Meelahaan ayey ka Dhici Doonaan Dagaallada Biyaha ee Mustaqbalku

Sida ay todobaadkii hore sheegtay warbixintii guddiga isbeddelka cimilada ee Qarama Midoobay, xilliyo qallafsan ayaa ina ku soo aaddan. Halista wayn ee gaaraysa wadajirka noolayaasha iyo kaabayaasha dhaqaalaha marka laga soo tago, tan u daran ee warbixintu xustay in isbeddelka cimiladu leeyahay waa abaaraha adag iyo biyo-yaraanta badan. Intaani door weyn bay ku leedahay “Khilaafaadka Biyaha” taas oo dowladaha iyo ciidamadu ugu diriraan si ay u helaan khayraadka biyaha. Haa, Tabta filinkii Mad Max: Fury Road.

Cilmibaaris cusub ayaa sheegaysa meelaha xasaradahaan iyo iska-horimaadyadani ay u badan yihiin inay ka dhacayaan. Sida uu ku warramay Joornaalka Global Environmental Change, cilmibaarayaal ka tirsan “European Commission’s Joint Research Centre” ayaa tilmaamay goobo dalal kala duwan ku yaal oo dagaallo biyo sababeen ka dhici karaan. Cilmi-baadhayaashu waxay baareen is-goysyada biyo-la’aanta, xiisadaha juqraafiyeed, iyo kororka dadweynaha si loo ogaado meelaha u nugul biyo-yaraanta.

Waxay u badan tahay suurtagalnimo gaaraysa 74.5% ilaa 95% in arrimahaani sare u qaadaan xiisado colaadeed oo ka dhasha biyaha webiyada dalalka isaga gudba.

“Tani kama dhigna in biyo kastaa iska-horimaad keenayaan. Waxay ku xiran tahay sida ay dowladuhu ugu diyaarsan yihiin oo ugu qalabaysan yihiin inay iskaashadaan,” ~ Fabio Farinosi, madaxa sayniska aee “European Joint Research Centre” ahna cilmibaadhaha hogaaminaya [daraasadda] ayaa sidaa yiri.

Natiijadu kooxdu waxay muujinaysaa meelaha ugu muhiimsan ee la qiyaasayo in ay ka qarxaan dagaallada biyuhu sababaan. Qaybo badan oo dhulalkaa kamid ah waxay ku yaallaan webiyada caanka ah ee Aasiya, Waqooyiga Afrika, sida webiga Niil Ganges-Brahmaputra, Indus iyo Tigris-Euphrates.

Sidoo kale, natiijooyinku waxay ina tusinayaan jiritaanka fursado saa’id ah ooy dagaallo biyo keeneen uga dhici karaan qaybo kamid ah koonfur-galbeed Maraykanka iyo waqooyiga Mexico ee ku hareeraysan webiga Colorado.

Cidna ma oga sida xiisadahaani u dhacayaan ama loo xallin doono. Sida cidkastaa ogtahay, xiisadaha degaan-siyaasadeed waa kuwo kakan, weligood isbedbeddela, inta badanna aan la saadaalin karin. Walow ay maangal tahay in qaar badan oo murannadaa kamid ah si nabdoon oo iskaashi leh loo xallin doono, misana waxaa jiraysa in qaarkood mashaqo ka dhalato.

Horraantii 1979, madaxwaynihii Masaarida Anwar Sadat ayaa yiri: “Arrinta kali ah ee mar labaad Masar dagaal gelin kartaa waa biyaha.” Sababta oo ah, webiga Niil waa aag colaadeed. Toban waddan ayaa webiga Niil wadaaga: Burundi, Masar, Ereteriya, Itoobiya, Keenya, Ruwaanda, Suudan, Tansaaniya, Yugaandha, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo. In-ka badan 250 milyan oo qof ayaa dalalkaan kunool, tiraduna way labanlaabmaysaa tobanleyda sano ee soo socota.

Hubaashii, dagaallada ka dhasha biyuhu abidkoodba way jireen intii dagaallada caadiga ahi dhacayeen. Si kastaba, hadda ayey sii caddaanaysaa in khayraadka biyuhu ay muhiimad wayn yeelanayaan marka la joogo calaamka siyaasadda.

WQ: Tom Hale

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *