Cadowga Gudaheenna

Haa, sidaan ayaa dhacda marka dhakhtarku kuu sheego in aad qabtid kansar. Marka koowaad rumaysan maysid (sidee ayay run ku noqon kartaa? [baad is wayddiin]), dabadeed waad caroonaysaa (ma mudnayn sidaan, oo waligeey qof waxba uma geysan), ugu danbaynna waxaad si qotodheer u dareemaysaa murugo iyo khasaaro (maxaan tabi doonaa markaan dhinto? Sidayse dadka I jeceli la’aantay u samri doonaan?).

Waxa ay yiraahdeen kansarku (kaankaro) waa natiijada ka dhalata caro gaamurtay iyo qoomamo. Sida muuqata, sannado badan oo aad dareemadaas qarsatid waxay unugyadaada ka dhigayaan in ay si khaldan u shaqeeyaan, ayna noqdaan kuwa sumaysan. Unugyada kansarka qaba ayaa dabadeed cuna kuwa caafimaadka qaba, sidaasna jirku wuxuu ku noqdaa mid sun ka buuxdo taas oo dabardarro aawadeed dhasha firfircooni la’aan. Weli ma cadda in doorashada qaab-nololeedka qofku ay jirka ku dhaliso kansarka, maxaa yeelay dadka ladan ayaa uga nugul kansarka dadka kale. Yeelkadeed e, marka aad ogaato in aad qabto kansar falcelinta ugu horraysa ee aad samaynaysaa waa naftaada oo aad eedayso. Waa sida iyada oo lagugu sheegay HIV oo kale. (Ma aniga ayaa masuul ka ahaa? Ma waxaan ahaa mid bilaa taxaddar ah? Ma waxay ahayd in aan isticmaalo cinjirka galmada?)

Qaraabada iyo saaxiibbadu waxa ay kuu sheegi doonaan in kansar naasaha ku dhaca laga adkaan karo, ayna garanayaan dumar badan oo kansarka naasuhu ku dhacay, balse nolol caafimaad leh helay sanado badan ka dib markii la daweeyay. Waxa aysanse kuu sheegi doonin tibaaxyada cilmiga ah ee sheegaya in cimriga qofku intii la filayay ka soo gaabto haddii kansar lagu sheego. Jaaniska in uu soo rogaalceliyo [kansarka naasaha] aad ayuu u badan yahay, xataa haddii qalliin lagu saaro (mastectomy) ama lagu daweeyo kiimiko (chemotherapy), ama laysar (radiation) oo ah hannaankii soo-jireenka ahaa ee “daawaynta” kansarka naasaha. Waxaan akhriyay cilmi-baarisyo sheegaya in dumarka lagu daweeyay kiimkada (chemotherapy) iyo kuwo si kale loo daweeyo uu isku si ugu soo noqon karo kansarku. Sidaa daraaddeed, geeridu waa mid dul taagan dadka kansarka qaba. Haa. Mar walba way ku dul joogtaa waxaadna maanka ku haynaysaa dhimashadaada.

Dadka badankii aad ayay uga baqaan kansarka heer ay gaareen in aysan ku dhawaaqi karin magiciisa. Gabar qayta soo dhaweynta u fadhida takhtarka kansarka waxa ay i weyddiisay nooca “K” ee aan qabo – waligeed ma ay adeegsan erayga kansar. Sidaas oo ay tahay, maalin kasta waxa ay la macaamishaa bukaan kansar qaba. Dhakhtar kale oo kansar oo aan la tashaday xataa indhaha waa isiin waayay, wuxuuna si boobsiis ah iigu diray baaritaan aanan fahmin wax uu ka walax yahay. Malaha waxa uu rumaysnaa in kansarkaygu macaamilka ku fido?

Waxay u muuqataa in ay adag tahay in si hagaagsan maanka loogu qancin karo in kansarka laga bogsado. Waxaa I soo wacay dumar ii sheegay in ay noloshoodii [caadiga ahayd] dib ugu noqdeen ka dib bilo ay is dawaynayeen, sida in aysan waxba dhicin oo kale. Aysanna muhiim ahayn in aan rumaysto cilmibaarisyada oo dhan, ee aan daawooyinka oo dhan qaato dabadeedna noloshii caadiga ahayd ku noqdo. [Balse] iima aysan sheegin sababta ay guryohooda ugu shaqeeyaan [oo aanay xafiisyada u aadin] tan iyo markii ay u bilaabmeen dawooyinku ama waxa ay ugu yeeraan “soo kabashadooda”. [Dumarka] qaarkood ayaa daacad ka sheega waayo’aragnimadooda. Haweeneey ka soo jeedda South Africa ayaa isoo wacday oo ii sheegtay waayo’aragnimadeeda isku-daawaynta kiimikada (chemotherapy) ay wax yeelaysay wadnaheeda. [Haatan] waxay isticimaashaa dawooyin cimrigaa ha ku furto ah kuwaas oo dhaliyay in ay kaadi qabanayso daqiiqado yar ka dibba, sidaasna macnaheedu waxaa weeye in aysan xafiis ku shaqayn karin. [Dawooyinku] halkii ay burburin lahaayeen kansarka waxay burburiyeen unugyadeedii wadnaha ee caafimaadka qabay. Hadda kansar way ka caafimaad qabtaa balse si kale ayay curyaan u tahay. Saaxiibtay kalena waxa ay ii sheegtay in eeddadeed uusan dilin kansar, balse ay [dawooyinka] kiimikadu ay dishay.

Waxa aysan dhakhaatiirta iyo khayr-filayaashu kuu sheegayn waa in daawada kiimikada ahi iyo qalliinka laysarkuba ay saamayn taban ku yeelan doonaan jirkaaga. Sida dhabta ahi waa in ay yihiin sun jirkaaga lagu mudayo si ay u disho sun kale [oo jirkaaga ku jirta]. Dhankaa waxa ay uga yara eg-yihiin tallaalka, balse way ka duwan yihiin maaddaama oo aysan difaaca jirkaaga kordhinayn. Labadaba, kiimikada iyo laysarku, waa in aad isbuucyo badan aad tagto isbitaalka taas oo kuugu kici doonto lacag aad madaxa qabsan doonto. Lalabbo, jirka oo ku olola iyo daalku waa astaamaha badanaa lagu yaqaanno.

Saaxiib ka soo jeeda Boston oo bartay siyaabo kale oo lagu daweyn karo kansarka (oo ay kamid tahay in aanba wax daawo ah la isticmaalin) waxa uu ii sheegay in haweenay kasta oo qabta kansarka naasaha ay samayso doorasho shakhsi ah oo ku aaddan nooca daawo ee ay qaadanayso. Dhakhaatiirta wax ku bartay [nidaamka] caafimaadka reer Galbeedka durba waxa ay soo jeedinayaan daawada kiimikada iyo wixii la mid ah, iyaga oo aan doorasho kale ku siinayn. Niyadjabka iyo naf jeclaysigu waxay ay bukaanka ku riixayaan in uu u nuglaado aqbalaadda daawo kasta, isaga oo aan ka fekerayn kali ah in aysan muddada daaweyntu dheerayn ee sidoo kalena ay aad qaali u tahay. U diyaarsanaata maskax ahaan iyo helitaanka kaalmo kasmo-nafeed ayaa sidoo kale muhiim ah kahor inta aan la bilaabin safarka dheer ee dhibka badan ee la yiraahdo daawaynta kansarka. Dad baa noqda xanuun-la-noolayaal; qaar baa si fiican u bogsada, kuwana way roonaadaan. Dumarka qaar ayaa go’aansada in aanay is daawayn ba, iyaga oo doorbida in ay nolol fiican qaataan ka hor inta uusan xanuunku dilin.

Waxaan baadigoobayaa habab ka beddelan oo lagu dawayn karo [kansarka], sida Pranic healing (nooc jimicsi oo khushuuc leh) oo la shaqeeya firfircoonida jirka. Ilaa iyo hadda waxa ay u muuqataa in aan ku raysanayo, wakhtiga ayaa se sheegi doona in sheekadaydu guul ku dambayn doonto. Waxaan bilaabay in aan wax badan cuno, sidoo kalena dawakhaaddii aroorta way iga sii yaraanaysaa.

Wali ma ay soo bixin natiijada cadkii la iga jaray [ee kansarka], sidaa darteed baanan u hubin waxa dhakhtarku i dhihi doono, balse meeshaan Kenya ah waxaa la raacaa hal si oo ah: naasaha ayaa qaliin lagu sameeyaa, dabadeed daawo ama laysar ayaa xiga, iyo iyo bogsiinta hormoonnada [naasaha]. Haddaba diyaar ma u ahay waddadaas? Ma hubo. Dumarka laga jaray naasaha waxa ay sheegaan in ay dareemaan sidii iyaga oo curyaan noqday; waayitaanna xubin qeexaysay dumarnimadooda waxa ay saamaysaa sawracooda iyo shakhsiyaddooda. Qaar kale ma ba daneeyaan in ay waayaan naasahooda; “waa baruur uun” naag baa igu tiri.

Hawsha kale ee kansarku leeyahay waxaa weeye in haddii uu kugu dhaco aadan wax kalaba ka fakerayn. Wax kasta oo kale naf-ma-leh. Qof ayaa raba in uu waxyar kula hadlo, adna waxaad doonaysaa in aad dhanka kale eegtid ama oydid. Miyaadan arkeyn in kansar i hayo? Ma kaa dhab baa in aad rabtid in aad igala hadashid cimilada? [ayaad hoos ka oranaysaa]. Waxaad ka fekeraysaa noloshaada oo sida muuqaal tayadiisu sarrayso [kuu hor imaanaysa]. Tagtadaadii ayaa hortaada isa soo liqdaaraysa, iyada oo isugu jirta maalmahaagii farxadda iyo kuwii murugada. Waxaad bilaabaysaa in aad isweyddiiso macnaha nolosha qaab aadan weligaa hore isugu weydiin. Kansarku waxa uu dhimashada kuugu diyaarinayaa sida uusan shil gaari oo halis ahi kuugu diyaarin. Maaddaama oo aadan ogayn inta geeridu kuu soo jirto, [tolow] dhimashada kadiska ah miyaa ka fiican dhimashada tartiib tartiibta ah? Mooji.

Laakiin yaanan noqon qof ka sheekaynaya uun hoog iyo baas qura. Sababta aan qoraalkan u qorayo waxa ay tahay in aan naftayda iyo dadka kale ka bartay waxyaabo cajiib ah. Mid kamid ah arrimaha aan bartay waxa weeye in dadku naxariis iyo deeqsinimo leeyihiin marka ay ogaadaan in xanuun ku hayo. Dad aanan xitaa aqoon weligayna aanan la kulmin ayaa khayr ii soo rajeeyay, ii soo duceeyay, oo xitaa lacag ii soo diray si aan isugu daweeyo. Saaxiibbo iyo ehel ayaa ii keenay raashin iina soo bandhigay meel aan dego. Saaxiibkay Hindi ah ayaa isoo wacay iina sheegay haddii aan doorto in aan dhakhtar u aado Hindiya in aan gurigiisa joogi karo inta aan rabo. Dhab ahaantii, arxankaas iyo deeqsinimooyinkaas waxa ay indhahayga ka qubeen ilmo.

Waxaan kale oo aan ogaadey, in ay noloshu aad iyo aad u kooban tahay. Sidaa daraaddeed, waa in aynaan dib dhigan waxyaabo aan doonaynno in aan qabanno. Haddii shaqadaadu aysan ku farxad galinayn isaga tag. Haddii qofka aad xiriirka leedihiin yahay mid sumaysan ka jaqaafi. Haddii dadka kugu hareeraysan ay ku dareensiinayaan in aad naftaada karahdo ka dheerow. Ku xayndaab naftaada dad ku jecel oo ku daryeelaya. Jacaylku muhiim ayuu u yahay samatabaxa aadanaha, sidaa darteed si bilaash ah u faafi [jacaylka]. Naxariis badnow oo deeqsi ahow. Waxan loogu yeero noloshu waa ay kooban tahay, taa awgeed raaxayso oo xilli walba u noolow sidii ay tahay maalinkii kuugu dambeysay.

W/Q: Rasna Warah

W/T: Idiris Gadcas

W/Tf: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *