Awaday Falsafaddii Islaamiga ahayd?
Shaki la’aan, maqnaanshaha Falsafadda Islaamiga ah [ay ka maqantahay saaxada fikirka] waa mid ka mid ah sababaha keenay hoobashada caqliga Islaamiga ah. Marka aan leeyahay Falsafadda Islaamiga ah, waxaan ula jeedaa mawduucyada sida falsafadaysan uga jawaab celiya su’aalaha si guud looga keeno shaacsanaha (daahirada) diimeed, gaar ahaanna farriintii Nebi Muxammed (N.N.KH); mawduucyadaas oo uu safafka ugu horreeya kaga jiro mawduuca aragtida aqoonta ee Islaamka. Sababtu waxaa weeye: in maqnaanshaha mawduucyadaas ay keensanayaan hoos u dhac ku yimaadda aragtida guud ee shaacsanaha diimeed iyo in caqliga diimeed ay ka hor istaagaan joogitaanka, micno kasta oo ay joogitaan la’aantu leedahay, sida gaabiska noocyadiisa ama iska hor imaadka caqliga iyo waaqica.
Waxaan shaki ku jirin in la helayo dadaallo shaqsiyeed oo arrinkan ku saabsan, ayna leeyihiin mufakiriin casrigan dambe ah, laakiin waa dadaallo kooban oo kala daadsan; [kuwaas oo] aan ka soo muuqan manhajyada jaamacadaha, ayna dheeri ku tahay heerka dooddooda oo inta badan ah mid liita. Qoraayada ugu foolaadsan casrigan ee ka qayb qaatay dhismaha mawduucyadan waxaa ka mid ah: qoraagii waynaa ee Carbeed Cabbaas Al-Caqaad, gabayaagii caanka ahaa ee Hindiga ahaa Muxammad Iqbaal, Mufakirkii reer Hindiya Waxiid Ad-Diin Khaan, iyo Faylasuufkii reer Boosniya Cali Cizat Begovich.
Si kastaba ha ahaatee, dadaalladaa waanagsan ee ay raggaasi u galeen difaacidda Islaamka ama dhisidda Falsasadda Islaamiga ah waxa ay ku dambeeyeen isku day shakhsiyeed oo marla’arag ah oo kali ah, ee ma aysan helin mudnaan siinta xarumaha cilmiga iyo tacliinta ee bulshooyinka Islaamiga ah. Runtii waa wax laga xumaado in badanaa waaxyaha culuumta diinta ee Jaamacadaha Carabta uu ka maqan yahay kursiga Falsafadda Islaamiga ah. Erayga “badanaa” halkan waxaa loola jeedaa in laga digtoonaado in ay jirto Jaamacad bixisa maaddadaas oo uusan ka warqabin qoraagu.
Tani waxay ina xusuusinaysaa taxaddar kale oo ay lagamamaarmaan tahay in la xuso, kaasoo ah: Falsafadda Islaamiga ah, sida aan halkan ula jeedno, in ay tahay mid ka duwan middii waaxaha Falsafadda [lagu dhigo] looga yaqaannay Falsafadda Islaamiga ah, oo iyadu ah Falsafaddii Giriigga oo ay leeyihiin mufakiriin Carbeed iyo kuwo Muslimiin ah, marka laga reebo in yar oo ka mid ah dadaalladaas oo lagu dari karo qaybta Falsafadda Islaamiga ah ee saxda ah, sida wixii ku soo arooray kitaabka Ibnu Rushdi ee: “فصل المقال في ما بين الحكمة والشريعة من اتصال”.
Haddii ay maqnaanshaha Falsafadda Islaamiga ah tahay mid ka dhalatay dabeecadda caqliga Carbeed, oo ah mid awooddiisa gorfayneed lagu sifeeyo liidasho – sida ay Mustashriqiinta qaar yidhaahdeen – marka la barbar dhigo caqliga Giriigga tusaale ahaan, ama ay tahay mid ka dhalatay mawqifka dugsiyada diimeed ee Islaamka – ayna matalaan fuqahada iyo mad’habyada taariikhiga ah – oo si guud cadaawad ugu haya ku hawllanaanta falsafadda, waxaa hadda lagamamaarmaan noqotay in dib u eegis lagu sameeyo darsigan, sababta oo ah shaacsanaha (daahirada) diimeed ma aha mid sii xammili karta khasaare intan ka badan oo ka dhasha maqnaansaha aan maangalka ahayn ee cilmigan iyo kuwa kale ee la mid ka ah.
Haddii ay wakhti xaadirkan adag tahay in lagu qanciyo dugsiyada diimeed ee soo jireenka ah in ay culuumtan ku daraan manhaj jaamacadeedkooda, sababo la ogyahay isla markaana in la inkiro ay tahay (aan macquul ahayn) awgood, waxaa suurtogal noqon karta in daraasaadka jaamacadeed lagu dhex abuuro waaxo cusub oo ka hadla culuumtan maqan ee aan horay ugu jirin waaxihii soo jireenka ahaa, sida: Falsafadda diinta, taariikhda Quraanka, asaarta Qur’aanka, fiisigiska Qur’aanka, taariikhda diimaha, isbarbardhigga diimaha, iyada oo dabcan lagu daray maaddada naqdiga fikirka diiniga ah.
In takhasusyadan laga helo waaxaha daraasaadka jaamacadeed waxay dammaanad qaad u noqon doontaa nooc aqoon tarmin ah oo ay baahi daran u qabaan Jaamacaduhu; iyada oo uruurintaas la’aanteed ay ka dhalanayso in dadaallada shakshiga ah ay dhinac ka sii ahaadaan ceeryaamo kala firidhsan, dhinaca kalena dadaallo aan shaqaynin. Culuumtu waa sida biyaha oo kale, haddii aysan noqonnin webi socda, waa barkad fadhida oo hooy u ah ukumaha raha iyo kaneecada.
W/Q: Cisaam Al-Qaysi
W/T: Madasha Hoobaan