CAQABADAHA CUSUB EE GEESKA AFRIKA. “Geeska Afrika iyo Badda Cas”

Geeska Afrika taariikhda weligeed looma qeexin gobol ahaan. Wuu kala duwan yahay muuqaal ahaan, dad ahaan & juqraafi ahaan; kala-duwanaanshiye aan caadi ahayn oo dhanka afafka ah, iyo tiro is-le’eg oo Muslim & Kiristan ah. Dadkiisu waxay xiriir la leeyihiin Afrika, Bariga Dhexe iyo Badwaynta Hindiya—in badanna dhawaanahan Yurub iyo Ameerika. Laakiin dadkiisu Geeska ahaan…

Read More

Saamaynta Taban ee Deeqaha Waxbarasho ee Itoobiya.

Dadka Soomaaliyeed waa kuwo dareen fog oo sheki ah ka qaba dhammaan dhaqdhaqaaqyada Itoobiya. Iyagu Itoobiya waxay u arkaan cadowga koobaad ee Soomaaliya. Nacaybka Itoobiyadu kama dhalan dagaalladii hore oo keliya, se waa natiijo ka dhalatay gardarrada joogtada ah, qabsadshada [dhuleed], iyo fara-gelinteeda siyaasadeed ee Soomaaliya. Dadka Soomaaliyeed waxay dareemaan in dalkoodii ay soo degtay…

Read More

Sidee Daarwiiniyaddu (Darwinism) u jidaysay in la xasuuqo Aadanaha? …Naasiyaddii (Nazism) tusaale ahaan

“Aadanuhu ma aha mid ku qeexan siduu Darwin qabay, si lamida duniduna ma aha mid ku qeexan siduu Newton qabay” – Alija Izetbegović. Gugii 1945-kii, subax ay bisha Abriil soddonka buuxisay ayaa dawladihii is bahaysiga iyo kuwii ku midaysnaa dhidibku “Axis” ku waabariisteen is qur-goynta ninkii 6 sano ka hor shiday dubaaladdii dagaalkooda, dagaalkaas oo…

Read More

GEESKA AFRIKA IYO GEESKA CARABTA

Eray-bixinnada deegaan-siyaasadeedka ee uu curiyey aqoonyahankii waynaa ee Dr Cali Masruuci (1933-2014),waxaa ka mid ah erayga “Afrabia” oo ah eray af-ingiriisi ah oo ka kooban labo eray oo la isa saaray; bilowga eragayga “Africa” iyo dhamaadka “Arabia”.Mascuuri eray-bixintaan wuxuu uga gol-lahaa inuu ku muujiyo isku-milanka deegaan,sooyaal iyo dhaqan ee guunka ah ee ka dhexeeya qaaradda…

Read More

Sharcinimada is-afgaradka Itoobiya iyo maamulka Somaliland marka xeerarka caalamiga ah loo eego

Is-afgaradka ay Itoobiya la gashay maamulka Soomaalilaan waxa uu huriyay xiisad diblomaasiyeed oo Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhex aloosantay, waxa kale oo uu abuuray doodo siyaasadeed iyo kuwa sharci oo ballaaran, isla markaana wuxuu walaac ku furay xasilloonida Geeska Afrika, iyo nabadgelyada marin-biyoodka aad muhiimka u ah ee Baabul-Mandab. Is-afgaradka waxaa lagu xusay in Itoobiya…

Read More

Halista uu fikirka Abiy Axmed ku hayo xasilloonida Geeska Afrika

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxa uu meesha ka saaray rejadii nabadda iyo barwaaqada ee ay naawilayeen bulshooyinka Geeska Afrika. Kadib intii uu caan ku noqday nabadoonnimo, isla markaana ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize, waxa uu huriyey colaado uu la galay qowmiyadaha Axmraada, Tigrayga, iyo Oromada, isaga oo dhinaca kalena muujiyey doonistiisa ah guluf uu ku…

Read More

Meelahaan ayey ka Dhici Doonaan Dagaallada Biyaha ee Mustaqbalku

Sida ay todobaadkii hore sheegtay warbixintii guddiga isbeddelka cimilada ee Qarama Midoobay, xilliyo qallafsan ayaa ina ku soo aaddan. Halista wayn ee gaaraysa wadajirka noolayaasha iyo kaabayaasha dhaqaalaha marka laga soo tago, tan u daran ee warbixintu xustay in isbeddelka cimiladu leeyahay waa abaaraha adag iyo biyo-yaraanta badan. Intaani door weyn bay ku leedahay “Khilaafaadka…

Read More

Afar sababood oo hogaamiyayaashu uqirtaan khaladaadkooda

Hoggaamintu maaha hayaan qofka kaligii galo, ayaandarro se waxaa jira hoggaamiyeyaal badan oo islawaynidooda iyo ujeeddooyin u daahsoon ay ka horjoogsadeen inay sameeyaan waxa u wanaagsan dadka iyo ururrada ay u adeegaan. Hoggaamiyeyaasha masuuliyad kama saarna inay qummanahooda qoorta surtaan. Hase yeeshee waa kuwo lagula xisaabtamayo inay arkaan mushkiladaha oo noqotay fursado iyo xalal si…

Read More