Sidee Daarwiiniyaddu (Darwinism) u jidaysay in la xasuuqo Aadanaha? …Naasiyaddii (Nazism) tusaale ahaan

“Aadanuhu ma aha mid ku qeexan siduu Darwin qabay, si lamida duniduna ma aha mid ku qeexan siduu Newton qabay” – Alija Izetbegović.

Gugii 1945-kii, subax ay bisha Abriil soddonka buuxisay ayaa dawladihii is bahaysiga iyo kuwii ku midaysnaa dhidibku “Axis” ku waabariisteen is qur-goynta ninkii 6 sano ka hor shiday dubaaladdii dagaalkooda, dagaalkaas oo ay ku le’deen malaayiin dad ah, kooxo iyo isirrana ay ku cidhib-tirmeen dhexdiisa, Adolf Hitler waa hoggaamiyihii is qur-gooyay, ee bilawgii hore ku andacooday in dagaalkiisu yahay mid Aadanaha dani ugu jirto, ilaalinayana danaha Isirka Aaryanka ah; isaga oo ka duulaya in cidda habboon ee xoogga lihi ay waaritaanka u-xaq leedahay, ilaa markii danbe ay arrintiisu ku idlaatay dhalo sun ah.

Arrinku soo fajac uma eka? Sidee danta Aadanuhu u tahay in isirrada qaar la tirtiro si isir ka mid ah calankooda kor loogu qaado? Taasi waa midda uu taariikhyahanka Heckman ku sharraxayo hadal uu kasoo guuriyey Jerry Bergman markii uu isku xirayay Darwin iyo Hitler isaga oo leh: “Hitler waxa uu ahaa mid si daran u aaminsan (aragtida) Tadawurka, dadkana ugu yeera, iyada oo aan loo eegayn heerka (aaminaaddiisa) iyo caqiidooyinkiisa waalida ah, waxaa hubaal ah in buuggiisa “Halgankaygi” uu si cad ugu qoray tiro afkaar iyo aragtiyo tadawura ah, gaar ahaan aragtida adkaynaysa in midka xoogga badan ee habbooni (ku habboon dabeecadda) u-xaq leeyahay loollanka iyo waaritaanka, midka taagta daranina uu cidhib-go’ mudanyahay, si loo soo saaro bulsho wanaagsan”.

“Daarwiiniyadda Hitler”, magacani waa mid yara layaab ah; “Hitler” aaway? “Darwin”-se mee?, oo meeday Naasiyaddii u horrsaysay ee Taduwarkii danbe? Waxaa laga yaaba in xiriirka ka dhexeeyaa uu marka hore u muuqdo mid qarsoon, balse jiritaanka Daarwiiniyad bulsho ah oo ka dhigan falsafadda kaliya ee diidaysa marjic walba oo aan maaddi ahayn, ayaa dhayda ka caddaynaysa (xiriirka ka dhaxeeya Naasiyadda iyo Daarwiiniyadda), iyada oo sida uu “Al-Masiiri”-ba sheegay qabta in loollanku uu yahay tiirka asaasiga ah ee nolosha, horumarka iyo tadawurka aan dhammaadka lahaynina ay yihiin qiimaha sare ee nolosha, taas oo ka dhigan in Aadanuhu uusan sinnaan karin, sababtoo ah isirrada qaar ayaa ka sarreeya kuwooda kale, kolkaa danta Aadanuhu waxa ay ku jirtaa in la boqro isirkaas, kooxaha iyo isirrada hoosana la tirtiro; si jinsiga Aadanaha ahi uusan u wareerin.

Sidaa darteed waxaa la adeegsaday fiirooyinkii daarwiiniga ahaa, loomase adeegsan si dabeecadda ama maaddada uun loogu sharraxo ee waxaa loo adeegsaday si loogu fasiro nolosha Aadanaha kaliga ah ee bulshooyinka, iyo xiriirrada ka dhaxeeya dawladaha iyo bulshooyinka si caalami ah. Halakan, Professor Richard Weikart oo jaamacadda California ka dhiga taariikhda Yurub ayaa raad-raacaya xasuuqii uu Hitler ku sameeyay Yuhuudda, Gajarka ama dadka Roomaaniga ah, dadkii baahiyaha gaarka ah qabay, Boolandiiskii, maxaabiistii laga qafaashay dagaalkii soofiyeetiga, Jarmalkii asalkoodu ahaa Afrika iyo qaar kale oo badan, si uu inoogu sheego in wixii Hitler uu ku sameeyay dadkaas ay ahaayeen maamuusid iyo weynayn uu weynaynayo dhaqamadii ka dhashay faafitaanka barobugaandadii Daarwiinyadda u ekaysiinaysay in ay tahay falsafadda nolosha. Balse su’aashu waxay tahay: sidee waxani u dheceen? Darajooyin iyo marxalado caynkee ah bayse soo mareen?

Anshaxii oo laga raray sugnaanshiyihiisii, oo laga dhigay mid duruufta isla rogroga.
– – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – — – – – – – – –
Xasuus qorkiisa gaarka ah, Darwin waxa uu kusoo koobay aragtidiisa ku aaddan akhlaaqda, isaga oo oranaya Aadanaha aan Eebbe rumaysnayni “waxa uu iskiis noloshiisa ugu samayn karaa xeer iyo sharci, isaga oo raacaya doonistiisa iyo baaqa dareenka ah ee xooggan ee duunkiisa hoose ka imanaya, ama waxa uu isagu u arko in ay hagaagsanyihiin”, waana xagjirnimo iyo qallooc ku aaddan akhlaaqda fahamkeedii diiniga ahaa ee xiligaa Yurub ka jirey. Isaga (Darwin) dabadii, waxa ay Daarwiiniyiintu u arkayeen akhlaaqda iyo aadaabtu in ay yihiin “wax soo saar dabeecadeed; sidaa darteed waxa ay xiriir la lahaan doonaan marxaladaha is –rogrogga iyo awoodda ilaalinaysa noocyada (Species)”, dabadeed waxaa ku xigtay diidmada “xeer walba oo akhlaaqi ah oo sugan”.

Weikart, waxa uu qabaa in Darwin uu muujiyay kala duwanaanshiyaha u dhaxeeya hab-dhaqanka akhlaaqiga ah ee dadka iyo noolayaasha kale, iyada oo ay kala duwanaantu tahay heerka akhlaaqda ee aysan ahayn nooca akhlaaqda; waxa uu tix-galiyay in noolayaasha kale ay ku noolyihiin bulsho is taakuleysa oo ka dhalatay baahi bulshanimo oo la is dhaxlsiiyay, waa isla midda ay dadku sida wayn u horumariyeen oo ay ugu yeereen “Akhlaaq”, taasoo dhalisay in bulshooyinka is taakuleeya ay bulshooyinka anaaniyiinta ah kaga guulaystaan dagaal iyo cidhib-tir ama dad-badni.

Mid kamida Daarwiniyiintii ugu horreeyay, Ernst Haeckel, waxa uu ku tagay in Daarwiiniyaddu raadad iyo saamayn ku leedahay akhlaaqda; waxa ay ka bilaabataa in ay wiiqdo labada isku sidkan ee caqliga iyo jismiga, waxaa raaca fasir saykooloojiyadda iinsaanka lagu fasirayo xeerarka dabeecadda ee loo aqoonsaday Daarwiiniyadda lama huraanka ah, taasoo akhlaaqda ka rartay faham sugan oo u beddeshay mid u-dhigan ah (Nisbi) oo nuxurkeedu isla beddelayo waqtiga, si doorashada dabeecaddu u noqoto awoodda hoggaanka u haysa soo saarista akhlaaqda, sidaaseey Daarwiiniyaddu ku noqotay qaab kamida qaababka taariikhiyadda ah (Historicism) ee wiiqay muuqaalkii sugnaa ee akhlaaqda.

Al-Massiiri ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aaddan akhlaaqda nidaamka Daarwiiniga ah, markii uu arkay in haddii Iinsaanku uu ka mid noqdo dabeecadda “uu jiritaankiisu ku xaqiiqoobayo isla waxyaabha xaqiijiya jiritaanka noolayaasha kale sida: loollanka, awoodda iyo laqabsashada. waana jiritaan ku meel-gaar ah sida booska uu jaranjarada tadawurka kaga jiraa u yahay mid waqtiyeysan” dabadeed iinsaanku wuxuu noqonayaa “sida Ameebaha (Amoeba); wax xorriyad ah ma leh, wax akhlaaq ahna ma sito, xeerarka anshaxu waxa ay yihiin kaliya horumarka ku dhacaya habdhaqan xayawaan oo aan wali tadawur fiicani ku dhicin, iyo ku dadaalidda waaritaan bay’ooloojiyadeed” taasoo anshaxa u xuub siibaysa mid nisbi ah oo aan waafaqsanayn aragtideeda diimeed.

Markii loo eego is beddelkaas, xuquuqdii aadanuhu waxay noqotay “mid taariikh ahaan dabacsan oo aan sugnayn ama aanba waarin”, khayrkiina waxa uu noqday mid aan sugnayn oo is beddela, sida uu yidhi mid kamida mufakiriinta Daarwiniiyinta Jarmalka Bartholomaus Carneri, kaasoo u arka in anshaxu uu ku dhisanyahay dareen nafsadeed oo dhadhama-raac ah oo xagga farxadda u jiidanaya iinsaank, sababtoo ah sida uu saaxiibkiisa Daarwiiniga dhaqaalyahanka ah Alberto Cavalli uu qabo, waxa uu arrinkaasi asaasi u yahay loollanka uu iinsaanku ugu jiro jiritaanka, waxaa sidaa isna la qaba dhakhtarka Sahyuuniga ah Max Nordau, kaas oo anshaxa nisbiga ah u arka in uu yahay udub-dhexaadka nidaamka akhlaaqda Daarwiiniga ah.

Xogtaa kore iyada oo lasii tixraacayo, Mid kamida aqoonyahannada Bay’oolojiga oo Jarmal ahaa ayaa si cad u leh: “Aragtida cusub ee dunidu waxa ay ku dhisantahay fikradda Taduwurka , sidaa daraadeed waa in aynu dhisnaa anshax ku salaysan fikraddaas… taasoo loo celinaya qiimayn walba oo lagu sameenayo qiymanka iyo anshaxa. Inkastoo taageerayaasha aragtida tadawurku aysan isku raacin tafaasiisha nidaamka cusub, haddana sida uu Weikart-ba sheegay waxay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in anshaxa waqtigan lagu tijaabiyo aragtida Tadawurka, in kastoo ay hubaan in uusan ahayn anshax sugan, haddana wax ay si daran u aaminsanyihiin hannaanka Taduwarka; si uu inooga soo dhex baxo arrinkaas hadalkii Willibald Hentschel ee ahaa: “wax walba oo caafimaadka ilaalinaya waa anshax lama huraan ah, wax kasta oo iinsaanka bukto ku ridaya ama foolxumaynayana waa danbi”.

Si ay halakan uga bilaabato marxaladda cusub ee hab-aragga reer Yurub, waxaa anshaxii lagu sameeyay dib-u-qeexid iyada oo la waafajinayo wixii u adeegaya masaalixda jinsiga basharka ah, waxaa (anshaxii) la saaray fasir hal-wajiille ah oo iska fogeenaya fasir walba oo ruuxi ah, waxaa dib loo qeexay xuduud-anshaxeedkii caafimaadka (Medical) iyo kii Jinsiga (Sextual), waxaana dadka lagu kala soocay oo lagu kala abla-ableeyay isirkooda, bale e xaaladdooda caafimaad ayaa lagu kala saaray; waxaan arkaynaa asaasihii Jamciyadda Cusboonaysiinta Jarmalka Theodor Fritsch oo leh: “ilaalinta caafimaadka jiilasheenna danbe waxa ay ku xirantahay go’aamadeenna sare… inagu ma waafaqsanin iinsaaniyadda beenta ah. Ciddii doonta in ay ilaaliso kuwa jabay ee daciifka ah iyo kuwa liita ee saboolka ah waxa uu carqaladaynayaa oo cidhiidhi galinayaa kuwa caafimaadka qaba ee xoogga leh, waxa uuna bulshada oo dhan ka hor istaagayaa nolosha”.

Dad Iyo Dad Kale
— — — — — — — — —

Gugii 1798-kii, waxa uu dhaqaalyahankii caanka ahaa ee Thomas Robert Malthus baahiyay buug uusan magiciisa ku qorin oo uu cinwaan uga dhigay “An Essay on the principle of Population” kaas oo uu uga hadlay argti loo baxshay aragtida maaltoosiydda, taas oo u tix-galinaysa waxa ay bulshooyinku marayaan oo kadeed dhaqaale ah in ay ka dhasheen mushkilad ka jirta isku dheelitirnaanta ilaha dhaqaale ee la haysto iyo tirada dadka, isaga oo u arkay in koritaanka dadwaynuhu uu u dhaqaaqayo qaab susun joomitiriyeed ah, halka ay ilaha dhaqaaluhu u siyaadayaan qaab susun xisaabeed oo aan ka dhabaynayn isku filnaanshaha tirada dadkan ee aadka u badan.

Iyada oo laga dheeraanayo naqdinta ku wajahan Maaltoosiydda, ee teeda ugu fududi ay tahay in aysan ku tiirsanayn tira-koob dhab ah, waxaa jira isku dhowaansho uu ogaaday Weikart iyo qaarkii, oo ka dhexeeya fikradaha Daarwin ee ku saabsan loollanka aadanaha iyo aragtida Melthus, waana inta uu sheegay cilmi-baaraha Harun Yaxya, iyada oo uu u tixgalinayo in Maalteesiyaddu ay ahayd isha ugu muhiimsan ee fikradaha Darwin. Iyada oo lagu salaynayo kala-duwanaanshaha u dhexeeya koritaanka dadwaynaha iyo ilaha dhaqaalaha “saameynta ugu weyn ee dadka xakamaha galinaysaa waa musiibooyinka, sida dagaalka, macaluusha iyo xanuunka. markii loona eego sheegashadaan naxariis darrada ah, macnuhu waa in dadka qaar ay dhintaan si kuwa kale ay u noolaadaan, ulajeedka uu jiritaanku leeyahay waa “dagaal joogto ah”.

Darwin wuxuu u arkay geerida iyo halaagga labaduba in ay yihiin mashiinka tadawurka iyo xulashada, sida uu isaguba ku muujiyey buuggiisa “The Origin of Species” waxa uu yidhi: “haddaba dagaalka dabeecadda, macaluusha iyo dhimashada waxaa si dhaqso leh uraaci doona soo bixitaanka xubinta u wayn ee aan suuraysan karno, taas oo aan ugu magac daray soo saarista noolayaasha heerka sarreeya. Waana arrinta uu ayyiday khabiirka cilmiga noolaha ee kasoo jeeda wadanka Austria Max Von Brugger kolkii uu lahaa: “marka loo fiiriyo aragtida Darwin, loollanka aan dhamamadka lahayni waligiis macno la aan ma noqon ee waxa uu had iyo jeer waddada u furaa jiilasha soo koraya, si looga leexsho kuwa naafada ah, kuwa taagta daran iyo kuwa liita, waxa ayna midka habboon (dabeecadda ku habboon) u dammaanad qaadaysaa mustaqbal habboon”.

Dabcan Daarwiniiynta oo dhammi kuma jirin rabitaan ah in ay titiraan naafada iyo isirrada hoose -marka loo eego aragtidooda Tadawurka-, balse waxa ay u arkayeen -hadday doonto aragtiba ha joogtee- in silica iyo dhimishadu ay yihiin waddo lagaga dhabaynayo tadawurka noolaha. Bal suurayso qof meel un dunida kaga nool oo aaminsan hadalkii uu Darwin ka yidhi u-bogiddiisa laynta ay boqoradda shinnidu layso shinnida kale ee yaryar markii ay ukumaheedu u dilaacaan. Iyo in ay taasi tahay “shaki la’aan danaha kooxda, iyo in jacylka iyo nacaybka hooyadu ay u simanyihiin markii loo eego mabda’a adag ee xulashada dabiiciga ah”.

Aragtidaan cusubi waxa ay door muhiim ah ka ciyaartay is bedelka udub dhexaadka insaanka iyo booska uu ku leeyahy dabeecadda, “Ernst Haeckel iyo Daarwiniyiiin badan oo reer Jarmal ahi waxay si adag ula dagaallamayeen dhammaan fikradaha lammaan (Ruux iyo Jisimi) ee ku saabsan iinsaanka , taaso nolosha aadanaha siisay qiime ka sarreeya tan xayawaanka” , si ay noogu badalaan Natiijo ku taagan sharax bayooloji oo hal-wajiile ah , waxaad aragtaa In “aadanuhu uusan ka duwanayn wax badan xawayaanka” , balse Haeckel waxa uu si cad oo uusan Darwin laftigiisu u bareerin ugu dooday in dhammaan falalka loo nisbeeyo ruuxda “ay yihiin kaliya hab-duleed (Physical Process) ka dhex dhacaya bu’da nidaamka neerfaha”, iyo in cilmi nafsiga –sida ay falsafadiisu qabto- la ballaadhin karo si uu marka danbe isugu biyo shubto cilmiga jir dhiska “Physiology”.

