CAQABADAHA CUSUB EE GEESKA AFRIKA. “Geeska Afrika iyo Badda Cas”

Geeska Afrika taariikhda weligeed looma qeexin gobol ahaan. Wuu kala duwan yahay muuqaal ahaan, dad ahaan & juqraafi ahaan; kala-duwanaanshiye aan caadi ahayn oo dhanka afafka ah, iyo tiro is-le’eg oo Muslim & Kiristan ah. Dadkiisu waxay xiriir la leeyihiin Afrika, Bariga Dhexe iyo Badwaynta Hindiya—in badanna dhawaanahan Yurub iyo Ameerika. Laakiin dadkiisu Geeska ahaan dhif iyo naadir ba isugu ma yimaadaan. Beddelkeed na weligood gobol ahaan uma qeexin dibad-jooggu, gaar ahaan awoodleyda dunida.

Halista maanta ee Geeska Afrika waa in halganka awoodaha caalamiga ahi ay mar labaad yareeyaan doorkiisa lahaanshiyo. Sababta Geeska loo beegsanayaa waa halka uu yaal darteed. 1869-kii, markii la furay kanaalka Suweys, Badda Cas ayaa noqotay halbowlaha u weyn ee ganacsiga dunida. Awoodleyda dunidu waxay fiiro gaar ah siiyeen nabadgelyada marinnada maraakiibta, ee maaha maamulka gudaha. Mar-walba oo ay gobolka ka jirto cusboonaysiinta danayn deegaan-istaraatiijiyadeed, qaab-dhac lamid ah ayaa soo laabata. Tani waxay ahayd kiiska 1950-aadkii iyo dhiillooyinkii [kanaalka] Suweys, iyo bilowga Dagaalkii Qaboobaa; mar labaad waxay ahayd 1970-aadkii markii khilaafkii Carabta & Israa’iil uu gaaray heerkii u sarreeyay, is-feer-socodkii xumaa ee loollamayaashii xoogga badnaa ee geeska iyo Yaman ba. Waxaa daba socday danayn caalamiya oo taariikhda aanan horay nooceeda loo arag muddo rubuc qarni ah, dalalka gobolku waxay degsan lahaayeen ajendeyaal ay iyagu leeyihiin. Danaynta caalamiga ah weligeed meesha kamay baxdeen, asii isku shuqlinta istaraatiijiyadeed ayaa yaraan lahayd, iyo arrimaha nababgelyada aadanaha—sida, yaraynta macaluusha iyo arxandarrida badan—ayaa ajandaha qurxin lahaa. Taas baa hadda dib isu beddelaysa. Gacanka Cadan toban sano kahor waxaa cabsi gelisay burcad badeed ka tagtay xeebaha Soomaaliya.

Maanta waxaa jira haliso intaa ka badan: Alqaacidada Gacanka Carbeed joogta ayaa isku fidisay xeebta dheer ee Yaman. Weli ma aynaan arag argagixisada marin-badeedku waxa ay ku sameeysay xaddiga caymiska maraakiibta. Isla-jeerkaa, isbahaysiga dalalka carbeed ee Sacuudigu horboodayo oo iyagu faragelin ku haya dagaalka sokeeye ee Yaman waxay u degdegayaan in ay ilaashadaan joogitaankooda millateri iyo kooda siyaasadeed ee Afrika. Markay sidaas yeelayaan, waxa ay gilgilayaan nabadgelyada curdanka ah ee Geeska Afrika—gaar ahaan iyagoo lacag ku harqinaya kooxaha Soomaalida, isla-markaana Ereteriya ka qaadaya go’doonka, [dabadeed na] qalabaynaya xaruntooda millateri ee halkaa. Kuwaani waa halis xaqiiq ah ee dagaal soo cusboonaaday. Xiriirrada Itoobiya iyo Ereteriya na waxay ahaadeen kuwo millateri oo kala kacsan. Halisaha ay muujisay Ereteriyada cusub ee ka siraadan Badda Cas iyo Itoobiyada neerfooska ah si fudud lagu ma qiimayn doono. Saddex arrimood ayaa dardar-gelinaya Geesku in uu dib ugu laabto ajandayaasha siyaasadeed ee care-edeg.

Mid waa nabadgelyada marin-badeedka: inta badan xiriirrada ganacsi ee Yurub iyo Aasiya waxa ay maraan Badda Cas. Waana adduun dhan $700 bilyan oo doollar, sanad-kasta. Meesha ugu dhow na waxay Baaba Al-Mandab u jirtaa 30km oo qura. Ma ahan mid adag in neefta laga jaro halbowlahaan weyn ee ganacsiga heer caalami. Dowlad-xeebeed weliba oo Gacanka Cadmeed ee Badda Cas ah waxaa si degdeg ah u kordhay qiimaheedii istaraatiijiyadeed.

Arrinka labaadi waa gacan-ka-hadalka xagjiriinta: Mintidiinta Soomaalida ah ee Alshabaab, maahan oo keliya kuwo mixnad ku ah dadka gobolka, asii ka durugsan. Falcelis ahaan, Midowga Afrika ayaa ciidamo nabad ilaalin ah u daabulay [Soomaaliya]. Hawlgalka Afika ee Soomaaliya (AMISOM) waa midka qura ee ay reer Yurub ku kharash-gareeyaan qaaradda Afrika. Walow ay la diriraan argagixisada, [misana] Sacuudi iyo Qatar waxay maalgeliyaan oo ay faafiyaan xagjiriinta islaamiga ah ee dulqaadka ka maran—Wahaabiyo. Islaamiyiintii hore ee dulka badnaa—Suufiyo—ee dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya iyagu dib-u-gurasho ayey sameeyeen. “Meeshii ay Wahaabiyadu soo gasho, mintidnimaa la socota”.

Arrinka saddexaad waa qaxa. Marka laga tago Suuriyaanka iyo Afqaaniyiinta, Ereteriyaanka ka cararaya dowladdooda keligii-taliska ah ayaa iyagu noqonaya qaxootiga saddexaad ee ugu ballaaran ee gaara Yurub. Quus la’aan, Midowga Yurub waxay bilaabeen ka-takhalusidda silaca haysta [qaxootiga], waxay na siiyaan kaalmooyin horumarineed—in-kastoo ay caddahay ku-bixinta kaalmo lacageed oo dab siinta kaabayaasha dhaqaale ee dalkaas ahi ayan ahayn mid beddelaysa mareegaha danabeed ee awoodda siyaasadeed. Mana dhici karto in ay beddesho qulqulkooda. Waa uun soo-celicelin hummaageed “samee wax” halkii laga tixgelin lahaa qorshaha.


Yurub-na waxay rabtaa in ay ku baraarugsanaato martigelinta badan ee Geeska. Qaxooti kale iyo soogalooti kuwii hore ka badan ayaa tagey xeebaha Mediterranean-ka. Itoobiya oo keliya, in ka badan 700,000 oo qaxooti ah [ayaa xeebahaa ka aaday], iyada oo bixisa waxbarashada dugsiga sare oo bilaash ah. Argaggaxa Yurub ee saxariirta qaxootigu waxay u baahan tahay in ay caro-tirto in dhibaatadu ay u baahan tahay la-tacaalid.

Geesku waa isgoys ay nabadgelyeyntiisa istaraatiijiyadeedi ku adag-tahay Yurub iyo Aasiya ba. Shiinuhu waxa uu Jabuuti ka dhistay xaruntiisa koobaad ee millateri-badeed. Iyaga oo daba jooga konteenarada maraakiibeed ee ganacsiga Shiinaha, Yurub u qaada. Sacuudigu na waxa uu Badda Cas ka dhisayaa cutubyo maraakiib ah oo hal abaanduule leh. Iiraan iyo Raashiya na aad bay u danaynayaan.


Dalalka gobolku waxay u baahan yihiin in ay u fekeraan, una dhaqmaan istaraatiiji ahaan haddii ay awoodaan in ay qaabeeyaan ajendaha, hawshana ay horboodaan. Ama waxay noqonayaan kuwo la yareeyo heer jilayaal yaryar ah, cido kale na ay ilaaliyaan.

Waxa ugu badan ee ay Geeska iyo Badda Cas wadaagaan waa jiritaan la’aanta urur goboleed, kaas oo xallin kari lahaa caqabadaha nabadgelyo. Midowga Afrika kama tallaabo Badda Cas. IGAD ayaa kamid ah dalalka Geeska, asii Masar maya.

Jaamacadda Carabtu saamayn ma lahan, waana mid kamida sababaha Iskaashiga Golaha Gacanku ay hormuudka ugu noqdeen faragelinta Yaman—oo ay u adeegsanayaan murqo lacageed si ay ugu guuleystaan dalalka Afrika in ay taageeraan hawlgalkaan, beddelka diblomaasiyad wejiyo badan. Dowladda Itoobiya oo ah udub-dhexaadka Geeska iyadu way xiran tahay [oo xuduud badeed ma laha], waxay na aad uga cabsataa dowladaha ku xeeran ee uu dagaalka taariikhiga ahi kala dhexeeyo, sida Masar.

Midowga Afrika waa in uu tallaabo u qaado istaraatiijiyaddaan bannaan: waxa uu dhisi lahaa jaalnimo Golaha Midowga Gacanka ah, mid Jaamacadda Carbeed ah iyo mid Midowga Yurub ah. Ugu yaraan, marba marka uu ballaarto gobolka Badda Cas—dhulka ay wadaagaan Afrika iyo Bariga Dhexe—waxa uu dalbanayaa golahooda gaarka ah.

W/Q: Alex de Waal

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *