Dagaalka Qasa waxa uu Bannaanka keenay Munaafaqadda Maraykanka
Waxaa amakaag leh madaxweynaha Maraykanka, oo lagu sheego hoggaamiyaha dunida xorta ah, in uu u duulay Israa’iil si uu u siiyo taageero millateri oo dheeraad ah rajiim aan u aabbayeelayn in uu qurgooyo ba’an u gaysto rayidka Qasa ku nool. Bixinta taageerada millateri ee dheeraadka ah, taas oo qiimaheedu ballaayiin doollar tahay, ee madaxweyne Biden siinayo Raysalwasaaraha Israa’iil ee Netanyahu kali ah walaac qotodheer kuma aha Falasdiiniyiinta reer Qasa ee kumannaanka looga dilay hubka Maraykanka, ee sidoo kale waxa ay walaac ku haysaa malaayiin dadka [caalamka ah] iyo hay’ado badan oo kuwa xuquuqul-insaanka u dooda ah, kuwaas oo aaminsan in falalka Israa’iil ee ay Qasa ka fulinayso in loo xisaabin karo xasuuq.
Si uu boogaha u sii danqiyo, Biden waxa uu ugu yaboohay lacag yar oo boqol milyan ah, taas qayb yar ka noqonaysa xaddiga taakulada millateri ee Israa’iil, in ka badan labo milyan oo reer Qasa ah kuwaas oo guryahoodii la duqeeyay, haatanna ay dowladda gumeystaha ah ee Israa’iil ay asaasiyaadkii u diidday, sida: cuntada, biyaha iyo korontada. Arrintani waxa ay bannaanka keentay ahmiyadaha Maraynkanku halka ay yaallaan.
Waxa uu madaxweynaha Maraynkanku ku guuldarraysay in uu garto waa inaan Falasdiiniyiintu u baahdeen gargaar bini’aadannimo, haddii aysan Israa’iil go’doomin ku samayn Qasa. Aragtida quursiga ah ee dowladda Maraykanka (iyo dabcan warbaahinta reer Galbeedka ee u muuqata in ay makarafoon u noqotay dicaayaadda Maraykanka iyo Israa’iil) ee ku aaddan laynta ka socota Qasa, waxa ay si cad u muujinaysaa in ay jirto kala sarrayn u dhaxaysa dhibbanayaasha dagaallada adduunka. Sidaa darteed, waxaa jirta naxariis qotodheer iyo taageero loo hayo reer Yukrayn oo Ruushku duqeeyay isla markaana hoy la’aan ka dhigay, balse Falasdiiniyiinta la dilay isla markaana loo diiday cuntada iyo biyaha waxaa loo arkaa in ay u qalmaan caqiiqadooda darteed.
Munaafaqadda dowladda Maraynkanku haatan waa waadax la wada arki karo. Sidee falalka Putin ee Yukrayn loogu xisaabin karaa danbiyo dagaal, balse duullaanka Qasa (xabsiga ugu weyn dunida ee korka ka furan) iyo diidmada cuntada, biyaha iyo korontada ee dad dhaqdhaqaaqooda oo dhan ay Israa’iil maamusho aan loo arkayn ciqaab wadareed, taas oo sidoo kale ah danbiyo dagaal? Sida qof Twitter adeegsada uu xusay, ugu dambayn adduunku wuu arkay wajiga dhabta ah ee dowladda Maraykanka –waxa ay lumisay damiirkii ay adduunka ugu wacdin jirtay xuquuqul insaan iyo dumuqraadiyad.
In kasta oo aan ficillada Xamaas la aqbali karin (dilka shacabka Israa’iil iyo afduubashadooda waa danbiyo dagaal), dhinaca Maraykanka juhdi yarna lama galin in la fahmo sababta dad muddo dheer dulmanaa ay uga horyimaadeen dadkii dulminayay? Waxaa jira iskudayo yar oo looga garaabayo Falasdiiniyiinta oo dhulkoodii ay qaxooti uga dhigtay dowladda Israa’iil. Sidoo kale waxaa jira iska-indho-tirid weyn marka ay timaaddo in la dalbado la-xisaabtanka Israa’iil, taas oo dad badani ku qeexaan “dowlad gumeysi”.
Xitaa ka hor dagaalka hadda socda, dadka reer Qasa gacanta kuma ay hayn maamulka biyahooda iyo korontadooda, oo Israa’iil ayaa xakamaha u haysay. Falasdiiniyiintu si xor ah uguma ay socon karaan dhulkooda, dibaddana uma safri karaan. Waxaa xusid mudan dadka Yuhuudda ah, kuwaas oo la kulmay tacaddiyo aan laga sheekayn karin xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, ayaa haatan tacaddi lamid ah dhibtii gaartay ku samaynaya dad aan Yuhuud ahayn. (Waxaa muhiim ah in la qiro in tiro badan oo Yuhuud ah oo gudaha Israa’iil iyo dibaddeeda jooga ay si cad uga soo horjeedaan ficillada Israa’iil ee Qasa.)
Falasdiiniyiintu waxa ay lumiyeen [ama laga lumiyay] xuquuqdoodii muwaadinnimo si rasmi ah. Waxaa lagu ciqaabay in ay dalbadeen xorriyad iyo karaamo. Dhinacaan aan ka eegno: Haddii dhibbane lagu gabboodfalay uu dilo qofkii dulmiyay, ma waxaa loo aqoonsanaa gacan-ku-dhiigle mise maxkamaddu waxa ay xukumaysaa in ay isdifaacid ahayd? Haddii addoomadu ay sameeyaan gadood ka dhan ah dadka leh, ma waxaa lagu eedaynayaa amardiiddo? Marka dadka la gumeysto ay qoryohooda qaataan si ay ugu dagaallamaan in ay helaan xorriyad, ma argagixiso baa mise halgamayaal xorriyadeed?
Waxaa intaa ka sii xun, Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, kaas oo la asaasay 1945 si uu uga hortago dagaalladu in ay dhacaan ama baahaan, ilaa haatan ma uu awoodin in uu meel mariyo qaraar Israa’iil ku cambaaraynaya ficilladeeda, isla markaana ku baaqaya xabbad-joojin, sababtana waa [diidmada] Maraykanka –oo ka mid ah shanta xubnood ee joogtada ah ee codka diidmada qayaxan ee Golaha Ammaanka leh, isla markaana bixiya 20% miisaaniyadda Qaramada Midoobay. [Maraykanka] ayaa codka qayaxan ku diiday qaraar [xabbad-joojin] oo la soo jeediyay, iyada oo waliba badi xubnaha Golaha Ammaanka ay ansixiyeen. Su’aasha ay lamahuraan tahay in aan isweydiino haddii aan nahay beesha caalamka waa: Maxay tahay sababta lahaanshaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay haddii aysan ka hortagi karin dagaallada?
W/Q: Rasna Warah
W/T: Madasha Hoobaan
Tixraaca Maqaalka Asalka ah: https://www.theelephant.info/…/war-on-gaza-has-exposed…/