Hoobaan

Sharcinimada is-afgaradka Itoobiya iyo maamulka Somaliland marka xeerarka caalamiga ah loo eego

Is-afgaradka ay Itoobiya la gashay maamulka Soomaalilaan waxa uu huriyay xiisad diblomaasiyeed oo Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhex aloosantay, waxa kale oo uu abuuray doodo siyaasadeed iyo kuwa sharci oo ballaaran, isla markaana wuxuu walaac ku furay xasilloonida Geeska Afrika, iyo nabadgelyada marin-biyoodka aad muhiimka u ah ee Baabul-Mandab. Is-afgaradka waxaa lagu xusay in Itoobiya…

Read More

Ka guul gaaridda dagaalka aragtiyaha

Xagjirnimada waxaa saldhig u ah qalloocashada fahamka qaybo kamid ah waaqaca, ama shareecada, ama tubta loo marayo wax hagaajinta ama dhammaantood oo isku sidkan. Qalloocashada fahamka la xiriirta waxaa soo raaca habowga ku dhaca dareenka iyo caadifadda, taas ayaana keentay inay abuurmaan xiriirro iyo hab-dhaqanno ku salaysan gacan-ka-hadal iyo xagjirnimo. Sidaas darteed, sixitaanka aragtiyahan ay…

Read More

Buunigii wuu galbaday aqoontiise ma gurin

Qiyaasti soddon sano ka hor ayaan bartay buugta sheekh Yuusuf Al-Qardaawi, kulligood ama badidood waa akhriyey. Aragtiyihiisa ayaan la noolaaday lana falgalay, baadidaydi fiqi iyo fikir ayaanna ka helay. Buugtiisa qiimaha badan ayaan la jaalay bal’e buugtiisa, fiqigiisa iyo fikirkiisa ayaan jeclaaday, xilligan Sheekhiisa Maxamed Qasaali AHUN mooyee ma jirto cid kale oo naftayda uga…

Read More

Cadowga Gudaheenna

Haa, sidaan ayaa dhacda marka dhakhtarku kuu sheego in aad qabtid kansar. Marka koowaad rumaysan maysid (sidee ayay run ku noqon kartaa? [baad is wayddiin]), dabadeed waad caroonaysaa (ma mudnayn sidaan, oo waligeey qof waxba uma geysan), ugu danbaynna waxaad si qotodheer u dareemaysaa murugo iyo khasaaro (maxaan tabi doonaa markaan dhinto? Sidayse dadka I…

Read More

TIIRARKA IFAFAALAHA DIIMEED

Tiirarka ugu yar ee ifafaale kasta oo diimeed looga baahan yahay waa: Caqiido, Cibaado, iyo Qiso kowni ah. Firaas As-Sawaax iyo Calmaaniyiinta kaleba waxa ay rabaan in diinta ku koobaan saddexdan tiir oo keliya, mana rabaan in diintu door ku yeelato anshaxa, xeerarka, iyo siyaasadda. Laakiin, koobnaantan haddii ay ku suurogelayso diimaha qaarkood, diinta Islaamka…

Read More

Masar maxay u dhisanaysaa webi dad-samey ah midka u weyn dunida

Masar waxa ay horumarinaysaa qorshaheeda ay ku dhisanayso webi dad-samey ah midka u weyn caalamka, si ay u kordhiso badqabka khayraadkeeda una tirtirto calan-u-sidnimada soo dhoofsashada qamadiga. Mashruuca cusub ee Delta oo ku kacaya $5.25 bilyan dhererka dhismihiisu wuxuu gaari doonaa 114km, taas oo ka dhigaysa webi dad-samey ah midka u dheer dunida, iyo mashruucii…

Read More

Halista uu fikirka Abiy Axmed ku hayo xasilloonida Geeska Afrika

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxa uu meesha ka saaray rejadii nabadda iyo barwaaqada ee ay naawilayeen bulshooyinka Geeska Afrika. Kadib intii uu caan ku noqday nabadoonnimo, isla markaana ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize, waxa uu huriyey colaado uu la galay qowmiyadaha Axmraada, Tigrayga, iyo Oromada, isaga oo dhinaca kalena muujiyey doonistiisa ah guluf uu ku…

Read More