Sidoo kale waxaa si xoog leh u siyaaday takooridda iyo cunsuriyadda lagula kacayo dadka naafada ah iyo kuwa midabka leh ee Aasiyaanka, Afrikaanka, Australian-ka iyo labada Ameeriko isugu jira, kuwaas oo lagu tilmaamay in ay yihiin Isirro ka hooseeya oo ka liita ninka cad ee Yurubiyaanka ah. Taasina waa midda aan ku aragno suugaanta iyo khudbadaha Darwiiniyiinta marka ay ku xiriirinayaan Eugenics-ka iyo xakamaynta bayooloojiyadeed ee isirrada dadka. Mid kamid ah baarlamaankii Jarmalka ee bilawgii qarnigii tagay, ahaanna dhakhtar Eugenics-ka khabiir ku ah oo la oran jirey Edgar David, waxa uu yidhi, dhimashada dagdaga ah ee ku timaada dadka aan habboonayn -naafada, danbiilayaasha, iyo isirrada liita- iyo sidoo kale dhalyadooda liita waxa ay keenaysaa in ay dheeli tirto saamyntii xumayd ee kolkii horaba ka dhalatay isku dheeli-tirnaan la’aanta, sidoo kale waxa ay hagaajinaysaa xaaladda caafimaad ee liidata ee dadka.

Waxa uu intaa ku daray in waxa xulashada dabiiciga ah wiiqaya ee curyaaminaya ay yihiin “hay’adaha bixiya adeegyada bulshada ee uu ujeedkoodu yahay in la ilaaliyo nolosha xubnaha dhibanayaasha ah ee takooran, iyaga oo u ogolaanaya in ay tarmaan oo ay ilaashadaan sinjigooda taagta daran caafimad ahaan”, bal ee aragtida laga qabo kooxahan liita dadnimo ahaan –sida uu Daarwin qabo- waxayba sharaf iyo maamuus ku yeelanayaan dooddii Haeckel ee ahayd: “Farqiga u dhexeeya xayawaanka ugu tadawurka sarreeya iyo aadanaha ugu tadawurka hooseeya waxa uu ka yaryahay farqiga u dhaxeeya aadanaha ugu tadawurka liita iyo kiisa ugu tadawurka sarreeya”, inkasta oo ay adagtahay in dooddan lagu qanciyo Daarwiini maanta jooga, haddana waa mid waligeed taagnaanaysa

Iyada oo la tixraacayo cilmi baaristii waynayd ee Weikart, in badan oo Daarwiiniyiita kamid ahi waxa ay xaqiijiyeen in mabda’a qaba in aan la sinnayn uu yahay xeer dabiici ah oo aan lga tallaabsan karin , iyada oo sinjiyada aan reer Yurubka ahayn laga dhigay in ay basharka uga khatar badanyihiin kuwa naafadada ah ee reer Yurub, ilaa ay ka dhigeen in ay yihiin dad aan si wacan tadawurku ugu dhicin –macnaha noolayaal liita oo aan dhamaystirneen Bayoolooji ahaan- oo aan waligoodna ilbaxayn, arrintan waxaa loo arkay in ay ogolaansho siisay Imbiriyaaliyadda iyo cunsuriyadda reer Yurub, taas oo ugu danbayntii hor-seedday in laba dhinac laga shaqeeyo si loo hagaajiyo sinjiga aadanaha, labadaas dhinac oo kala ah: Xulasho loo adeegsanayo Eugenia iyo in la cidhib tiro sinjiyadaha liita ee taagta daran

Aadanaha la doonayo
— — — — — — — — — — — —
“Korriinka aan caadiga ahayn, ayaa si dhakhso ah ugu badanaya dabaqadaha caqli ahaan liita ama dib-dhacay, taas oo sida aan ognahay dabar aan go’ayn ku noqonaysa korriimada dhammaan sinjiyadaha sare ee awoodda badan, waxa ay khatar Qawmiyadeed iyo mid sinjyadeedba ku abuuraysaa Yurub, waxaana aan anigu qabaa in lagama-maarmaan ay tahay in sanad gudihii lagu hor istaago laagta wabiga waalida biyeeynaysa, haddii kale Yurub oo dhammi waa ay waalan doontaa”.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska Winston Churchill, ayaa akhristayaashii xasuus-qorkiisii la baahiyay gugii 1992-kii kaga yaabsaday oraahdaas kore, si uu caqliyada dib ugu cesho xasuuso calan cunsuriyadeed oo duugoobay oo laga yiqyiqsoodo, kaas oo ay Naasiyiintii u adeegsatay xasuuqeedii sinjiga ahaa ee dagaalkii 2aad ee dunida, China ayaana siddeetameeyadii mar kale dib u cusboonaysiisay si ay dhalmada uga joojiso dadka caqli ahaan naafada ah inta aysan guursan ka hor, iyada oo ay jirto dhawaqyo hareerihiisa (Winston) ka bullaamaya, iyada oo ay kor u kaceen midigta xagjirka ah ee Yurub, si Yurub looga tirtiro sinji kasta oo aan reer Yurub ahayn.

Eugenics, ama cilmiga xakamaynta isirka dadka, waa mid kamida cilmiyada la koray karkarkii Daarwiiniyadda ee dhammaadkii qarnii 19aad, waxaa horumariyay aqoonyahanka biritishka ah ee Francis Galton, danta laga lahaa waxa ay ahayd in hababka iyo mafaahiimta xulashada lagu dabbaqo iinsaanka; si loo hagaajiyo tilmaamaha hidda-sidihiisa, oo loo yareeyo burburka hidda-sidayaasha basharka. Si kale haddii loo dhigo, waa fikrado la doonayay in lagu kabo sayniska si isirrada habboon –Bayoolooji ahaan- loo siiyo fursad ay si degdeg ah ugu tarmaan, markii loo barbar dhigo isirrada aanan habboonayn –bayoolooji ahaan-; si taranku uu u noqdo mid gooni u ah oo u xiran nooc gaar ah oo dadka ka mid ah.

Galton waxa uu u arkayay in “Tadawurka saxda ah ee basharku uu ka weecday dhabbihiisii dabiiciga ahaa, waxaana sababay khayr u-janjeeridda iyo iinsaaniyadda dadka hodonka ah ee kuwa aanan habboonayn ku booriya in ay tarmaan”, waana arrin uu u arkayay –fahamkiisa Daarwiiniga ah- in ay xumaynayso farsamada “xulashada dabiiciga ah, dabadeedna uu jinsiga basharka ahi noqday mid u baahan in uu helo xulasho gacan-ku-samays ah”, waana arrinta uu ku cabbiray oraahdiisii caanka baxday ee loo aqoonsaday in ay astaan u tahay cunsuriyadda ee ahayd: “Eeyda Afrika qaylada waa ay joojin lahaayeen, haddii ay hawadayadu neefsato”

Sida uu Weikart-ba sheegay, fahamka aragtida Maltuusiyadda ee uu Darwin Ku dhisay aragtidiisa wax uu markii hore mala-awaalay xaddi dhalasho oo aad u sarreeya, dabadeedna taranka xulashada ku salaysan ayaa xuddun u noqotay aragtidiisa, taasoo tusisay in mar kasta oo uu bato taranka sinjiyadaha la ammaano, lalana dagaalo kuwa liita ee naafada ah ama aanan Yurub kasoo jeedin, ay hagaagayso maslaxadda jinsiga ah basharka ah; xittaa in badan oo dhalleecayn iyo diidmo ah oo ay Daarwiiniyiintu u jeediyeen dagaalkii 2aad ee dunida, wax ay ka dhalatay markii ay arkeen in waaritaanka Sinjiyadaha reer Yurub uu khatar ku jiro, ee dagaalka uma aysan diiddaneen in laf ahaantiisa uu xunyahay, haddii dadka ku lee’damaya dagaalka ay Afrikaan ahaan lahaayeen, ama dadka naafada ahi ka qayb qaadan lahaayeen, uguma muuqdeen dagaalkaasi in uu mid xun yahay.

Aragtidaan maaddiga ah ee madoobaysay iinsaanka, waxa ay qayb ka qaadatay kacaanka anshaxa jinsiga ah ee ku batay Yurub, tadawurka ayaana noqday xeerkeeda cusub, taas macnaheedu waa “wax kasta oo bayooloojigu wanaajiyo waa wanaagsanyahay anshax ahaan, wax kasta oo uu xumeeyana waa uu xunyahay”, ama waaba sida uu Eduard David ka yidhi shirkii ay qabsadeen qolyaha hagaajiya sinjiyadaha oo ahayd: “dunida xiriirrada jinsiyeed, wax walbaa waa anshax, maadaama uu u adeegayo tadawurka tadriijiga ah noocyada (Species)”. Waa arrinta marka hore keentay in la diido in ay guursadaan dadka naafada ah, markii danbana keentay in la dhalmo joojiyo in badan oo naafada kamid ah xilligii Hitler si aysanba u dhalin guur la’aan. “guurku ma ahayn oo kaliya mas’alo fardi ah, ee waxa uu ahaa arrin muhiimad wayn u leh shaqada bayooloojiyadeed ee afraadda umadda ama sinjiga”.

Halaaggii Holokost
— — — — — — — — — —

Sidee inoogu suurta gali kartaa in aynu fariisinno miisaaniyadda dakhliga? Waxa aynu mar ku suurta galin karnaa innaga oo dhinna masaariifta inaga baxaysa, mar kalana waxa aynu ku suurtagalin karnaa innaga oo badinna ilaheena dhaqaale, labadaasoo la isku dhafayna waa aanu ku suurta galin karnaa. Si lamid ah balse qaab kale loo dhigay, waxa ay Daarwiiniyiinta qaar qabaan in haddii la doonayo in sida ugu dhaqsaha badan looga takhaluso “dadka aan dunida ku habboonayn Bayoolooji ahaan” aysan ku filnayn adeegsiga Yoojiiniyada, sidaa darteed xalka labaad ee kharash ahaanna aan badnayn waxa uu noqonayaa in si toos ah loo xasuuqo dabaqadaha liita ee dadka.

Zygmunt Bauman oo ka hadlaya aragtiyahan uu Hitler kaga dhabeeyay waxa uu yidhi: “Holokost ma ahayn mushkilad Yuhuudda ku dhacday oo kaliya, mana ahayn dhacdo taariikhda Yuhuudda ku qoran oo kaliya. Holokost waxa ay ka dhalatay kana dhacday bulshadeenna caqlaaniga ah ee reer galbeedka, waxa ay ka dhalatay figta sare ee ilbaxnimadeena iyo iinsaaniyadda dhaqankeena, sidaa darteed bay (Holokost) u noqtay hurgumo kamid ah hurgumooyinka bulshada iyo ilbaxnimada reer galbeedka”

Xasuuqii Holokost oo dadkii lagu xasuuqay ay Yuhuud u badnaayeen iyo xasuuqa dadka naafada ah lagu sameeyay, waxa ay ahaayeen natiijo ka dhalatay aragtida Tadawurka. “Daarwiiniyadda dawr muhiim ah ayaa ay ka ciyaartay dooddii ku saabsanayd karaamada, waynaynta iyo muqaddasnimada nolosha aadanaha; sababta oo ah waxa ay baddashay aragtida ay dad badani ka qabeen qiimaha nolosha aadnaha, iyada oo dhimashada door siinaysa”. Natiijada siyaasaddaas ka dhalatay waxa ay xeerisay in “ay cidhib tirmi doonaan kuwa taagta daran iyo kuwa u loollami waayay waaritaanka”

Taariikhyahanka Ingiriiska ah ee James Joll waxa uu buuggiisa “Europe Since 1870” ku doodayaa in “mid kamida sababihii dagaalkii 1aad ee dunida ay ahayd hoggaamiyayaashii Yurub ee xiligaa oo aaminsanaa aragtida Daarwiiniyadda” waxaana sii xoojinaya arrintaas hadalkii u-ololeeyaha nabadda ee William Jennings: “Daarwiiniyaddu waxa ay shidday dagaaladii ugu dhiigga badnaa ee dunida ka dhacay” waxa kale oo sii xoojinaya, hadalkii uu sida cad William Rasco uga hor jeediyay Jamciyadda Taariikhiga ee Maraykanka “American Historical Association”: “Jarmalku haddii uusan ku waalan lahayn aragtida qabta in cidda habboon ay waaritaanka iyo nolosha u xaq leedahay, maba gasheen dagaalka, ama ugu yaraan heerkaas daran kuma gaareen”

Mandiqaan ayaa xasuuq isirreedku ku helay qaab araggiisa, Weikart waxa uu Rudolph Kronar ka warinayaa hadalkiisii ahaa: “furaha horumarku waa in la xasuuqo sinjiyadaha hoose ee liita ee ku gudban dhabbaha ilbaxnimada iyo aqoonta horumarsan; sababtoo ah iyagu –sida uu qabo- waa kuwa aan awoodin caqli ahaan in ay dhisaan aqoon iyo ilbaxnimo sare. Intaa waxaa sii dheer, sida uu Weikart-ba ku darayo, waxa ay Daarwiiniyiin badani ku doodayaan in xasuuqa isirrada hoose dhiig badanba haku daatee ugu danbaynta uu aadanaha u horseedi doono horumar anshaxeed oo wayn.

Wekart wuxuu ku doodayaa in dhaqankan xasuuqa ahi uusan ku koobneyn oo keliya dadka reer Jarmal hab dhaqankoodii ku aadanaa in la baabi’iyo qoomiyadaha, balse uu saameyn ku lahaa meelo kale. Waxaa la sheegaa in Herbert George Wells uu sameeyay mowqif Daarwiini ah oo bulsheed (Anglo-Americans) markii uu lahaa: “falka ugu macquulsan ee ay tahay in lagula kaco sinjiyadaha hooseeyaa waa in la cidhib-tiro sinjiyadahaas” taasi waa xuquuqda cidda xoogga leh sida uu qabo Jiyooloojiistaha Daarwiiniga ah ee Christian Friedrich Rolle, anshaxna kuma salaysna.

Sidoo kale waxa uu Al Massiiri qabaa “in fikirka Sahyuuniga ah iyo kan Naasiga ahi ay isku mid yihiin, waa aragtidii Daarwiin oo la turjumay un, Sahyuuniyiintu Falastiin waxa ay ku weerareen magaca xuquuqda geed ka go’anka ah ee Yuhuudda taas oo wax-kama jiraan ka dhigaysa xuquuqda dadka kale, sidoo kale waxa ay Falastiin galeen iyaga oo matalaya Ilbaxnimada reer galbeedka oo sida afkaartii ninka cad, iyaga oo military ahaanna wata quwad ilaalinaysa waaritaankooda; sidaa darteed, wixii ay ka geysteen Falastiin ee gabood fallo xasuuq ahaa “arrimo sharci ah bale e waajib ah in la sameeyo bay ku noqonayaan aragtida Daarwiiniga ah ee Calmaaniga ah”. Bal ee Mufakirka Israa’iiliga ah ee Eyal Weizman waxa uu sheegay in waxyaabaha ay dawladda sahyuuniyaddu samaynayso ee ah kala geynta cunsuriga ah ee dadkeeda iyo dadka Falastiiniyiinta ah ay yihiin in ay aaminsanyihiin in carabta Falastiin ay yihiin dad duwan oo liita oo aan ku habboonayn in ay noolaadaan, dabcan taasina waxa ay khilaafaysaa aragtida Talmuudku ka qabo cidda aan Yuhuudda ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu Weikart leeyahay, waxaa suurtagal ah in Daarwiiniyadda oo kali ahi aysan dhalin halaaggii Holokost, ama xasuuqyadii kale ee la midka ahaa iyo cunsuriyadihii ka dhanka ahaa isirrada iyo sinjiyadaha qaarkood, sidaa darteed khasab ma aha in Daarwiini kastaa uu cunsuri noqdo, laakiin dooddu wax ay ka taagantahay aragtida laftigeeda, Daarwiiniyad la’aanteed, gaar ahaan farcyadeeda kala ah Daarwiiniyadda Bulsheed iyo soo jeedinta in mustqabalka la hagaajo Isirrada, Hitler iyo qayrkii toona ma heleen “xeerar cilmiyeesan, si ay naftooda ugu qanciyaan in mid kamid ah foolxumooyinkii ugu xumaa ee dunida ka dhacay ay ahayd mid la mahadiyo anshax ahaan”; sababta taasi waa in Daarwiinyadda ama ugu yaraan qayb kamid ah fasirkeeda ay ku guulaysatay in ay miisaankii anshaxa madaxiisa majo u rogto.

W/Q: Saamix Cawda

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *