Boqollaal Arday oo aan Muslimiin ahayn oo Soomay

Boqollaal ardayda aan muslimiinta ahayn iyo shaqaalaha dugsiga sare ee Maine East ee magaalada Maine, [gobolka] Illinois ayaa soomay maalin dhan, si ay isu garab taagaan walaalahooda muslimiinta ah, sida ay soo tabisay warbaahinta maxalliga ah ee Maraykanka iyo midda caalamiga ah.

Ardaydu waxa ay ka qaybqaateen xafladdii taariikhda dugsiga ugu horraysay ee ramadaanka dartiis loo qabtay oo la dhigay Arbacadii, si loo muujiyo kala-duwanaanasha iyo is-ahaanshaha, xafladdaas oo lagu magacaabay “Fast-a-Thon” sida laga soo xigtay warbaahinta CBS ee Chicago.

Ardaydu waxa ay soomeen kahor habeenka laylatu qadriga [loo badinayo], kaas oo ugu fadli badan bisha barakaysan ee Ramadaan ee ku suntan markii ugu horraysay ee Qur’aanku ku soo degay Nebi Muxammad cs.

“Waxaan arkay iyada oo samaynaysa maalin walba, waxaanan u malaynayaa in ay dhab ahaantii wacan tahay, xagga anshaxa-nafta kolka laga eego” ayay tiri macalimmad Haley Good.

Muslimiinta awooda waxa ay ka fogaadaan cuntada, cabbitaanka iyo sigaarka saacadaha maalinka ee bisha Ramadaan.

Waleed Atawneh oo ah wakiilka midowga ardayda muslinka ah ee dugsiga sare ee Maine, ayaa yiri: “Haddaad isu timaaddaan dhammaan ardaydii fasalkaaga iyo waalidkaa, waxaan filayaa in arrinta noocaas ahi ay soo saarayso xamaasadda ramadaanka”

Julia Jaroslawski, oo ka mid ah ardayda soomay si ay u qaddariyaan ardayda saaxiibadood ah ee muslinka ah, ayaa sheegtay in soonku yahay cashar adag oo isdhis-qofeed ah, iyo in ay saaxiibadeeda muslinka ah ay ku dhiirrigaliyeen in ay u fiican ahay in ay fahan fiican ka qaadayo dhaqammada kaladuduwan iyo nafhuryadooda. “Waxa aan yaqiinsaday sida aan marar badan uga fekero cunada iyo biyaha” ayay tiri Jaroslawski. “Waxaan yaqiinsaday intii aan ka fekeri lahaa wixii aan mar danbe cuni lahaa, in aan ka fekero waxa aan hadda samaynayo.”

Monisa Yusra, ardayad muslin ah oo dugsiga sare dhigata, ayaa bogaadisay qaddarinta loo muujiyay, iyada oo u sheegtay [warbaahinta] CBS, “Aad ayaan ugu faraxsanahay in ay isku dayeen.”

Rayhan Khaja, ardayad iyo la-madaxweynaha (co-president) Midowga Ardayda Muslimka ah ee dugsiga ayaa tiri: “In aad qof la hadashid sidaan oo kale oo aad la sheekaysatid dhab ahaantii waa muhiim, sida aad og tahay, waxaanan filayaa in ay tahay tallaabo weyn oo loo qaaday xagga is-ahaanshaha”, sida laga soo xigtay CBS.

“Waxa ay ahayd sidii indho-furasho oo kale” ayuu yiri la-madaxweyne iyo arday kale, Haaziya Saiyed. “Waa in aad nolosha ka aragtaa dhinacyo kala duduwan” ayuu ku sii daray.

In ka badan 200 oo arday ayaa ka qayb qaatay soonka qaddarinta ah Arbacadii bisha Ramadaan ee dhammaan doona Axadda. Maalina xigta, ee loo yaqaan Ciidul Fidriga, waxaa loo qorsheeyay in la dabbaaldego.

Dafcadihii hore ee dugsiga sare ee East Maine, ee ku yaalla waqooyiga Chicago, waxaa ka mid ah dad caan ah sida xoghayihii hore ee Maraykanka, Hillary Clinton, taas oo ardayad ka ahayd intii u dhaxaysay 1961-1964, sidoo kale jilaa Harrison Ford, iyo qaar kale.

W/Q: Warbaahinta Daily Sabah

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *