Afar sababood oo hogaamiyayaashu uqirtaan khaladaadkooda

Hoggaamintu maaha hayaan qofka kaligii galo, ayaandarro se waxaa jira hoggaamiyeyaal badan oo islawaynidooda iyo ujeeddooyin u daahsoon ay ka horjoogsadeen inay sameeyaan waxa u wanaagsan dadka iyo ururrada ay u adeegaan.

Hoggaamiyeyaasha masuuliyad kama saarna inay qummanahooda qoorta surtaan. Hase yeeshee waa kuwo lagula xisaabtamayo inay arkaan mushkiladaha oo noqotay fursado iyo xalal si firfircooni leh lagu helay oo diidaya in keynaanku lumo. Waa inay ogaadaan qofka arrin khabiir ku ah oo kooxdooda kamid ah islamarkaana ayna awood siiyaan xilliga taladu faraha ka haaddo iyo xilliga isbeddelka, si aanay shirkaddu haadaan ugu dhicin sababta wax aan la filayn.

Sida uu kuu sheegayo hoggaamiye kasta oo weyni waxay soo sameeyeen khaladaad intii jidka hoggaaminta ay hayeen. Waxay qiranayaan in fahan qotodheer oo ururay ay ka heleen go’aanada khaldan ay ahaayeen kuwo baray casharo qiimo badan iyo sida fursadda looga dhex arko wax kasta iyo in la saadaaliyey, weliba waxyaabaha lama filaanka ama boobsiiska ku dhici kara.

Hoggaamiyeyaashu guulaystay waa kuwo naftooda iyo dadka kale u daahfuran marka ay qiranayaan waxa ay khaldeen si kuwo ku xeerani uga faa’idaan casharka laga baranaayo. Tani waa xikmad wayn oo ka maqan hoggaamiyeyaal badan -waayo waa kuwo iskala weyn inay garwaaqsadaan in qirashada khaladku ay tahay wax cashar qiimo badan ay ka baranayaan iyaga iyo dadka kaleba.

Maaraynta khaladaadku waxay in badan la mid tahay hoggaaminta isbedelka maaraynta. Qof kasta waxuu baadigoob ugu jiraa kala caddaynta iyo fahanka si loo yareeyo khatarta iyo in daaha laga qaado muddo dhow ama mid dheer oo lagu gaaraayo abaalmarinta isbeddelka. Waxaan wakhti badan ku bixinaa inaan sare u qaadno awoodaheena, laakiin wakhti badan uma quurno inaan fahanno sababta aan u fashilanay. Taas oo u dhiganta dhanka ahmiyadda guushaada suuqa.

Noqoshada hoggaamiye wax ku ool ahi waxay innooga baahan tahay inaan lafagurno sababta iyo sida guulaheenna iyo guuldarrooyinkeennu ku yimaadeen. Waa muhiim inaad wax ka aragto afarta bayn jiho si sida ugu habboon aan ugu qiimayno isbeddelada aynnu la macaamilno si maalinle ah. Kuwaas oo ah kuwo jira inta innagu xeeran, hoos iyo ka baxsan waxa aan raadino inaan abuurno ba innagoo u sii marayna saamaynta ay leedahay doorkeenna hoggaamineed. Inaan adeegsano habka 360 waxay ina siinaynaysaa u fiirsasho baaxad weyn si aan waxyaabaha ugu aragno si waadax ah iyo inay ina siiso aragtiyo kuweenna ku duwan oo aan iska indho-tirno. Waxaan wakhti badan gelinaa waxyaabaha taagan hadda- halkii aan isku mashquulin lahayn maxay waxaasi u dhaceen iyo sidee u dhaceen, taas oo ah tan aakhirka ina barta inaan wax u hoggaamino si wax ku ool ah taas inoo horseedda inaan gaarno natiijo waarta.

Inaad khalad gasho waa qayb muhiim ah oo ka mid ah hayaanka hoggaaminta. Ma soo jeedinaayo xaqiiqdii inaad qayru-masuul noqoto marka aad wax hoggaaminayso, asii qaado masuuliyadda inaad ogaato waxa sidii aad rabtay noqon waayey iyo hab ka duwan aad howshaa u qaban lahayd. Waayo, waxaan joognaa adduun aysan hawli ka dhammaan oo kooban, dhakhsana ku ordaya. Waxaan u baahannahay inaan u dhugmo yeelano qunyar socodkeenna si aan u helno wakhti aan nafteenna ku qiimayno, casharna kaga barano khaladaadkeenna.

Habka ugu wanaagsan ee aad suuqa dadka uga horrayn karto waa inaad xoojiso qaybaha ganacsigaaga (dadka iyo khayraadka kale) kuwaas oo inoo oggolaada inaan qaadano go’aano dhaxalgal ah taas oo kordhinaysa heerka guusheenna iyo ahmiyaddeeda. Hadddii aynaan aqoon sida loo xoojin lahaa qaybaha uu ganacsigeennu ka kooban yahay, waxaa ina soo wajahda khatar innaga horjoogsata inaan suuqa dadka ka horrayno marka ay innagu bilaabato inaan xawaaraha yarayno. Ganacsi aysan qaybahiisu xooganayn, ma uu qaangaarayo abid. Laga yaabee tani inay sharraxayso sababta hoggaamiyeyaal badani u noqdaan kuwo iyaga la hoggaamiyo.

Si loo hubiyo hoggaamiyuhu had iyo jeer inuu qaangaaro oo uu korayo, kuwaani waa afar cashar oo laga baranayo in hoggaamiyeyaashu ay qirtaan marka gef sameeyaan:

  • Waxay ka dhaxlaan tixgelin

Dadku ka filan mayaan hoggaamiyeyaashoodu inay noqdaan kuwo intaa qumman, waxayna ka doonayaan inay noqdaan kuwo dareenkooda siiya lana yimaada fikrado indho-adayg leh oo bulshada wax ka beddelaya. Marka ay hoggaamiyaashu daacad ka yahiin waxa ay ku liitaan islamarkaana ay cashar ka bartaan khaladaadkooda, waxay kasbadaan tixgelin. Hayaankaas oo abuura degaan daahfuran.

Hoggaamiyeyaasha la tixgeliyo waxay qaataan khataro ay ku xisaabtameen kuwaas oo kuwa kale aysan qaateen marka ay aad uga cabsadaan inay qaataan go’aan khaldan iyo in arrintu cirib-dambeed xun yeelato. Laakiin inuu noqdo qunyar socde qodaxi ma mudo uma keento wax tixgelin ah. Maxay tixgelin helistu u tahay hoggaamiyaha dhabta ah, taas oo beddesha mawduuca una babac-dhigto sidii loo shaqayn jiray si loo helo adeeg aad u wanaagsan. Ka gedisnaan dhammaan hoggaanka kale waa mid ka imaanaysa awoodda odorosidda isbeddelka iyo in hoggaanku leeyahay geesinimo uu tallaabo ku qaado inta aysan talo faraha ka haadin iyo inta aysan fursaddu seegin.

  • Nuglaantu waxay awoodsiisaa kooxda

In hoggaamiyeyaashu qirtaan gefafkooda, waxay keentaa bayaamin goldalooyinka fursadeed iyo sare u qaadid dareen qotodheer oo isla xisaabtan kaas oo ay wadaagi karaan kooxdu. Qof kasta waxuu bilaabaa inuu qiimeeyo ahmiyadda ay leedahay inuu la shaqeeyo cid uu isku halayn karo.

Nuglaantu waxay calaamad u tahay awoodda hoggaamineed, hase yeeshee hoggaamiyeyaal badan ayaanan ka labalabayn inay sheegaan wax dhaqan ahaan loo arki jiray daciifnimo -inay wakhti badan ku lumiyaan ka fekeridda waxa dadku ka aaminsan yahiin. Waxay aaminsan yahiin inay madaxnimadooda wax u dhimayso iyo inay u muuqdaan kuwo aan madax ahayn. Waxayna raaxo badan ku dareemaan inay ku dhuuntaan mansabkooda gadaashiisa, ma aysan dhisan tixgelin ay u adeegsadaan inay ku saameeyaan dadka ay hoggaaminayaan iyo inay fikradahooda iyo waxyaabaha kale ee ay ku taamayaan ay ku tijaabiyaan inay shaqeeyaan. Tani waxay abuuraysaa gidaar dhab ah oo u dhexeeya hoggaamiyaha iyo kooxdiisa, marka ay dadku doonayaan inay eegaan in geel labo jir soo wada maray iyo inay ogaadaan in hoogaankoodu uu soo maray mushkilado la mid ah kuwooda ayna ka soo guulaysteen caqabado badan si ay u soo gaaraan halka ay hadda joogaan.

  • Hogaamin tusaale ah

Marka ay hoggaamiyeyaashu noqdaan kuwo khaladaadkooda lagala xisaabtamo, waa kuwo wax u hoggaamin si tusaale u ah dadka kale. Tani waxay sare u qaaddaa ku lug lahaanta shaqaalaha ee hawlaha socda- taas oo ogolaansho u siisa inaysan ka cabsan inay qaadaan go’aanno khaldan- waa awoodsiin shaqaale taas oo keenaysa inay curiyaan fikrado cusub oo badan iyagoo og had iyo jeer inaysan wax noqon sida la rabo. Hoggaamiyeyaasha waaweyni kama labolabeeyaan inay qaataan go’aamo adadag iyo noqoshada hogaamiyeyaal tusaale ah oo taagan furinta isbeddelka.

Waxay u dhaqaaqaan dhinaca wax dadku u arkaan wax aan suurtagalayn iyo inay rabaan inay aqbalaan caqabadaha ku jira mushkilad kasta, waayo fursad ayaa uga dhex muuqata wajahidda khatarta iyo caqabadaha suurtagalka ahi ee jidka lagala kulmaayo, iyagoo u diyaar ah ayey masuuliyadooda qaataan, qirtaan gefafkooda haddii guuldarraystaan, casharna ka bartaan waayo’aragnimadaa ay dhaxleen.

  • Wuxuu dhisaa dhaqan is aaminid

Marka ay hoggaamiyaashu qirtaan khalad samaynta -abuurista fursad lagu tixgeliyo, awoodsiinta kooxdooda, noqoshada hoggaan tusaale ah- waxay marka ugu dambaysa dhistaa dhaqan is aaminid ah. Dhaqan goob shaqo oo sare u qaadaya is aaminitaanka wuxuu shaqaalaha u oggolaadaa inay yeeshaan fikrad hal’abuur ganacsi. Taas oo carisa hal’abuur iyo curinta fikrado cusub.

Dadku way ka daaleen lama filaannada goobaha shaqada. Dhaqan abuuraya is aaminid waxuu si weyn u mideeyaan oo caddeeyaa fikirka. Go’aan kasta oo la qaato waa mid abuuriya xiriir cusub, shaqaaluhu waxay doonayaan inay ogaadaan inay ku shaqaynayaan goob shaqo taas oo ahmiyad la siinayo is aaminidda iyo daahfurnaanta. Tan micnaheedu waa in hoggaamiyeyaashu aysan keliya noqon kuwo u daahfuran la wadaagidta shaqaalaha halka shirkaddu u jihaysan tahay. Laakiin in shaqalaha loo ogolaado inay shukaanta u qabtaan muqtabalka shirkadda iyo kuwo meel nabdoon ku hubsashada dhaxalkeeda.

Khaladaadka waxaa laga bartaa casharo muhiim ah. Cashar kasta oo muhiim ah waxaa la socda waayo’aragnimo. Waayo’aragnimo kasta waxaa lagaa dhaxlaa cashar weyn oo awood kuu siinaya inaad ogaato fursadda. Fursad la haleelay wakhtigii ku habboonaa ayaa ah mid wax weyn beddesha isla markaana sare u qaadda shaqada hoggaamiyaha, ururkiisa iyo waxa uu adeegaha ka yahay.

W/Q: Glenn Llopis

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *