ASAASAHA STARBUCKS .. HOWARD SCHOLTUZ

“Kabalyeeri baan saan ahaa kor uga weynaaday”

Hanaqaadkiisi iyo hayaankiisi aqooneed

Howard waxa uu New York ku dhashay qarnigii 20aad, halka aabbihii ahaa darawal dhalasho ahaan ka soo jeeda waddanka Jarmalka. Isaga iyo labo walaalladii ahba waxa ay ku indho-qaadeen nolol adag oo ku reebtay saamayn, maaddaama aabbihii aanu ku tirin jirin ragga waxtarka leh. Carruurnimadiisi waxa uu dareemi jiray xishood iyo gadood ka dhan ah duruufta nololeed ee ku xeeran heer uu diiday in uu ku laabto kolleejadii waxbarashada ka dib markii uu ogaaday in lagu taakuleeyo carruurta aan waxba haysan. Howard waxa uu gabbaad ka helay ciyaarta, waxa uuna si gaar ah u xiisayn jiray kubbadda kolayga iyo tan cagta xilligii uu dugsiga sare ku jiray. Sannadkii 1971 waxa uu deeq waxbarasho oo maaddada xisaabta ah ka helay jaamacadda woqooyiga [Maraykanka] ku taal ee Michigan. Sidaas waxa uu ku noqday qofkii ugu horreeyey reerkooda ee heer jaamacdeed gaara.

Tubtii xammaalka

Toddobo jirkiisi ayuu Scholtuz maalin guriga ku soo laabtay. Waxa uu arkay aabbihii oo fadhiga dangiiga kabayna saaran yahay kadib markii uu ku soo waxyeelloobay shaqadiisa. Teer iyo markaas waxaa raad [taban] ku reebay culayskii dhaqaale ee qoyskiisa soo foodsaray, balse arrintaasi kama hor istaagin inay hooyadii kusii dhiirrigaliso in uu sii wado waxbarashada si ay irrido kale ugu furto naftiisa.

Scholtuz waxa uu isaga gudbay shaqooyin ballaaran xilligii uu waxbarashada ku jiray si uu isaga gudo lacagtii kulliyadda. Waxa uu soo noqday kabalyeeri, markii uu jaamacadda dhammeeyeyna waxa uu u jihaystay iibinta qalabka xafiisyada isaga oo maalinkii wici jiray illaa 50 macaamiil ah, taas oo kor u qaadday wax iibsigiisa, duruufta qoyska oo adag awgeed ayuu kalabar mushaarkiisa ugu qoondeeyey.

Kadib markii uu guul la taaban karo ka gaaray iibinta alaabaha maktabadda, waxa uu ku biiray shirkad Yurub laga leeyahay oo ka shaqaysa samaynta alaabaha guryaha oo ay ka mid tahay Espreeso. Macaamiisheeda waxaa ka mid ahaa shirkad yar oo qaxwada samaysa oo ku taallay Seatlle Washington, laguna magacaabo Starbucks. Bilowgii rubucii labaad ee qarnigii 20aad ayuu Howard booqasho ugu tagay xarunta shirkadda mid ka mid ah asaasayasheeda, isagoo la maqsuuday qaxwada, wuxuuna u muujiyey sida uu u jeclaan lahaa la shaqayntooda mustaqbalka dhow.

Hayaankii isbaddalka

Bilowgii rubucii danbe ee qarnigii labaatanaad, Scholtz waxa uu ka noqday Starbucks madaxa suuqgaynta iyo qeybta tafaariiqda. Sannadkii xigay ayuu u wax-iibsi tagay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, waxa uu ku dhex wareegay waddooyinkeeda isaga oo hadba goob shaah ku leexanayay. Wuxuu markiisi ugu horraysay dhadhamiyey qaxwada Esprees aadna wuu ula dhacay. Xilligaas Starbucks miraha qaxwada oo qura ayay gadi jirtay meel la fariisto se ma ay lahayn. Arrintaasi waxay ku dhalisay in uu ka feker inay shirkaddu bilowdo iibinta qaxwada baddalka ay miraha kaliya iibin lahayd. Sidii uu u sii horumarin lahaa ayuu u jilib laabtay goob dadka macaamiisha ahina fariistaan u hindise, balse arrinkaasi uma cuntamin agaasinkii shirkadda.

Falcelin aan wanaagsanayn

Ugu danbayn agaasinka shirkaddu waa ay la dheceen aragtidii Schltuz ee ku qotntay yagleelidda gb la fariist, bil yar kadib si ballaaran ayayu hirgashay iyad maalinkii bqlaal qfi iman jireen. Iyada guushas la gaaray haddana arrinkasi uma cuntamin agaasinka shirkadda. Ma jeclaysan jihada cusub ee la qaaday. Taasi waxay sababtay Schltz in uu isaga tag shirkadda sannadkii 1985s si uu u furto silsilad goob lagu shaaho uu ugu magac daray ii girnale si fiicanna ugu bullaashay.

Starbucks coffe

Bilowgii rubucii seddexaad ee sannadkii 1985 Schultz waxa uu ku guulaystay inuu la wareego Starbucks kuna biiriyey ii girnale iyo shaqaalaheedii horeba. Sidaas ayuu ku noqday madaxa howlgalinta iyo guddoonka guud ee maamulka Starbucks loo aqoonsan doono Starbucks coffee. Scholtuz ltuz waxa la gudboona inuu sameeyo qaab walba oo ugu qancin lahaa maalgashaydayaasha sida ay Ameerikaanku ugu diyaarsan yihiin in ay 50cent ka bixiyaan koob qaxwo ah xilli dadku ayna kala saari karin farqiga u dhexeeya qaxwe si heer sare ah loo diyaariyey iyo midda caadiga ah taas lagu daray adeegsiga qaxwada uu aad u yara dalka Maraykanka.

40 kun dukaan

40 sano uu ahaa madaxa howlgalinta iyo maamulaha guud ee shirkadda Schlultz waxa uu ka kiciyey dukaannada Strabucks 11, isaga oo gaarsiyey in ka badan 40 kun oo dukaan, in ka badan 5 dowladood sidoo kalena meelmariyey shirkaddu tahay tan ugu wanaagsan dhigeeda dhanka adeegsiga lacagta, guuleheedana ay la wadaagto macaamiisheeda.

Is-casilaad iyo rogaal celin

Bilowgii 2000 ayuu iska casilay madaxa guud ee howlgalinta waxaase uu 2008 ku soo laabtay isaga oo guddoomiye ah. Hadal uu waraysi 2009 bixiyeyna waxa uu ku sifeeyey aragtida Starbucks inay ahayn caloosha oo la buuxiyo balse ay tahay nafta la raali galiyo.

Kuma ekayn dadaalka Schultz kor u qaadidda shirkadda kaliya waxase uu sameeyey madal lagu magacaabo Schultz family foundation oo ka shaqaysa u abuuridda fursad dadka culaysyada waajahaya, gacan qabashada dhallinyarada darbijiifka ah dadka madowga ahina ay ka mid yihiin. Astaanta ganacsadaha ee ku dhaca leh waatan ku guulaysay Schultz hoggaaminta Starbucks.

Maxaynu ka baran karnaa?

Joogtaynta iyo xaqiijinta yoolasha: haddii aad ganacsade tahay waa in aad yoolal waawayn yeelata una dhabar adaygtaa sidii aad uga dhabayn lahayd.

Xiqiijinta himilooyinka: raadi cid si dar dar kujirto kuula fulisa fikradahaaga

Muujinta nafta : dadka guulaysta waxay ku dadaalaan waajihadda caqabadaha, taasina waxay u baahan tahay xirfad sare ku qotonta maaraynta dhacdooynka iyo qaadashada go’aanada saxan.

W/Q: Islaam Najaar

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *