Dagaalka xornimada ee u dhaxeeya Kali-taliska Shiinaha iyo ganacsatada

“Maqaalkaan, wuxuu kaa siinayaa xog maquuninta ka jirta Shiinaha, oo lagu xadaynaayo ganacsatada si uusan dalka uga dhicin kacdoon lagu doonaayo xorriyad iyo inay helaan shacabka Shiinuhu dimuqraadiyad ay ku naaloodaan sida galbeedka. Akhris wacan” Hordhaca Madasha Tarjumaadda Hoobaan.

11-kii bishii sadexaad 2007, wuxuu la casheeyey Tashii Jiin Biing-oo waqtigaa ahaa masuulka ugu sarreeya xisbiga Shuuciga ah ee gobolka Tashiing oo ku dhow Shangahaay- safiirkii Maraykan ee Shiinaha. Cashadu waxay kamid ahayd kulamay soo agaasintay safaaradda Maraykanka ee Shiinaha, oo ay ku doonaysay inay xiriir kula samayso masuuliyiinta Shiinayska ah ee xidigoodu soo shaac baxaayo. Wuxuu Tashii-oo ahaa 53 jir- uu caan ku ahaa inuu yahay kan saddexaad, saddexda masuul ee baratanka ugu jira badalidda Jiintaw-oo lagu garan jiray duuduubka wajigiisa ka muuqda-.

Aad buu ugu bogay Safiirku shakhsiyadda Shii, waa Safiir Kalaarki tii Saandii raanti-oo fasal-wadaag jaamacadeed ay ahaayeen George W.Bush -. Telegraf uu usoo diray ayuu kaga waramay Cashadii, wuxuuna ciwaan uga dhigay kulankii gorfaynta “Laabxaarnaantii kalgacalnimo”. Shii Siduu ka bartay dhaqanka Ameerikaanka, wuxuu bogaadiyey Filimada Holly-wood; wuxuu ku amaanay guddoomiyaha Xisbiga Shuuciga-oo kasoo jeeda gobol rug u ah ganacsatada- soo saaristiisa xeer ilaalinaya maalgashadayaasha ganacsiga gaarka loo leeyahay. Shii waa caan; waa xidig shaac-baxaya kuna kalsoon naftiisa oo halgan ugu jira ilaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay. Waa siduu u muuqdu Shii.

Tobon sano iyo dheeraad kadib, wuxuu ku qaaday Shii-oo hadda ah guddoomiyaha xisbiga Shuuciga, ahna madaxwaynaha Shiinaha- weeraro xoogan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Shiinaha; Shii wuxuu beegsanayaa ganacsatada naf ahaantooda kali-kali iyo wadar ahaanba. Intaa waxaa dheer xeerarka iyo ururada hagaya shirkadaha, oo faraya in xisbiga Shuucigu ku dhex yeesho gudiyo (matalayaal) shirkadaha.

“Bishii Sebtember, Shii wuxuu toos u hagayey ciqaab dhanayd 18 sano, waa ciqaabtii ugu dheerayd oo daarran dambi siyaasadeed taniyo todobaatanaadkii kuna dhacday maamule shirkad dhisme oo dhaliil ugu diray E-mailkiisa” waxaa laga soo xigtay arrintaan labo kamida xubnaha xisbiga Shuuciga, sidoo kale waxaa laga soo xigtay qoyska maamulaha shaqada (fulinta), dhammaantood waxay dalbadeen in la qariyo magacyadooda cabsi laga qabo dhicista waxaan lamahadin. Bishii ku xigtay, wuxuu laalay Shii saami kala iibsiga shirkadeed (IPO) oo lafilaayay inay noqoto tan dunida ugu balaaran oo ay samayn lahayd shirkadda “Ant group”. Bishii Nov waxaa jeelka loo dhaadhiciyey ganacsade maamulaayey wadar beero waawaayn ah, waxa lagu maagayna sida muuqata waxay ahayd: muran dhexmaray shirkadiisa iyo beer dawladdu leedahay. Ayadoo taasu jirtay ayuu qof u dhow oo shardi ka dhigtay inaan la magic-dhabin, uu yiri: “wuxuu galay jeelka, maxaa yeelay wuxuu ka hadlay hagaajinta siyaasadda”.

Ugu dambayn, lama hayo muuqaalkiisa mudo bilo ah Jaak Maa asaasaha shirkadaha “Anti Group” iyo buurta waynee ganacsiga danabaysan (Electronic) ee “Alibaba” kadib markuu dhaliilay qaabkuu u waajahay xisbiga Shuuciga ahi dib u habaynta maaliyadda. Lama hayo muuqaalkiisa oo markiisi horana aad u koobnaa in dhaawalaba.

Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Shiinuhu kor ayuu u socday una koraayey, “balse siduu xakamaha talada Shiinaha ula wareegay Shii una noqday gudoomiyaha xisbiga 2012 dabadeedna madaxweynaha dalka 2013, wuxuu gaarigii furfurnaanta dhaqaale ee dalkee u socday horay tobonaankii sano ee ugu dambaysay usoo jeediyey gadaal” sidaa waxaa ku qoray “Atlantic” bishaan Maykal Shoomaan.

Waxaa loo adeegsadaa taxanaha ah (60/70/80/90) si loo muujiyo kaalinta ganacsiga gaarka looleeyahay ku leeyahay kor u kaca dalka. Sida lawada ogyahay shirkadaha gaarka loo leeyahay waxay soo saaraan 60% wax soo saarka dalka ee Shiinaha oo ay 70% ka dhalato hal abuuradooda; waxay shaqooyin u abuuraan 80% dadka magaalooyinka; waxay abuuraan 90% shaqooyinka cusub ee dalka. Hadaba Shii, Hashaan dararan muxuu isaga gaagixinayaa? Jawaabta adoon dhinac kale dhugan waa: Gacan ku hayn.

Ayadoo ay jirto wada hadalkii dhexmaray isaga iyo Ameerikaanka 2007, haddana siday laqabaan masuuliyiin badan oo xisbiga kamida, Shii wuxuu ka baqayaa in gacansiga gaarka loo leeyahay noqdo mid ka madax banaan awoodda dawladda; Shii wuxuu ka baqayaa in shirkaduhu sameeyaan sidii ka dhacday Yurub labadii Qarni ee 18aad iyo 19aad oo ay dabaqadda Burjuwaasiyiintu (dabaqadda ganacsatada oon talada waxba ku lahayn, balse hodanka ah) tuureen dabaqaddii Ustoqraadiyadda (dabaqadda, gacan ku haynta talada iska dhaxasha) Dhawaan bay ahayd markuu ganacsatada ku waaniyey inay ku daydaan “Sang Tashaang”, oo ahaa ganacsade noolaa horaantii qarnigii 20aad, oo sameeyey xoolo aad u tira badan. Kuma samayn xoolaha hal-abuur ganacsi, kaliya wuxuu hayin caana ma daadsha ah u noqday xeerarkii dawladda.

Arrimaha ganacsigu maahayn kuwo aad loogu gorfeeyo kulamada xisbiga sagaashamaadkii iyo horaanta tobankii sano ee qarniga 21aad. 1-Yuuliyo-2001 ayuu jeediyey Jayaan Taseeh Miin-waa mid kamida rug-caddaayada xisbiga soo jaga-baray Shii- khudbad taariikhiya oo ay soo dhaweyeen haldoorka muwaadiniinta Shiinaysku ayna ku jiraan ganacsato xisbiga kamida. Ayadoo Jiyaang uu hadalkiisa si caadiya oon is lur lahayn u jeediyey, maahayn yarayntaasu mid dadi karta baaxadda isbadalka.

Maw Tasii Toong-asaasihii Shiinaha Shuuciga ahi-, wuxuu moora duugay hantiday goonida u lahaayeen dabaqadii hanti-goosadka ahayd ee dalka, dadkii haldoorka ahaana hoos buu mariyey halkuu kuwii layasi jiray kor soo mariyey. Muddo kadib ayuu hantidii qaar celiyey Dang Shiyuu Baang. Hagaajintiisi dhaqaalaha dalkana, wuxuu ku caddeeyey in dadka qaari noqon doonaan hodan taasoo buro-dheeriya uga dhignayd ganacsatada. Wuxuuna ugu baaqi jiray Jiyaang in ganacsatadu ugu yaraan siyaasadda ka galaan kaalin ah halka dabadu Hasha kaga taal.

Waxay ka dhigtay hor u socoshada horraantii tobankii sano ee qarnigaan 21aad, xisbiga Shuuciga ah mid diyaar u ah in dherigu yeesho dhardhaar kale oo awoodda la qaybsata. Kulamada xukuumadda tusaale ahaan tii uu qabtay Golaha Wadatashiga Siyaasadeed ee Shacabka Shiinaysku-waa hay’ad wada tashi-, waxay muujiyeen dheeraanta codadka ganacsatada; waxay ugu baaqeen xisbiga tijaabo Dimuqraadiyeed: oo ah in loo ogolaado xubnaha xisbigu inay kala doortaan musharixiinta u sharaxan xilalka sarsare.

Bulshada dhexdeeda, waxay billaabeen ganacsatadu inay xoolo ugu deeqaan Hay’adaha Khayriga ah ee dawladdu maamusho. Markay xoolihii dhaceen masuuliyiinta dawladda ee tuugada ahna, waxay asaasteen mashaariicdooda u gaarka ah. Xoolahaa gaarka ahi waxay aaddeen warbaahinta dhagarta badan sida Warsidaha Ceebaynta iyo Caan-bixinta “Caijing”. Wuxuu u adeegsaday Baan Shii oo ah madaxa boqortooyada shirkadaha dhismaha ee “SOHU” isagoo kalligii ah appka “Weibo”, oo ah app Shiinaysku ka dheegteen (Copy) Twitterka, inuu dareenka (dhugta) dadka usoo jeediyo diikhawga hawada oo si guud lagu soo ururiyeo Tilmaamaha Tayada Hawada (AQI).

Waxay bilaabeen ganacsato isugu qaybsan rag iyo dumar inay abaabulaan ururo bulsho oo rayida; waxay galeen ganacsatadu kaalmo/majaalo aan soo jireen ahaan aysan gayn jirin/gali jirin. Urur kharajkiisa kahela ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa loo magacaabay gudoomiyihiisa Yuu kayboonji-faylasoofka siyaasiga ah, caankana ku ah dhiganihiisi soo baxay 2009 ciwaankiisuna ahaa “dimuqraadiyaddu waa wanaagsantahay”-. Isbadaladaa waxaa dheehanaysay warsidaha “Washington Post” sanadihii u dhaxeeyey 1996 iyo 2003, waxaana lagu qeexay: hadaynu niraahno Miino wayn ayey ku tahay maskaxda bulshada rayidka ah, ma noqonayso buunbuunin ee waxayba u ekaan kartaa inaynu dhacdooyinkaa tilmaamidooda xadigay lahaayeen ka yaraynay.

In laysku rogo ganacsatada, waxay bilaabatay maalmihii maamulkii ka horeeyey Shii ee “Huu”. Barigii hore shirkadaha gaarka loo leeyahay kuwa yaryar bay ahaayeen, sida dukaan Baasto oo meel geesa ku yaal ama nin wata gaari Bas ah oo dadku meelahay ka rabaan dalka gudihiisa geeya. Laakiin tobonkii sano ee ugu horreeyey Qarnigaan, waxay billaabeen inay la tartamaan suuqyadii u xirnaa dawladda; wuxuu isu badalay “Li Beiqi” ee Baastada, dukaamo ku firiqsan dalka oo loo yaqaan “Mr.Lee”; halka dareewalkii gaadiidka waawayni ee “Lii Maysong” asaasay shirkad, waxayna hantidiisa oo barraxan ku sheegtay Forbes 6.3 bilyan oo Dollar. Arintaa waxay kaga jawabeen shirkadaha dawladdu leedahay, inay cadaadis ku saaraan xukuumadda soo saarista siyaasado iyaga taageeraya, halka lasoo saaraayo kuwo ganacsatada taageeraaya.

Dabadeed waxaa dhacday dhibaatadii dhaqaale ee dunida hirdiday 2008, taasoo muujisay sax ahaanta hadalkii ahaa: “Dhaqaalaha ay dawladdu hagayso ee Shiinuhu waa ka horumarsanyahay kan ay shirkadaha gaarka looleeyahay hagayaan ee reer galbeedka”.

Mushkiladaha haysta wadamada hanti-goosadka ah si gaara Maraykan, waxay xoojisay doodii oranaysay: “Isbadal nabadeed oo loo qaado dhanka bulsho iyo dhaqaale furfuran oo awood siyaasadeed oo isku noqda saddex dhardhaar oo kala soconayaa, waa ku haydaaro xisbiga iyo dalka Shiinahaba”. Waxaa laga dhigay ganacsatadii soo dhawaynta loo sameeyey sanado yar kahor waa siday dhaheene: Jawaasiis. Waxaana waajib noqotay in lahubiyo in Xakamuhu afka u suranyahay iyo in kale, iyo in xoolohoodu gacanta ku jiraan. Markuu talada qabtayna Shii, wuxuu bilaabay inuu dardar galiyo olalahaas.

Haddaynu raacno miisaankaa dheeliga ah, in Shii xiro maamulihii fulinta ee shirkaddi dhisme iyo dhaqdhaqaaqiisa ka dhanka ah Jaakmaa, waxay daaha ka rogoyaan olalihiisu wuxuu daaranyahay; wuxuuna tooshka ku ifinayaa ujadadiisa in awoodda xisbigu harayso dhammaan dhinacyada nolosha.

Riin, wuxuu caan ku yahay hadal caddaan, waxaana loo yaqaan “madfaca wayn” wuxuu dhaliilay marar badan Shii, wuxuuna ka hadlay iska hor imaadyada ku jira farintii u diray Shii 2016 oo ahayd: “ waa in warbaahinta ay maamusho dawladdu ee Shiinuhu ay taageerta xisbiga una shaqaysa”. Farriin uu soo dhigay bog ay la socdaan 37 milyanoo qof oo ka furan “Weibo”, wuxuu is waydiiyey Riin, goormay isu badashay xukuumadii Shacabku xukuumad Xisbi?. Arrintaa wuxuu kaga jawaabay xisbigu in baaritaan lagu sameeyo Riin.

Tab layaqaanay waligeed ayagoo raacaya, Baarayaashu waxay baareen bogagiisa/akoomadiis si loogu eedeeyo is daba marin balse mahelin wax lagu horgeeyo garsoorka. Kadib markii ay in badan ka codsadeen saaxibadii inuu iska daayo faalaynta siyaasadda wuu ka aqbalay ugu dambayntii. Wuxuu galay ganacsiga looxaanta isagoo kusoo bandhigay hibadiisa faneed bandhiggii Bakiin ee Des/2019, Waxaana baahisay bandhigga Global Tames-oo ah warside uu leeyahay golaha dhexe ee xisbigu.

Muddo kadib waxaa ku baahay magaalada Wuhaan ee dalka Shiinaha Karoono Fayras, waxayna qayba xukuumada ahi qariyeen warka. Khudbad uu jeediyey Shii bishii labaad ee 2020, wuxuu sheegtay in siduu uga falceliyey Karoonaha ay muujisay horumarsanaanta nidaamkiisa Shuuciga ah. Muddo kooban kadib wuxuu ka qoray Riin maqaal daawashadiisi khudbadda “ in markuu daawanaayey khudbada uusan arag boqor dharkiisa ku xaraagoonayee, uu arkay nin majaajilaysta ah oo qaawan kuna adkaysanayaa inuu boqornimo matalo”

Riin, wuxuu ugu diray gabalkaan maqaalka kamidka ah 11 saaxibadiisa E-mailka. Mid kamida ayaase u dusiyey dawladda, dabadeedna Riin, wiilkiisi iyo xisaabiyihii la shaqaynaayey ayaa la qabtay. Sida shan qaf oo lasocotay qadiyaddii maamulihi fulinta (waa qadiyadaan kor kaga soo hadalnay ee mulkiilihii beeraha), waxaa lagu yiri Riin: hadaadan qiran eedahaan kusoo jeedin doonno, wiilkaagu wuxuu galayaa jeel inta noloshiisa ka dhiman. Riin waxaa lagu eedeeyey is daba marin, ayadoo eedaymahaan laga bari yeelay 2016kii, hadana wuu qirtay eedaymaha. Bishii 11-sep ayey maxkamad Shiinays ahi ku xukuntay 18 sano, kama soo horjeesan Riin xukunka ku dhacay. Saas ooy tahay xibsigu ma oofin balantiisi ilaa hadda oo wiilkii Riin, waa xiranyahay.

Looma soo jeedin Jaakmaa wax eedayma ah oo sheegaya inuu danbiyo galay., hase yeeshee qadiyadiisu siday u dhacayso waxay la sumad tahay kuwii ka horeeyey. “Ant Group” ayadoo isku diyaarinaysa Gadista Saamiyo, wuxuu jeediyey Jaakmaa khudbad uu ku dhaliilayo doonista Shii ee qar iska xoornimada ah oo daaran gacan ku haynta Usuusha/lafaha hantida, isagoo xusay in ay burburinayso hal-abuurka. Taageero Bangiyada iyo hay’adaha maaliyadeed ee dawladda oo ka baqayaa “Ant”, Shii wuxuu dib u dhigay gadistii saamiyada.

War-bixin ayaa tilmaamtay in jaamacadda Hooban- waa kuliyad maamul uu qayb ka ahaa Jaakmaa asaaskeeda- in la xiraayo, arintaasuna ay kamid tahay olale dawladdu ku doonaysay inay waxbarashada gacanta dib ugu soo celiso. Arrimahaasu waxay yimaadeen kadib markay soo baxeen koox ka tirsan Guddiga Daba-galka Edbinta iyo Cabsi-galinta oo hoos taga Xisbiga ee gobolka Haangasto-waa gobolkay ku taal xarunta wayn ee shirkadda “Ant”.

Haddaba si waxuun sharafa loogu reebo xisbiga, war-bixinnada waxaa lagu xusay in Jaakmaa uu qayb kamida “Ant” ugu deeqay dawladda. Laakiin hawshu waxay ka tarjumaysaa in waddanku jiho kale aaday oo ah: In shirkadaha dawladdu ay dhuunta marinayaan shirkadaha gaarka loo leeyahay. 2019 bay shirkadaha dawladdu ku maal-gashadeen ganacsiga gaarka ah lacag dhan 20 Bilyan oo Dollar, waxayna ku laba laamaysaa tiradaasu 200 oo jeer kii 2012kii. Warkiisa waa lawaayey Jaakmaa, laguma arag muuqiisa Shaashado uu balamo kulahaa, Isbuucii hore uun baa dib loo arkay isagoo Macallimiin kala sheekaysanayaa Onlineka.

Waxay aaminsanyihiin khubaro sida Diikastar Roober-alifaha dhiganaha Usduurada Hanti-goosadka Shiinaha- in cirib-dambeedka dhaqaaluu yeelanaayo dhaqdhaqaaquu ku doonaayo Shii xadaynta ganacsiga gaarka loo leeyahay, ay noqonayso mid liita; waxaa lafilayaa in koritaanka dhaqaale uu hoos u dhici doono, hal-abuurku yaraan doono iyo in tartanku tabar beeli doono, dhamaana waa sababo ku filan inay dhaqaalaha ka dhigaan fadhiid. Waa la arkay saamaynteeda, in dib loogu celiyo dhaqaalaha Ku tiirsanaanta shirkadaha dawladdu leedahay, oo waxay laba laabtay hantida loo baahanayo si hal heer (degree) kor loogu soo qaado dhaqaalaha ugu yaraan kadib markuu talada qabtay Shii.

Weerarkaan lagu qaaday ganacsatada, wuxuu Shiinaha u riixayaa gadaal; waxaad moodaa Shii inuu si guud u aaminay aragtidii Liiniin oo aan biyo lamirin ee uu ku dhaqmaayey Maw. Aragtidaasu waxay ku dhisantahay in maalmaha dhibaatooyinku jiraan xakamaha laga furo ganacsatada oo ay helaan xorriyad dheeraada iyo mashaariic xora, xisbigu sidaa wuxuu u samaynayaa waa “dani ku badday” dabadeedna wuxuu dib ugu noqonayaa soo jireenkiisi.

W/Q: John Pomfret

W/T: Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *