsho ahaan loo aqbalay in ay cudurdaar u noqoto si aan loo samaynin waxyaabaha muhiimka ah. Naftaada wakhyi ma u rabi lahayd? Ma dareemaysaa xanaaq? Ma waxaad illoowday shay muhiim ah oo aad saaxiibkaa u qaban lahayd? Eeddaas waxaad saari kartaa in aad saaid u mashquulsantahay.
In aad loo mashquulo lama mid ah in wax-soo-saar la yeesho. Marka ay ijeediyaan farriimaha iimaylka ama marka aan baraha bulshada eego aniga oo maqaal ku gudojira, hakadkaas igalay waxa uu isugu kay sawiri karaa sidii inaan mashquulsanahay. Waxayna igu qaadan wakhti dheer in aan qoro maqaalka sababtoo ah waxaa iga lumaya habsami u socodkii. Waxaan dareemi sidii in aan galabkii oo dhan wax ka shaqaynayay, halka ay xaqiiqdu tahay in aanan in ku filan diiradda saarin [maqaalka] si aan u dhammaystir. Anigoo dareemaya in aan mashquul joogto ah ahay, ayaanan sidoo kale naftayda u ogolaanin in ay u fikiro si hal abuurleh—taas bedelkeeda, waxaan maskaxdayda ka buuxiyaa waxyaabo carinaya oo dibadda ka imanaya, si aan u wax ay qabato ugu sameeyo. Sida ay cilmibaadhistii aan horay u xusnay caddaynayo, [ismashquulintu] waxay leedahay dareen wanaagsan. Waan jecelnahay in ay mashquul ahaanno. Waa wax lagu nafisi karo. Laakiin daruuri ahaan ma aha wax sax ah.
In aynnu iska jarno balwadda aynnu qabatinnay ee ismasquulintu ma aha wax adag, laakiin waxay u baahantahay is beddel miyirqaba oo lagu sameeyo qaabfikirka. Waa ay ka hor imanaysaa cabsida qotada dheer ee aynnu ka qabno la kali noqoshada fikradeheenna iyo wajihista xaqiiqooyinka nolosheenna. Waxa ay noqon kartaa mid ina siisa xornimo, laakiin sidoo kale waa mid argagax leh.
Beddel qaab-araggaaga: marka hore, jooji inaad tidhaahdo “Wakhti ma hayo”. Taas beddelkeeda, dheh: “Mudnaan ma laha [shaygaasi].” Maalin walba waxaa ku jira wakhti ku filan in la qabto waxyaabaha muhiimka ah.
Shaqo yar, natiijo badan: wax-soo-saarka cabbir ha uga dhigin inta shay ee aad qabato, laakiin [ku cabbir] qabashada waxyaabaha muhiimadda leh. Kala shaandhee liiska qorshahaaga. Diiradda saar natiijada, ee ha eegin shaqada.
Dabagal ku samee mashquulkaaga: wakhtigaaga la soco, oo diwaan gali waxa aad ku bixinaysio. Markaaas kadib, qor waxyaabaha aad qabato, darajana u kala samee. U kala hormari kuwo aan muhiim ahayn ama aan micno lahayn illaa kuwo aad muhiim ah oo micno badan. Ka saar dhammaan intaad u aragto in aysan mudnaan lahayn.
Biloow in aad tidhaahdo maya: wax ha iska samaynin in uu qof ku waydiistay un awgeed. Su’aal gali in waxani keeni karo natiijo micno leh. Marka hore in ay layaab kula noqoto ayaa suurtogal ah (waxaad dhihi kartaa “wakhti xaadirkan maya” halkii aad “maya” ka dhihi lahayd, haddii ay taasi kuu fududdahay) laakiin waxay kaa caawin doontaa in aad wakhtigaaga si wanaagsan u maarayso.
La heshii iskajoogista: si ay kaaga caawiso in aad nafis ka heli karto wax qabasho la’aanta, naftaada u samee wakhti cayiman oo aysan waxba qabannin.
Dib-u-hanashada wakhtigaaga si aad diiradda u saarto waxyaabaha muhiimka ah waxay saamayn wayn ku yeelan kartaa halka aad sannad kadib joogi doonto. Dhammaan wakhtiyada aynnu ku bixinno hawlaha aan micnaha lahayn si aan la kali noqoshada nafteenna uga baxsanno, ayaa aan u isticmaali karnaa in aan ku fikirro, shaqo micno leh aan ku qabsanno, ama aan wakhti ku bixinno dadka muhiimka inoo ah. Durba waa ay is tagaysaa, in laga takhalluso dhalanteedka wax-soo-saarkuna waa uu u qalmaa culayska hore ee ka hor imaashaha qaab fikirkeenna.
W/Q: Anne-Laure Le Cunff
W/T: Madasha Hoobaan