Buunigii wuu galbaday aqoontiise ma gurin

Qiyaasti soddon sano ka hor ayaan bartay buugta sheekh Yuusuf Al-Qardaawi, kulligood ama badidood waa akhriyey. Aragtiyihiisa ayaan la noolaaday lana falgalay, baadidaydi fiqi iyo fikir ayaanna ka helay. Buugtiisa qiimaha badan ayaan la jaalay bal’e buugtiisa, fiqigiisa iyo fikirkiisa ayaan jeclaaday, xilligan Sheekhiisa Maxamed Qasaali AHUN mooyee ma jirto cid kale oo naftayda uga dhow, kaas oon aragtiyihiisa qudhaydi ka dhex helay. Ilaa xilligaas ma jirin buug ama dhambaal uu sheekhu soo saaray oonan akhrin, qaarkood waan dhigi jiray qaarkoodna dhowr jeer baan akhriyey kuwo kale waxay ii noqdeen marjac marka aan wax qorayo, khudbad jeedinayo ama muxaadaro diyaarinayo. Mar kasta kutubta sheekhu laf dhabar ayey u ahaayeen maktabadaydii cammirnayd ee Jabuuti, taasina waa Ilaahay galladdii.

In badan ayaan khudbadihiisa dhagaystay waxayna ii noqdeen quud ruuxeed iyo sahay fikir, waxaan la noolaaday khudbadihiisii kulmistay xeeldheeri fikradeed iyo xamaasad jeedineed waana dhif in la isla helo. Khudabadu xamaasadda iyo dareen kicinta ayey u irkadaan halka mufakiriintu ay degganaanta iyo qancinta u iishaan. Sheekhu, sidii macallinkiisii Qasaali ayuu labadan ba kulansaday. Asaga hadaljeedintu waxay uga dhignayd waxbarid iyo jihayn, aqoon iyo barbaarin, fahanka diinta iyo ku xirnaanta waaqaca. Xilli dambe hadal jeedinnadiisii buug ayaa loo ragay, dib ayaan u akhriyeey waxaanna ogaaday in cilmi ceegaago. Sheekhu kanaalka Al-Jazeera ayuu ku lahaa barnaamijka “al-shaarica wal xayaat” halkaas ayuu aragtiyiisa jamhuurka ugu gudbiyey, barnaamijku wuxuu noqday kuwo ugu shacbiyadda badan sheekhuna dadka dunida ugu saamaynta badan ayuu safka hore ka galay.

Sheekha waan jeclaaday waayo si daqnasho leh ayuu wax u qori jiray sida caruurta ayuu u booyi jiray kolka uu weynaanta Alle soo xasuusto, ama uu garaysto gaabiskiisa dhanka guullahii. Waaweynka qof asaga ka illin dhow Sheekh Qasaali uun baan arkay. “Fahamka salaadda” ayuu wax ka qoray xilliyadii noloshiisa ugu dambeeyey. “Fahanka Dowladnimada” ayuu qoray, buuggani wuxuu kusoo gudbiyey aragti foolaad ah, kaladuwanshaha bulshooyinka Islaamka, xisbiyada badan, suurtagalnimada xisbi aan islaami ahayn oo dal islaama ka jira, iyo qodobbo kale ayuu ku qaadaa dhigay. Sheekhu wuxuu qabay in xorriyadda oo la helo ay ka horrayso fulinta shareecada, sababtoo ah dad xor ah ayaa wax dabiqi kara ee addoomo kiil ma galaan. Qofkii qutul yoomkiisa hela, aayo-ka-talintiisa ku guulaystay, ayuu sheekhu xor u yaqaannaa.

Dhanka Fiqiga ayuu sheekhu ku fogaaday, buuggiisa “Fiqhu Al-zakaat” waa mid ballaaran hab aan cidi uga horrayn ugana dambayn u qoran. Buugga “Fiqhu al-jihaad” qudhiisuna kaa hore kama dhaco.

Sheekhu wuxuu ka tegay buug aragtiyo dhaaban, ujeeddooyin mug leh xambaarsan tubta toosanna nagu hagaya. Hagidda ‘saxwada’ ayuu kutub door ah ka qoray.

Leebabka dibad iyo gudeba looga soo ganay ayuu sheekhu gaashaanka u daruuray, asagoon dheg jalaq u siin ayuu yoolkiisa abbaaray, dhexdhexaadnimadana kama uu bayrin si kasta oo loo beegsaday. Si aqooni ku dheehantahay ayuu wax u qoray si xigmadaysanna wax buu u sheegay. Buugtiisa walaac qura ma sidaan sida guuldarraystayaashu yeelaan, yididiilo uunna ma xambaarsana sida ay kuwa riyooda sameeyaan ee labadaba wuu isku laray.

Siyaasadda sharciga ayuu kitaab baabkaas marjac u ah ka qoray. Islaamka iyo dowladda, Islaamka iyo calmaaniyadda iyo muslimiinta iyo cawlamada ayuu wax ka qoray.

Sheekhu qaddiyado guud ayuu gorfeeyey sida: ilaalinta degaanka, xagjirnimada calmaaniyeed, furdaaminta faqriga, la jaanqaadka shareecada ee gedgeddoonka waayahay, dalfinta beenaha Islaamka laga fidiyey, iyo tilmaamaha bulshada aynu doonayno.

Sheekhu wuxuu noo reebay kutub ciiddaas ka badan oo isu geyntooda boqol mujallad oo saddex boqol oo ciwaan daarran kor u dhaafayaan. Boqol dhambaal cilmiyeed ah ayaa aqoonta iyo aragtida sheekha laga diyaariyey. Boqollaal arday iyo malaayiin jecel ayuu dunida uga tagay. Wuxuu dunida ka geddoomay asagoo qarni joogay kuna fooganaa cilmi iyo camal, halgan iyo ijtihaad, ilbiriqsina aan saaxadda ka maqnaan. Asaga oo wax akhrinaya oo qoraya ayuu geeriyooday,

Nabadgalyo korkaaga ha ahaato sheekhaygiyow, waxaad ahayd nin ummad dhan u dhigma, nabadgalyo korkaaga ha ahaato, wiil baarri ah ayaad Qasaali u ahayd kitaab idilna waad ka qortay. Arday fariid ah ayaad Nadawi u ahayd buug idil na waad ka alliftay. Waxaad jeclayd Ibnu Baaz iyo Ibnu Cuthaymayn maqaal dheer ayaad mid kastana ka qortay, hubaashii waxaad ahayd nin aan cidna cuqdad u hayn, in badan ayaa lagu dhibay se waxaas oo dhan waad dhaaftay, waan kugu dayannay kamana daalayno inaan anshaxa kaaga dayanno aqoonta ka hor, Eebbow mahaddaa.

Qardaawi AHUN waan jeclahay Eebbe ayaanna marag gashanayaa, balse anigu ma ihi jeex Qardaawi ah, asaga ayaa i baray markuu yiri: culimada waxaan ugu jeclahay Ibnu Taymiya se anigu Taymi ma ihi. Xaqa ayaan Qardaawi iyo Ibnu Taymiyaba ka jecelahay, nabadgelyo dushaada, ehelkaaga rag iyo dumar ba ha ahaato, nabadgelyo korkooda ha ahaato kuwa xaqdarrada xabsiyada ugu jiran, iyo inta dunida dusheeda saaran ba. Nabadgalyo dushooda ha haato gacalkaaga goob walba ooy joogaan, Eebbe ayaan ka rajaynayaa inuu jannooyinkiisa nagu kulmiyo.

W/Q: sheekh Cabdiraxmaan Bashiir

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *