AADAMIGU MA KA MAARMAA DIINTA ?
Haddii aad sawirato fahanka guud ee ereyga {Diin}, waxaad ogaaneysaa in uusan bini’aadanku ka maarmin diinta. Sababtuna waa macnaha ereyga {Diin} wuxuu kulansaday seddex arrimood oo mug weyn oo kala ah:
- Koow: Aragti guud oo dhammaystiran oo adduunka soo ururinaysa.
- Labo: Yoolka ugu dambeeya ee noloshaada ama himilo kasta oo aad u dejiso yool kama danbeys ah.
- Saddex: Sida loo gaaro himiladaas ama yoolkaas kama danbaysta ah.
[Waa kaas macnaha Diintu]. Haddaba suurtagal ma tahay in qofku ka maarmo ama inkiro aragtidaas kulansanaysa jiritaanka oo dhan, kadibna adduunkaan uu ku noqdo qalo ama qof marti ah oo irridda kasoo galay guri uusan garanayn?!. Suurtagalse ma tahay in qofku ka kaaftoomo in uu yeesho yool kama danbays ah iyo himilo uu u leeyahay gaar oo uu adduunkaan ka leeyahay, kolkaasna adduunka uu ku noolaado yool iyo himilo la’aan sida xoolaha?!. Suurtagalse ma tahay in qofku uusan u baahan aqoontii uu ku gaari lahaa yoolkaas iyo waliba haleelidda wanaagga ugu dambeeya ee uu dartiis u nool yahay?!.
Haddaba qof kasta oo tixgeliya aragtidaas iyo fahankaas guud waxaa lagama maarmaan u ah in uu yeesho Diin. Taas oo la macne ah in uu ka leeyahay adduunkaan aragti guda ballaaran, sidoo kale waxa lagama maarmaan ah in uu ka yeesho adduunkaan yool kama danbays ah, waana in uu ogaado sidii uu u gaari lahaa yoolkaas kama danbaysta ah, wax kasta oo ay tahay aragtidaas, wax kasta oo uu yahay yoolkaasi iyo hab kasta aad u marayso gaariddiisa.
Dhanka kale waxaa laga yaaba in ay jiraan dad aaminsan in aysan jirin wax aan ka ahayn waxyaalaha leh macaanka muuqda ee la taaban karo oo kaliya sida jirka bini’aadanka iyo walxaha kale, waxyaalo kale oo macnawi ahna aysan jirin, kolkaasna geeridu tahay wax aan jirin, gadaasheedna dhib iyo dheefba aan lala kulmayn. Qofkaasi waxaa laga yaabaa in uu noloshiisa yool uga dhigo wax lataaban karo oo naftiisa dareen farxadeed gelinkara, lacag, caannimo, ammaan ama awood iyo guul iwm.
Dhanka kale waxa laga yaabaa in uu jiro qof aaminsan geeridu inay tahay wax jirta oo aan daah saarnayn, waliba ay tahay bilowga nolol kale oo leh raaxo ama xanuunba. Raaxadaas isaga oo ku cabbiraya ereyga (Jannada), halka uu ereyga xanuunka ula jeedo (Naarta). Sidoo kale hanashada jannadaas iyo ka fogaanshaha naartu waxay kuxiran tahay waxa la rumaynaayo, akhlaaqdaada iyo waxa aad ku shaqaysato adduunyada, sidaa daraadeed waa in aan ogaanno waxa la rumeynayo, akhlaaqda iyo camalka kuu horseedi kara jannada iyo sidoo kale waxa la rumeynayo, akhlaaqda iyo camalka kuu horseedi kara naarta, sid aad taasna (Jannada) u raadiso tanna(Naarta) uga fogaato.
Dhammaan labadaas qof waxay leeyihiin Diin, inkasta oo ay ku kala duwan yihiin aragtidooda ku saabsan adduunka oo dhan iyo yoolka kama danbaysta ah ee adduunka iyo habka loo gaarayo yoolkaas.
Sababta oo ah diintu macno malaha haddii aysan jirin lahaanshaha aragti guud oo aad ka leedahay adduunka, in aad nolosha ka leedahay yool kama danbaysa iyo in aad aqoon u leedahay siyaabihii aad ku gaari lahayd yoolkaas -iyada oo aan loo eegin aragtidaasi waa mid noocee ah, yoolkaasi kama danbaysta ah sidee u egyahay iyo siyaabaha aad ku gaaraysaa yoolkaas waa kuwo sidee ah-. Taasina waxay ka dhigan tahay in uusan jirin bini’aadan Diin la’aan nool.
XAALAD GAAR AH!
Dadka keliya ee qiyaasaya in aysan hayn diin waa dadka Agnostic-ga ah iyo Apathetic-ga ah.
Agnostic-gu waa kan yiri: ma garanayo abuuraha adduunkan –Ilaah- in uu jiro iyo in kale, mana garanayo waxyaalaha jira ma walxo la taaban karo oo kaliyaa mise waxa jira waxyaalo jira oo aan la taaban karin, ma garanayo waxa ugu dambeeya ee u qalma in aan doono ama u halgamo, sidaas darteedna ma aqaan habkii aan ku gaari lahaa, sababtoo ah aqoonta lagu gaarayo yoolka u danbeeya waxaa ka horraysa yoolka in la dejiyo.
Apathetic-guna waa kan leh: u joojin maayo, waxbana igama gelin in aan leeyahay aragti guud oo dunidaan ku saabsan, dan-na kama lihi khayr iyo shar ama samaan iyo xumaan kama danbaysa oo jirta.
labadaas kooxood waxay sawiranayaan in ay noqdaan diin la’aan, haddaba kan Agnostic-ga ah waxaa waajib ku ah in uu wax baaro illaa uu ka garanayo ama garawsho yeelanayo -Ma jirto wax ka muhiimsan nolosha oo ka weyn doonitaankaas- iyo in aqoonta runta ah uu dul dhigo arrimahaas baaritaankooda, isaga oo kadhiganaya yool uu nolosha ka leeyahay illaa uu ka garto. Apathetic-gu se waa qof doqon ah, aaminaaddiisu waxay kadhigan tahay isaga oo sawiranaya ama aaminsan in uusan jirin isagu xitaa, sababtoo ah dan kama laha shar iyo khayr ama samaan iyo xumaan kama danbays ah oo ay noloshu leedahay . haddaba haddii aysan xanuun iyo raaxo midkood lagu waarayo dan uusan kala hayn, maxaa kale oo mudan in uu u halgamo ama uu daneeyo?
GUNAANAD
Bini’aadanka waxaa laga rabaa in uu raadiyo yaqiinta arrimaahas iyo in uu sameeyo baaritaan joogto ah isaga oo aan ka daalayn kana caajisayn, waayo majiraan wax uga muhiimsan qofka bini’aadanka ah ee caqliga leh arrintaas. Laakiinse waa inaysan dagin dhaldhalaalka dhalanteedku, waa inaysan khiyaamin naftu kolkaasna doonida caqligiisu dekedda ugu dhow aysan kuxiran -kaliya in ay ka aragtay rabitaankeeda iyo damaceedii-. Waddadaas iyo waddooyinka lamidka ahna naftu in ay kugu dagto ama kugu khiyaanto wax bini’aadanka uga waxyeello badan majirto.
Ugu danbayn, ha u aaminin waxkasta kaliya wuu kugu habboon yahay oo waad ku raaxaysan, balse raadi xaqqa haba ahaado mid dhadhankiisu kharaar yahay e. Sababtoo ah kharaar dhammaanaya wuxuu ka khayr badan yahay ama ka wanaagsan yahay cadaab lagu waaro.